Beerka waa xubinta ugu weyn xubnaha ku jira caloosha. Jirkana waxa uu u qabtaa shaqooyin aad muhiim waxaana kamid ah:

  • Waxa uu shiidaa duxda.
  • waxa uu jirka kale dagaalamaa infekshannada soo weeraro.
  • waxa uu xukumaa xinjireynta dhiigga.
  • Waxa uu burburiyaa daawoyinka.
  • Waxa uu jirka u  keydiyaa sokorta.

Beerka waa xubinta kali ah oo dib usoo dhalato qalniinka ka dib, haddii aad qeyb kamid ah beerkaaga aad qof ugu deeqdo.

Waxaa Jiro Cudurdo Ku Dhaco Beerka Oo Weyneyo  Waxaana Kamid Ah:

  • Cudurada ku dhaco beerka.
  • Kansarka dhiigga.
  • Infekshanka ku dhaco beerka.
  • Kansarka beerka.
  • Cuduro uu qofka ku dhasho.
  • Wadnaha iyo xididiisa oo si aan caadi aheyn u shaqeyn waayo waxa ay sababtaa beerka inuu weynaado.

Waa Maxay Calaamadaha Lagu Garto Beerka In Uu Weynaaday?

  • Qofka oo lagu arko dhammaan jirkiisa cagaariye.
  • Cun-cun aad u badan.
  • Murqo xanuun.
  • Labbo-labbo iyo matag.
  • Caloosha oo adkaato ama xanuunto.
  • Omateetka qofka oo lumo.
  • Cabirka caloosha oo kobco.

Calaamadaha oo kali ah kuma go’aamin karno weynaanta beerka, waa muhiim in qofka in aan ka baarno dhiigaag, sidoo kale in aan saarno a raajo iyo waliba iskaan, si aan u xaqiijino.

Sidee Lagu Daaweyaa Marka Uu Beerka Weynaado?

  • In aan siino qofka daawoyinka geermis diliyaal ah iyo kuwa  beerka la tacaalo.
  • Beerka in qaliin lagu sameyo.
  • qofka in lagu talaalo Beer.

Fikirkaada Waa Muhiim