Dalkeenna hooyo waxa uu kasoo baxayaa mugdi, jikaar iyo dhibaato waxaana cagta saarnay dhinicii hormarka iyo aqoonta. Waxaa isbeddalay aragtida dhallinyarada, waxa aad ka dareemeysaa baahida ey cilmiga u qabaan raadintooda.

Waxaa isbeddalay waxbarashada Gabdhaha waxa aad arkeysaa afar ama Shan gabdhood oo walaalo ah misana guri kuwada nool oo Jaamacadda dhigta qaarna dhammeeyay. Waxaa isbeddalay hab fikirka waalidka oo waxa aad arkeysaa waalid diyaar u ah in ilmihiisa uu waxbaro hadane shaqo abuur u sameeyo.

Waxaa yaraaday tahriibka, oo dhallinyaradu badankood waxa aad kadareemeysaa in ey fahmeen dhibaatada laga dhaxlo tahriibta. Sidaas oo eytahay waxaad dareemeysaa in ey wali wax qaldanyihiin, waliba wax aad uweyn in ey qaldanyihiin.

Maxaa Qaldan?

Waxaa jiro cunaqabateen ama hagardaamooyin dhaawac culus ugeysan kara bulshada, gaar ahaan dhallinyarada. Hagardaamooyinkaas waxa ey kayimaadaan inta badan hey’adaha aan dowliga ahayn iyo kuwa dowliga ah intaba. Tusaale; marki qof dhallinyarada katirsan uu hal abuur ganacsi layimaado ee uu soodhaweyn kahelo bulshada lana boggaadiyo hal abuurkaas.

Waxaa ku soo dhax dhacayo koox lacag lahaadeyso oo kor u duuliya qofki hal abuurki layimid, qofka oo markiisa hore ganacsi yar iska heystay waxa uu dareemayaa farxad aad uweyn maadaama kooxda lacagta laduuleysa ey usheegeen In ey hey’ad heblaayo yihiin diyaarna uyihiin in ey kucaawiyaan ganacsigiisa oo ey kaheleen hal abuurkiisa!

U fiirso qofka dhallinyarada ah marki hore asagaa dadaalay juhdi bixiyay oo lacag ku soo iibsaday qalabka uu ganacsigiisa ku billaabay, intaas kaddib ayuu bulshada usoo bandhigay, waa lagu qancay! Haddii uu juhdi kusii bixiyo ee uu sii casriyeeyo faa’iido intee la’eg ayaa laga sameyn karaa?

Sidoo kale marki lacag yar lasiiyo qofka ee uu dhowr bari soo muuqda asaga oo ganacsigiisa xayaysiinayo, maalmaha ku xiga waxa aad arkeysaa qofki oo Turkiga kasoo jeestay, kana guuray ganacsigiisa iyo deegaankiisaba bal yuu u daranyahay arrinkaas!!

Taas waxaa lamid ah oo aan aad ula yaabay qoraayaasha, waxa aad arkeysaa dhallinyaro badan oo hal abuur leh oo wax qora oo maamuusyo kala duwan loo sameynayo sida casha sharaf, iyo buuggaagtooda madaxda ey iibsadaan iskuna soo sawiraan, balse taas anigu madiidaniye maxaa kadhasha?!

Waxaa kadhasha in qofki qoraaga ahaa uu bulshada dhaxdeeda caan ka noqdo, lana jeclaado dad bandanna ey niyadda iska yiraahdaan Alla yaa hebal ama heblaayo oo kale kaa dhigo!!

Balse qoraayaashii la sharfay oo cajiibka ahaa oo bulshada dhan hiigga iyo laabta ka jeclaadeen waxa aad arkeysaa iyaga oo dalka isaga taga kuna darsooma dadka ey wax kasto ka suurtoobaan gaar ahaan baraha bulshada oo aad ku aragto iyaga oo dhaqanka ka guuray dharqaawni iyo u dhow iyaga oo kullabisan, qoraalna warkiisa daa oo buuggii ey kusoo caanbaxeen ayaa ugu danbeeyay wax laqoro!!!

Halkaas waxaa ku dhumaya ama kuwa marin habbaaba jiilkii kayaraa kuwa kudhaqmay arrimahii aan soo sheegnay, oo waxa eyba maleynayaan horumarka nolosha in ey qeyb katahay aadidda dibada ama qurbaha iyo u labisashada sidii ajaaniibta, taas oo ah mid u daran dalka!!!

Dhallinyarooy iska eega qofka aad ku dayaneysaan, adkeeyana hadafkiinna”

Facebook Comments