Ciidamada badda ‘Navy, waa ciidamo u taagan difaacida badda iyo qeyraadkeeda, waxayna ku hubaysan yihiin maraakiibta dagaalka qaran oo nooc kasta leh.

Ciidamada badda waa laan ka mid ah ciidamada qalabka sida ee guud ahaan loo qoondeeyay maraakiibta waa weyn iyo kuwa dagaalka; kuwaas oo kala ah, harooyinka, wabiyada, ama howlgalka dagaalada badda iyo howlaha la xiriira.

Ciidamada badda, waa ciidamo loo tabbabar illaalinta waxwalbo oo ka hooseeya, ama ka sarreeya badda. Waxay ku hawlgalaan maraakiib waaweyn ee casri ah kuwaasoo isugu jira kuwa xamuulka qaada ee diyaaradaha, maraakiibta, burburayaasha, maraakiibta, doomaha dhulka hoostiisa mara, miinooyinka, qoryaha dagaalka, iyo noocyada kala duwan ee hubka, iyo saadka. Sidoo kale waxay leeyihiin saldhigyada ciidamada badda iyo dekedaha.

Astaanta ciidamada badda Soomaaliyeed. Ciidamada Badda Soomaaliyeed waa adeega ciidanka badda oo ah waax ka tirsan Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliya. Ciidanka badda wuxuu masuul ka ahaa illaalinta, difaacida iyo maamulka baddaha wadanka Soomaaliya. Ciidamada badda Soomaaliyeed, waxaa la aas aasay 1965-tii

Soomaaliya waxay lahaan jirtay ciidamada badda laakiin maanta malahan, maxaa yeelay wali lama helin dowlad cagaheeda ay si fiican u taagan yihiin. Ciidamada Badda Soomaaliyeed waa adeega ciidanka badda oo ah waax ka tirsan Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliya. Ciidanka badda wuxuu masuul ka ahaa illaalinta, difaacida iyo maamulka baddaha wadanka Soomaaliya. Ciidamada badda Soomaaliyeed, waxaa la aas aasay 1965-tii

Inta badan dalalka caalamka dal aan bad lahayn ma dhisto Ciidamada Badda. Laakiin waxaa jira dal Soomaaliya deris la ah oo aan wax bad ah lahayn hadana sameystay ciidamada badda, waa dalka Itoobiya. Itoobiya xeeb ma leh, waxayse dhisanaysaa ciidamada badda!

Markii ay Eritrea ay xornimada qaadatay sanadkii 1993-kii, Itoobiya waxa ay noqotay dal aanan lahayn xeeb iyo bad toona, waxayna qaadday talaabadii la filan karay oo ahayd in la kala diro ciidammadii badda.

Balse hadda dib ayay uga fiirsanaysaa go’aankaas, waxaana muuqata saansaan ah in ay raadinayso saldhig baddeed oo laga doonayo dalalka dariska la ah. Ra’isulwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa dhawaan taleefishinka dalkaasi ka yiri “Waxaan dhisaynaa ciidammo xoog badan oo baddeed, kuwaas oo ugu xoog badan Afrika”.

Maxaa kalifay tallaabadan?

Wakaaladda wararka ee Fana ayaa Ra’isulwasaare Abiy kasoo xigatay in uu yiri in ciidammada ay la jaanqaadayaan waxyaabaha kasoo kordhay adduunka, islamarkaasna sameeyaan isbadalada loo baahanyahay.

Markii Itoobiya iyo Eritrea ay dagaalameen, waxaa dhacday in Itoobiya aysan isticmaali karin dekada Eritrea si la mid ah sidii horey loo samayn jiray, sidaasi awgeed, Itoobiya waxa ay raadsatay wax ay ku badalato.

Dhawaan waxa ay Itoobiya heshiis la saxiixatay Jabuuti, kaas oo ay ku heshay saami ka mid ah dekad halkaas ku taala. Dekadaha Jabuuti waxaa hadda kasoo dega 95% waxa ay Itoobiya soo degsato ama dhoofiso. Waxaa jira qad tareen oo isku xira labada dal kaas oo dhan 759 km, kaas oo sahlay in badeecooyinka iskaga kala gooshaan labada dhinac.

Balse Itoobiya kuma qanacsana sida ay Jabuuti wax uga jiraan, tusaale Roba Megerssa Akawak oo ah madaxa wakaaladda Xamuulka iyo adeegyada daabulaadda Itoobiya ee ESLSE ayaa wargeyska Blooomberg u sheegay in Itoobiya ay ka walwalsantahay saldhigyada ciidammada shisheeye ee Jabuuti ku yaala.

“Waxaan ka cabsanaynaa in Jabuuti xitaa ay go’aan ku yeelan weyso waxa ka dhacaya gudaha dalkeeda, oo lagala wareego awoodda, tanina waa halis soo foodsaartay Itoobiya” ayuu yiri Roba.

Mar uu ka hadlay ciidammada badda ee la samaynayo, ayuu sheegay in ay difaaci doonaan 11-ka markab ee ganacsiga ah ee Itoobiya leedahay, kuwaas oo ka shaqeeya badda cas. Waxa uu sheegay in ay jiraan dano siyaasadeed oo is diidan. Maraakiibtaan ayaa waxa ay baroorsinka dhigtaan Jabuuti, iyaga oo u kala goosha qaaradaha adduunka.

Itoobiya waxa ay sidoo kale leedahay machad lagu tabobar xirfadlayaasha badda, waxaana sanad kasta kasoo baxa 500 qof oo leh xirfado kala duwan, waxaana la qorsheynayaa in tiradaas la gaarsiiyo 1,000. In ciidammo meel eber ah laga soo dhiso, gaar ahaan kuwa bad waa shaqo aad u culus, una baahan dhaqaale baddan. Itoobiya waxa ay heshiisyo la saxiixatay Suudaan iyo waliba maamulka Somaliland, halkaas oo dekada Berbera ay Itoobiya ku leedahay 19% saamiga.

Dib uga fiirsashada Eritrea

Ra’isal wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed waxa uu sidoo kale ka shanqariyay in uu wadahadal la furaayo dowladda Eritrea oo ay muddo dheer dagaashanaayeen, isaga oo sheegay in xittaa uu xiriir dhiig ka dhaxeeyo.

Hadalkiisa ayuu ka dhabeeyay kadib markii uu ogolaaday go’aankii guddiga dhexdhexaadinta labada dal, kaas oo ahaa in Itoobiya ay ka baxdo magaalada Badme. Balse si kasta uu u haggaago xiriirka labada dal, ma muuqato saansaan ah in ay soo dhowdahay in Itoobiya ay dekada Casmara ugu tiirsanaan karto sidii hore oo kale. Diblumaasi hore oo Itoobiyaan ah Birhanesmeskel Abebe ayaa sheegay in Itoobiya ay xaq u leedahay in ay isticmaasho biyaha caalamiga ah, taasna ay keeneyso in ay yeelato meel u noqota saldhig ciidammada badda.

Waxa uu intaas ku daray in Jabuuti, Kenya ama maamulka Somaliland ay ka midyihiin meelaha suurtagalka ah ee saldhigaas laga samayn karo. Birhanemeskel ayaa yiri “Waa in dalalka geeska Afrika loo mideeyaa qaab dhaqaale, ciidammo badna mashruucaas ayuu qeyb ka yahay”.

Hadaba, Suurtagal ma tahay in la hirgaliyo qorshahan?

Timothy Walker oo ka tirsan machadla ISS ayaa qaba in Itoobiya ay tobonaan sano ku qaadan karto in ay dhisato ciidammo badeed, balse wuxuu qirey in ay samayn karaan laamo yaryar oo xagga badda ah. Waxa uu xusay in dalalka Afrika badankood aysan lahayn saldhigyo ciidan bad oo ku filan, kuwa lehna ay yihiin dalalka shisheeye ee xoogga baddan soo dul dhigay gobolkan. Sidaas oo ay tahay, Itoobiya waxa ay u muuqataa in ay ka go’antahay in ay dhisato ciidamo bad.

Gunaanad, ciidamada cadda iyo difaaca xeebaha ee Soomaaliya ee hada jira ayaa ah kuwo ka soo kabanaya burburkii saameeyay dalka, waxayna hadda ku howlgalaan doonyo, kuwaas oo sameeya sahan, kana dagaal geli kara meelaha dhow dhow, waxayna fuliyaan waajibaadka sida illaalinta dekadaha iyo biyaha dhow, inkastoo ciidamada badda hadda jira aysan lahayn tayadii hore, hadana waxay dadaal ugu jiraan sidii ay awoodooda kor ugu qaadi lahaayeen si badda Soomaaliya looga illaaliyo baylahada ay hadda ku jirto.

 

Tixraac:

Wakaalada wararka ee Fana

BBC Somali

Facebook Comments