Dhaqaaluhu waa cilmiga aan ku baranno sida loo maamulo khayraadka yar ee aan haysanno si aan u daboolno baahiyaha aan xadka lahayn ee aan leenahay. Dhaqaalayahankuna ma ahan bakhayl ee waa xeeldheere aqoonyahan ah kaasoo si maangal ah u maamusha tacabka yar ee uu haysto.

Dhaqaaluhu waa maaddo kamid ah maaddooyinka ugu qaalisa ee dunidaan lagu barto. Dad badan ayaa markay maqlaan magaca “Dhaqaalaha” aan si mug leh u fahmin sababta loo barto maaddadaan?

Dadka dhaqaalaha barta waxaa jira oraah ay isticmaalaan oo dhahda “Economists always disagree” taasoo micnaheedu yahay in haddii aad su’aal waydiiso koox dhaqaaloyahaniin ah midkasta wuxuu ku siinayaan warcelin ka duwan warcelinta uu midka kale bixiyay, mana ahan in dhaqaaluhu uu yahay maaddo aan meel loo raaco lahayn ee waxaa oraahdaas ka dheegan kartaa in dhaqaalayahaniintu ay yihiin dad caqli badan si ka mug dheer sida dadka kalena u fakara.

Hadan hordhac Inaga siiyo Dhaqaalaha iyo Waxa uu ka Hadlo , Haa Waan ogahay inaan Qofka Aqoon fiican u Lahayn Dhaqaalaha uu ka Aaminsan Yahay Fikrado Qaldan uu ka Haysdo Dhaqaalaha Sidaa Daraadeed Dhaqaalaha waxa uu ka Hadlaa Ilaahay Wuxuu ina siiyey ee Khayraad{Resource} sidii aynu u Nidaamsan Lahayn Amba aynu isku Filnaysiin Lahayn Ayuu ka Hadlaa Dhaqaalaha.

Khayraadka aynu Haysanaa Wuxuu Noqon karaa.

  1. Dadka uu Ilaahay ina Siiyey Waa Khayraad Dhaqaaluhu Wuu Ka Hadlaa Bini Adamka iyo sidii Loo Horemarin Lahaa
  2. Waqtiga iyo Sidii Loo Nidaamsan Lahaa Loogana Faaidaysan Lahaa Wuu Ka Hadlaa Dhaqaaluhu
  3. Waxa uu Ilaahay WadanKaga Ugu deeqay ee Khayraad ah iyo sidii Aad u Horemarin Lahayd oo ay ka mid yihiin Hadii ilaahay ku siiyey Macdan , dhul la beerto , ama wax soo saarkii haday noqoto dhamaan waxaa soo dhan wuu ku Hadlaa dhaqaaluhu
  4. Sidoo Kale Dhaqaaluhu wuxuu ka Hadlaa sidii loo la Dagaalami Lahaa Faqriga iyo Shaqo La,aanta iyo sicir bararka”Inflation” Maandadan dhaqaaluhu way Ka Hadashaa

Waxaan rabaa inaan qodobbeeyo sababaha aan dhaqaalaha u baranno waana sidaan:

  1. Tashiilidda Tacabka Yar Ee Aan Haysanno:

Markaad erayga dhaqaale maqasho waxaa maankaaga kusoo degdegaya hanti laga ilaalinayo inay lunto ama dayacanto. Anoo ka duulayaa fakarkaas uu qofkasta qabo waxaa dhaqaalaha loo bartaa sidii qofku uu u maamulan lahaa tacabka yar ee uu haysto, waana dadnimo dheeri ah in qofku wixiisa dhaqaalaysto mana jirto liidnimo ka hoosaysa qof aan wixiisa tashiilan karin soomaalidii hore na kama aysan ilduufin inay ceebeeyaan dadka aan dhaqaalayahniinta ahayn. Murti soomaaliyeed ayaa tiraahda, 

“Dad waxaa u liita ma tashade, ma tabcade, iyo ma tashiishe”

Xikamaddaasi waxay caddaynaysaa inaysan dadnimo kujirin qofkii aan dhaqaaloyahan ahayn. Alle weyne sarreeye wuxuu quran kiisa ku sheegay inaynaan hantideenna ku ciyaarin aayaad badan ayuuna Alle kaga hadlay arrintaas waxaana kamid ah aayaddaan hoos ku qoran:

قال تعالى: { وَكُلُوا وَاشْرَبُوا وَلَا تُسْرِفُوا إِنَّهُ لَا يُحِبُّ الْمُسْرِفِينَ } الأعراف/31،

  1. Go’aan Qaadashada Miyyirka Ku Dhisan

Sababta kale ee aan dhaqaalaha u baranno waa sidii aan u garan lahayn tabaha aan ku gaari karno go’aan sax ah. Shakshi, shirkad iyo dowladuhuba waa u baahanyihiin inay helaan cilmiga dhaqaalaha. Kasoo qaad shakhsiga, qofkasta oo ina kamid ah wuxuu haystaa 24 saacadood waxaase la isku dhaafay goaanka uu qofkasta qaatay siduu waqtigaas uga faaiidaysan lahaa, go’aanka aad gaarayso qeyb ahaan waxaa kaa caawinkara dhaqaalaha.

Shirkaduhu dhaqaalaha aad bay ugu baahanyihiin oo isaga ayaa siinaya xaqiiqooyinka ay go’aanka ku gaarayaan, dhaqaale la’aantiisna wareer badan ayaa sharikaadka ka qabsan lahaa inay go’aan sax ah gaaraan, haddii aan la xisaabin lahayn faaiidada iyo khasaaraha ganacsiga bal suurayso sida lagu garan lahaa in ganacsigaan lasii wado iyo inkale! Waxay noqon lahayd waalli, waana la hubaa haddii barashada dhaqaaluhu ay dunidaan ka maqnaan lahayd in jahawareer iyo hallow badan uu ku imaan hab nololeedkeenna.

  1. Kor U Qaadidda Waxsoosaarka Iyo Horumarinta Waaxya Dhaqaaleedka (Economic Sectors) Ee Aan Hodanka Ku Nahay.

Sidii kor loogu qaadi lahaa waxsoosaarka wadanka iyo sidii aan awoodda u saari lahayn waaxyaha dhaqaalaha ee wadankeenu hodanka ku yahay ayaan u barannaa dhaqaalaha.

  1. Xallinta Dhibaatooyinka Dhaqaalaha

Dhaqaalaha waxaan u barannaa sidii aan ku xallin lahayn dhibaatooyinka dhaqaale ee ina haysta. Dhibaatooyinka sicirbararka, shaqo la’aanta, kharashaadka nolosha iyo dhibaatooyin badan oo kale oo bulshadeenna haysta daawadii aan ku xallin lahayn waa dhaqaalaha oo aan si fiican u baranno kadibna aan si hufan u dhaqangalinno. Ummaddeenna soomaaliyeed waxaa haysta dhammaan dhibaatooyinkii la rabay inuu dhaqaaluhu xalliyo kaaga daran waxaa xilalka sarsare ee waddanka haya rag dhaqaalaha bartay, anigu waxaan u hubaa saan geeridayda u hubo in cilmiga dhaqaaluhu uusan khaldanayn ee ay iyagu khaldanyihiin.

Suubahaneennii Muxammad ahaa NNKH wuxuu yiri isagoo inaku dhiirigalinayaa inaan shaqaysanno si aan uga qeybqaadanno yaraynta dhibaatada shaqo la’aanta

(مَا أَكَلَ أَحَدٌ طَعَامًا قَطُّ خَيْرًا مِنْ أَنْ يَأْكُلَ مِنْ عَمَلِ يَدِهِ وَإِنَّ نَبِيَّ اللَّهِ دَاوُدَ عَلَيْهِ السَّلَام كَانَ يَأْكُلُ مِنْ عَمَلِ يَدِهِ)

Inaan yarayno dhibaatooyin badan oo ay taas shaqo la’aantu kamid tahay waa sababta aan dhaqaalaha u baranno si lamid ahna diinteennuna ina amartay.

  1. Kor U Qaadida Xiriirka Ganacsiga.

Dhaqaalaha waxaan u barannaa sidii aan kor ugu qaadi lahayn xiriirka ganacsi ee aan dunida kale la wadaagno, heerka xiriirkeennu gaarsiisanyahay ayayna ku xirantahay horumarka wadankeennu. Culimadii hore ee dhaqaalaha waxka qortay ma aysan ilduufin inay xoogga saaraan xiriirka ganacsiga ee caalamiga ah (Internationa trade) kasoo bilow aragtidii mercantilism, absolute advantage, comparative advantage, heckscher ohlin theory ilaa aan soo gaarnay international trade theories. Dhammaan aragtiyahaasi waxay muujinayaan sida dhaqaaluhu uu awoodda u saaray xiriirka ganacsi ee caalamiga ah. Hadaba waxaa halkaan nooga cad in dhaqaalaha aan u baranno sidii aan kor ugu qaadi lahayn xiriirka ganacsiga dunida iyo wada noolaanshaha.

  1. Kor U Qaadidda Kaydka.

Sababta kale oo ugu weyn oo aan u baranno dhaqaalaha waa inaan wax ka ogaanno habka aan hantideenna u kaydsan lahayn si aan mustaqbalka uga faaiidaysanno. Kaydkaaga maantu waa guushaada berrito. Sidaas darteed si aan ugu mid noqonno kuwa guulaystay mustaqbalka waa inaan maanta barannaa dhaqaalaha iyo sida wax loo kaydsado.

  1. Yaraynta Kala Sarraynta Dakhli Ee Dadka (Income In Equality):

Dunidu maanta waxay aad ula kufaa kacaysaa sidii ay meesha uga saari lahaayiin kala sarraynta dadka, waxaad arkaysaa bulsho qeybteed ay maalintii ku noolyihiin $50 halka qeyb kale na ay ku noolyihiin wax ka yar $2. Samaysinka dabaqooyin bulsho oo kala sarreeya waxay cadaw iyo hoog ku tahay horumarka. Sidaa darted dhaqaalaha ayaan u barannaa si loo xalliyo dhibaatadan. Alle na quran kiisa wuxuu ku jideeyay Zakko oo ah qeyb hantidaada kamid ah inaad siiso qeybaha hoose ee bulshada markii hantidu ay gaarto heer cayyiman, Alle wuxuu sidaas u xukumay si dhibtaas loo xalliyo, dhaqaaluhuna isagoo kasoo dab qaadanaya quran ka ayuu xalliyaa dhibaatadan.

Rasuulkuna NNKH wuxuu yiri markuu la dardaarmayay mucaad.

في حديث إرسال معاذ إلى اليمن: ” أعلمهم أن الله افترض عليهم في أموالهم صدقة تؤخذ من أغنيائهم”

Taasoo caddayn u ah sida islaamku u daneeyay fuqarada. Culamada dhaqaaluhuna halkaas ayay kasoo qaateen in kala sarraynta laga hortago.

  1. Xisaabinta Heerka Waxsoosaarka Dalka (GDP)

Dhaqaaluhu waa meesha aan ku baranno xisaabinta waxsoosaarka dalka. Ogaanshaha waxsoosaarka dalkuna wuxuu muhiim u yahay qiimaynta wadanka. Maalinkasta waxaad journals ka aqrisaa ama aad maqal-muqaal baahiya ka daawataa iyadoo la leeyahay waxsoosaarka wadan hebel 10% ayuu kor u kacay, halkaas marka laga hadlaayo ogow waxa howshaas fududeeyay waa barashada cilmiga dhaqaalaha oo ah cilmiga koowaad ee ugu muhiimsan nolosha.

  1. Daah Ka Qaadidda Fursadaha Maalgashiga.

Barashada dhaqaaluhu wuxuu inoo sahlayaa inaan daaha ka qaadno fursadaha maalgalinta ee uu wadanku haysto iyo sidii loogu raadin lahaa maalgalin ku filan. Fursadkasta oo ganacsiga oo maanta jirta haddii aan la helin dhaqaale ku filan suurtogal ma ahan inay hirgasho. Barashada dhaqaaluhuna waa tan inoo sahlaysa sidii aan maalgalin ku heli lahayn iyo sidii aan uga faaiidaysan lahayn. Haddaad shakhsi dhallinyaro ah tahay oo danaynaya inuu helo fursado ganacsi oo uu lacag badan ka tabcado, maanta ayaad jaanis haysataa baro dhaqaalaha.

  1. Yaraynta Faqriga.

Dhaqaaluhu wuxuu kaalin weyn ka qaataa sidii loo yarayn lahaa heerka faqriga bulshada, dhaqaaluhu wuxuu la diriraa noocyada kala duwan ee faqriga, kan sugan (Absolute Poverty) iyo kan sidkanba ( Relative Poverty).

Ujeedooyinka guud ee dhaqaalaha ayay kamid tahay sidii looga tirtiri lahaa faqriga dunida, sidaas darted Ayaan u barannaa dhaqaalaha maadaama uu yahay kan tirtiraya faqriga.

Imam cali binu daalib markuu ina tusinayay sida islaamka uu uga go’anyahay inay faqriga dabarjaraan wuxuu ina yiri hadii faqrigu nin ahaan lahaa waan dili lahaa.

  1. Dajinta Miisaaniyad Isu Dheelli Tiran.

In waddanku helo dhaqaalayahaniin u dajisa miisaaniyad maangal ah oo ku dhisan xaqiiqooyinka iyo tabarta dhaqaale ee wadanka waa sabab kale oo muhiim oo aan dhaqaalaha u baranno.

GEBOGEBO.

Waad ku mahadsantahay inaad maqaalkaan aqrisay oo aad soo gaartay guntiisii mahadsanid wax ka weyn oo la is dhihi karo hadday jirto waanku dhihi lahaa. Fadlan asxaabtaada lasii wadaag si dad badani usii arkaan.

Fikirkaada Waa Muhiim