Xaniinyuha waxa ay leeyihiin kiish kasoo mararka qaar ay galaan biyo.10% waxaa lagu arkaa caruurta yar. Ragana da’kasta oo ay jiraan waa lagu arki karaa.

Badanaa waxaa lagu arkaa ilmaha dhasho waqtigooda kahor( premature-baby) sida ilmaha ku dhasho7 bil, ayada oo ay ugu wacantahaya in bilaha ugu danbeeya ee Uurka inay xaniinyaha canugga ay kasoo dagaan gidaarka caloosha ayagoo soo galaayo kiishka uu Allah subxaanahu watacallaa ugu talagalay.

Inta lagu guda jira hormarka iyo soo digitaanka xaniinta haddii uu ilmaha dhasho ama uu banaanka ugu soo baxo ilma galeenka waxa ay keeni kartaa xaniinyaha in biya galaan. Malahan wax xanuun ah. Ilmahana inta badan uma baahno in laga daaweeyo 1-ka sanno ee noloshooda ugu horeeyo ayey ku baaba’daa.

 Dhinac kale wiilasha qaangaarka ahna sababta saxda ee ku sababta ilaa hadda lama garanaayo laakiin waxaa jiro sababo lagu tiriyo in ay keenaan waxaana kamid ah:

  • Jugta ku dhacdo xaniinyaha iyo
  • Caabuuq ku imaado xaniinyaha.

Haddii aan laga daaweyn wiilasha qaangaarka waxa ay isku badali kartaa buro, ama  waxa ay sababi kartaa  eernada caloosha.

Calaamadaha Lagu Arko Wiilasha Qaangaarka Ah Oo Xaniinyaha Biyaha Ka Galaan Waxaa Kamid:

  • Barar xaga xaniinyaha.
  • Culeys in uu ka dareemo xaniinta dhinaceeda.
  • xanuun xaga xaniinyaha.
  • Xaniinta oo laga dareemo weynaasho.

Daaweynta waxa ay ku xirantahay biyaha xaniinta ku jiro inta ay la eg yihiin, haddii ay biyaha bada yihiin qalniin ayey noqtaa. Haddii ay yar yihiina waa laga soo miira biya.

 F.G:Mar waliba iska illaali jugta marna ha dhayalsan haddii ay jug kugu dhacdo gaar ahaan haddii ay kaaga dhacdo xaniinyaha.

Facebook Comments