Corona Virus wuxuu bilowmay sanadkii 2019. Cudurkaan ayaa markii ugu horeysay ka soo bilawmay dalka Shiinaha kadibna ku faafay caalamka intiisa badan.

Waa caabuqii ugu darnaa ee dillaaca sandadaan danbe kaas oo ey dunidu aad uga qeylisay. Caabuqaan waxaa lasheegay in uu asalkiisu kayimid cunidda iyo ka’ag dhawaashaha xayawaanaadka duur joogta ah, gaar ahaan kibiliga.

Sida aan wada ogsoonnahay caabuqaan markiisii ugu horreysay waxa uu kaddilaacay gobal katirsan Chinaha oo looyaqaanno Wuhan. Dhaqtarkii ugu horreeyay ee ogaaday caabuqaan ayaa u dhintay 6da bishii tagtay, kaddib markii uu qaabilay bukaano qabo cudurka CoronaVirus.

Halista uGu badan ee cudurkaan qatarta ka dhigay waa labo mid oo kala ah:

  1. Waxaa lagu kala qaadaa sifudud tusaale;- Neefta, taabashada, salaanta, lahadlidda qofkaqaba cudurka IWM.

2. Cudurkaan qofka waxa uu ugu dhiman karaa sifudud, sababtoo ah caabuqaan waxa uu weerar xooggan ku qaadaa sanbabada.

Hadaba Waa Maxay Calaamadaha Cudurkaan?

  1. Qandho: Haddii ey qandhadaada sare u kacdo ama ey gaarto 38*C.

2. Qunfac: Cudrkaan dadka waxa uu ka’asiibaa sanbabada taas ookeenta in qofku isla markiiba ey kasoo muuqdaan calaamadaha lagu yaqaan cudurada ku dhaca sanbabada sida Qunfaca, Hintisho, neefta oo ku dhagta qofka, IWM.

3. Shuban.

4. Jareys.

5.Tabardarri.

Meeqo maalin ayuu cudurkaan ku soo muuqan karaa?

2~14 maalin.

Sidee ayaa looga hortagi karaa?

1. in hilib xalaal ah oo sifiican loo kariyay lacuno.

2.in laga fogaado duurjoogta oon xiriir lala sameyn sida in aad xannaaneysato ama aad quudiso ookale.

3.in aanad usafar wadamada uu cudurkaan kaddilaacay.

4.Nadaafadda in la’ilaaliyo.

Haddii aad joogto meesha uu kaddilaacay fadlan xiro Mask sidookalena ha-laxiriirin dadka uu cudurkaan kudhacay. F.G ka hortagga ugu wanaagsan waa in aan ka duceysanno cudurada xun xun. “اللهم إني أعوذ بك من البرص والجنون والجذام وسيء الأسقام’”

Wax daawo ah malleeyahay cudurkaan? 

Maya illaa iyo hadda wax aan latacaalid ahayn malahan, sidookalena wax tallaal ah looma helin cudurkaan.

Facebook Comments