Maalin waliba waxaa aan la dhaqanaa dad kale duwan, waxa ayna dhammaan ka siman yihiin inay leeyihiin qalbi si fudud u dhaawacmi karo.

Haddaba Waa Su’aale Ma Dhowrta Qalbiyada Dadka?

Marka uu qof dartaa u aado suuqa si uu kuugu soo iibiyo wax-yaallo aad u baahan tahay oo uu kuu keeno, kawaran haddii aad ugu jawaabto fuulxumo badanaa, noocaan maxaa igu soo gaday!!  kama helin iyo wixii lamid ah,qofkaas qalbigiisa dhaawac intee la egg ayaad gaarsiin kartaa.

Si aan u illaalino qalbiyada dadka oo aanan u dhaawicin waa muhiim haddii uu qof wax inoo soo iibiyo in aan u dhoolo caddeeyno, oo aanku dhahno aad buu noo qanciyey, way qurux badan yihiin, xataa haddii aysan na qancin aan illaalinno qalbiga qofka.

 Kawaran marka uu qof adiga daradaa dab u galo si uu kuugu  kariyo cuno wanaagsan,adiga oo hurda kasoo kacay aad ku tiraahdo maxay tahay cunnada aan dhadhankeeda wanaagsaneyn, ma cunni karo waxaan, maqaayad baan aadayaa! IWM

Qofkii dabka u galay dartaa dhaawac intee la eg ayaad gaarsiin kartaa qalbigiisa, xaqiiqdii qof waliba ma jeclo in la xaqiro wanaagga u sameyey.

Subanaheenna NNKH waxa uu aad u illaalin jirey qalbiyada dadka, mana aheyn mid dhaawaca qalbiyada dadka,xataa haddii uu qofka u xanaaqsan yahay waa uu dhoola cadeeyn jirey.

Khaalid bin waliid oo ahaa geesigii islaamka marka uu aqrinaayo qur’aanka oo uu soo gaaro suuratul Mudathir waxa uu ahaa mid aad u ilmeeyo, qaar kamid ah aayahadaha suuraadaan waxa ay ka hadlaayaan Aabihii, oo ahaa mid ku faani jirey Maal iyo Caruur badan, waxa uuna ahaa mid ka jeestay xaqa.

 Asxaabtii rasuulka marka ay arkaan Khaalid rc  oo salaada kula jiro, ama agtooda joogo, ma aysan aqrin jiren suuradaan si ay u illaaliyaan qalbiga walalkood khaalid RC

Nabigeena NNKH xataa waxa uu diiday in la caayo dadka dhintay, si loo illaaliyo qalbiyada dadka nool oo ehel wadaagga yihiiin.

Dadka qaar waxa ay ku jees jeeseen qofka cayilan, oo yiraahdo cayil badanaa ma xaaranbuu ka dharagay subxaanalaah! Ma ahan in lagu caayo ama lagu jeesjeeso qofka sida uu Allah u abuuray.

Ogow qalbiyada dadka waa muraayada, hadaladda xanafta lehana waa dhagax, maxaad ka filan kartaa haddii muraayad dhagax lagu dhufto. Sabab ha u noqon dhaawac qalbiga walalkaa/walashaa.

Aan illaalino walaalayaal hadalada aan ku leenahay dadka kale.

Facebook Comments