Waa muhiim in aan fahanno faa’iidada borotiinka, borotiinka waxa uu muhiim u yahay guud ahaan jirka aadanaha, Cidiyaha iyo Timaha waxa ugu badan oo ey kasameysanyihiin waa borotiin.

Jirkeenna waxa uu borotiinka u isticmaalaa in lagu dhiso nudayaasha iyo in lagu dayactiro dhaawacyada jirkeenna soogaara sida bur-burka lafaha, muruyada iyo maqaarka. Dheecaanada uu jirkeenna soo saaro iyo falgallada kadhaca inta badan waxaa qeyb ka ah borotiinka.

Cunnada aan cunno qaarkeed jirka waxa uu ubbaahanyahay qaddar yar, halka qaarkalena uu ubbaahanyahay qaddar badan, borotiinka waxa uu kamid yahay cunnada uu jirkeenu u bbaahanyahay qaddar badan sababtoo ah borotiinka jirka laguma kediyo sidookalena jirkeenu masoosaaro wax borotiin ah.

Haddaba Qaddar intee La’eg ayaan ubbaahannahay borotiinka?

Inta badan waxa aan kamaqalnaa dhallinyarada raba in ey Murqaha dhistaan iyaga oo leh “Borotiin badan ayaan qaadannaa si’aan Murqo weyn u dhisanno” Taasi waa ka badin ama ka bad-badis, xaqiiqda waxa ey tahay in Muruqa uu ku dhismo jimicsi joogta ah, balse borotiinka jirkaaga aad ka buuxineyso masoo saareyso Muruq weyn ama Murqo badan.

Jirkeenna caadi ahaan waxa uu ubbaahanyahay qaddar kufilan oo borotiin ah, cunnada dheelitiran aad qaadaneysana waad ku dari kartaa cunno borotiinka laga helo.

Muxuu Yahay Borotiinka Budada Ah(whey protein):-

Borotiinkaan intabadan waxaa isticmaalo dadka raba in ey Murqaha dhistaan, waxa uuna kuyimaadaa caagado ama baakado waana borotiin soo maray farsamo ama warshad. Caanaha lo’da ayaa inta badan laga soosaaraa, caanaha lo’da waxaa kujiro labo nuuc oo borotiin ah oo aad muhiim ugu ah jirka aadanaha waxaana lakala yiraahdaa (casein (80%) and whey (20%).

Labadaas borotiin waxaa loo isticmaalaa wax soosaarka cunnooyinka baakadeysan 80%, haddii aan waxyar halkaan kafaa’iideysanno waxaa noogu jiro muhiimad gaar ah Soomaali ahaan sababtoo ah waxa aan leenahay lo’ badan ama waxsoosaarka caanaha dalkeena waa mid heer sare ah, balse yaaka faa’iideysanayo waaye jawaabta?

Caanaha marki lasoo liso waxaa kujiro guud ahaan nuucyada borotiinka ah, waxaa lamariyaa warshad silooga sooco whey borotiin, kaddibna waa laqalajiyaa waxaana la’iibgeeyaa asaga oo budo ah. Sababta waxaas loo sameeyayana waa in la’ogaaday in borotiinkaan yahay qeybta borotiin ee sifiican uga qeyb qaadan karto korinta Murqaha.

 

Mahadsanidiin

Facebook Comments