Marar badan waxa aan maqalnaa faa’iidada wax aqriska iyo sida xoogga leh ee uu uga qeyb qaato hormarka nolosha Aadanaha. Qaarkeen ayaga oo aan waxba aqrin ayay ogyihiin muhiimadda aqriska, balse waxaa jiro kuwa kale oo naga mid ah oo aaminsan in eysan ayagu wax aqris ubbaahnayn! Haddaba sidee?

Saafi oo labo sano ka hor dhammeysay Jaamacadda ayaa soosaartay buugeedii ugu horreeyay, aad ayaa loogu duceeyay loona bogaadiyay, waxaa isqabsaday hanbaliyo iyo bogaadin wada socda, dadku waxa ey jecleysteen sida qiirada leh oo dal jacaylka leh oo ey ujeedisay hadalkeedii manta.

Saafi waxaa kabadatay farxadda mana eysan filayn in sidaan loogu farxayo buugga ey qortay, Waxa eyna kutallantay haddii aan ogaan lahaa in sidaan la’iigu farxayo mar hore ayaan qori lahaa buuggan.

Balse 6bilood kaddib oo aan Saafi kulannay waxa aan waayay dhaqankii iyo asluubkii wanaagsanaa ee aan ku aqiin!!

Waxa ey fududeysatay xirashada Xijaabka oo markii hore ey aad ugu dhaganayd, waxa eyna bilaawday xirashada qammaarka oo kali ah, intaas oo kali ah maahee Saafi waxa aan kadareemayay soodhaweyn la’aan iyo iyada oo u muuqato in ey salaameyso qof aanan muhiim u ahayn.

Saafi waxa ey ahayd qof waxbarashada jecel oo waqti iyo juhdiba kubixisa laakiin hadda waxa ey billaawday shaqo sidookalena waxa ey dareemeysaa in ey tahay qof bulshada dhaxdeeda sumcad kuleh, waxa eyba u muuqataa hadda in eytahay qof aan ubbaahnayn wax aqris danbe ama hal-abuur danbe?

Balse waxa ey illowday in ey dad indho u tahay, in bulshada ey kadhigteen tusaale in dad badan ey kutaamayaan sidi ey mar uun unoqan lahaayeen sideedookale.

Saafi Yey Ku Dayatay?

Marki aad ku nooshahay gudaha dalkeenna Hooyo waxa aad garaneysaa habdhaqanka bulshada iyo tayadooda dadnimo in ey ka dhuuxaan baraha bulshada, meelahaas oo ah ilaha lagu soogudbiyo muuqaallo aan loo meeldayin saameynta ey yeelan karaan.

Qof waliba waxa uu ku dhaqmo waa wax uu jecelyahay hasa ahaatee waxa aan jeclaaneyno ma’iska hubinnay in ey noo wanaag sanyihiin iyo inkale, waxa aa ku dhaqmeyno mawaafaqsanyihiin diinteenna iyo dhaqankeennaba, waa muhiim in aan wax ogaanno.

Halkee Ayaan Wax Ka Ogaan Karnaa?

Ujeedka qormadeydan kooban waa intan soosocota, haka dhigan baraha bulshada tusaale iyo tub hagaagsan oo aad ku dabaqdo noloshaada, nolosha waxa ey ubbaahantahay xaqiiqo sababtoo ah qof xaqiiqi ah ayaad noqaneysaa haddii aad si xaqiiq ah udhisto noloshaada.

Waxa la’isku raacay ee aan ku dhisi karno nolosheenna waa “Cilmiga”, waxaana lagu helaa in la’aqriyo oo labaaro oo labarto.

Mahadsanidiin

Facebook Comments