Ibbida sida caadiga ah waxa ay ka danbeysaa canugga. Marka la rabo ibbida canugga in lagu oggaado kombiyuutarka caloosha badanaa waxaa laga raadiyaa xadunta Hooyada agga- gaarkeeda.

 Mararka qaar ibbida waxa ay kasoo hormartaa canugga ayada oo daboosha qeyb kamid ah, ama guud ahaanba  afka ilma galeenka,taasina waxa ay keeni kartaa wadada canugga uu soo mari lahaa in ay qaar kamid ah ama guud ahanba xirmato.

200dii oo Hooyo waxaa lagu arkaa 1Hooyo oo kamid ah, waxa ayna u badan tahay Hooyada dhashooyda ah, iyo Hooyada mataanaha sido.

Waxaa Lagu Arkaa Hooyada Calaamada Badan Oo Caddeynaayo In Ay Ibbida Canugga Kasoo Horeyso Waxaana Kale Yihiin:

  • Hooyada in lagu arko saddaxda bilood ee ugu dambeyso Uurka dhiigga ka socdo xubinta taranka, midabkiisuna yahay gaduuud biyo-biyo ah.
  • Wax xanuun ah lama socdo
  • Dhiigga oo noqdo mid soo noq noqdo.
  • Marka la qiimeeyana xalaada canuggana wax saameyn caafimaad daro kuma lahan .
  • Mararka qaar Hooyada waxa ay dareentaa xanuun xagga caloosha.
  • Hooyada oo ka dareento gumeerka agtiisa culees, halka sida caadiga ah laga rabo culeyska ibbida in ay ka dareenta xadunta agga-gaarkeeda.

Marka Hooyada isku aragto dhiigga baxa, waxaa ku furmo walwal aad u badan,waxaase wanaagsan Hooyada inay la tashato Taqtar oo kali ah, sababtoo ah Takhtarka waxa uu garanayaa xaalada halka ay mareyso iyo sida uu ula tacaali lahaa.

Mararka qaar waxaa dhacdo Hooyada inay u imaadaan Hooyoyin kale oo la dagan xaafada, oo ay ku  dhahaan canugga waa kaa dhimanayaa, heblaayo ayaa sidaas oo kale ku dhacday oo canuggii waa uu ka dhintay, taasi waxa ay Hooyada ku sii siyaadineysaa walwalka iyo murugada.

Ibbida Canuugga Kasoo Hormarto Illaa Hada Ma Lama Ogga Sababta Saxda Ah , Laakiin Waxaa Jiro Sababo Lala Xariiriyo Waxaana Kamid Ah:

  • Ibbida canugga oo aad u weyn waxa ay keeni kartaa in ay kasoo hormarto canugga.
  • Hooyada maatanaha sita waxa ay halis ugu jirtaa in ibbida canugga kasoo hormarto, sababo la xariiro culeyska badan oo ay Hooyada wajaheyso.
  • Hooyada soo martay qaliin hore xagga ilma galeenka waxa ay ka qeyb qaaddan kartaa ibbida canugga in ay kasoo hormarto.

Sidee Ayaa Lagu Xallin Karaa Ibbida Canugga Soo Kasoo Hormarto?

  • Waxaa lagu xallin karaa Hooyada oo mar waliba ku xirnaanto xarun caafimaad.
  • Hooyada oo nasiina badan qaaddato.
  • Hooyada oo la fooliya haddii uu dhiigg baxeeda saa’id noqdo.
  • Hooyada oo qalliin looga soo saaro canugga haddii guud ahaanba afka ilma galeenka ay  Ibbida daboosha.

 

Facebook Comments