Caabuqa ku dhaco minidhicirada waxaa sababo infekshanka ku dhaco habdhiska dheefshiid. Habdhiskaan waxa uu mas’uul ka yahay bur-burinta cunnada iyo qashin saarka jirka, waxa uuna kasoo billowda afka asaga oo ku dhammaado malawadka ama saxara saarka. Caabuqaha  ku dhaco mindhicarada aad ayuu u xanuun badan yahay mararka  qaarna nolosha ayuuba halis galin karaa.

Maxaa Sababo Caabuqa Ku Dhaca Mindhicirada?

  • Dhaxal ahaan in uu kuugu imaado, waxa uu kamid yahay cudurada lakale dhaxlo, sida haddii uu waalidkaa qabo caabuqaan in uu adigana kugu dhaci karo.
  • Unugyada difaaca jirka waxay caan ku yihiin inay jirka ka difaacan bakteeriyo ama fayrus marka uu jirka soo weeraro, mararka qaar asaga oo jirka waxbo soo weerarin ayey difaac galaan taasi waxa ay keeni kartaa caabuqa ku dhaca mindhicirada.
  • Dadka midabka caddaanka leh ayuu ku badan yahay marka loo eeggo dadka midabka madow.
  • Daawoyinka qaarna waxa ay sababi karaan caabuqa mindhicirada, sida kooxda uu kamid ah aasbiriinka.
  • Meesha aad ku nooshahay waxa ay qeyb lixaad leh ka qaadata caabuqa ku dhaco mindhicirada, sida haddi aad dagan tahay meel warshadaha ay ku badan yihiin.

Caalamadaha Lagu Garto  Caabuqa Mindhicirada Waxaa Kamid Ah:

  • Shuban
  • Qandho.
  • Saxarada oo dhiigg soo raaco.
  • Calool xanuun aad u daran.
  • Nabaro afka kasoo baxo(Mouth sores).
  • Rabitaanka cunnada oo hoos u dhacdo, iyo miisanka ruuxa oo lummo.
  • Xanuun iyo qalleel laga dareemo xaga malawadka ama saxaro saarka.

Dhibaatoyinka Ka  Dhalan karo Caabuqa Mindhicirada Haddii Aan La Daaweyn?

  • Mindhicarad oo xirmo (Bowel obstruction).

  • Nafaqo daro.

  • Kansarka ku dhaca mindhicirada.

  • Dilaac lagu arko nudaayasha saxara saarka ama malawadka.

Sidee Lagu Daaweyaa Caabuqa Ku Dhaco Mindhicirada?

Bukaanka in  aansiino daawoyinka kale ah:

  • Xanuun baabi’yaal.
  • Daawoyinka caabuqa lagu daaweyo.
  • Daawoyinka shubanka lagu daaweyo.
  • Geermis-dilayaal.
  • Daawooyin fitimiino ah.

Ugu danbeyn qaliin in lagu sameeyo mindhicirada.

 

 

Fikirkaada Waa Muhiim