Samanadaan danbe waxaa sii dhumaya milgihii ay lahayd xulashada lamaanaha, wuxuu isugu sii dhuranayaa mid ku kooban waan ku arkay waankaa helay. Guurkii Soomaalidii hore wuxuu ahaa mid amin dheer qaata dhisidiisu, xulashada gayaankuna wuxuu lahaa halbeeg lagu miisaamo oo dhinacyo badan, ma ahayn mid ku kooban waji iftiimaya iyo muuqaal se’ waxaa laga beegaal qaadan jiray garashada, garaadka, dulqaadka, xurmada, quruxda, diinta, qoyska ay ka soo jeeddo gabadha aad la wadaageysid haasaawaha.

Gabaygii abwaan aw yuusuf waxaa ka mid ahaa,

“Guduud looma raacoo haween, gabalba waa cayne Bidhaan gebi ka laalaadda waa, lagu gulaalmaaye”.

Rag iyo dumar ba xulashada gayaan kooda waxaa qurux badan in uusan noqon mid maran ama mid lagu qiimeeyo qolof sare ee qofka, haddii dookhaagu saas noqdana noloshaba in aad dhib iyo rafaad ku dhamaysato baa suurtowda. Xulashada gayaanku ma ahayd mid fudud, wuxuu ahaa mid loomaro dadaal dheer si looga jibo keeno qofka la doonayo.

Nolosha miyigu waxay ahayd mid ku dhisan ad-adayg, lamaanaha aad xulanaysid haddii uu san ahayn shaqsi kula samata-bixin kara reerka xiliyada waqtigu adag yahay, nolol rafaad ah baa laga yaabaa in aad cagaha lagashid. Maahmaahdii sadexleyda ahayd waa tii oranaysay

“Nin kaa naag fiican waligaa ma gaartid”.

Haddii aad lamaanaha ku soo xulatay waji dhalaal, waxaa biyo ka ma dhibcaana in aad runta dhadhamin doonto. Xulashada gayaanku ma ahayn mid ku kooban hal dhinac inkasta oo uu u badnaa, dumarka qaar ayaa tijaabin marin jiray ragga usoo ardaa gala, waxay weyddiin jireen su’aalo xikmadeysan oo uu furfuri karo qof garasho iyo caqli mugleh u saaxiib ah. Wiilasha guur doonka ah, waxay dhul badan u mari jireen si ay u helaan gashaantidii ay nolosha la qaybsan lahaayeen, markey la kulmaan gabadh inan ah, mar hore waxay ka kor laaban jireen garashadeeda.

Inta lagu guda jiro haasaawaha talantaaliga ah, waxaan meesha aan ka maqnaan jirin xujooyin labada dhinacba ka imaanaya, markuu iska hubiyo gaashaantidii caqligeeda, waayo aragnimadeeda, hab-maamuuskeeda iyo quruxdeeda, ka dib wuxuu ka kor laaban jiray qoyskeeda, in uu yahay qoys sharaf leh, dhaqaale leh, magacna beesha ku dhexleh. Inkastoo ahmiyaddu tahay xulashada gayaanka haddana meesha ka ma maqnaan jirin iska dhugadka qoyska inanta, xigmadii Soomaaliyeed waa tay ahayd “geel iyo gabar ba waa la hidda raacaa”, waxaa kale oo Soomaalidu dhahdaa,

“Wiilkaagu maalinta uu hiilkaaga ugu baahi badan yahay waa maalinta aad hooyadii dooranaysid”.

Waxaa kale oo la aamminsanaa reerkii wiilal badan leh, gabadhooduna wiilal badan bay dhali doontaa, inkasta oo ay ahayd sheeko aan sal lahayn haddana waxay ahayd qodob ka mid qodabada gayaanka lagu xulan jiray.

Tiir-dhaxaadka qoyska la unkayo waa gaashaantidaa loo soo galbinayo, haddii ay noqoto haweenay furin ku aad ah, reerkaas wuxuu yeelanayaa sal adag oo suurta galiya nagaasho mustaqbal. Sida la ogyahay hadda waxaa aad u sii kordhaya xaddiga furniinka, taasna waxaa abuuraya guurka dhallanteedka iyo fudaydka lagu dhisayo. Waayadii hore guurku ma fududayn, xulashada gayaankuna waxay qaadan jirtay sanado, guurka waxaa ku bixi jiray maal badan, sidaas darteed hubsiimo iyo feejignaan dheer buu lahaa barbaarka guurdoonka ah iyo gashaantiduba. Markii uu barbaarku ka soo dul laabto inanta qoyskeeda oo iska soo hubiyo, wuxuu la tashan jiray odayaasha ruug caddaaga ah, wuxuu uga warrami jiray sida uu wax u rabo iyo inanta uu jeclaystay in uu guursado, odeyguna wuxuu barbaarka siin jiray talooyin iyo waayo aragnimo ku saabsan guurka.

Latashiga iyo la showridda wax garadka iyo duqowda beesha waxay ahayd la ma huraan, shaqsigii hareer marana waxaa la aamminsanaa in uu ku hungoobi doona guurkaas; gabyaa Cabdi Gahayr isagoo ka maansoonaya ahmiyadda latashiga wuxuu yiri, 

“Kolka hore ba, guur waa milgiyo maarsi ka la waaye
Ragga qaar se u ma meel dayee wayska mehershaaye
Anse waxaan ka miidhaa halkaan laga masuugayn e
Haddaan la la mashaawirin tolkaa adiga oo maan leh
Oo laga ma maarmee tashiga odayo loo miirin
Ninkii kaligi maalootiyaa meel xun wow halis”.

Abwaan Maxamed Fadhin isaga oo ka hadlaya tashiga guurka, wuxuu gabay ku muujinayaa saddex qolo oo ay tahay in aad tashiga la wadaagdid, waana ninka kaa gu’ wayn, nin kaa hor guursadey iyo ninka hortaa geedka tagay, wuxuuna yiri:

“Haddii aad go’aan qaadatoo guurba aad damacdo
Inta aadan galinbaa gudboon in aad gorfeysaaye
Ood gunteeda baartaa waxaad damacday geeloowe
Ninkii kaa gu’ weyn iyo ninkii garasha kaa dheer leh
Iyo geedka kii tagi jiriyo goobihii kulanka
Iyo kii hortaa guursadaa qeyb la galiyaaye
Oo go’aanka aad damacsantahay lala gorfeeyaaye”

Doorashada gayaanka iyo xulashadiisu waa lagu ka la duwanadaa inkasta oo ay jiraan qodobbo laga simman yahay sida qof dhaqan wanaagsan, dabeecad wanaagsan, qurux badan, nadaafadna leh, dhago-nugul, marti-soorleh, dulqaad leh, karti leh iyo lexlejeclo.

Dhaqan Wanaagsan

Oorida dhaqanka wanaagsan waxay abuureysaa xushmad qoys, macaamil daris wanaag iyo dad la dhaqan habboon. Sidaan kor ku soo xuseyba, la ma huraanka qoysku waa haween, haddii oorida guriga joogta aysan lahayn dhaqan wanaagsan, qoyskaas wuu ka tilmaanayaa beesha. Odey iyo ooriba dhaqan wanaagsan waa u la ma huraan, diintu aad baa ay u boorisaa dad ladhaqanka wanaagsan.

Dabeecadda Wanaagsan

Inkastoo sifooyinkaan ay yihiin kuwo Alle qaybiyo, qofkastana uu heer joogo, haddana dabeecadda wanaagsan waa u la ma huraan dunidaan qaxarka, dhibta iyo rayshada isdaba socoto, siiba miyiga noloshiisu aysan ka dhammaan rafaadka iyo daalku. Barbaarka iyo gashaantida unkaya reerka cusub waa u la ma huraan in ay leeyihiin dulqaad.

Qurux Badnaan

Quruxda qofku ma ahan caddaan, culumada lafa-gurta oo qaadaa dhigta quruxda, waxay ku sheegaan soddon iyo labo sifo, wey yar tahay gabar koobta sifooyinkaas, sidoo kale ragguna midda ba sifooyin gaar ah buu jecel yahay. Sifooyinkaas wax midab ah ku ma jiraan hase ahaataa gabadhaha ugu midabka qurxoonaa waa kuwa u eg mas-ciideedka ama maariin dhalaal xiga.

Nadaafad leh

Nadaafaddu waxay haldoor u ahayd xulashada gashaantida, meelaha laga hubiyo gashaantida waxaa ka mid ahaa nadaafadda, sikasta oo gabadhu u qurux badan tahay, haddii aysan nadaafad lahayn wax ka soo qaad malahayn, maxaa yeelay gabadha la soo guuriyo iyadaa gacanka ku dhigeysa guriga, carruurtii, cunadii iyo howlihii kale gurigaba iyadey sugayaan, haddeysan nadaafad lahayn, guriguba noqon mayo deegaan lagu hoyan karo. Abwaan saahid Qammaan isagoo ahmiyadda nadaafadda ka hadlaya wuxuu yiri

“Afka iyo ilkaha rumayga mari oo indhaha kuulo
Arwaaxaaga oogada biyaha, abid ha moogaannin
Uskag naag leh waan neceb nehee yuusan kugu oollin.”

Gabaygii abwaan Aw Yuusuf ee guur aan ka la’aado waxaa ku jirtay tix uu ku cabbirayo nadaafadda, wuxuu yiri

“gaboodleyda gaashidu kutaal, labada goonyoodba
Ee maradu geyngeyman tahay, guur aan ka la’aado.”

Inkastoo aysan haboonayn in dumarka kaliya waxkasta lagu leexiyo, oo rag iyo dumarba looga baahan yahay dadaalka iyo wanaagga, labadana laga rabo sifoonka aan soo wada xusey. Haddii ladhaho qof iin leh loma rabo, waxay noqonaysaa Malaay duur laga dooney, qofkasta iin wuu leeyahay, waxaa haboon in dulqaad, waano iyo isku samir in wax lagu wado, inkastoo ay jiraan sifooyin ay adagtahay in ay labada lammaane kusii wada joogaan. Qoysaska Soomaalida badi waxay ku dhisanyihiin dulqaadka dumarka sida badan xilligaan la joogo.

Dhago-nugul

Afadu waa u la ma huraan in ay u dhaga nuglaato odeygeeda, diintuna aad bay u dhiirri-galisay dhago-nugaylka. Iin kasta oo ay leedahay gabadhu haddii ay dhago nugushahay waa mid la toosin karo, abwaan Cabdiwaaxid Gama’diid gabay uu kaga hadlayey kaligi taliska waxaa ku jirtay tuduc tilmaameysa in gabadha dhaga adaygu uu ka saaro gurigeeda, waxayna ahayd “sumba dhago adayggaa diloo saara waligeede”. Abwaan Axmed Maxamed Xasan waa tii uu yiri:

Dabci waa in ay leedahoo waana dabartaaye
Waa in ay dulqaad badan tahoo daacad kuu tahaye.

Inkasta oo guurdoonku uu u badnaa dhinaca ragga, oo gabdhuhu ahaan jireen sugto, haddana gabadh kasta waxay laabteeda ku jiri jiray nooca iyo dookha ninka ay jeclaan lahayd in ay guursato, gabdhanaha caqliga badan waxay jaribi jireen ragga usoo ardaa-gala, iyaga oo isticmaalaya halbeegyo ka la duwan, barbaarkii ku dhacana wuu iska huleeli jiray, waxaa jira sheekooyin badan oo ku kaydsan qalbiyada dadka oo jiilba jiil u gudbiyo sheekooyinkaas oo ku saabsan qaabkii wiilasha iyo gabdhuba ay u imtixaani jireen wiilka ama gabadha haasaawuhu ka dhaxeeyo.

Guurku waa sida geed harwayn oo hooskiisa lagu soo hirto, lagasoo bilaabo dhalashada, qofkuu wuxuu maraa meertooyin nololeed, heerka uu qofku nasto oo uu raysasho dareemayo waa markuu guursado, inkastoo noloshu aysan lahayn degenaansho, oo uu qofkasta ka socdo haddana shaqsigii hela xaas wanaagsan, nolol macaan oo ku meel gaar ah buu galayaa. (Adduunyadu waa dhaldhalaal iyo raaxeysi yar, dhaldhlaalka iyo raaxaysigaa yarna waxaa ugu kheyr badan haweeney saalixad ah oo wanaagsan).

Hab raacii barbaartu ay mari jireen gayaankoodana ku xulan jireen way ka la duwanaayeen, qaabab ka la duwana waa loo mari jiray, barbaarta ayaa gashaantida ku xulan jiray; quruxdeeda, maalkeeda, mansabkeeda iyo diin aqoonteeda. Afartan sifo waa afarta Nabi Muxamed (SCW) inoo tilmaamay, wuxuuna dhiirrigaliyey xulashada gashaanti diinta taqaan.

Abwaan Maxamed Fadhin isagoo dhallinyarada u tilmaamayo inanta waxyaabaha lagu doorto, kuna dhiirrigalinaya in barbaarta gurdoonka ahi afartaas sifo oo aan kor ku soo xusay gows danbeed ku haystaan wuxuuna yiri:

Gabar dhawr tilmaamood ayaa sababa guurkeede
Midbaa quruxda loo guursadaa laguna goobtaaye
Midna magaca qoyskey gashey guur ku mudataaye
Midna gunudda ey heysatuu kaa galaa damace
Midna waxaa gayaankaa ka dhiga garasho diimeede
Geelow si gaara u ogaw tan u gadaaleysa
Gurigaaga yey galin haddeey gabari diin beesho
Gayaankaaga maahee ka durug gabi ahaanteeda.

Facebook Comments