Waxeynu maqaalnaa ‘xaddaarad’, macnawiyan waa isku dayo ay sameeyaan umad jirtey xilli sugan. Waxeyna xaddaaradaasi socotada nolosha kusoo kordhisaa wax la mahdiyo oo mugdiga ka saarta fikrado baqdin darteed looga cabsoonayey. Sidaas ma sii ahaate, sagxadda bey soo taabataa – waxaana ka hadha uun xusuus iyo waxtar – waxtar bel ba.

Xaddaarada waxa un ka aqoon, caqli, xikmad, tajribo, iyo xigasho. Intaas gadaasheed baa higsashadu dhaboobi kartaa, hadal keliya haan ma buuxsho, sidey Soomaalidu horey ba ku maahmaahdey.

Guud ahaanna, waxey ahaayeen dad ay noloshu indhaha u furtey oo runta iyo falsafadda cimiladu ay wax bartey. Dunida ma dhicin dad intey dhismeen, si dhayal ahna u koray – iyaga oo boqollaal jeer kufin oo daal-dhicin. Waa halkii abwaankii lahaa ‘lama helo wadaadow waxaan cidi u hawshoon’.

Isla jeerkaas na, u fiirso ilbaxnimo kasta oo dunida soo martey, tusaale ahaan, ilbaxnimadii Mesopotamia, Beershiyaanka, Giriigga, Mayan-ka, Masaariyiinta, iyo Indus Valley oo Hindiya ka jirtey; intuba waxey ku sugnaayeen halgan dheer oo ay ugu hayaameen kobcinta garaadka iyo dhaqdhaqaaqa aragtiyaha iyo qaab-adeegsiga farsamada.

Inagoon barbardhig kolna la aameyn kareyn xaddaradahaas kor ku xusan ee ka faca weynaa jiritaanka Soomaalida, haddana, waa taariikh dahabi ah oo aadanaha Tixraac u ah, cashar iyo hadimo u ah. Haddaad hoos u eegto nolosha aadanaha waa kala haab, kala jaad, kala dareen.

Ilbaxnimada Soomaalida waa mid ku eeg miyiga. Bulshada Soomaalidu waxey leedahay dhaqan, af, hidde, iyo dhisme nololeed oo u gaar ah taas oo la odhan karo, kolka la cabbirayo xaddaarad iyo ilbaxnimo in xoogga la saaro in bulsho la haato qaab dhismeed. Haseyeeshe, dhanka dhaqan dhaqaale iyo horumar ka bulsho wax la taab karo oo xaddaarad u taagan in la arko wey yar tahay.

Ibu Khaldum buuggiisa Muqaddimah , wuxuu kaga waramaya kolka reer Baadiyuhu soo galo magaalada, wuxuu carqaladeyn kara xadhiga Ilbaxnimada [= Invasions from nomadic people limited development and led to social collapse]. Xaddaradi ma burburto, waxey yeelata Weji kale: Egypt oo isu-bddeshey Mesopotamia, kadib na noqotey Roman Civilization.

Ma doonayo in aan ku dheeraado qoddobkan Xaddaarada, waa mawduuc sal balaadhan, qormo kale beynu kaga warami doonaa. Ahmiyaddu waxey tahay uun Gabeygu kaalin aanu kula heyn ilbaxnimada Soomaalida, ee ay siddeeda ba bini’aadamka ay noloshu wax barto.

Dhaqanka Afka ayay Suugaantu kobcisaa, dhisme xaddaaradeed (Maya) Kolna innaga oo gebi ahaan ba inkireyn in Soomaalidu leedahay ilbaxnimo yar, oo tibaaxaya sida ay u lahaayeen aqoon u gooni ah oo af gartaan deegaanka ku gedaaman. Dhinac oo qoraa Barwaaqo ka istaagey, iyadana ila dhowr:

Sida uu qorayo qoraaga Cabdiraxmaan Faarax ‘Barwaaqo’ (AQOONTII IYO ILBAXNIMADII SOOMAALIDA; taxanaha dhaxalreeb II/2009,)..wuxu qoraagu xusayaa in ilbaxnimadu Soomaalidu ka mug weyn tahay wax dhawr bog lagu qoro, waxaana kamid ah ilbaxnimadan:

“….waxey dadka Soomaaliyeed yaqaanneen in cudurada laysku dhalo oo la kala dhaxlo, kuwaasi oo dhakhaatiirtu hadda u yaqaannaan ‘heredity disease’……, si taas looga hortago waxa caado laga dhigtay oo la joojiyy isguursiga xigaalka. Kubadhagaxawga (constipation) wuxuu kamid ahaa xanuunada yaryar ee ay dadka Soomaaliyeed iska daaweyn jireen – waxey adeegsan jireen caleenta geedka loo yaqaan Jaleelada. Dadka Soomaaliyeed waxay si yaab leh u yaqaanneen kaydinta cuntada ( food preservation) ikk.”

Dhinaca kale, quwadihii dunida qarniyadii 1200 – 1900 dunida hoggaanka u hayey, Great Britian, burtaqiiska, iyo Fransiiska iyaguna lur kamey dheereyn. U jeedku wuxuu daarna, afar qoddob iney u ahaayeen seeska ka midho dhalinta qorshe-qorsheysan. Ayna usoo gaabin karno sida tan: “ Aragti-hammi ay weheliso xeelad lagu gaadhayo oo salka ku heysa marinkii loo mari lahaa – kaas oo ku hoggaaminaya hadafka / Vision, Mission, Strategy and Goal’.

Haseyeeshe, dib-u-milicsiga sooyaalka Soomaalida, ilbaxnimo wax la yidhaahdo laga ma hayo, aan ka aheyn ‘guluf alloosin iyo maan-amaamudan’, waxey sheegaan iney beenyada iyo fooxa ganacsi ahaan ula ganacsan jireen faraaciinta. Si kastey ahaata ba, waxaa laga dheehan karaa, qarniyo tiro-beel ah bey jireen, eeggana, hilaac dib-u-curasho ilbaxnimo ma muuqato. Ahmiyadu waxey tahay uun in qawm kasta uu ahaa sidooda xilli kamid xilliyada.

Facebook Comments