Talada aan maanta ku siinaayo Akhristow, ha u tartamin kuwa kaa xoogga badan, oo aadan aqoon xaddiga xooggooda, illaahay ha u naxariisto qof sifiican u yaqaan qaddarka iyo qiimaha naftiisa kadibne meel wanaagsan ku hagay, waligaa ha dhex gelin khilaafaadka kuwa kaa awoodda badan, maxaa yeelay marka ugu dambeysa waxaad noqon doontaa kan lumay oo lalagday, maskaxdaada marwalba soo toosi.

Si aadan ugu dhicin Waxa ku dhacay dameerka doqonka ahaa, markuu u maleeyey inuu ka xoog badan yahay libaaxa boqorka hawdka, wuxuuna go’aansaday inuu la tartamo.

Maanta waxaan kuugu soo bandhigayaa maqaalkaan sheekada dameer nacas ah iyo libaax xeelad badan. Mar waxaa jirtay meel duurka fog ah, oo ku dhex yaaleen geedo dhaadheer iyo ubax qurux badan, oo laga qariyey indhaha dadka.

Waxaa jiray Libaax xoog badan oo geesinimo leh, oo isaguna ahaa boqorka hawdka ka talinaaye. Si aad ah ayuu u gaa jeysnaay Libaaxu, wuxuuna u gudbay aagga Dameeraha, waxaana ku sugnaa aaggaas goox Dameero ah oo ku wada nool jacayl, nabad, raynrayn iyo nolol farxad leh.

Libaaxa boqorka ah ayaa bilaabay inuu weeraro togga weyn ee Dameerahu ku noolaayeen , Libaaxi marki uu soo aaday xagga Dameeraha, waxaa hal mar cararay dameerihii oo dhan marka laga reebo hal Dameer oo aan baxsanin isla markaana aan waxba jixin-jixin oo meeshiisii ​​istaagay. Libaaxii wuxuu la yaabay Dameerkaan geesiga ah ee aan ka cabsanin, isku dayinne in uu baxsado sidii ay u baqeen Dameerihii kale marki uu Libaaxu Keeyn tooda soo galay.

Libaaxii ayaa eegay Dameerka,balse Dameerku wuxuu u maleeyay in uu baqayo libaaxu, lugta ayuuna u soo taagay si jeesjees ahne wuu ufiiriyay, Dameerki ayaa bilaabay in uu Libaaxa eryado “bursado” , Dameerku magaran waxa uu Libaaxu u orday, mana oga waxa uu damac sanyahay, nasiib darro! noloshiisane mabad baadin sidii ay saaxiibadii sameeyeen.

(Eryin dheer oo Dameerku Libaaxa eryaday kadib asigoo ku jees jeesaaya inti uu wadada ku er yanaaaye, hal mar ayaa Dameerkii wuxuu galay Keeyn ay libaaxyo baxan kabuuxaan, dhinac walibane ay cabsidu ka soo gashay, wuxuuna gar waaqsaday in uu dabin ku jiro noloshiisine ay halkaaan ku ek tahay, balse geesinimadiisi ayuu sii watay.

Dameerki ayaa yiri “maxuu iigu soo bixi la’yahay libaaxa doqonka ah ee sida digaagadda camal iiga soo cararey, miyuuna ii soo baxeyn? misa wuu iga baqay!”.
 
Libaaxi ayaa cod dheer ku qoslay wuxuuna kasoo baxay libaaxyadi uu kujiray, wuxuuna yiri “cadaw tinimo ayaa inaga dhaxeysa aniga iyo asxaabtayda, mana doonaayo in aan tusiyo casho diyaarsan oo iskeed u timid, waayo maanta miiska ayaa saaran tahay oo halkaan ayey ku ek tahay noloshaadu”.
 

Dulucda sheekada

 Nolosha waxaad arkee dad awooddooda is biday, balse Xeelad yaridoodda marki ay dad ay isku heer ehyen isku taagtaagaan ay ogaanayaan tabartooda waxeytahay. Qofku waa inuu bartaa inuu doorto dagaallada uu lakulmaayo si uu san gunaanadka loolagdin.

Facebook Comments