Maalin waliba duniddaan waxaa ka dhaco cuquubooyin  muuqda, qof  waliba marka uu arko waa uu ka damqadaa,waxaana kamid caquuboyinka muuqda qof maskiin ah oo waxba aanan galabsan in ganacsigiisa laga kale daadidiyo asaga oo lagu eedeynaayo in uu ka dhashay reer liita!!

Hadda waxaad moodaaa caquuboyinkii waa weynaa in laga waantoobay oo waa ay yaraadeen. Laakin waxaa Soo batay caquuboyin aamusan. Aqriste ma la yaabatahay caquuboyinki aaamusan ina keen aan Isla ogaanee.

Hadda ka hor wiil 20jir ayaa waxa lagu yiri faaraxoow dharka ayaa ku dhaqo waxa uu ku jawaabay ” Qofka haddii aan sheego ceeb ah, haddii aan qariyana habaar ah ayaa dharka ii dhaqo”. Yaad u maleyneysaa in uu faarax dharka u dhaqo, waad garatay ayaan filayaa waa Hooyadiii!!! Tani waxay kamid tahay cuqoobiyin aamuusan.

Waxaad arkaysaa Hooyo xaafad joogto oo howsha guriga qabanayso caruurteedii oo waaweyn ay fadhiyaan oo ay ku fiirsanayaan!! Waxaaba laga yaaba in aysan dhib u arkeen, ayagoo caafimaad qabo howshaan qaban Kara in ay Hooyadood qabato!!!!!

Caruurta Soo koraayo marka uu waalidkood wax u dirsadaan waxaad arkaysaa in ay kusoo tuuraayaan ama usoo taraarixanayaa wixii loo diray ayagoo oo si saani ah aan ugu dhiibeyn waalidka. Marka aad u sheegto oo aad ku dhahdo waa hooyo/Aabe sidee ugu tuurtay waa ceebe, waxa ay kugu jawaabayaan maxay ka dhibeysaa!!!.

Dhinac kale waalidka marka aad dhahdo Hooyo/Aabe ilmahaan in ay qalad galeen maad u sheegtid waxa ay ku leeyihin iga dhaaf  war igama maqlaayeen.

Mida kale oo kamid ah cuquubiyinka aamusan waxaa ka mid ah waalidka marka uu wax ku dirsado in aad ku dhahdo waa ay ku dhowyihiin Soo qabso. Ama waalidka ay cunno kugu keenaan  meesha aad huruday adiga oo waliba caafimaad qabo!!!! Subxanalaah. Waa wax laga yax yaxo in waalidka laga dhigo qof caadi ah.

Abuubakar sadiiq Allah ka raali naqdee ayaa maalin  maalmaha kamid ah Hooyadiii u yeertay Hooyo ayuu yiri waa uuna u imaaday, marka uu u imaaday waa uu ooyey oo waxa uu  yiri “Hooyo Codka ayaan ka kor u qaadday marka aan Hooyo ku lahaa, raali naqo ma mudnin arinkaa”, hadda ogow si caadi ah buu ula hadalay markii hore.

Haddaba ila fiiri Aqriste sida u aaheyen waalidkood saxabaddi Nabiga NNKH. Waqtiyadaan dambe  waxaad arkaysaa Dadka kuleh waalidkood qeylo badinidaa Hooyo/Aabe!!

Qaarna waaalidkood ayey Amar diido ku saameynaayo  ayogoo leh ma saameynaayo waxaa I dhaheyso, waxayba illoobeen in waalidka hadalkiisa waajib yahay siiba hooyada salaada sunna ah looga baxaayo haddii aad ku jirto oo ay kuu yeerto. Caquuboyinka Aamusan waxaa kamid ah dadka kaa waaweyn in aad ixtraami weydo oo hadalo aanay ka mudneyn aad ku dhahdo ama aad aflagadeyso!!

Macallimiinta oo waalidka saddaaxda ah in loo gacan qaaddo waa arin mudooyinkaan dambe soo baxday waxa ayna ka mid tahay caquuboyinka Aamusan ee dunida ka dhaca.

Haddaba Aqriste haddii aan Isla ogaaney arinkaan waxaa muhiim ah in aan nafteenna iyo waalaleenba ka illaalino caquuboyinkii Aamusan ee dunida sida joogta ugu dhaco.

Facebook Comments