Cumar Binu Cabdicasiis waxaa uu dhashay 60 hijriga, waxaa uuna kusoo barbaaray Magaalada barakaysan ee Madiina. Hooyadii waxaa la oran jirey Layla Bintu Caasim Binu Cumar Binu Khadaab.

Ayeeydii Hooyadi  dhashay waxa ay laheyd qiso caan ah oo aad loo wada yaqaano. Xilligii Cumar Binu Khadaab xilka haayey waxa uu ahaa mid habeenkii wadooyinka wareego si uu u oggaado xaaladaha dadka uu Amiirka u yahay, inta uu ku guda jiray guureynta habeenkii ayaa waxaa uu maqlay sheeko dhax marayso Hooyo iyo gabar ay dhashay, Hooyada waxa ay gabdheeda ku lahayd ” Caanaha biyo inoogu badi”.

Gabadhii waxa ay tiri “Hooyo Amiirka arintana waa uu diiday”, Hooyadii  waxa ay tiri “ Amiirka nama arkaaye ku dar Caanaha biyo”. Gabadhiina waa ay ka diiday oo waxa ay tiri Amiirka hadalkiisa marna madaba maraayo.

Inantii diiday caanaha in lagu daro biya ayaa waxaa guursaday caasim binu cumar binu khadaab, waxayna dhashay layla oo aheyd hooyadii dhashay cumar binu casiis.

Cumar binu casiis waxa uu ahaa Caalam ku cilmi dheer diinta, sido kale waxa uu ahaa mid aad u Alle ka cabsi badan, fiqiga iyo fahanka diintana aad loogu yaqaanay.

Cumar 87H waxaa loo magaacabay in uu Xarameynka madax ka noqdo, xilkii marka loo magaacabay, waxa uu isugu yeeray dhammaan culumaddii waaweyn ee Xarameynka joogtay, waxa uuna ku yiri “ waxaad tihiin lataliyaasheyda gaarka ah inta aan xilka haayana go’aan aadan idinka ogeyna ma qaaddanaayo”. Xilkii magaalada madiina waa ku tagay oo xagaa iyo dimishqi ayuu u aaday si uu waxbarshada diinta halkaa ugu sii wato.

Waxaa xanuunsaday amiirkii muslimiinta Suleymaan Binu Cabdimalaki, marka uu oggaaday  in u aad u liito, illeen nin weyn wadkii waa yaqaanaaye, waxaa uu yeeray Rajaa Binu Xaywatal Alkindiya oo ahaa caalam aad u yaqaanay diinta,waxa uu kala tashaday xilka qofka uu u dhiibi lahaa gadashiis.

Inkastoo umawiyiinta ay ahaayeen kuwa xilka kale dhaxlo, oo dhaxal ahaan suleymaan gadashii waxaa xilka lahaa Yasiid Binu Cabdimalak, sheeqii ayaa waxa uu kula taliyey in Uu Cumar Binu C.Casiis xilka muslimiinta loo dhiibo.

Amiir suleymaan waxa uu soo saarey waraaqda uu xilka ugu dardaarmay in uu gadaashii madax noqonaayo Cumar Binu Casiis, Yasiidna uu ka danbeynaayo Cumar.

Markii uu dhintay amiir suleyman, cumar waxa uu isugu yeeray dadkii oo idil waxa uuna yiri

“Dadkaygow waxaa laga igu imtixaanay xilka madaxnimadda. Mana aheyn mid aan raali ka ahaa dardaaranka amiirka, Mana jirin dad aan gaara ugu tilmaamay in la iga dhigo madax. Magacaabistaan intaad meel iska dhigtaan qofka aad rabtaan u doorta in uu idin hoggaamiyo. Fasax ayaan u yihiin doorashadiina”.

Dadkii waxa ay dhaheen “Adiga ayaan ku dooranay ee na hoggaami” Tariiqda xilligaa waxa ay aheyd 99h xilka waxa uu haayey 2sano 5bilood iyo maalmo.

Cumar waxa uu ahaa amiirkii 8aad ee umawiyiinta,sidoo waxa uu ahaa amiirkii lagu shaneeyo khulaaful raashidiin.

Shaqooyinka muhiimka uu qabtay bal aan isla fiirnno.

Umawiyiinta waxa ay ahaayen kuwa lacag ka qaato bangiga islaam oo waxa ay lacagta ku qaaddan jireen in ay yihiin muwayiin oo kali ah.

Afar iyo toban qarni ka badan ayaa laga joogaa waqtigii uu Rabi ku soo dajiyay rasuulkiisa Maxamed ah scw kitaabka furqaan oo ahaa midka kala saaray xaqa iyo baadilka isla markaana koobay oo saxay wixii laga khalday kutubtii isaga ka horeysay. Laga soo bilaabo mudadaas ka badan kun iyo afarta boqol oo sano diinta islaamka waxyaalaha aan isbadalin ee ay la timid waxaa ugu muhiimsanaa, iimaanka iyo akhlaaqda suuban iyo dhaqan galintooda. Islaamku markaa uu yimid iyo mudadooyinkii ka dambeeyayba marna iskuma dayin oo uma qasdin inuu badalo dadka hidahooda iyo dhaqankooda wixii aan dhibaato iimaan iyo mid akhlaaq daro lahayn, islaamku wuxuu ka aqbalay umadihii uu uu u yimid iyo kuwii uu gaarayba wax kasta oo dhaqan wanaagsan ah oo ay lahaayeen. Gaar ahaan marka uu dhaqankaasi yahay mid aan taabanaynin rumaynta rabiga weyn iyo in kaligii loo gaar yeelo cibaadooyinka, isla markaana uu yahay dhaqankaasi mid suuban oo aan sinaba wax ugu dhimaynin akhlaaqda hagaagsan ee uu ku baaqayay islaamku.

Cumar waxa uu dhammaan hantidiisa ku daray bankiga islaamka, xaaskiisa oo la oran jiray Faaduma Binu Cabdimalik waxa uu  ku amaray in dahabkeeda iyo waxa xoolo heysto lagu celiyo bankiga islaamka. Sidoo kale  dhammaan lacagti umawiyiinta ay heyteen bankiga islaamka ayaa lagu soo celiyey.

Guud ahaan waxa uu joojey lacagtii umawiyiinta qaaddan jireen, sidoo kale waxaa uu joojey canshuurta dadka laga qaaddi jirey. Culumada bishii waxa uu siin jiray 100 diinaar oo dahab. si ay dadka u baraan diinta.

Waxa uu xilka kawada qaadday dhammaan madaxdii dadka ay nacebaayeen, waxa uuna xilka u dhiibey dadka kuwa ay jeclaayeen. Sidoo kale waxa uu u celiyey qof waliba oo xoolo ka maqanaa.Waxaa u cadaadalad sameyey sidii cumar binu khadaab. Waxa uu horjoogayaasha ciidan ku dooran jirey labbo qodob oo kale ahaa:Qof qariya qur’aanka iyo inuu salad badan yahay.

Bangiga muslimiinta lacagta ku jirta waxa uu siin jirey masaakinta, dadka aan guurka awodin waa ugu guurin jirey, agoonta waa lagu daryeel jiray , maaskiinta waa laga quudin jiray.

 Cumar mar ayuu aad u xanuunsaday , waxa uu oggaaday in uu sumeeyey mid kamid ahaa shaqaalihiisa, ninkii ayuu weydiyey waxa uu yiri maxaad sameysay.

Waxa uu yiri waxaa la isiyey kun diinaar oo dahab ah si’aan kuu sumeeyo, Cumar waxa uu yiri lacagtii keen, lacagtiina waxa uu ku daray bankiga muslimiinta. Ninkiina waxa uu ku yiri waan ku cafiyey iska tag!

Marka uu dhiman rabay waxa uu ilmihiisa ku yiri aabihiin waxaa la kale dooransiiyey labbo: In aad noqotaan taajiriin aabihiina naar galo iyo in aad faqiir noqotaan oo aabihii jano galo, annigana waxa aad doortay mida dambe.

Cumar allah ka raali noqdee waxa uu dhintay sanadkii 101H. Cumar waqti yar waa uu taliyey raad wanaagsan iyo cadaadalad dadka deeqday iyo diinta oo si fiican loogu dhaqmo waa uu ka tagay.

Facebook Comments