Qandhadu waa calaamad  caddayneyso in uu heer kulka jirka uu ka sareeyo 37.6co, sida caadiga heer-kulka waxaa laga rabaa in uu noqdo inta u dhaxaysa 35.5-37.5co.

Qandhada ama sara u kaca heer-kulka jirka waxa ay kamid tahay hababka difaaca jirkeennu isugu dayo inuu la dagaallamo infekshannada soo weeraro. Waxa uuna jirka ka caawiya inuu xalliyo caabuqa. Mararka qaarna qandhadu waxa ay keeni kartaa xaalad caafimaad daro oo aad halis u ah.

Caalamadaha Kasoo Muuqdo Jirka Inta Ay Qandhada Ku Jirto Waxaa Kamid Ah:

  • jareyn
  • Cunna xumo.
  • Dhidid
  • Fuuq baxo.
  • Hurda la’aan. iyo
  • Qaraw.

Wax-Yaallaha Sababo Qandhada Waxaa Kamid Ah:

  • Hergab.
  • Caabuqa qummanka.
  • Tiifow.
  • Duumada.
  • Kaduudiyaha.
  • Romatiisamada.
  • Cudurada ku dhaco wadnaha.
  • Qaadashada talaalka qaar ee caruurta la siiyo sida talaalka xiiq dheerta iyo teetanada .
  • Soo bixitaanka ilkaha ugu horeeyo ee ilmaha usoo baxo.
  • Infekshanka dhiigga raaca.

 Waa Maxay Dhibaatoyinka Ka Dhasho Qandhada?

Dhibaatoyinka ka dhasho qandhada waa kuwa nolosha halis galin karo waxaana kamid ah:

  • Dhaawac dhalaanka aan wali dhalan, qandhada aadka u daran ee lagu arko Hooyada xilliga uurka waxa ay saameyn caafimaad daro ku keentaa uur jiifka.
  • Qof oo awoodi waayo in uu socdo.
  • Qandhada marka uu cabirkeeda dhaafo 40co waxa ay keentaa ogaalka qofka oo lumo iyo jareyska oo aad u bato.
  • Qandhada waxa ay qofka ku keeni kartaa dhiigg la’aan.
  • Neefsiga qofka oo aad u badato.

Gunaanad, bulshaweynta Soomaaliyeed waxaan ugu baaqeynna haddii qof lagu arko qandho sida ugu dhaqsiyaha badan in looga jabiyo. Habka ugu wanaagsan ee qandhada lagu jabin karana waxa ay tahay isticmaalka maro qoyan oo la saaro Madaxa, Caloosha iyo qeybo kamid ah jirka qofka qandhada heyso.

Facebook Comments