Sareedo waxa ay aheyd gabar dhammeysay dugsiga  sare ee waxbarshada. Sida caadiga ah ardayda marka ay dhammeeyaan dugsiga sare waxa ay billaabaan daraasadda Jaamacadda.

Aradaydii ay Sareedo isla dhammeeyeen dugsiga sare waxa ay Jaamacado u kale aadeen Caasimadaha kala ah: Muqdisho, Khartuum, Ankara iyo Qaahira.

Hooya Axado waxa ay dhaxda u xiratay sida ay gabadheeda Sareedo ay oga  dhowri lahayd ciil  iyo cuqdad waliba.Waxayna go’aanstay inay u dirto Caasimada Soomaaliya si ay daraasadda Jaamacadda halkaa uga dhigato.

Hooya Axado waxay aheyd mid ka shaqeyso maqaayad, waxayna  tiir iyo tacab ku bixin jirtay sidi ay gabadheeda wax u baran lahayd.

Qarashaadka lagu  daraaseeyo Jaamacadda ma aheyn mid fudud, sidoo kale Hooya Axado waxay ka shaqaynaysay shaqo adagg oo aysan ka helin jirin lacag u qalanta, ama u dhiganto, nasiino waliba waxa ay uga haajirtay gabadheeda Sareedo, si ay u hesho qarash  waxbarshada iyo waxliba oo ay ubbaahan tahay.

Hooya Axado mar waliba waxay ku taami  jirtay in ay mar un ay dhibtaan iyo rafaadkaan ay kabixi doonto, waliba waxa ay dhihi jirtay marka ay gabadheeyda wax ii soo  barato waan ka bixi doonaa dhibtaan.

Sareedo waxa ay si faraxad ku dheehan tahay u dhammeysay daraasadii Jaamacadda.Waxa ayna dib ugu laabtay Hooyaded iyo hoygii ay kusoo kortay,  balse nasiib daro Sareedo waxaa la tagay daadkii dhalinyarada qaadday ee casrigaan ee loo yaqaano baraha Bulshada, waliba ayada soo dhigeyso wax-yaalle aan habbooneyn.

Sidoo kale waxa ay guurstay Wiil diinta aan ku wanaagsaneyn, waalidkiina caasi ku ah!! Inkasto Hooya Axado ay diiday guurka wiilkaan, Haddana warkeedi looma dhagtaagin oo horaa looga socday!  Soomaalida waxa ay tiraahdaa “Nimaad dhashay kuma dhalin”.

Mudo ka dib Sareedo waxa ay yeellatay uur, inta ay uurka lahayd ninkeeda waxa uu dilay labo jeer, illeen diin celiso malahane, haddana waxaa  uu dilay marka ay dhashay, ugu danbeyna wuxa uu kasoo ceriyey gurigii, dil iyo furniina waa uu isugu daray!

 Waxay dib ugu soo laabtay gurigii Hooyo Axada. Illeen Hooyo waa lama huraane. Hooya axado oo dhibka  gabadheeda ka xun iyo rajadii ay ka laheyd gabdheeda oo luntay ayaa tiri; “Hooyo sida aan kuugu lisay iiguma aadan hambeyn”.

Dulucda  sheekada haddii aan u galnno, waalidkeenna waxay tiir iyo tacab u beeleen, sidii aan wax u baran lahyn, nafteenna, waalidkeen iyo waddankeenaba u anfaci lahyn.

Daruufo adagg ayey maantay waalidka qarashaadka Jaamcadaha ku bixiyaan, qof waliba waxa aan dhihi lahaa, ogaaw abaalka ay kuu galeen wx aalidkaa, hana moogaan daruufta adagg ay ku jiraan, noqo kii /tii ka saari lahaa daruufaha adagg ee  wax lagugus soo baray.

Facebook Comments