Ibidda waxa ay canugga siisaa nafaqo,waana halka uu ka neefsado inta uu ku jiro ilma galeenka. Ibiddu waxa  ay darbiga ilma-galeenka kasoo fuqdaa marka uu canugga  dhasho ka dib.

Mararka qaar  ibiddu waxay kasoo fuqdaa  darbi ilma galeena inta ay Hooyada Uurka leedahay. 1000kii Hooyo ee uur leh 9 kamid ah ayaa lagu arkaa karaa. Badanaa Hooyada waxaa lagu arkaa marka uu uurkeeda uu maraayo 24 isbuuc ama 6 bil, mararka qaarna waxaa lagu arkaa bilaha dambe ee uurka sida bisha 8aad ama bisha 9aad .

Calaamadaha Kasoo Muuqda Hooyada Uurka Leh Marka Ay Ibidda Soo Fuqdo Waxaa Kamid Ah:

  • Dhabar xanuun aad u daran.
  • Dhiigg-bax ka imaado xubinta taranka.
  • Caloosha Hooyada oo damqasho iyo xanuunba lagu arko.
  • Dabaasho canugga oo yaraato.
  • Hooyada oo ay kasoo muuqda caalamadaha shoogga.

Dhanka Canugga Calaamdaha Lagu Arko WaxaKamid Ah:

  • Dhaq-dhaqaaqa canugga oo yaraado.
  • Canugga oo ku dhasho dhiigg la’aan.
  • Wadna garaaca canugga oo bato ama yaraado.
  • Dhimashada canugga ilma galeenka dhexdiisa.

Hooyadee Halis Ugu Jirta Ibidda Waqtigeeda Ka Hor Soo Fuqdo?

  • Hooyada qabto dhiigg-kar waqtiga Uurka kahor.
  • Hooyada cabto sigaarka.
  • Infekshanka ku dhaca ilma galeenka.
  • Hooyada da’deeda ay ka weyn tahay 40 sano marka ay Uur qaaddo.
  • Nafaqo darada ku dhaco Hooyada xilliga Uurka.
  • Jugta ugu dhacdo Hooyada xilliga ay Uurka leedahay.

 Waa Maxay Dhibaatoyinka Laga Dhexlo Ibidda Canugga Oo Soo Fuqda Waqtigeeda Ka Hor?

  • Shaqo gab ku imaado killiyaha Hooyada.
  • Xinjirow dhiiga Hooyada oo yaraado.
  • Dhiigga bax dhalmada ka dib.
  • Hooyada oo naga dhimato.

 

 

Facebook Comments