Cilmi barista waa maadada lagu kale hormaray sanbaanka aanu noolnahay. Waddan waliba inta uu ka cilmi baaris badan yahay Waddama kale waa uu ka Aqoon badan, kana hormaransan yahay. Waa maadada kali ah oo ay ka siman yihiin barashadeeda dhammaan Ardayda daraaseeyso Jaamacadda kulliyad waliba oo ay bartaan.

Cilmi baristu waa hab cilmiyeysan oo lagu xaliyo dhibaatoyinka, laguna aruuriyo xogaha ayada oo loo maraayo qaab wareysi ama su’aalo si loo helo cilmi cusub.

Cilmi baarista waxaa loo qeybiyaa saddax qeybood oo waa weyn waxayna kale yihiin:

  • Cilmi baaris lagu sameeyo qaab baaritaano ah, sida Cilmi barista ay sameeyaan Culumada Sayniska.
  • Cilmi baaris lagu sameeyo qaab fikrado ah, tusaalle Cilmi barista ay sameeyo Culumada Cilmi Nafasiga.
  • Cilmi baaris lagu sameeyo qaab cabbir ahaan ah, tusaalle cilmi barista ay sameeyaan Culumada Injireenada.

Sidee Loo Doortaa Mowduuc Cilmi Baaris Laga Sameeyo?

Mowduuc Cilmi baaris lagu sameeyo waxa aad ku dooran kartaa qodobadaan soo socdo:

  • In uu noqdo mowduuca baahi jirto, sida in aad cilmi baaris ka sameeyso “Dhalinta dalka joogta maxaa u sabab ah shaqo la’aanta hayso”.
  • In aad doorto deegaan gaar oo cilmi barista ka sameyneyso, sida in aan dhahno: “Dhalinta ku nool muqdisho meeqa qof ayaa jaamacadd dhammeysay ”
  • In aan dooranno moowduuc macquul ah oo su’aalo ka dhalan karaan, jawaabo-hoodina la rabo in lagu oggaado cilmi barista marka la sameeyo ka dib.
Facebook Comments