Wuu socday qalinkii xaqqa kudifaacayay qeylo la’aanta, wuu aamusay carrabkii usoo baxay faafinta xaqiiqada dadyowga, wuu tagay garaadkii miisaannaa ee fekerka islaamiga ah ugu hiiliyay caddaymaha iyo xujjada, maanta innala ma joogo Diktoorkii Maxammad Cammaara AHUN.

Qoraalkaan quruxda badan waxaa markii hore qoray Sheekh Cabdiraxmaan Bashiir, waxaa afkeena hooyo u turjubaanay qoraa Mustafe Cabdullaahi Feynuus.

Ninkaas kasoo laabtay fekerkii shuuciyadda ee Karl Marx kaddib kolkii uu qaatay, kaddibna xanbaaray farriinta islaamka markii uu ku qancay diintan weyn, waxa uu ahaa indheergaradka Masaarida iyo dunida kale ee Carbeed iyo kaswaannada dunida islaamka.

Waxa uu ahaa nin aad u aqoon badan shaki la’aan, caqli badan, aragti bisil, waxaa intaa usii raacday, innuu ahaa nin mawqif leh, waxa uu isku darsaday sida uu leeyahay Diktoor Shanqiidi -Alle ha ilaaliyee, Aqoon diineed iyo mawqif adayg diimeed, waana tan waxa uu kaga sooccan yahay dhiggiisa, waxa uu ahaa sidii sheekhiisii Qaasaali, mid xaqqa badka soo dhiga marka kuwayowga kale afka-xidhaan, wuxu ku guuleystey inuu haldoorka ku qanciyo inaan islaamku beddelkiisa helaynnin.

Wuxu akhriyey dhammaan madarisadaha fekerka reer galbeedka, ilaa guntiisana wuu quusey, waxa uuna la falanqeeyey fekeraayada galbeedka si’ aqqoon iyo asluub leh, waxa uu ku oogey dabadhawga fekerada galbeediga ee dunida islaamka xujjo iyo daliillo, dhinaca kale waxa uu akhriyey dhammaan madarisadaha fekerka islaamiga, waxa uuna la doodey dhammaan dhinacyada kale duwan, kuwii hore iyo kuwii danbe, si aqoon iyo asluub ku dheehan tahay, waxa uu ahaa caqlaani ilaa la yidhi,

“waxa uu sitaa fekerkii muctazilada”,

balse ma ahayn caqlaani mugdi gudaya, waxa uu iclaamiyay in fekerka islaamiga ahi aanay is diidi karin caqliga, waxa uuna adeegsaday manhajka caqliga si uu u qiro una sugo caqiidada, iska-hor-imaad kama dhex dhici karo diinteedda iyo caqliga saxda ah, qofka Alle-wayne rumeeyeynna waa caqlaani. Kitaabkiisa (Macaalim Almanhj Islaami) wuxu kusoo koobey fekerradiisa uu ka qabo fekerka islaamiga a h, waxa uu dhex dhigey kitaabkiisa astaa maha fekerka islaamiga ah, hordhaca na waxa uu kaga warramay wax ka mid ah,

dhibaatada fekerka islaamiga haysata xilligan, waana in dhibku ummada ka heysto dhinaca fekerka, ee maaha dhinaca diinta, diintu asal ahaan wey ilaashan tahay, ee mushaakilku waa fahankii diinta, iyo joojinta ijtihaadka, lagana saaro umadda ijtihaadka galbeedka, sidaas baana umaddu ugu baahatay in loo cusboonaysiiyo fahanka diinta awoodahooda keydsan iyo kaga shaqaysiinta himilooyinka,


Waa kumaa Karl Marx?
Karal Markis (Dhalashada: 5ta Maayo 1818, Dhimashada: 1883) Wuxuu u dhashay waddanka Jarmalka, waxa uu ahaana faylasuuf, beecmushtar, faylasuuf siyaasadeed, cilmi bulshada yaqaan, saxafi, iyo kacaan kiciyaha bulshada. Wuxuu ku dhashay magaaladda Tareer wuxuuna ka dhashay reer dhaqan. Kadibna wuxuu bartay siyaasadda maaliyadda iyo falsafadda. Isagoo da’ dhexe ah sharci la’aan ayaa ku dhacday Markis kadibna uu daganaa magaaladda London ee Ingiriiska meeshaas uu kula kulmay faylasuuf Jarmal ah oo loo yaqaan Friedrich Engals uuna fakarkiisana uu ku balaarinayay. Faylasuufka Friedrich oo qoray oona daabacy dhawr buug, midka aad loogu yaqaan uu yahay “1848 pamphlet The Communist Manifesto”.

Kaddib wuxu si faahfaahsan ugu warramay bilowgii nolosha, jidka lagu jiro iyo halka loo hayyaa mayo (Alle-wayne, aadanaha iyo dunida), qeybtan waxa uu Diktoo rku kaga hadlay kelinnimada boqorka, Alle-wayne -SoK waa keligii, cidna lama wadaagto sida uu yahay iyo astaamihiisa toona, sida oo kale maamulkiisa, waa keligii aan bilow iyo bar-dhammaad toona lahayn, waxa uu qeybtan intii uu ku jirey kaga sii hadlay dunidan ay maamulaan xeerarka iyo sababuhu, sababuhu cidna uma eexato, waxay ku socotaa aqoonta Alle-wayne iyo doonistiisa, waxa uu sii raaciyay intaas, kaalinta aadanaha la dhaxalsiiyay dunidan, waxaas oo dhanna wax uu mar u dhigayaa si aqooni ku dheehan tahay oo fudud, markalena waxa uu ku adkaynayaa caddaymo iyo xujjooyin.

Badhtamaha kitaabkiisa waxa uu diktoorku kaga hadlayaa astaamaha manhajka islaamiga ah, kuwa ugi cadcad dhexdhexaadnimada fekerka islaamiga ah ee u dhexeeya caqliga iyo naqliga, ruuxda iyo maadada, xorriyadda iyo sandullaynta, naska iyo ijtihaadka, diinta iyo dawladda iyo ninka iyo gabadha; halka uu sida oo kale ku qaadaa dhigey wada-tashiga iyo shareecada islaamiga ah, waxa uu caddeeyey in wada-tashigu faral yahay ee aanu sunne ahayn, waxa uuna diidey in wax xidhiidh ahi ka dhexeeyo fekerka islaamiga ah iyo keli-taliska, waxa uu kitaabkiisa ku faaqidey mas’alo aad iyo aad muhiim u ah waana wadaniyadda iyo midnimada islaamka, waxa uu raddiyay kuwa is diidsiinaya abtirsiimooyinka abuurka ah.. Isma burinayaan, waaba ay is dhammaystirayaan.

Maxaa ka qurux badan marka uu diktoorku falanqeeyey mas’alada fanka, ee uu kaga sheekaynayo quruxda nololeed ee waxyiga ku jirta, quruxda daliillada Simaaca ah ee waxyiga ku jira, quruxda sawirada ee iyana ku jira waxyiga; waxa uu lafa-gurey hadalladii fiqi-ruugga ee mas’aladan ka hadlay, kuwii hore iyo danbeba.

Waxa lagu tiriyaa fekeraaga islaamiga ah Diktoor Maxammad Cammaara AHUN, caqliyadii ugu waaweynaa labadii qarni ee labaatanaad iyo kow iyo labaatanaad, sida oo kale ardadii ugu maskaxda badnayd ee dhaxasha fekerka islaamiga ah waaga cusub, qalimmadii ugu muhiimsanaa ee ilaaliyay sugnaanshaha umadda si aan cabsi lahayn, waxa uu ahaaday mid ku taagan ballantii ilaa uu ka dunidan ka galbaday, intaas waxa u dheeraa, waxa uu ka mid ahaa kuwayowga u shaqeeya diinta Alle-wayne, ee weliba danaha diinta ka hormariya kuwooda, waxa uu lahaa abtirsiimo qudh ah, oo ahayd inuu ahaado muslim dhexdhexaadah, daaci furfuran, qalinle qoraalkiisu burqanayo, caqli ifaya iyo murti aan istaagin.

Diktoor Maxammad Cammaara -AHUN, umadda ayaa iska lahayd iyada ayaa uuna u hadhay, waxa uuna dhintey isaga oo difaacaya diinteeda iyo sugnaanshaheeda, waxa uu ku jihaatamay qalinkiisa iyo carrabkiisa, waxa uuna gartay in dhibtan ay u baahan tahay rag lagaga baxo, waxa uu ahaa nin-rageed, waxa uu socday isaga oo aan dhigin hubkiisii sidii ay sameeyeen in badan oo aqoonyahannadii ka mid ah, Alle-wayne haw naxariisto Diktoor Maxammad Cammaara, cid halkiisii buuxisa oo beddesha na Alle-wayne haku arsaaqo.


 

Facebook Comments