Difaaca jirka waxa uu naga difaaca cudur waliba oo soo weeraro jirkeenna.

Cudurada qaar marka ay jirka soo weeraan waxa ay wiiqaan awooda difaaca jirka, taasi oo keenta saameynta cudurka in uu qofka la jiifsado ama uu nooga dhinto.

Tallaalka waa hab difaaca jirka loogu baro sida loo aqoonsado, loona baa,biyo infeshannada. Waxaa jiro cuduro badan ka hortagg oo kali ah leh, oo aan lahayn wax daawo ah.

Cudurada Tallaalka Looga Hortaggo Oo Aan Laheyn Wax Daawa ah Waxa kamid Ah:

• jadeecda.
• Teetanada.
• Maskax garaadka.
• Cagaarshowga noocyadiisa kale duwan sida A,B,iyo C.

Tallaalka waxa uu yareey kana hortaggaa cudurada dilaaga, oo ay sanad waliba u dhintaan 2-3milion oo oo isugu jiro caruur iyo dad waaweyn.

Tallaalka waaa uu ka hortaggaa cudurka loo yaqaano Dabeesha, cudurka Dabeesha ilmaha marka ay ku dhacdo,waxa ay ku keentaa canuggii qeyb ka mid lugaha ama gacmo in ay howl gab noqdaan.

Waxaa jiro dad badan oo ilmahooda u diido in ay tallalaan, waxa ayna aaminsan yihiin in ilmahooda xanuun lagu tallaalayo. Taasina waa mid xaqiiqda ka fog.

Waxaa wanaagsan Waalid waliba in uu ilmihiisa tallaalka u dhammeystiro, tallaalka waxa uu ka qeyb qaaddata kor u qaadida caafimaadka qoyska iyo hormarka caafimaadka bulshada.

Tallaalka waxaa laga heli karaa meel waliba, ayada aysan kaaga baahneyn wax qarash ah. Bulsha caafimaad qabta aya hormar gaari karto, ka hortaggana waxa uu ku fiican yahay is daawynta.

Walaalayaal aan  tallaalno caruurteenna,si dhibtaada cudurda ay u yarato.

Facebook Comments