Waa maxay nasiibku? Waa weyddiin iyo fal-celinteedi.! Nasiib muxuu yahay? Dadku ma isku wada nasiib baa? Nasiibka iyo qaddarka maxaa u dhaxeeya? Nasiibka ma lagu hungoobaa? Waa weyddiimahaas iyo qaar kale oo badan oo aynu kaga warrami doono qormada tan.

Haddii aynu ku bilaabano, sannaddii 1992-dii, nin la odhan jiray Arkie Karas, oo ahaa muddalab ka shaqeeya mid ka mid ah hudheelada waaweyn ee Maraykanka, ayaa tegay magaalada Las Vegas.

Sannaddii 1995-tii konton dollar oo uu haystay waxa uu u beddelay 40 million oo dollar. Waxa uu noqday rikoodhkana ku dhigay guulaystihii ugu layaabka iyo nasiibka badnaa abid ee soo mara taariikhda khammaarka Maraykanka. Qaar badan oo innaga mid ahi waxa ay odhan doonaan “nasiib badanaa” qaarna waxa ay odhan doonaan “ninku nasiib badanaa”.

Dadka iyo culimada ku xeeldheer cilmiga Statistics-ka way innagu qosli doontaa. Oo waxa ay odhan doonaan waxani waa mashiin wareegaya oo khammaar. Culimada diintu iyana waxa ay odhan doonaan waa qaddar iyo calaf u qornaa.!

Sidee baynu nasiibka u sharrixi karnaa?

Ma qeexi karnaa waxa innagu dhacay?

Ma qaar guulaystay; mise kuwa khasaaray nolosha oo nasiibkoodu xumaaday ayaynu nahay?

Bulshooyinka caalamku iyo diimahooduba siyaabo kala duwan ayay u sharraxaan nasiibka. Bilmatal, tusaale waxa aad u soo qaadataa dhawr qof oo ka badbaaday qaraxii iyo weerarkii Twin Towers ee magaalada New York, ka dhacay sannaddii 2001-dii September 11, haddii ay Hindu haystaan waxa ay odhanaynaan waxa aanu leenahay karma wannaagsan oo ay u yaqaaniin ifafaallo iyo Illaah wannaagsan, halka qofka Masiixiga ah odhanayo in Eebbe u gargaaray, Muslimku waxa uu odhanayaa in Eebbe aanu u qorin in uu dhinto maanta, halka qofka khuraafaadka aaminsani (mystic) odhanayo in uu dhashay maalin boqran iyo xiddigo isku toosan.

Dhaqan ahaan Shiinuhu waxa ay aaminsan yihiin in nasiibku yahay wax qofka ku lammaan sida caqliga iyo fekerka qofka oo kale – oo qof kastaa nasiibkiisa wato. Shiinuhu sidoo kale waxa ay aaminsayihiin in dedaalka iyo juhdiga oo la badiyaa qofka ka dhigi karo qof nasiib badan.

Haddii aad dedaashid oo aad hawshii lagaaga baahnaa aad la timaaddid waxa hubaal ah in aad nasiibka ku guulaysanaysid. Taasina waa hubaal, haddii aad firfircooni la timaaddid in aad nasiib wacan yeelanaysid. Cilmi baqdhis faro badan oo ay sameeyeen jaamacaddo tiro badan oo ku yaalla gudaha dalka Maraykanka, siiba culimada cilmiga kasmo-nafeedka (psychology), ee jaamacadda Hertfordshire, waxa ay ogaadeen in nasiibka iyo filashada wannaagsan xidhiidh ka dhaxeeyo. (Optimism). Waxa ay qeexeen in markasta oo aad filashada iyo niyadda wannaagsani horseedi karto nasiib wannaagsan.

In la rummeeyo qadaha iyo qaddarta Eebbe waa mid ku waajib ku ah ruux kasta oo diinta Islaamka haysta. Waxa ay ka mid tahay lixda tiir ee iimaanka ah ee diinta Islaamku ku dhisan tahay. Waa fadhiidnimo dhayda ka cad ruuxii yidhaahda wax walba way qoran yihiin ee maxaan waxaas u qabanayaa yidhaahda? Laakiin arrintu sidaas ma aha, waa run in la rummeeyo qaddarta, laakiin in aad ficilkii la timaaddid waa laga ma maarmaan. Rasuulkeenni Maxamed ahaa Shacni iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee waa tii uu yidhi:

( وﺪﺠﺗ ﺮﻴﺨﻟﺎﺑ اﻮﻠﺋﺎﻔﺗ )

(Waar Maleeya kheyrka waad heleysaane)

Xaddiiskan waxa aynu ka qaaddanaynaa in markasta wannaaga la fisho. Niyad jabka werwerka, iyo walbahaarkana la iska dhawro, khayrkana la fisho. Dhanka kale waxa iyaduna laga maarmaan ah in markasta Eebbe lagu kalsoonaado. Qofku waa in uu ogaadaa in wax kasta oo uu doonaayo in mar hore lagu diyaariyay deegaankiisa. Eebbe mar kale waa kii yidhi:

( ءﺎَﺷَﺎﻣَﻲﺑِﻦ ﻈُﻴَﻠْﻓَﻲﺑِيﺪِﺒْﻋَﻦ ﻇَﺪَﻨْﻋِﺎﻧَ )
(Anigu waxaan ku sugnahay meesha uu addoonkayga iga filayo ee meel kasta ha iga fisho).

Tallaabo kasta oo aad qaadaysid waa in aad Eebbe (kor ahaaye) lagu kalsoonaado. La jirkiisana maanka ku haysid. Mar kasta oo aad Eebbe weyne meel kasta ka filatid, Eebbena wuu kula jiraa.

Mar kale Eebbe waxa uu yidhi:

( ﻢُْﻜَﻟﺐْﺠِﺘَﺳْ ﻲﻧﻮِﻋُداْ ﻢُُﻜﺑ رَلﺎَﻗَوَ
(Rabbigiin waxa uu yidhi: waar i barya aan idiin jawaabee)

Waxa jira xeer dhan oo ku soo arooray filashada wannaagsan iyo xidhiidhka ka dhaxeeya nasiibka. Haddii aad wax wannaagsan ku fakirto oo aad ku hammiddid, waxa biyo-kama dhibcaan ah in aad wax wannaagsan la kulmaysid.

Wax kasta oo aad jamatid, dunida guudkeeda yaal waa kuu diyaar. Laakiinse dadku waxa ay isku dhaafeen qaab loo marayo waxaas la majeertay. In hanka iyo himilada kor loo qaado, mar walbana aad tahay waxa aad ku fakirtid. Waxii aad doonaysay waa aad soo jiidanaysaa.

Xeerkaasna waxa la dhahaa law of attraction. Xeerka isa soo jiidashada. Si kale haddii loo dhigo waa ‘Qada’a iyo ‘Qaddar’. Haddii aad hawshii la timaaddid, qaddarkana waxa kuu qoran ay qoran tahay waad asiibi doontaa. Laakiin jeerka aad meel iska fadhiisato, rabtidna in wax kastaa fadhiga kuugu yimaadaan – tidhaahdidna nasiib iyo qaddar wax kuu qoran ku seegi maayaan waa dhalanteed dhabta ka fog.

Aqoonyahannada arrintan ka faallooday waxa ka mid ah: Napoleon Hill oo u dhashay dalweynaha Maraykanka. Waxa uu qoray buug sannaddii 1928-kii. Buuggaas oo lagu magacaabo The law of success.

Buuggan waxa uu si fiican u qaadaa dhigayaa xeerka isa soo jiidhashada (Law of attraction).

Qoraagu buuggiisa waxa uu ku xusay in kalsoonida naftu asal iyo saldhig u tahay wax-qabadka qofka. Qofku haddii uu aaminsayahay in uu guul gaadhi karo, waa uu ka dhabayn karaa hammigiisaas. Guuldarrada ruuxa la soo darista waxa uu ku tilmaamay in ay ka timaado cabsida iyo baqaha qofka soo waajahda.

Aqoonyahankan oo keliyaata ma aha kuwa ka faallooday mawdduucan xeerka isa soo jiidashada, sidoo kale aqoonyahankii lagu magacaabi jiray Israel Regardie, ee u dhashay waddanka Faransiiska ayaa xeerkan wax ka qoray. Sannaddii 1937-dii ayuu qoray buug uu magac daray (The art of true healing). Farshaxanka caafimaadka dhabta ah. Waxa uu tilmaamay in xeerka isa soo jiidashadu yahay xeerka ugu wayn ee dunida ka jira.

Qoraagu waxa uu buugga ku xusayaa in xumaantu ku tallaalan tahay ruuxa. Sidaa daraaddeed loo baahan yahay in ruuxu kaga badbaado nooc khalaawayn ah oo kale. (Meditation). Qoraagu mar kale xeerka isa soo jiidashada wuxuu ku tilmaamay in uusan ahayn oo keliya mid wanaagga kuu soo jiida, bal waa mid nolosha kaaga yeelaya sidii aad jeceshahay in ay kuugu muuqato adiga.

Facebook Comments