Wadnaha waa xubin muruq ah kasoo ku yaallo qaarka sare ee jirka gaar ahaan saableyda hoostada,waxa uuna daris layahay lafaha horaadada, waxa ku jirka dhammaan u qeybiyaa dhiigg asaga oo u  marsiinaayo Halbowlayaal, Xidido iyo Tiftaafyo.

Mararka qaar Wadnaha waxaa ku dhaca cuduro badan waxaana loo qeybiyaa cuduradaas labbo qeybood oo kale ah: Cudur uu qofka ku dhasho (Conginital) iyo Cudur qofkii asaga oo weyn ku dhaco(Acquired).

Cudurada Wadnaha Ee Uu Qofka Ku Dhasho Waxaa Kamid Ah:

Qolalka wadnaha ee uu kasoo baxo dhiigga,qol kamid ah oo guud ahaan ama qayb kamid ah ay xiranto (Obstruction Defect).

Qofka oo dhasho asaga oo qeyb kamid ah wadnihiisa ay daloosho (Septal Defect).

Wadnaha oo ku adkaato in uu jirka gaarsiin waayo oksijiin ku filan ( Cynotic Heart Disease.

Cudurada Wadnaha Ee Qofka Oo Weyn Ku Dhaca Waxaa Kamid:

Qalqal ku imaado wadna gaaraca sida in uu wadna gaaraco bato ama uu yaraado.

Cudurada ku dhaca xidida wadnaha ama dhaawaca soo gaaro xidida marka jirka dux badan  ay soo gasho.

Wadnaha oo qeyb kamid ay xirto hawo ama xinjir.

Wadnaha awoodi waayo in dhiigga tuuro sabab la xariiro dhaawac u gaarsiyey sara u kaca caadadiska dhiigga.

Xidida wadnaha oo qeyb kamid ah adkaado.

Infekshannada ku dhaca wadnaha kaaso oo saameeya shaqada wadnaha.

Cudurada ku dhaca wadnaha oo sababo muruqaha wadnaha in ay weynaadaan.

Calaamadaha Lagu Garto  Cudurada Wadnaha Ku Dhaca Waxaa Kamid Ah:

  • Xabad xanuun.
  • Daal aad u badan
  • Neefsiga oo qofka u adkaado,
  • Jirka qof oo noqdo baluug.
  • Wadna gaarca oo bato ama yaraado.
  • wareer
  • qufac
  • Nabro jirka kasoo baxo.
  • Qarqaryo
  • Matag iyo lalabo.
  • Qofka istaaga ka dhaca.
  • Qoorta oo qofka xanuunta.

Maxaa Sababo Cudurada Ku Dhaco Wadanaha?

  • Dhiigg-karka.
  • Sigaarka.
  • Cayilka xad dhaafka.
  • Cudurka macaanka.
  • Qofka in uu dhaxal ahaan ugu dhaco.
  • Jimcisa la’aanta.

Sidee  Looga Hortaggaa Cudurada Ku Dhaca Wadnaha?

  • Cunida cunno dheelitiran.
  • Jimicsi joogta in aan sameynno.
  • Miisaankeenna in aan ka dhigno inta u dhaxaysa 60kg-80kg.
  • In aan ka fagoono isticmaalka maan dooriyaha.
  • In aan yareyno cunista badan ee duxda.
Facebook Comments