Wadno garaaca badan waxa uu kamid yahay cudurada ugu caansan ee ku dhaco wadnaha, waana marka uu garaaca wadnaha ka bato daqiiqaddii 100mar.

Halka laga rabo qofka caafimaadka qabo garaaca wadnihiisa in uu noqdo inta u dhexeyso 60-100 mar daqiiqadii. Sida caadiga ah qofka marka uu sameeyo jimicsi ama uu xanuunsado waxaa bato garaaca wadnihiisa, taasina laguma tirin karo xaaladaha caafimaad daro ee ku imaado wadnaha.

Wadnahaagu wuxuu ka kooban yahay afar qol – laba qol oo sare (atria) iyo laba qol oo hoose (ventricles). Garaaca wadnahaaga waxaa sida caadiga ah u xakameeya hawo-mareen dabiici ah oo loo yaqaan ‘sinus node’, kaasoo ku yaal labada qolee sare ee wadnaha (atria), waxa uuna soosaaraa dhaq-dhaqaaqyo koronto oo sida caadiga ah bilaaba garaaca wadnaha.

Maxaa Sababo In Uu Bato Wadna Garaaca?

  • Hurada la’aanta habeenkii.
  • Qandhada.
  • Dhiigg la’aanta.
  • Daalka badan.
  • Cabista badan ee kafeega.
  • Sigaar cabidda.
  • Dhiig-karka.
  • Hoos u dhaca caadiska dhiigga.
  • Murugada .
  • Dhaawacayada gaaro unugyada wadnaha.
  • Daawoyinka qaar. Iyo
  • Cudurada wadnaha ee uu qofka ku dhasho.

Waa Maxay Dhibaatoyinka Ka Dhaso Wadno Garaaca Badan?

  • Qofka oo marar badan istaagga ka dhaco, kadibna uu miir daboolmo waqti badan.
  • Qeyb kamid ah wadnaha oo ay xinjir xirto.
  • Shaqo gab ku imaado wadnaha.
  • Qofka oo ugu dambeyn u dhinto xanuunka.

Sidee Looga Hortagaa Wadna Garaac Badan.

  • Joogteynta jimicsiga.
  • Qaaddashada cunno dheelitiran.
  • Yareynta cabista kafeega.
  • Yareynta walwalka badan.
Facebook Comments