Inkasta oo ay jiraan daawooyin faro badan oo la iska isticmaalo ayaa haddana waxa jirta dawo illaa xad suuqa taalla dadkana badankood daashatay. Dawadaas oo ah dawada loo yaqaan Aspirin. Aspirin waa daawo lagu qaato si fudud, farmashiiyo kastana waad ka helaysaa, umana baahnid in aad wadatid warqad dhakhtar kuu soo qoray iyo inkale.

Dunida tagtay ee aan ahayn Soomaaliya, dawadu inta aanay suuqa soo galin, waa la baadhaa kaddibna loo gudbiyaa hay’adda kantaroolka tayada (Quality control agency). Dawada marka ay warshaddu soo saarto, waxa la mariyaa tijaabooyin hor leh (Clinical trials), marka ugu horraysa xayawaan ayaa lagu tijaabiyaa; kaddibna bini’aadamka.

Markaas kaddib ayaa suuqa lagu soo daayaa. Daawo kasta waa la diiwaan geliyaa inta ay leeg tahay waxyeeladdeedu (Side effects). Bilmatal dalka Maraykanka waxa dhacday in dawada lagu daweeyo xanuunka loo yaqaan psoriasis oo ah xanuun maqaarka ku dhaca dawadiisuna tahay drug Raptiva, ay sababtay xanuuno ay ka mid yihiin infection madaxa ah (Brain infection) iyo weliba xanuunka qoor-gooyaha (Meningitis).

Intaas oo dhibaato markii dawadii lagu arkay, isla judhiiba hay’adda kantaroolka tayada daawooyinka ee Maraykanka ee loo yaqaan (FDA) dawadii suuqa ayay ka saartay. Si loo dhawro caafimaadka dadka iyo dalka.

Dawadan oo keliyaata maaha daawooyinka khadka laga saaray ee sababay waxyeellooyinka , ee waxa jira daawooyin kale oo faro badan.

Haddaba qormadan kaga hadli mayno waxyeellooyinka ay keenaan daawooyinka oo dhan, ee waxa aynu ku eegi doonaa dhibaatada ay keenaan daawooyinka la iska qaato ee dhakhtar soo qorin. Innaga dalkeenna Soomaaliya, iska daa in la ogaado oo la baadho daawooyin waxyeellooyin keenay e’, kuwii soo galayay ayaan la ogayn waxa ay yihiin. Oo cid baadha iyo dawlad baadhaa toona ma jirto.

Qoraalkan waxa aynu ku eegi doonaa dhibaatooyinka ay leeyihiin daawooyinka la iska isticmaalo ee aan dhakhtar kuu qorin. (Over-counter drugs)

  1. Daawooyinkan waxa ka mid ah kuwa loo qaato qufaca ( Cough medicines)

Kuwa loo qaato durayga (Cold medicines) iyo kuwa loo qaato laaqitaanka iyo dawakhaada ( Motion sickness pills). Ugu horrayn aynu ku horrayno halista ay keento daawooyinka la iska qaato ee qufaca (Cold medicines):

Dawadan qufaca loo qaata waa mid dadkeenu si sahal isaga qaataan oo farmashiiyaha ka soo gataan, laakiin halis ballaadhan ayaa ku gedaaman. Waxa ka mid ah: Waxa ay keentaa istus-dhalanteed ama khaayiraad (Hallucinations).

Bilmatal, dawada loo yaqaan (Dextromethorphan) waa dawo aad loo isticmaalo. Haddii xaddi la isticmaalo waxa ay keentaa halis caafimaad oo daran.

Waxa ay keentaa: dhibaatooyin xaga neefsiga ah (breathing problems). Muruq xanuun (Muscle twitching). Dawakhaad ba’an (Extreme drowsiness). Wadne garaac ( Heart palpitations). Heerkulka jidhka oo kor u kaca (Elevated body temperature). Indho xanuun (Blurred vision). Iyo ugu dambayn maskaxda oo ay dhibaato gaadhsiiyaan.

Ma maleyn kartid halista iyo dhibaatada ay leeyihiin daawooyinkan sida fudud la isaga qaato.

2. Dawooyinka durayga, sanboorka iyo allerjiga loo qaato ( Cold, nasal congestion and allergy medicines).

Dawooyinkan waxa ka mid ah dawada loo yaqaan (Pseudoephedrine), waa dawada loo qaato ta ugu caansan durayga iyo allergic-ga. Qof kasta oo innaga mid ahi, ugu yaraan wuu qaatay. Haddaba dawadan oo la iska qaataa si badheedh ah oo aan xaddi lahayn (Abusing) waxa ay sababtaa wadne garaac saa’id ah (Irregular heart beat), naqaska oo kugu dhega (Shortness of breath), dhiigga oo kor u kaca (High blood pressure), dawakhaad (Dizziness) iyo ugu dambayn gariir (Seizures).

3. Dawooyinka laaqitaanka iyo dawakhaada (Motion sickness pills):

Waxa ka mid dawada la yidhaahdo (Dimenhydrinate). Waxa lagu daweeyaa dawakhaada iyo laaqitaanka (Vertigo). Dawadan oo la iska qaato iskeed waxa ay sababi kartaa khaayiraad (Hallucinations). Dhagaha oo sanqadh kaa baxdo (Ringing in the ears). Lallabo (Nausea) iyo wadne garaac aan caadi ahayn (Irregular heart beat).

Haddaba haddii aynu intaas kaga nimaadno waxyeellada daawooyinka la iska qaato. Bal imika waxa aynu eegi doona halista ku gedaaman la qabsigooda. (OTC Drug Addiction) Dawooyinkan madax xannuunka iyo qufaca oo la iska qaato si joogta ah waxa ay dhalan-geddiyaan qaab-dhismeedka iyo hannaanka kimistari ee maskaxdeennu u shaqeyso. (Brain’s chemistry over time). Qofka marka madaxu uu xannuuno waxa uu baahdaa kaar jabin degdeg oo isla markiiba ka jebisa darbadda, haddiib kale waa inuu (dose) badan qaataa.

Haddaba marka qofku joojiyo, waxa dhaca xanuuno hor leh oo isla markiiba asiiba (Withdrawal symptoms). Waxaa ka mid ah: Dawakhaad (Confusion). Xanuun (Agitation). Fekerka iyo maanka oo is beddela (Mood changes). Warbixin la soo saaray Maraykanka ayaa lagu sheegay in sannadkii u danbeeyay ee 2018-kii, in

3.1 Million qof oo da’addoodu u dhaxeyso 12 illaa 25 jir ay isticmaaleen daawooyinka qufaca oo aan cidina usoo qorin (Non-prescription cough and cold medication).

Bal suuree imisa Malaayiin oo Soomali ah ayaa sannad kasta wax ku noqda daawooyin ay iska qaateen. Farmashiiye kasta oo ka furan geyiga Soomaalidu degto waa kuwa u qaybiya daawooyinka sida nacnaca iyo xalwada oo kale – Oo haba yaraatee, ma jiro farmashiiyo weyddiiya warqad dhakhtar soo qoray in uu sito iyo in kale. Waana ayaandarro weyn oo innaga haysata dhanka caafimaadka. Soomaaliya gudaheeda waxa ka dillaacay xanuuno aan sal iyo raad toona lahayn oo laga dhaxlay dhibaatada daawooyin dadku iska qaateen si bilaa sabab ah.

Dadkeenna waxa kuu adag in dhakhtar tago oo aayar isa soo baadho kaddibna gato daawada dhakhtarku usoo qoray. Balse, waxa ay ka door bidaan in ay farmashiiyaha tagaan oo uga warramaan barta xanuunaysa, kaddibna dawo ka gataan.

Facebook Comments