Xasan Al-Turaabigii Suudaan, wuxuu ahaa: siyaasi, mufeker Islaamiya, macallin, iyo kacaanyahan adduunka iyo Qaaradda Afrika ka yaabsadey.

Keligii ayuu waddan dhan idil ahaan wax ka beddeley, haddey noqoto: dhinaca siyaasadda, xuquuqda haweenka, aydhiyoolajaddihii ku dhisna caadooyinka dhaqan-soo-jireenka ahaa, iyo weliba dhanka sharciyadda Islaamiga, kaas oo isbeddel falsafadeysan u horseedey waddanka Suudaan.

Guulo badan oo uu ka gaadhey dhanka siyaasadda Suudaan, wuxuu Hillaadii 1992 –gii la sheega inuu martiqaad uu ka heley waddanka Mareykan ka (martiqaadkan oo ahaa baa la yidhi ‘Shirqool’ lagu khaarijinayayey mucjisadan Suudaan ee garaadkisu sarreeyo), maalin kii labaad ayuu haddana u safrey waddanka Canada, kulan kaddib, wuxuu safar kale ugu baxayey waddanka UK.

Isagoo ku sugan madaarka Ottawa, ee waddanka Kanada, waxaa weerar kusoo qaadey nin magaciisa lagu sheegey Haashim (wuxuu katirsana ninkani ciiddamadii Suudaan ee sida gaarka ahaa u tababarnaa), madaarka guddihiisa ayuu weerarka feedh-jilibka ah ee loo yaqaan [= Karate-chop] ku dhuftey mid kamid ah kooxdi la socotey Xasan, isla feedh kale ayuu Turaabi ku dhuftey Haashim, balse Haashim waxa isku duubey oo riixey nin Soomaali ah.

Sidaas darted, xawliga iyo xawaaraha feedhka hoos ayuu u dhacey, waxey uuna madaxa kaga dhuftey Turaabigii Suudaan, taas oo hoos u dhigtey khatartii feedhku gaadhsiin laha.Ugu dambeynna, muddo kaddib wuxuu kusoo noqdey Suudaan Xasan Al-Turaabi.

U jeedka qoraalkeygu wuxuu yahay, inbadan oo innaga mid ahi aaney ogeyn taariikhdan, iyo sida uu Soomaaliga u badbaadiyey Hoggaamiyahaas taarikhda mahadha ah kuleh sooyaalka Afrika iyo

Suudaan ba?!..

Facebook Comments