Qaran ama wadan waa bulsho deggan oo dadka ku dhisan yihiin luuqad wadaag, dhul, taariikh, qowmiyad, ama isku-xirnaan xagga maskaxda ah oo lagu muujin karo dhaqan wadaag.

… Qaran waa koox dad ah oo leh xirmo xoog leh oo aqoonsi bulsho leh. Asalka qaran wuxuu ka yimadaa qabiil meel wada degay oo is abaabulay.

Soomaaliya waa dal, waa qowmiyad isu-abaabulay inay noqdaan qaran jira oo kamid ah dalalka caalamka. Dhulka Soomaaliya wuxuu weligiisba ahaa xarun dhexe oo maamusha ganacsiga qeybo badan oo dunida ka mid ah, Intaasi waxaa dheer, waxaa deegaanka Soomaalidu ahayd mid wax soo saar leh; xagga beeraha, xoolaha iyo kheyraad kale oo dunida inteeda kale ka manaafacaadsato.

Sida ay isku raaceen in badan oo taariikhyano ah, Geeska Afrika wuxuu xirriir la lahaa Boqortooyadii Faraaciyiinta wakhti hadda laga joogo illaa 3,000 sano, kuwaasi oo ganacsi toos ah la lahaa meelo badan oo ka mid tahay Saylac iyo Dhulka uduga ee maanta loo yaqaano Puntland.

Dhulka Soomaalya waxaa uu ahaa mid dadka degan yihiin inka badan 10,000 sano Ciise (cs) Hortii, wakhtigaasi oo dadka intooda u badan ahaayeen duurgaleen dhaqda beeraha iyo xoolaha. Sidaasi ay tahay waxaa jirtay xadaaro tartiib isku soo taraysay; oo waxaa la sheegay in dadkaasi ay lahaayeen xirriiryo ganacsiga xoolaha iyo dhirta ah; iyo weliba cilaaqaad xog dheer oo ku salaysan maamul iyo horumar.

Si kastaba ha ahaatee, xadaaradihii ugu horeeyay waxaa ka mid ah farshaxanka, beeraha, xoolo-dhaqashada iyo maamulo yaryar oo ku salaysan beelo ama deegaan. Deegaanka Laas Geel oo ah meel u dhow magaalada Hargeysa, waqooyi galbeed Soomaaliya waxaa uu ka mid yahay taariikhda qadiimiga ah, waxaana lagu qiyaasay in uu farshaxankaasi jiro ilaa 5,000 sano.

Umada waxay lahaan kartaa sheegasho dowladnimo ama is xukun, laakiin qasab ma ahan in ay ku raaxeysato dowlad ay iyaga leeyihiin.

Waxaa dhacda in umad ay si aad ah uga siyaasad badan yihiin koox qowmiyadeed; waxaa lagu sifeeyay “koox si buuxda loo abaabulay ama koox qaas ah oo abaabulan”.

Sidaas awgeed haddii aad aragto in qowmiyadaha qaar oo xagga siyaasadda ama kursiga ugu sarreeyo uu dal leeyahay ay ayaga ugu badan yihiin waxay ka dhalatay dhaxal hore oo ku saleysnaa caddaalad xumo, sadbursi, naceyb ka dhex dhalatay bulsho wada degan iwm.

Aqoonsiga qaran caadi ahaan wuxuu ku saleysan yahay dhaqanka la wadaago, diinta, taariikhda, luuqadda ama qowmiyadda, in kastoo khilaafaad uu u dhexeeyo cidda runtii xubin ka ah bulshada qaranka ama xittaa haddii “ummadda” ay jirto wax kasta (miyaad ku hadashaa Af soomaali si aad u noqoto Soomaali?)

Falasuuf Faransiis ah Ernest Renan wuxuu wax ka qoray silsiladaha isku haya ummadaha. Wuxuu sharraxay, “Halyeey hore, rag bulshada ku weyn, sharaf leh waa xiriiriyeyaasha ka dhexeeya dadka, kuwaasoo midkood salka ku haya fikrad qaran. . . . Tusaalle, Soomaalida waxay ka midaysan yihiin in Sayyid Maxamed Cabdulle Xassan, Dhagax tuur, Xaawo Taako, SYL iwm ay ahayeen halyey qaran. Waa calaamadaha mideeyo Soomaalida.

Qaabka ay qarannada si rasmi ah u aqoonsan yihiin in dadka ka tirsan yihiin waa iyada oo loo oggolaado in ay noqdaan muwaadin. Wadamada qaarkood, sida Mareykanka, dhamaan shaqsiyaadka ku dhashay wadanka waxaa loo tixgeliyaa inay yihiin muwaadiniin iyadoo aan loo fiirinin waddankooda ama waalidkood asal ahaaneed. Wadamada kale waxay leeyihiin shuruudo kala duwan oo dhalasho ah. Jarmalka ayaa dhaqan ahaan u qeexay qarankooda isir iyo abtirsiin.

Fikirkaada Waa Muhiim