Buugga “Kala Baro Run iyo Been”,ee uu qorey Suldaan Nayruus oo ah qoraa allifey oo qorey buugaag kale oo tiro badan, waxa uu ka koobanyay buuggu 51 bog iyo 19 ciwaan hoosaad marka laga reebo Tixraaca buugga oo uu qoraagu kaga dhigaayo 20 ciwaan hoosaad. Daabacaaddii ugu horeysay ee buugga waxa la faafiyay 2008dii, waxaana daabacdey “Yalax Print”.

Dhanka habqoraalkiisu aad ayuu ufiicanyay, walow ay jiraan khaladaad dhanka kombiyuuterka ah oo dhanka qoraalka ah (typing error), qoraaga buuggana waxa aan ku ammaanayaa sida farshaxannimada leh ee uu qorey buuggan.

Tusmada buugga markaad ka gudubtid waxa uu ku xigsiinayaa Mahadnaq, waxa uu mahadnaqayaa dadyow kala duwan oo qofba si uga soo qayb qaatey buugga, haddey noqoto Tifatir iyo erey bixin, oo ka xusaayo Cabdiraxmaan Sheekh Xasan, Shaafici Maxamuud Ciise, Dr.Warsame Xasan Nuurre iyo kuwa kale oo badan, oo uu qoraagu sheegey inuu kasoo xigtey wareysiyo laga qaadey. Sida xagga ugu dambeysa ee TIXRAACA uu ku xusaayo.

“Waxaan ka cudurdaaranayaa in aanan buugga Falanqayneyn oo aanan Gorfayneyn, balse Sookoobis kaliyaa ay ku koobantey, khaladaadka buugga iyo dhaliishiisana aanan ka hadleyn. Sidoo kale waxaan kasii cudur daaranayaa in Aniga iyo Qoraaga buuggu, kala lahjad aanu wax ku qorno oo aan anigu lahjad Waqooyi wax ku qoro, qoraaguna uu buugga lahjad Koonfur uu wax ku qoro.”

Markaad intaa kasoo gudubtid buuggu waxa uu si xeeldheer uga hadlayaa Beenta. Waxa uu sheegayaa waxa ku kalliftey inuu arrintan aad uga fiirsado, kaddib markii uu arkey sida Soomaalidu waayadan Beensheegga u caadeysteen. Marka aad buuggan akhriso, waxbadan oo kaa dahsoonaa ayaad ogaaneysaa, waxa uuna kuu sahlayaa haddii aad adigu Beenaale tahay inaad is-ogaatid iyo tabihii aad iskaga dayn lahayd, haddii aanad ahaynna in aad ogaato BEENTA iyo dadkeeda iyo sidii aad uga daweyn lahayd.

Si guud, buuggan marka ugu horeysa waxa uu ku qeexayaa; Waxay Beentu tahay, isagoo si faahfaahsan uga warramaaya, inta qaybood ee ay Beentu u qaybsanto, heerka iyo darajooyinka dadka beenta sheega, danta iyo ujeedooyinka beenta loo sheego, qaabka lagu ogaan inuu qofku been kuu sheegayo, astaamaha muujiya inuu qofku been sheegayo, sababaha ku dhaliya inuu qofku been sheego, meelaha beenta iyo dadkeedu ku badanyihiin iyo meelaha ay ku yaryiin, beenta in lagu dhasho iyo in la barto, goorta iyo halka beenta laga barto, beenta in la joojin karo iyo inkale, waddooyinka fududeeya inuu qofku beenta iska daayo, beenaalaha iyo bulshada, beenta iyo Soomaalidii hore iyo midda hadda, maahmaahyaha Soomaaliyeed ee beenta ku saabsan, beenta iyo waxa ay diinta islaamku ka qabto iyo xilliyada ay beentu bannaantey.

Sidoo kale buuggu taabanayaa Runta iyo Runlowga iyo sida diinta islaamku u ammaantey. Marka koobaad waxa uu qoraagu si fiican usharaxayaa beenta iyo waxey tahay, Beentu waa wax aan hore u jirin oo la sheego, wax hore u jirey oo si khaldan loo sheego, isagoo qoraagu tusaalayaal fara badan soo qaadanaya, caddeynayana inaaney beentu ahayn oo kaliyaa wax afka laga sheego, balse ay soo galayaan Ficilka iyo xaalka qofku ku suganyay in uu been ka sheego. Haddii uu qofku sameynayo fal aan waafaqsaneyn Qalbigiisa, falkaasi been ayuu noqonayaa.

Sido kale qofku haddii uu iska dhigaayo waxaanu ahayn, iyaduna waxey soo hoos galeysaa beenta. Tusaale, haddii qof jaahil ah oo aan waxna qorin waxna akhrin, uu soo qaato kutubta waaweyn ee lagu yaqaanno, dadka Culimada iyo Aqoonyahannada.

Waxa uu qoraagu ku xigsiinayaa inta qaybood ee ay beentu u qaybsanto, marka la sheegayo, waxeyna uqaybsantaa Saddex Qaybood.

  1. Bun: Waa beenta lagu dhex daro runta ee lagu macaaneeyo, si qofka beenta Sheegayaa war uu maqley u buunbuuniyo.
  2. Bahaloosi: Waa mid gabi ahaanba been ah, amba ay ku badantahay beentu, waa midda beensheeguhu si habeysan isugu duwo una farsameeyo. Kolka uu qofka beenaalaha ahi kuu warramaayo, waxaad moodeysaa in uu run caadi ah sheegayo. Balse marka uu tago beensheeguhu ayay dadku int caqliga lihi yidhaahdaan ” Waar nimanyahow waxa uu ninku sheegey run iilama eekee, waxey iila eekeyd Bahaloosi. Qaybtan waxa sheega ” Beenaalaha iyo Beenhawaaska”. Laakiin Labadoodu way ku kala badanyihiin, waxeyna shaqi rasmi ah u tahay beenhawaaska.
  3. Biir/Qaras: Tani waa been cad oo marya la’ oo cid waliba fahmi karto inay been cad tahay. Beentaas marka qofka beenaalaha ahi ka sheekeynayo ee uu dhexda marinaayo, ayaa dadku intey caloosha qabsadaan yidhaahdaan, ” Waar hebalow Biirta caloosha hanagu kala goyn ee naga jooji”, ” Waar Qarasta naga kala aayar, iyo bahasha dhagax nooga dhig”.

Heerka iyo darajooyinka dadka beenta sheega, qoraagu waxa uu sheegayaa in dadka beenaalayaasha ahi aaney isku heer ahayn, oo qofba heer ka taaganeyn Saddex qaybood ayuu uqaybiyey.

  1. Been-barad : Waa kuwa aan beensheegidda xirfad iyo Waayo’aragnimo toonna ulahayn, balse markaa soo barbaranaaya, waxa ay noqon karaan dad waaweyn oo goor dambe bilaabey beensheegidda.
  2. Beenlow amba Beenaale: Waa qayb hadii ay dhibi ku timaaddo, iyagu xirfad iyo Waayo’aragnimo ay kolkaas isku difaacaan leh, waxay awodaan inay been isku badbaadiyaan.
  3. Beenhaeaas amba Haamaan: Waa qaybta ugu halista badan ee aan laga dareemin marka ay beenta sheegayaan, waxey awodaan inay cid kaste beentooda ka dhaadhciyaan. Waayo’aragnimo iyo khibrad badanna way uleeyihiin beenta.

Maxey tahay danta iyo ujeedka beenta loo sheegaa?

  1. Dan-ku-qunsi. Waxaana isticmaala dadka dan iyo ujeeddo gaar ah ka leh, sida; Siyaasiyiinta iyo qabqablayaasha, Dirediyaasha, Dillaaliinta, Laammaanayaasha is shukaansada, Afmiishaarrada iyo Tuugta, Majaajileystayaasha.
  2. Darajo-muujin: waxaana isticmaala Faanbadanayaasha iyo islaweynayaasha, Warbadenayaasha iyo warjeclayaasha.
  3. Wakhtidil: Waxaana isticmaala Baagamuudida iyo dadka bilaa camalka ah, YooYooga (Yowyowga) iyo Ciyaalsiiyaha.

Astaamaha lagu garto inuu qofku been sheegayo;-

  1. Luuqadda jidhka
  2. Jihada indhaha qofku ujeedaa
  3. Iskhilaafka Sheekada
  4. Walaacdareemid
  5. Ka dheeraanshaha mawduuca.
  6. Ku-adkeysi la’aan
  7. Qofka oo xanaaqa haddii lagu yidhaahdo ” Waar Beenta naga daa”
  8. Mawduuca uu ka hadlaayo su’aalo ka weydii
  9. Hadal badan iyo sharraxaad dheer.
  10. Iskhilaafka luuqadda jidhka iyo hadalkiisa
  11. Muujin isku kalsoonaan saa’ida iyo isbuunbuunin.

Xasuusnow: Hadii qof in badan oo calaamadahaas aan soo Sheegney ah, ruux been loooga shakiyo lagu arko, waxa ay maragmadoonto ka dhigeysaa beentiisa.

Sababaha Qofka ku dhaliya inuu Been sheego, qoraagu mawduucaas aad ayuu ugu dheeraanyaa, balse waxaan isku dayayaa inaan soo koobo oo aan qodobada oo bilaa sharraxaad ah soo qaato. Waxa kamid ah;-

  1. Wajaceylka iyo Warbadnida
  2. Faanka badan iyo isla weynida
  3. Diredirada, Xanta iyo Xaasidnimada
  4. Tuugnimada
  5. Tartanka
  6. Jago-jaceylka
  7. Shukaansiga
  8. Balwadda
  9. Dillaalnimada
  10. Baqdinta iyo isdifaaca
  11. Jeclaanta indhaha la’ iyo Necbaanta dhagaha la’
  12. Camal la’aanta amba baagamuudada
  13. Majaajileynta
  14. Alle ka cabsi la’aanta
  15. La saaxiibidda Beenaalayaasha
  16. Damaaciga
  17. Buufiska (Qurbajaceylka)

Marka uu intaa dhameeyo qoraagu waxa uu xigsiinayaa, Meelaha beenta iyo dadkeedu ku badanyihiin iyo meelaha ay ku yaryiin.

Meelaha ay ku badanyihiin waxa kamid ah:

  • Fadhi-ku-dirirrada
  • Tiyaatarrada riwaayadaha, heesaha, niikada iyo qoob-ka-ciyaarka
  • Naadiyaasha ururrada siyaasadda iyo kuwa NGO-yada ee umadda magacooda ku qadhaabta.
  • Goobaha ciyaaraha
  • Goobaha Saxaafadda, siiba midda beenta iyo isku dirka ka shaqeysa
  • Goobaha YooYooga iyo aroosyada ay maamulaan
  • Goobaha garnaqsiga iyo xaqduudsiga
  • Goobaha Khamaarka
  • Majaalista biibatooyinka/ dabakaayooyinka shaaha, kuwa kafeega iyo cabbitaanada
  • Majaalista qaadka.
  • Goobaha waxbarashada aan Diiniga ahayn ee ay ku badanyihiin ardeyda aaan akhlaaqda lahayn.

Meelaha ay ku Yaryihiin waxa kamid ah:

  • Goobaha Dugsiyada/ malcaamad Quraanka
  • Madaarista Islaamiga ah iyo goobaha kale ee Khayrka
  • Meelaha dadka ehlu Khayrka ahi ku badanyihiin.
  • Baadiyaha.

Marka uu intaas kasoo gudubtid qoraagu waxa uu ugalayaa dhawr su’aalood oo uu si faahfaahsan uga jawaabayo. Beenta maa lagu dhashaa mise waa la bartaa?, goortee iyo halkee ayaa beenta laga bartaa?, beenta ma la joojin karaa?.

Buugga “Kala Baro Run iyo Been”,ee uu qorey Suldaan Nayruus oo ah qoraa allifey oo qorey buugaag kale oo tiro badan, waxa uu ka koobanyay buuggu 51 bog iyo 19 ciwaan hoosaad marka laga reebo Tixraaca buugga oo uu qoraagu kaga dhigaayo 20 ciwaan hoosaad. Daabacaaddii ugu horeysay ee buugga waxa la faafiyay 2008dii, waxaana daabacdey “Yalax Print”.

Beenta cidna kumey dhalan ee waa la bartaa, meelaha laga bartana waxaa kamid ah Guriga iyo meelaha ay beenaalayaashu ku badanyihiin ee xagga hore qoraagu kusoo sheegey.

Qoraagu waxa uu si cad usheegayaa in beenta la iska joojin karo, sababtoo ah beentu maaha wax qofka jidhkiisa ku sameysan, waaney ufududey inay iska daayaan dadka markaas uun “Beenbaradka ahi”. Laakiin qofka” Beenhawaaska” ah way adagtey inuu iska daayo.

Qoraagu wxuu intaas kusoo xidhayaa “Waddooyinka fududeeya in Beenta Qofku iska daayo”. Isagoo xusaaya in uu qofku dhammaan ka fogaado waxyaabaha xunxun ee beenta keena, sida: Saaxiibidda xunxun , goobaha beenta iyo beenaalayaashu ku badanyihiin, iyo in uu qofku la saaxiibo dadyowga wanwanaagsan iyo dadka ehlu khayrka ah.

Beenlowga iyo Bulshada, Qoraagu waxa uu si fiican u iftiiminayaa in qofka beenaalaha ahi, uu markaste bulshada culeys ku yahay lana necebyahay. Waxa uusoo qaadanayaa “Beenta iyo Soomaalidii hore iyo midda hadda” .

Beentu Soomaalidii hore agtooda waxey ka ahayd wax xun oo qofkii ku sifoobaana magac xumo iyo liidnimo ka dhaxli jirey, iyagoo ugu yeedhi jirey qofkaa HEBEL BEENAALE, xitaa Soomaalidii hore ee beenta sheegi jirey iyaga laftoodu way la xishoon jireen oo dariiqyada lamay Istaagi jirin, kumayna faani jirin waxey u arki jireen Ceeb.

Balse Soomaalidan hadda joogta beentu waa u caadi, ninka halaagga ah ee beenta yaqaanana way soo dhaweystaan oo waxey uyaqaanaan Geesi xaqooda usoo dhicin kara, xagga ka kale ee ilaahay garanaaya ee runta sheegayana ay u yaqaanaan Miskaan yar oo aan waxba usoo dhicin karin.

Siyaasiyiinta soomaalidana ninku haddaanu Beenta aqoonin Soomaalidu Siyaasiba uma yaqaannaan. Marka reer kaste la yidhaahdo keensada qofka idiinku habboon ee idiinku halyeysan, waxey soo xushaan ka ugu beenta badan uguna tuugsan ee Haamaanka ah. Haddii aad weydiiso dad badan oo Soomaali ah waxa beenta ku kallifa, waxey kuu sheegayaan in runta sheegsheegideeda la isku naco. Waxa soo qaadanayaa qoraagu Maahmaahyo badan oo beenta ka hadlaayaa sida “Hadal badan badh baa been ah”, ” Been fakatey runi ma gaadho”.

Diinta islaamkuna beenta si cad ayay uxaaraantimeysay, isagoo qoraagu Axaadiis iyo aayado badan oo lagu sheegey xaaraantinimada beenta soo qaatey. Waxa uu kasoo reebey marar ay beentu bannaantey sida:

  • Marka ummad lagu heshiisiinayo

  • Marka dagaal cadow lagula jiro

  • Marka uu nin gabadhiisa ku maslaxanayo, amba gabadhi ninkeeda ku maslaxanayso.

Marka ugu dambeysa qoraagu wuxuu ka hadlayaa “Runta” Iyo inay tahay kasoo horjeedka Beenta. Runta inay tahay shay aad uwanaagsaan oo diinta islaamkuna aad u ammaantey ,isagoo qoraagu Axaadiis iyo Aayado badan oo runta ka hadleysa. Sidoo kalena ‘Runta” Waxa uu caddeynayaa inaaney ahayn wax afka oo kaliyaa laga sheegto, balse loo baahanyahay inay qofka in ay qofka ficilkiisa iyo xaalkiisaba ka muuqato.

Ugu dambeyn qoraagu wuxuu usoo jeedinayaa in bulshadu beenta iska dayso runtana ku dadaasho, waxa uu waalidka kula dardaarmayaa in ubadka lagu ababiyo Runta, lagana wacyi-geliyo beenta iyo dhammaan akhlaaqiyaadka xun.

Gun iyo Gabagabo, sababta aan buuggan usoo koobey, wax kale maaha ee waa muhiimadda iyo waxtarka uu uleeyahay, dhammaan bulshadeenna ay beentu ku dhex faaftey ee ay caadiga ka dhex noqotey. Runtiina waa buug aan filaaayo haddii aynu akhrisanno oo ku dhaqanno, nolasheenna wax ka baddalaaya. Sidoo kale waxa jira dad aan buuggu gaadhin oo daafaha dunida kala jooga, oo laga yaabo inaan halka ay joogaan laga heli karin, sidoo kale dadka qaarbaa akhriska buuga ka wahsanaaya oo aan haleel ay ku akhriyaan hayn. Ka Soomaali ahaan, waxaan odhan karaa buuggan uu qoraagu wuxuu inoo soo gudbiyey, wakhti uu ku habboonaa in buug noocan oo kale ah la qoro.

Waxaan ka cudurdaaranayaa in aanan buugga sidii loo baahnaa aanan usoo wada koobin, waxaanan kaa codsanayaa in aad adigu laf ahaantaada buugga raadsatid oo aad akhrisid, si aad faahfaahin, tusaalayaal iyo macluumaad kale oo badan uheshid.

   Hargeysa.

5 March/2020.

Facebook Comments