Sidii hadba albaab waxbarasho iiga soo xirmayey. Hadda waxay u egtahay in uu kii ugu danbeeyey iga soo xirmay, balse intii naftu igu jirto firig-firig dayn mayo oo hadba meel baan saloolan bal inaan arko fursad kale. Shan sano ka hor waxaa naga xirmay iskuulkii magaalada oo dhan indhaha u ahaa.

Ardada waxii xiisaynayey waxbarasho waxay noqdeen fiin firirtay, intii aan heli karin qoys ama meel kale oo ay waxbarashada kasii wadan-kareen gabbal baa u dumay, waxay noqdeen inay weheshadaan waxbarasho la’aan.

Waxaan galay sahan waxbarasho. Naftayda kaliya ma ahane dadkale baa iga war sugayey. Markaan imid magaalada caasumadda u ah gobolka, meelo badan baan indha-indheeyey, waxaan helay hoy aan gabbaad ka dhigan karo intaan waxbarannayo.

Taydii markaan meel la helay baan xasuustay walaalkey oo isagana isku dhibaato na haysatay. Hal sano markaan dhammaysanay ayaa naloo sheegay in aanaan gurigaan ku soo noqon sanadka danbe. Albaabkaas wuu xirmay. Waxaan ahay toddobaad, haddii aan siddeedaad ahaan lahaa waa ay ii fiicnaan lahayd oo nin heer fiican jooga ayaan noqon lahaa illeen waa dhammaadka dugsi dhexe e.

Waa in aan galo sahan kale oo lixaad leh si aan u helo garab wayn oo ii sahla gaaridda himiladeyda. Sahankii labaadna waan ku guulaystay oo waxaan helay garab. Farxad iyo rayn rayn ayeey ii ahayd. Caqabado badan ayaa isasoo tarayey balse waxaa kabuubiso ii ahaa hammiga iyo hiraalka fog ee aan higsanayey. Muddo labo sano ah ayaan halkaas subax walba iskuul uga jarmaadayey amase uga dhalandhoolayey, labo sano iyo bar kadib sidii aan la qabatimayba albaabkaas wuu iga xirmay.

Nasiib wanaag goob kale baan helay, waxaan ahay fasalka labaad ee dugsi sare. Maalmihii imtixaanku ii bilaabanayey ayaan ka warhelay in reerka aan la joogay ay ka guurayaan magaalada. Indhahayga oo shan ah ayaa baabuurtii ay ku guurayeen u soo istaageen. Waxaan farxad ii ahaan lahayd in inta la yimaado la igu dhaho “waan ka xunnahay inaan kaa guurno” waxaase wanaag ii ahaa in aan guriga la iga xiran.

Gurigii oo u eg goob xalay xabeen barkii laga guuray ayaan ku soo haray, bisadahii iyo ciddii kale oo shanqarta dadka ka carari jiray ayaa wehel ii noqday. Dhallinayadii kale ee goobta ila joogay oo aan ardada wada ahayn, xaafado ayaa loo diray ama lagu xiray si ay manfac uga quutaan. Waxay ila ahayd inaan ku noolahay duni aan wehel lahayn.

Nasiib wanaag, waxaan soo afmeeray sanadkii labaad ee dugsi sare. Waxaanse ka welwelsanahay halkaan ka sii wadan lahaa. Waxaa i garab taagan waalidkey nasiib darro se goobaha ay joogaan ma ahan meel ay waxbarasho ka suurto galeyso. Waxaa soo dhawaaday xilli iskuuleedkii sanadka.

Mahayo goob aan wax ka baran karo, waxaan Aabbe isku afgarannay in Kismaayo la ii diro. Waa uu ka walaacsan yahay Kismaayo aadkeyga, wuxuu se ogyahay inaan joogayn goob aanan wax kabaranayn anigoo arkaya fursad waxbarasho.

Intii aanan Kismaayo aadin, waxaan helay qoys aan la sii joogo intaan waxbaranayo. Markaan sidaas u bilaabayba, waxaa caabuq iiga dhashay lug dhawaan la iga qalay, waxaan ka tagay magaaladii weynayd ee aan wax ka baranayey anigoo dawooyin qalajiyayaal an qaadanaya.

Muddo yar ka dib waan roonaaday. Waxaan ku hamminayey ku noqoshada sii waddida waxbarashada, nasiib darro, waxaaba kala tagay oo xiriirka kala laashey reerkii aan la noolaa.Waa maxay nasiib darrada i haysata? Ma waxaan noqday Aysiidh kala jaraya meel walba oo uu taabto? Kismaayo hadda ma aadi karo oo waxbarashadiina badi weey ba ku dhaaftay, waalidkeyna waa ay ba iga niyad jabeen!

Dunida! Waxbadan ayaa ag dangiiga dad aan xiisaynayn kana maqan dad nafta u huraya. Markaan waxay u egtahay in fursaddii iigu danbaysay ay iga xirantay. Waxaan wehel ii noqday niyad jab, murugo, welwel iyo qulub. Maskaxdeydu waxay ii sheegaysaa in aan weli heli karo waddo aan hammigeyga waxbarasho ku gaari karo balse waa dareen aan islahaa waaqiciga lama socdo.

Maalin anigoo kuwo ganacsataa lacag u tirinayaa ayaa maankeyga ka helay fursad dahabi ah, waxaan ku mashquulsanahay tirinta lacagta iska daba dhacaysa oo ay waajib tahay inaan niyadda ku hayo. Boqolkii u danbeeyey markaan iska wareejiyey ayaan faaqiday aragtidii igu soo dhacday.

Waa albaab cusub oo suura gal inuu ii furmo haddii aan gargaraaco. Waa abtigey Boosaaso deggan, isla maalintiiba waan wacay, waxaanna uga warramay xaaladeyda iyo caqabadaha iga hortaagan waxbarashada, wuxuu qalinka iigu duugay aqbalaad.

Waxaan go’aan ku gaaray inaan Boosaaso isasii taago. Subixii baan gaari raacay, waxaan uga dagay iskuulka hortiisa. Waxaan u tagay maamulkii iskuulka, waxaan ka codsaday baddal. Safar baan u diyaar garoobay, alaabtaydiina waan xirxirtay. Maantay ayaan rabaa inaan hayaan dheer u galo waxbarasho. Baabuur Waaraad ah ayaan la soo heshiiyey, waxaan filayaa inaan saakay heli doono baddalkeygii. Markaan imid iskuulka, waxaan ugu imid waji kale, anigoo ka kulul saxiix la’aanta baddalkeyga ayaa macalimiin i weyddiiyeen sababta aan u badalanayo. Dhibba iguma hayn inaan sababta u sheego. Ka dib maxaa dhacay?

Jidkii Qodxaha Badnaa ee Waxbarashada. Qisadaan waxaa qoray Maxamed Cabdirisaaq Diiriye sidoo kale waa isla shaqsi ay ku dhacday qisada. Maxaanu ka baran karnaa?

Anigoo indhaha taagaya oo baabuur ii ballansanyahay, alaabtaydiina ay meel iigu diyaarsantahay, una xayiran waraaqdaas, waxaa la ii soo diray macalin aan saaxiib dhow ahayn, wuxuu igu yiri ‘kawaran haddii waxkasta(jiif, manfac hoy iyo lacagta iskuulka) lagaa kaafiyo, ma joogeysa!?” Waxaan iri “anigu waxbarasho baan raadinayaa haddaan helana, meelna uma socdo.” Qorshe ay soo degeen saddex macalin oo reer Cumar Smatar ah ayuu ahaa.

Waxyar ka dibna alaabteydii ii xirxirnayd ayaa baabuurka iskuulka la iigu soo qaaday, waxaa la geeyey guri, waxaa la i saaray maqaaxi aan wax ka cuno, dib danbana iskuul lacagti la ima weyddiin. Labo sano oo kadeed ah oo aan dugsi sare dhiganayey, waxaa ii badalay labo sano sidii boqortooyadii aan wax u bartay.

Mahadda ilaahay baa marka hore iska leh, marka labaadna macalimiintii i caawiyey iyaga oo ii garayey keliya arday daruufaysan. Sidaas ayaan ku soo idleeyey dugsi sare oo aan weli jabab badan aan qariyey, haddana waxaan la yaabaa wiil guriga hooyadi canjeelo ka cunaya, oo wax baro laga kari la’ yahay!

Facebook Comments