Noloshaan aan kunoolnahay waa hadiyad Alle nasiiyay, waana fursad ku habboon in aan kafaa’iideysanno oo aan ugu mahdinno eebaheen subxaanahu watacaalaa.

Markahore Aan Ku Hormarno Nafta: Waxaa jiro seddex nooc oo nafood kuwaas oo kale ah:-

  1. Naf wanaagsan oo xumaanta naceb.

2. Naf xun oo xumaha jecel.

3. Iyo Naf ka shallaayda wixii kadhacay.

Waa Maxay Garaangarta Nolosha?

Qofkeen waxa uu ku dadaalaa ama uu juhdi adag uu kubixiyaa sidi uu xoolo u heli lahaa asaga oo illaawa caafimaadkiisa. Qofkale ayaa laga yaabaa in uu juhdi kubixiyo jirdhiska iyo caafimaadkiisa balse waxa uu illaawaa oo uu katagaa ku adkaanshaha diintiisa.

Hadaba garaangarta noloshu waa in uu qofku ukoraa ama u kobcaa si’isla eg ama si’isku mid Ah tusaalle:

  1. Ruuxda: Qofka aadanaha ah waxa uu ubbaahanyahay in uu kobciyo ruuxdiis, ruuxdana waxaa lagu kobciyaa Diinta barashadeeda, ku dhaqankeeda iyo ilaalinteeda.

2. Maskaxda: Maskaxda iyo caqliga oo lakoriya waxaa ku kobco habfikirka iyo qofnimada shaqsi ee kamuuqata qofka, waxaana lagu kobciyaa Aqrinta, diraasaynta iyo falcelinta togan ee waxbarashada.

3. Jirka: Waxaa kale oo loo baahanyahay in aan kafakarno caafimaadkeenna inta aan xoogga leenahay waa in aan ku dadaalnaa jirkeenna, intabadan in lagu dadaalo caafimaadka waxa ey ku xirantahay dhaqaalaha qofka sidaas owgeed marwaliba waxa aan kudadaali karnaa inta aan heysanno ama aan awoodno, waana halaha nalaga rabo marwaliba in aan qabanno.

4.Qoyska: Haddii aan dayacno waalidiinteenna ama Qoyskeenna, xaqiiqdii waxa aan dayacnay nafteenna sababtoo ah qofka aan ilaalin Qoyskiisa waxa uu dilay farxaddiisa taasina maahan mid ubbaahan faah faahin dheeri ah ee waa mid aan wada ogsoonnahay.

5. Dhaqaalaha: Qof waliba waa umuhiim in uu abuurtaa dhaqaale asaga ugooni ah, taasi naftaada oo kaliya ma’anfaceso balse waxa ey anfaceysaa naftaada, Qoyskaada iyo Qarankaadaba.

F.G: ogaaw hal shey in laxaqiijiyo wey fududahay laakiin in dhammaan laxaqiijiyo masahlano, waxaana loo baahanyahay in dhammaan laxaqiijiyo.

Mahadsanidiin.

Fikirkaada Waa Muhiim