Dadka inta badan way ku jahwareeraan farqiga u dhaxeeyo sharciga iyo caddaalada, wayna isku qaldaan. Inkastoo ay isku xiranyihiin labada eray, hadana iskumid ma ahan.

Caddaalada waa mawduuc ballaaran oo ku saleysan sinnaanta, xaquuqda qofka, iwm. Caddaaladda duruufaha ballaaran ee ay leedahay, waxaa kamid ah helitaanka waxa xaqa ah iyo falanqaynta midda saxda ah. Caddaaladda waxay ku saleysan tahay dhinacyo badan, iyo aragtiyo kala duwan oo ay kamid yihiin fikradaha saxda ah ee anshaxeed ee ku saleysan anshaxa, caqli-galnimada, sharciga, diinta, sinnaanta iyo caddaaladda.

Sharciga waa xeerar iyo tilmaamo ay dejisay oo ay fuliso dowladda iyo hay’adaha. Marka ay timaado sharci waa ay ku kala duwan yihiin dowladaha caalamka. Waxana jira xeerar caalami ah oo lagu dabaqay dhammaan wadamada raaliga ka ahaa inay ansaxiyaan heshiisyada sharciyeed.

Sharciga qaranka waa mabaadi iyo caaddooyin hagaya dhaqanka muwaadiniinta iyo dhammaan shakhsiyaadka ku hoos nool xukunka dowladda. Sharuucda waxaa dhisa dowladda oo leh geedi socod dheer oo adag, waxaana fuliya hay’adaha dowladda, waxaana dib u qiimeyn iyo falanqeyn ku sameeya qareenno iyo garsoorayaal aqoon duruqsan u leh sharciga.

Sharciga waa nidaam loo dejiyo muwaadiniinta, ganacsiga iyo waxyaabaha ay masuulka ka yihiin hay’adaha dowladda (ay qaban karaan ama aysan sameyn karin). Inkastoo dalalka ay leeyihiin sharciyo qoran, nidaamka garsoorka waxa uu leeyahay awooda uu ku turjumi karo, kuna dhaqan gelin karo dhammaan xaaladaha kala duwan.

Shariciyada waa ay ku kala duwan yihin dalalka, xittaa gobalada hal wadan gudihiisa. Taasina waa sababta ay qareennada ugu shaqeyn karaan hal dal oo kaliya. Maxaa yeelay hal dal sharciyadiisa aqoonteeda ayuu leeyahay.

Xaggee iskeega egyihiin sharciga iyo caddaaladda?

Sharciga iyo caddaalada si isku mid ah ayey u siman yihiin sida qanuunka badankood loo arko inay yihiin kuwa caddaalad ah. Halka ay iskeega egyihiin waxaa kamid ah: Labaduba waxay xukumaan hab-dhaqanka aadanaha waxayna ujeeddadooda tahay abuurista deegaan caddaalad iyo sinnaan leh.

Sharciga wuxuu ku salaysan yahay fikirka caddaalada waxaana loo dhaqan galiyaa loona fasiraa si caddaalad ah – iyadoo aan la kala soocin. Labaduba waxay ku xiran yihiin fikradaha anshaxa, sinnaanta, kala dambeynta iyo caddaaladda.

Xaggee ku kala duwan yihiin sharciga iyo caddaaladda?

Inkastoo labada fikradood si adag isugu xiran yihiin, hadana waxa jira kala duwanaansho muhiim ah oo aan la iska indhatiri karin: Tusaale erayga qanuunka waxaa loola jeedaa nuqul qoran oo jira oo dowlada dejisay si loo habbeeyo loona xakameeyo ficilada muwaadiniinta. Dhanka kale, caddaaladda ma aha fikrad guud ahaan loo aqoonsan yahay waxayna ku xirantahay fasiraado.

Caddaaladda waxaa lagu muujiyaa haweeney indho la’ taasoo ka dhigan sinnaan iyo caddaalad iyo adeegsiga shuruucda iyo qawaaniinta dhammaan shaqsiyaadka iyada oo aan kala soocin. Hadana, ma jiro fahan guud oo caddaaladda laga helo, mana jiro buug ama qoraal si gaar ah loo tixraaco.

Shruxuuda way ku kala duwanaan karaan waddan illaa waddan kale, isla markaana hab loo abuuray ayaa sidoo kale isbeddelaya. Tusaale ahaan, wadamada awoodda leh sharciyada waxaa go’aamiya oo dejiya xisbiga xukunka haysta (ama qofka xukunka dalka haayo) iyada oo aan la raadinin taageerada aqlabiyadda. Dhanka kale, fikradda caddaaladda waa mid aad ugu yar guud ahaan waddamada oo dhan: qiyamka akhlaaqda iyo anshaxa waxay u janjeertaa xadduudaha iyo kala qeybsanaanta juqraafiga.

Gunaanad, sharciyada waxay khuseeyaan hal waddan iyo dhammaan shakhsiyaadka ku hoos nool xukunka dowladda. Intaas waxaa sii dheer, sharciga caalamiga ah wuxuu khuseeyaa dhammaan waddamada ansixiya axdiga caalamiga. Sharciga qaran waxaa fuliya dowladda iyo hayadaha sida booliska, garsoorka iwm. Halka sharciga caalamiga ah ay ku dhaqmaan ururada caalamiga ah iyo maxkamadaha caalamiga ah.

Caddaaladda waa mabda’a aasaasiga ah ee loo baahan yahay in dhammaan sharciyada lagu saleeyo. Hadana, ma jiro hirgalin caddaaladeed sida sharciga oo kale, laakiin shuruucda iyo qawaaniinta ayaa lagu hirgalin karaa laguna dhaqan gelin karaa hab xaq ah oo caddaalad ah. Waxaana higelin kara garsoorayaasha, dowladaha, qareennada iyo hay’adaha caalamiga ah.

Erayada ”sharciga” iyo ”caddaaladda” waxaa loola jeedaa laba aragtiyood oo isku mid ah oo haddana kala duwan. Fikradaha sharciga iyo caddaalada way wada socdaan laakiin waxay tixraacaan laba fikradood oo kala duwan.

Sharciga waa nidaam xeerar, heerar, mabaadi’da iyo caaddooyinka ay abuurtay dowladda si loo habbeeyo nolosha iyo ficilada muwaadiniinta. Sharciyada oo qoraal ah waxaa laga heli karaa ciidamada nabadgelyada, booliiska, garsoorka iwm. Dhanka kale, caddaaladda waa fikrad ku saleysan fikradda sinnaanta iyo xuquuqda. Dhammaan sharciyada waa in lagu saleeyaa fikirka caddaaladda waana in la hirgaliyaa loona dhaqan galiyaa qaab xaq ah iyadoon la kala soocin jinsiga, da’da, midabka, qoomiyada, diin, luuqada ama xaalad kale (sida in qofka uu yahay curyaan).

Fikirkaada Waa Muhiim