Ma saxbaa oraahda ah: “siyaasada guud ahaan iyo xiriirka dowladaha gaar ahaan in ayna ku dhisneyn diin iyo akhlaaq balse ay ku qotomaan maslaxad iyo wax is weysaarsi.”

Marka hore oraahdan laba wajiba waa lagu fasiri karaa iyadoo hadba qofka adeegsanayo oraahda la eegayo:
1- waxaa lagu fasiri karaa in loola jeedo sidan: diintu wax shaqo ah kuma lahan majaalkan ee waa nin iyo dantiis.
2- waxaa kaloo ay ka dhignaan kartaa sidan: diinta sida ay arrimaha cibaadadaadka ay wax walba ugu jaan goysay iyagoo tafatiran haday tahay sida loo tukanayo goorta la tukanaayo

Waxa la akhrinaayo ama sida loo xajinayo, waqtiga la xajinaayo waxa u banan qofka waxa aan u bannaaneyn inta uu ku guda jiro xajka. Sidaas oo kale uma ay qaadaan dhigin arrimo ay ka mid tahay siyaasada balse waxay dejisay qodobo guud oo haga sida qodobka ah waxaani maslaxad ma noogu jirtaa. Labada micnaba sidi aad ka fahamsaneyd amaba aad ula jeeday oraahda markaan ka soo tago waxaa mu hiim ah inaan is dul taago maslaxada sida ay diinta isu dul taagtay.

Sharciga iyo maslaxada

Sharciga islaamka wuxuu u yimid inuu ka shaqeeyo masaaliixda dadka iyo in dhibka laga difaaco oo la yareeyo, sidaasi darteed baa arrinkaasu uu u yahay wax banaanka iska yaallo culimada aktooda, waxaana laga soo guuriyaa oraahyo ku saabsan arrintan waxaa ka mid ah hadal uu leeyahay Al-iimam Ibnu Qayin Al-jowasiyah oo ah: “sharcigu wuxuu u yimid inuu xaqiijiyo danaha dadka uuna adkeeyo iyo inuu ka horjoogsado wixii dhib ah ama uu yareeyo, sidaasi daraadeed mas’alo kasta oo ka weecata dhabaha maslaxada oo ay dadku kala kulmaan dhib iyo ciriiri ama ka weecata dhabaha caddaalada iyo naxariista ee u weecata dulmi iyo gabood fal wuxuu leeyahay kama mid ahan mas’aladaas diinta haba loo tiiriyee”

Qeybaha masaaliixda

Culimadu waxay u qeybiyaan masaaliixda marka la eego sharci ahaanteeda saddex qeybood oo kala ah:
1- Maslaxo uu sharciga si gooni ah uga hadlay oo waxaa ku soo arooray daliil gaar ah in waxani dan ugu jiraan dadka. Waana wax fara badan oo lama soo koobi karo balse hal ama laba tusaalle oo mowduucaan ku saabsan aan ka bixiyo waxaa ku tusaaleyn karnaa shuurada ama wada tashiga bulshada oo wuxuu sharciga ina farayaa inaan arrin dan guud ah aan qolo gooni ama qof keligii uu go’aan ka gaarin ee laga tashado, waxaan kaloon ku tusaaleyn karnaa in dadku ay hoggaan iyo nidaam yeeshaan si aan fowdo iyo kala dambeyn la’aan u dhicin.

2- Maslaxo sharciga uu si gooni ah u xarrimay oo waxaa ku soo arooray daliil gooni ah oo xarrimaya sida in lagu takri falo hantida guud ama wax la musuqmaasuqo, sida dhabta ah marka loo eego qaybtan waa dhib ee dadka qaar baa is tusaya inay maslaxad ugu jirto.

3- Maslaxad uu sharciga ka aamusay oo kuma soo aroorin wax daliil gaar ah oo banneynaya ama xarrimaya balse waxaa jira mabaadi’ iyo qawaacid guud oo tilmaamya in maslaxadani bannaantahay ama inay bannaaneyn. Tusaalayaal hore iyo kuwa casrigaynaan ah aan ku siiyo oo ku saabsan maslaxadan iska sii deysan oo aan daliil gaar ah ku soo aroorin: aruurinta musxafka quraanka si uuna u dayacmin quraanka, diiwaan u sameynta ciidamada, timbaraynta warqadaha kulli waxay la jaan qaadayaan mabaadida guud ee islaamka.

Tusaalayaal casrigaan kala saaridda maamulka, sameysashada calamo iyo baasaboor laysku garto, doorashooyinka iwm.

“Meesh ay jirto maslaxada ayuu sharcigu jiraa.”

Isbedelada waqtiga iyo horumarka bani’aadanka ayaa wuxuu keensanayaa in ay soo cusboonaadaan waxyaabo badan, nusuusta diintana waa kuwa kooban sidaasi daraateed bay diinta islaamka u dajisay mabaadi’ guud oo waxaa soo dhami kulansanaya oo ay ka mid tahay mabda’ an aan ku guda jirno ee maslaxada hayeeshee waxaa loo dhigay shuruud dhowr ah oo aan soo ban dhigayo culimaduna ay ka hadleen.

1- Waa inay tahay mid xaqiiqo ah oo aan wahmi ahayn, waxaa laga yaabaa in qofka uu is moodsiiyo in waxani maslaxo ku jirto isagoo ay hawadiisa ay jeceshahay ama naftiisa ay u janjeerto amaba in si xun uu wax u sawirto ama loogu sawiro amaba waxaa la arkaa in maslaxad shakhsiyadeed ay tahay oo ay ahayn mid guud ama ay tahay mid dheefteedu soo degdegto balse dhib ka weyn laga dhaxli doono goor dambe ama waxaa laga yaaba in maslaxad maadi ah ay tahay balse maslaxad ka wayn oo macnawi ah inay luminayso.

Marka waxaa soo dhami waa in la eego marka la go’aaminayo waxani ma maslaxad baa ugu jirta umadda, maxaa yeelay fakarka qofka waxaa saameyn ku yeelan kara wax yaabo dhowr ah sida waqtiga iyo saameyntiisa shakhsiga iyo hummaaggiisa fikir ama aqooneed iyo halka iyo goobta uu joogo ama ku noolyahay maslxadiisa gaarahaaneed ee maadiyeed waxaasoo dhami qofka waxay ku riixayaan inuu wax aan maslxad ku jirin uu ku sheego inay inoo tahay maslaxad sidaasi daraadeed baa islaamku wada tashi iyo gorfeyn iyo in si wada jir ah go’aan looga gaaro arrimaha masiiriga ah ugu towjiihinayaa dadka.

2- maslaxada waa inay tahay mid guud oo nacfigeeda dadka oo dhan u siman yihiin si qolo gaar ah aynan kaligeed u dheefsan.

3- waa inay u cunnami karto sida sharciga lagu bartay oo aynan noqon wax aan lagu aqoon sharciga oo ah inay cadaaladi ama naxariisti sharciga iyo fudeydkiisa ama adadeegiisii meelaha qaar aynan ka hor imaan.

4- waa inaysan ka hor imaanin nas qur’aan ama sunno ah waayoo waxay culimadu yiraahdaan iyadoo nas jooga ijtihaad warkiisa ma jiro.

*tallaabooyinka qaar dhib baa la mooda balse waa maslaxo.

Aan hadalkaygaan u keeno labo tusaale.

1- qisada khadir iyo nabi muuse waxaa ku soo arooray in uu khadir ku kacay dhowr tallaabo oo nabiga Alle ee Muuse uu sawiran waayay ayna ugu muuqtay si khaldan, maxaa yeelay khadir wuxuu gooyay naf aan waxba galabsan, hantina wuu ku xad gudbay balse wixi uu sameeyay si naba khalad uma ahayn balse iyadaas baa waafaqsaneyd sharciga maxaa yeelay waa gar iyo sharci in nafta iyo hantida qaarkeed la baabi’yo si loo xafido inteeda badan hadii laga furan waayo.

2- nabiga heshiiskii xudeybiyah wuxuu kula heshiiyay gaaladi qureysheesd heshiis dhigaya in qofki soo islaama dib loogu celiyo maka oo loo gacan geliyo reer Makka qodobkaas iyo qodobo kale ayaa u cuntami waayay saxaabadi nabiga oo mari waayay iyagoo u arkaya liidnaan saas darteed buu cumar ku yiri nabiga maxaan isu liideynaa ha yeeshee nabiga waxaa u muuqday maslaxada ka weyn ee ka soo xasilaysa sidaasi darteed buu u galay heshiiskaa isaga ah wayna ka soo xasishay dabcan.

Waxaan is dul taaagi doonaa maqaalkq qeytiisa sadexaad akhlaaqda iyo siyaasada inshlh.

Facebook Comments