Mararka qaarkood jahliga masiibo ka weyn oo jirtaa kawnkan ka ma jirto. Ummadaha duniduna waa marxalad ay soo wada mareen dhammaantood, laakiin jahligu waa arrin ay waddamo badan ka soo gudbeen, marka laga reebo qaaradda Afrika, oo ceebtan jahligu weli dul hoganayso.!

Bilmatal, haddii aynu tusmo iyo tusaale u soo qaadano marxaladihii kala duwanaa ee dalka Masar soo maray, xilligii la khaarajiyay madaxweynihii dalka Masar ee Anwar Al Saadaat, ayaa waxa lasoo qabtay ninkii dambiilaha ahaa, kaddib qaaddigii maxkamadda ayaa su’aal weyddiiyay dambiilihii, su’aal u dhignayd sida tan: “Maxaad ku dishay madaxweynaha?” Wuxuu ku jawaabay: “Wuxuu ahaa “Cilmaani”

Oo Cilmaanigu waa maxay? Haddana wuxuu yidhi: “cakuye, maxaan ka garanayaa!”

Qiso kale, oo tan oo kale ah ayaa iyaduna ka dhacday dalka Masar, waxa dhacday in magaalada Qaahira la soo qabtay ninkii argagaxisada ahaa ee dilay qoraagii waynaa ee reer Masar ee lagu magacaabi jiray Faraj Fawda – markii maxkamadda la hor keenay ayaa waxa la weyddiiyay weyddiimo dhawr ah iyo sababta uu u dilay qoraaga.

Dabaddeed, wuxuu ku jawaabay; qoraagu wuxuu ahaa gaal.

Qaaddiggii: Sidee baad ku ogaatay in uu gaal yahay?

Dilaagii: Kitaabo uu qoray ayaan arkay.

Qaaddigii: kutub badan ayuu qoray e’ ku wee ayaad aragtay adigu?

Dilaagii: kutubtiisa ma akhrin.!

Qaaddigii: Oo waayo, sidee bay ku dhacday.?!

Dilaagii: anigu waxna ma akhriyo, waxna ma qoro.!

Waa waalida tan oo kale ah, midda inna haysata innaga oo Soomali ah iyo Carabtaba.!

Belo ku degtay.!

Fikirkaada Waa Muhiim