Sanduuqa codka ee Afka qalaad loo yaqaano (larynx), waxa uu ka kooban yahay carjow, murqo iyo xuub ku yaallo dusha sare ee dhuunta iyo salka carrabka.

Dhawaqa  codka waxaa la sameeyaa marka ay  fiilooyinka codka ay gariiraan. Gariirku wuxuu ka yimaadaa hawo ka soo dhaqaaqdo dhanka sanduuqa codka (larynx), oo isu keenaya filooyinka codku si ay isugu  soo dhowaadaan.

Haddii filooyanka codku ay caabuq yeeshaan ama ay cuuryaamaan, si sax ah uma shaqeyn karaan oo waxaa laga yaabaa inaad yeelato cilad xagga codka ah.

Cuduradda Codka Wax-Yeelleyo Waxaa Kamid Ah:

  • Hergabka. 
  • Caabuqa ku dhaco dhuunta.
  • Burada ka soo baxdo dhuunta.
  • Shaqo gab ku imaado xargaha codka.
  • Isbadaladda

Yaa Halis Ugu Jiro In Ay Ku Dhacaan Cudurdada Codka:

  • Dadka da’da ah.
  • Dadka isticmaalo maandooriyaasha sida Sigaarka Qamriga IWM.
  • Dadka qabo xasaasiyadda.
  • Dadka qabo infekshanka ku dhaco hab-dhiska neefshada qeybta sare sida dhuunta.

Calaamadaha Lagu Garto Isbadalka Codka Waxaa Kamid Ah:

  • Codka in yeesho xabeeb.
  • Codka in uu noqdo mid qofka kasoo bixi waayo waliba asaga oo hadlaayo.
  • Codka oo qofka awoodi waayo in uu kor u qaaddo

Sidee Loo Daweeyaa Cuduradda Ku Dhaco Codka.

  • Isbadalka hab nolaleedka waxa uu qeyb lixaad leh ka qaataa daaweynta cudurda codka.
  • Qofka in uu tago takhtar cilmi nafsi ah ayaa kaa caawin karta daaweynta ciladaha codka qaarkood.Daaweynta waxaa ka mid noqon kara jimicsi.
  • Daawo in aan siinno qofka ayada oo loo eegaayo sababta.
  • Qalliin in lagu sameyo haddii ay jirto burada dhuunta ah.
Facebook Comments