Dibriyo: waa marka aad dareento wax aaryo ookale ah in ey calooshaada ku wareegayaan, kaddib markii aad cunto cunno.

Maxaa Sababa Dibriyada?

Intabadan waa macquul in aad dibriyo isku aragto mararka qaar, mana ahan wax dhibaato laga cabsado ah, laakiin haddii ey joogto noqoto dibriyada ama xad dhaaf ey noqoto waxaa loo sababeeyaa qodobadaan soosocda:

  1. Gaaska.

2. Dheefshiidid la’aanta: in ey yaraato shaqada caloosha waxaana qeyb ka’ah in sidaas dhacdo cabidda oo yar ama caloosha oo aan socan ama adiga oo aananba cunin cunnooyinka miiq miiqa leh sida canbaha, babaayga iyo bataatiga ookale.

3. Calool fadhiga.

4. Cunnooyinka ey aashitadu kubadantahay waxa ey keenaan dibriyo.

5. Ruugidda Xanjo, waqti badan in aad wax ruugto waxa ey sahleysaa in aad liqdo hawo badan oo aan calooshaada looga baahnayn.

6. Infekshanka caloosha waa uu nagu sababi karaa dibriyada.

7. In calooshaada ey biyo kujiraan (fluid intolerance).

Haddaba Sidee Ayaa Lagu Yarayn Karaa Dibriyada ama Aaryada Caloosha?

  1. Hacunin cunno badan hal mar: waxaa caado noo ah bulsho ahaan in aan cunno saxan cunto ah hal fadhi,  laakiin marar badan ayaa laga deyriyay arrinkaas oo uma fiicna caafimaadka siiba caloosha uma fiicna waana sababta ugu badan ee Soomaalida loogu xanto calool kuusan.

Iska ilaali in aad cunto cunno badan hal fadhi, gaar ahaan haddii aad isku aragtay dibriyo.

Waxaana kugula talin lahaa  haddii aad awoodid in aad 6jeer maalinkii aad cunto cunno yar qaddar ahaan, inti aad cuni lahayd seddex cunto oo badan maalinkii.

2. Kafogaaw cabitaanada aashitada leh sida kookada, isbareeska IWM.

3. Kafogaaw in ay calooshaada gasho hawo: waxa aadna uga fogaan kartaa in aanad hadlin marka aad cunnada cuneyso, in aadan ruugin xanjada waqti badan, in aad joojiso gabi ahaanba heensiga ama fiiqsiga IWM.

4. Kafogaaw raashinka gaaska kugu kiciyo: waxaa jiro nuucyo badan oo cunta ah oo keena gaas, laakiin dadku wey kukala duwanyihiin nuuca cunto ee gaaska kaciya.

5. Calooshaada socodsii: marwaliba caloosha waa in ey socotaa, haddii eysan socan waxa ey kadhigantahay in weel ey wax kujiraan aan waxkale kushubeyno ugu danbeynna waxaa kadhalankara wax aan wanaagsanayn.

Haddii tallaabooyinkaan ey wax kuutari waayaan fadlan laxiriir dhaqtar silagaaga caawiyo culeyska.

 

Mahadsanidiin.

Fikirkaada Waa Muhiim