Ma jirto cid doonayso in gabi ahaanba ka jaahil noqoto waxyaabaha ka dhacaayo dunida. Laakiin xittaa haddii aadan cudurka qabin, cudurka faafa ee COVID-19 wuxuu saameyn xun oo nafsi ah ku yeelan karaa awoodda deganaanshaha iyo hal-abuurka shaqadaada.

Corona waa caabuq fayras oo ka faa’idaysto difaac yarida jirka bini’aadanka sida hargabka oo kale, fadlan ku dadaal waxyaabaha difaaca sare u qaado sida Liinta nuucyadeeda kala duwan, toonta, sanjabiilka, filfisha, basbaaska, huruuda, maraqa, malabka iyo xabad-sowdada.

Sababta? Dhamaan cusboonaysiinta wararka noocan ah, digniinaha, iyo ogeysiiska naxdinta leh ee caafimaadku waxay ka faa’iidaysteen seddex astaamood oo aasaasi ah oo maskaxda bini-aadamka ah, taasoo naga dhigtay inaan kala firdhino, mashquulinno, iyo, waliba si aad oo murugaysan. Waxaana kamid ah qodobadaan soo socda:

Midka hore waa “maskax wareersanaanta,” u jeedkeena ah inaan ku weyno fikradaha ku saabsan wixii tagay ama mustaqbalka. Haddii aad daawato barnaamijyada warbaahinta ee ku saabsan koronavirus-ku waa sida maskaxda oo ka warwareegta istirootinnada. Waxaa ka buuxa nooc kasta oo dhacdooyinka qiyaamaha mustaqbalka loogu talagalay in ay naga indhatiraan wixii aan dhab ahaan ka dhicin, halkan, xilligan xaadirka ah.

Midda labaad waa waxa neerfayaasha cilminafsiyeedku ay ugu yeeraan “dayacaada eexda” maskaxda. Tani waa u jeedkeenna isbedel doonka ah ee lagu xallinayo khataraha ka imaan kara jiritaankeenna. Waa xoogga, qoto dheer ee dib udhaca maskaxdaada, taas oo abuureysa dhamaan tusaalayaasha naxdinta leh ee mustaqbal halkaas oo wax kasta oo khaldami kara ay qaldamaan.

Midda saddexaad waa waxa aqoonyahannada dhaqanku ay ugu yeeraan “kacdoon shaki la’aan.” Waxaan u jiheysan nahay waxyaabo aan og nahay oo aan fahamno. Waana sababtaas, markii aan wajahayno hubanti la’aanta xag-jir ee fayras faafa iyo suuqyada oo hoos u dhaca, waxaan dareemaynaa raaxo-darro aad u daran. Isku dar saddexda astaamood ee maskaxda bini’aadamka iyo wararka ku saabsan suuqyada oo xumaanaya iyo faafitaanka koronavirus, waxaana laga yaabaa inaad heysato qaaciddada saxda ah ee burburka wax soo saarka iyo hal-abuurka.

Cudurkaan ayaa ah cudur si fudud ku faafa sida uu sheegay tiktoor Cabdullaahi Mahdi “korona fayras waa jeermis il-ma-aragto ah oo ay dhib badan tahay in la iska ilaaliyo, siyaabo kala duwanne kugu soo gaari karaa weliba adigoo digtoon sida taabashada lacagta, furidda iyo xeridda albaabada, taabashada alaabta xilliga dukaameysiga, gawaarida la isla raaco, xarumaha waxbarashada iyo siyaabo kaloo badan oo aadan iskaga ilaalin karin, sidoo kale bahda caafimaadka way adag tahay inay is ilaaliyaan.”

Tiktoorka ayaa soo jeediyay tallooyin wax ku ool ah si bulshada ay ugu faa’idaystaan, sidaas awgeed talooyinkaan uu dhaqtarka soo jeediyay waa muhiim, waxaana kamid ah:

  1. Cabsida xad dhaafka ah iska yareey oo Alle tala saaro.
  2. Haddii aad xanuunsatid, adiga uun ka ilaali qufacaaga, taabashadaada iyo hindhisadaada dadka kula nool.
  3. Haddii aad isku aragtid astaamaha xanuunka, ku dadaal inaad u la tacaashid sidaad hargabka u la tacaali jirtay.
  4. Haddii aad qufac xaako leh aad yeelatidne waa muhiim inaad Antibiotic qaadatid si aad uga hortagtid in caabuq bakteeriyo “Secondary bacterial infection” kugu dhaco isagoo ka faa’idaysanayso difaac yarida jirkaaga.
  5. Ka fogow isticmaalka daawooyinka difaaca yareeyo ee loo yaqaano “Steroids-ka” oo badanaa soomaalidu u taqaano daawooyinka “Naqaska”.
  6. Ha rumaysan wararka TV-yada iyo war-laliyaasha oo ay ka mid tahay inuusan xanuunka weli soo gaarin meesha aad ku nooshahay iyadoo laga yaabo inuu hargab ahaan mar hore kuu soo maray ama difaacaagu iska caabiyay.
  7. Qasab maahan in aad xanuunsatid hadduu jeermiska ku soo gaaro, qasabne maahan inaad isbitaal u baahatid in lagu dhigo ama oksajiin lagugu xiro.
  8. Cabsida iyo welwelka badan waxay hoos u dhigaan difaac yarida jirka, wuxuuna qofka u nuglaadaa xanuun walba ee isdaji wixii kuu qoran ku dhaafi maayaan, Corona-ne kuma dili doono insha’llah ee yaysan cabsida ku dilin!.

Waxaan jeclahay inaan kusoo gunaannado, waxwalbo oo dunida ka dhacaayo waa sababo bani’aadamka leeyahay. Ha noqoto nadaafad-daro, dhaqan-xumo iwm. Bani’aadamka ayaa dhaqan ahaan u sameysan kuwa nafta aad u jecel oo koolkooliya. Marka welwelka jooji dedaalka xooji oo ku dedaal nadaafada iyo taxadirka iskana yarey warbaahinta faraha badan.

Facebook Comments