Indha qalleelka waxa uu kamid yahay cudurda ugu caansan ee ku dhaca Indhaha qiyaastii 50% bukaanada soo booqdo dhaqtarka Indhaha waxa ay ka cabtaan indha-qalleel. Cudurkaan waxa uu imaadaa marka ay ilinta indhaha ku yaraato. Ilinta waxa ay qoysaa indhaha,waxayna wanaajisaa shaqada indhaha sidoo kale waxa ay ka hortaggtaa infekshanka ku dhaco Indhaha.

Calaamadaha Lagu Garto Indha Qalleelka Waxaa Kamid:

  • Indhaha oo gaduuto.
  • Qofka oo indhaha ka dareemo daal.
  • Qof oo uu ileyska uu dhibo.
  • Araga qofka oo labo-labo noqdo.
  • Qofka oo ay ku adkaato waditaanka gaawarida xilliga habeenkii.

Maxaa sababo Indha Qalleelka?

  • Isticmaalka badan ee aalaha dijitaalka sida kumbuutarka iyo moobeelada.

  • Da’ada qofka oo ka weyn 50sano,qofka marka uu duqoobo biyaha jirkiisa ku jira waxa ay noqdaan 50-60%, halka qofka caadiga jirkiisa uu yahay 70% biyo. Ilintana waxa kamid tahay biyaha jirka ku jiro.

  • Isbadalada hormoonada ee ku dhaco Hooyada xilliga ay uur waxa ay sababaan Indha qallaal.

  • Daawoyinka qaarna waxa ay keenaan Indhaha in qallalaan.

  • Cudurada qaar sida cudurka macaanka.

  • Haddii u jiro qaliin hore ee Indhaha lagu sameeyey waxay sababi karaa indha qalleel.

  • Isticmaalka sigaarka.

 Waa Maxay Cawiqibaha Ka Dhasho Indhaha Qalleelka?

  • Infecshanka ku dhaco Indhaha.
  • Dilaac ama xoqitaanka lagu arko qeybaha Isha.
  • Nolosha qofka oo hoos u dhac ku imaado sida: in uu qofka maalin waliba wax aqrin jirey oo uu awoodi waayo.

Sidee Ayaa Looga Hortaggi Karaa Indha Qalleelka?

  • Isticmaal qaacidada 20/20, 20daqiiqo waliba qaaddo 20 ilbriqsi oo nasiina marka aad isticmaaleyso aaladaha dijitaalka ah sida kombuutarka iyo moobeelka.
  • Marka aad isticmaaleyso  Shaashada kombuutar dhigo meel ka hooseeyso arga Indhahaada.
  • Ka fogow isticmaalka sigaarka.
  • Ka dhiga deegaankaaga mid nadiif ah.
  • Sida ugu dhaqsiya badan isaga daawee haddii aad dareento Indha qalleel.

 

 

 

Fikirkaada Waa Muhiim