Caafimaadku waa waxa ugu muhiimsan nolosha Aadanaha, waana wax baahidiisa loowada simanyahay madax illaa majo. Ujeedka hadalkeyga waa in aan fahanno caafimaadka in eysan ubbaahnayn, kaliya dadka dhaqaalaha heysta ee dibadaha isku daaweyn kara.

Waxa aan ubbaahannahay in aan si qoto-dheer uga fakarno caafimaadka dalkeenna, maantay waxa aan diiradda saareynaa waxyaabaha been abuurka ah ee dalkeenna loosoo dhoofiyo sida:

  1. Daawooyinka qaar.
  2. Alaabaha la’isku qurxiyo.
  3. Cuntooyin lasheego in caafimaadka lagu kobciyo Iyo
  4. Kuwa kale oo badan.

Hadaba Sidee Lagu Ilaalin karaa?

Su’aashaan jawaabteeda cilmi baaris dheer ayay ubbaahantahay iyo in la’iska xil saaro xal u heliddeeda!!, macnaha ma’ahan mid aan jawaabteeda kaafin karo kaligeey.

Kaliya waan isku dayeynaa jawabaha:

  1. In la xaddido alaabaha lasoo galsho Dalka: xadidaadu waxa ey faa’iido ulleedahay in layareeyo dhibaatada dalka gudihiisa soo gali lahayd, sidookale waxa ey kobcineysaa xaddidaadan waxyaabaha dabiiciga ah ee Dalka laga soosaaro taas oo fursad dhaqaale u ah wax soosaarka dalka gudihiisa ah.

2. In la’aqriyo caddeymaha lasooraaciyo alaabaha marki lasoosaaro, silloo ogaado tayada iyo isticmaalkiisa saxnaasho ee sheygaas dalka lakeenayo.

Qiso yar Sh. Maxamed Cumar Dirir ayaan kamaqlay mar aan tafsiir kadhageysanaayay asaga oo kaqisoonayo “waxa aan arkay daawo ey ku qorantahay Soomaaliya oo kaliya Ayaa lagu isticmaali karaa” waad dareemi kartaa cuqubada nagu dhacday sababtoo ah daawada dusheeda waxaa kuqoran in dalka Soomaaliya ookaliya lagu isticmaali karo!!!, taas oo macnaheedu tahay in dad Soomaaliyeed ey bahalo yihiin oo waxkasto lasiin karo???

Aqristow waxa Dalka meeshaan kaqaadi kara waa Adigaan aqrisanaya iyo anigaan qorayaba taas dhugta ku haay.

3. In sheybaar lamarsiiyo tayada alaabta inti aan bulshada ladhaxgeyn kahor,  si’looga hortago dhibaatooyinka laga dhaxlo tayo xumada waxsoosaarka dowladaha qaar ee sitoos ah naloogu soodhoofiyo.

4. In la’ogaado qiimaha sheygaan lagu soo iibiyay iyo qiimaha uu adduunka kajoogo: Qiimaha waxaan ufiirineynaa in aan ogaanno in laqiyaamay tayada sheyga si qiimo yar loogu iibiyo.

5. In ciqaab loo sameeyo ciddii keenta dalka wax kasto oo been abuur iyo qiyaano ah oo dhibaato u keeni kara Bulshada.

Ma’aanan diraasayn maadadaan balse waa intii yarayd ee aan kafahmay illaa iyo intii aan aqrinayay, sidoo kale howshaan waa howl Dowli ah ama ey mas’uuliyad kasaarantahay cidda dalka gacanta kuheysa.

Hasa ahaatee annaga dhan waxaa waajib naga saaranyahay in aan  kafakarno meelaha uu Dalkeenna ka jilcanyahay, si’aan ubuuxinno boosaska bannaan.

Facebook Comments