Waxey timid Hargeysa 1961 kii, waxey kasoo baqooshey Galkacyo, waxey na shaqaale ka aheyd makhaayad shaaha laga cabo (sida uu Jabiye sheegey). Safarkeeda waxa ku wehelinayey labo nin: Fanax iyo nin kale oo Yuusuf Shaacir la yidhaahdo – sida uu Maxamed Aden Dacar soo tebiyey.

Kooxdani aad bey u la dhacsanaa codkeeda iyo haybadeeda faneed – hibadeeda qarsooneyd – waxaa u baaqey kamankii iyo fan kii curadka ahaa, waxey na soo cago-dhigatey gobolada Waqooyi. Waxey yimaadeen Ceerigaabo, kooxdii ay la socotey na waxey go’aamiyeen in aaney Galkacyo ku laaban. Safarkeedi ayay sii ambaqaadey, dhankaas iyo Hargeysa.

1961 ayuu Sugulle la kulmey Xaliimo Khaliif Cumar ( Magool). Waa bilowgii fanka casriga Soomliyeed uu socod-barad ka ahaa, uuna gardaadiyey Cabdi Sinimo, ahaa qofkii indhaha u furey 1943 heesaha casriga ah: “ Balwooy hooy Balwooy, waxaa I baleeyey mooyaaneey”. Sidoo kale, waa hilaaddii uu Miyuusiga casriga ah uu ka curtey Boorama – kuna baahey – Hargeysa, Jigjiga, ilaa Xeebta Jabbuuti ugu dambeynna dhulka Xabashdia (Addis Ababa).

Aasaaska xaaruunti Radio Hargeysa 1943; iyo dabayshii xornimada iyo qiiradii waddaniyada ee dhalatey ayaa sabab u ahaa curinta suugaan wax ku ool ah. Sida uu Sugulle sheegey, imaansha Magool wuxuu kusoo beegmey baahida loo qabey gabadh heesta, taas oo shacabka Soomaalida, iyo Muslimka ba — mamnuuc ka ahaa iney dumarku fanka galaan. Ragga ayaa kaalinta haweenka meteli jireen. Kooxdii walaaha Hargeysa ayaa bandhig faneed kii ugu horreeyey ku qabtey Cadan iyo Jabbuuti, iyagoo weliba raggu kaalinta haweenka jileen.

Gabadhii ugu horreysey ee ka qeyb qaadata bandhig faneed noocana, Sahra Nuur ( Iftiin) ayay aheyd. Marar dambena waxaa kusoo biirtey Faadumo Cabdillaahi ( Maandeeq). Sugulle iyo kooxdii hormuudka ka aheyd Radio Hargeysa, ayaa tijaabinta imtixaanka fan-codeed ka mariyey.

Magaceeda Xaliimo Khaliif Cumar oo aanu ku ladhneyn naaneystii loo yaqiiney, ayay kooxdi hordhac u siisey. Cali Sugulle, Maxamed Axmed ( Kuluc), Cali Faynuus, iyo Maxamed Siciid ( Gu’Roon jire) ayay ahaayeen kooxdii tijaabada ka qaadey. Waxey su’aaleen heesta ay imtixaanka ku mareyso, waxey dooratey iney luuqda Banadiga ku heesto, waxey na ku heestey:

“Booqasho keliyaa
Badh iga hadhaye,
Bagoo aanad
ina soo Bariday”.

“ fadhigii ayaanu kawada kacney, xaadda jidhka ayaa na wada istaagtey… ( Waan gariiray, waan gariiryey dee)”— ayuu yidhi Sugulle. Cabdi Ducaale, loo garan ogyahay ‘Ayuub’ ahaana madaxa Radio Hargeysa ayaa shaqaaleysiiyey Magool. Sida gabadhaha kale ee fanaaniinta, Xaliimo kuma ay adeegsan masraxa, waxaa se loo baahdey magac cusub ay masraxa la tagto. Cabdi Ducaale, wuxuu soo jeediyey tartan abaalmarin lacageed oo dhan 300 SSH la siinayo qofkii magac-bixin ku habboon Xaliimo u bixiyo. Yuusuf Haaji Aden Qabile ( Macalin iyo gabyaa) ayaa ku guuleystey inuu Xaliimo u bixiyo naaneysteeda caanka aheyd ee “Magool / Fresh Green Foliage”. Wuxuu yidhi:

“Man u saaray
May arooryaad iyo
Ma mooday
Magool kaliileed”.

Magacii cusbaa ee oo ah ‘Magool’ ayaa la ga baahiyey Radio Hargeysa. Shimbirtii iyo iftiinkii boqoradii fanka Soomaliyeed [=Somali Melody] ayay noqotey. Gaar ahaan, Sahra Iftiin oo fankii yara hakisey markii la guursadey, iyo Guduudo Carwo oo Ethiopia usoo ambabaxdey, ayay Magool nalka u daartey. “ Waqtigaas, habluhu iyagoo niqaab iyo xijaaban ayay codka duubi jireen, weliba na qarinaya huwiyadooda dhabta ah [=Identity]; ‘ sharmuutooyinka ayaa jecel iney heesaan ama ku heesaan heeso jaceyl ah [=Only prostitutes sing love-songs] ayaa aheyd fikrada laga heystey inanta fanka kujirta ama ku biirta”.

Maandeeq, Sahra Nuux ( Sahra Badhabadha) ayaa kaga horreeyey Magool fanka. Sidoo kale, Qadiija Balo, kana mid aheyd kooxdii Balwo Group, ayaa aheyd inantii sida joogtada ah u heesi jirtey iyada oo aan qarineyn Magaceeda iyo Muuqeeda ba. Hase ahaate, Guduudo Carwo ayaa aheyd, inantii ugu horreysey ee khibrad-faneed gaadha, iyadoo heesaheda laga siin deyn jirey Radio Hargeysa ilaa 1951-kii.

Bandhigii la magac baxey “ Himiladeena / Our Aspiration/Dreams” ayay aheyd ruwaayaddii ugu horreeyey ee Magool ka qeyb qaato, kuna qabteen Cadan oo waagaas Jaaliyad badan oo Soomaalieed ku noolaayeen.

Bandhigii la magac baxey “ Himiladeena / Our Aspiration/Dreams” ayay aheyd ruwaayaddii ugu horreeyey ee Magool ka qeyb qaato, kuna qabteen Cadan oo waagaas Jaaliyad badan oo Soomaalieed ku noolaayeen. Sugulle, Cusmaan Maxamed Cabdikariim ( Cusmaan Gacanloo), Baxsan ( Saynab Xaaji Cali), Cabdillaahi Cabdi ( Cabdi Shube), Maxamed Cumar ( Huryo), iyo Cabdillaahi Qarshe, ayay si wada-jir u wada meteleen bandhigaas.

Waxey sidaas ahaata ba, iftiinkii boqorada Fanka Soomaaliyeed, waa Magool e’ waxey kusoo caan baaxdey, hees ku jirey ruwaayaddii ‘Gobonnimo / Indepedence’ee ay wada daadihinayeen Maandeeq iyo Baxsan : “ Nin lagu seexdow, Ha seexan / O Man on whose Guard the country sleeps, You shouldn’t yourself Sleeo) ee uu sameeyey Sugulle 1962-kii ( waxyar kahor isku deygii af-gembigii fashilmey ee Hargeysa ka dhacey).

U jeeddada heestu oo daarney in la dhiirigeliyo ciiddanka qaranka Soomaalieed, lana siiyo mooraal niyad sami ah. Bandhigan oo markale lagu qabtey Muqdisho, Magool ma ay raacin kooxdi, cabsi ay dadkeeda u xeerineyso, kaalinteedina waa meteshey Maandeeq.

Fiiro gaar ah: Waxa tarjumey anniga, wuxuu ku qornaa luqadda Af-ingiriisiga, waxaa asalkiisa iska leh Bashiir Goth. Magool waxey ka meteshey labo iyo toban ruwaayaddood oo uu Jebiye sameeyey. ‘Maantay Curatoy, mataaneysee, Aaan maalno hasheena Maandeeq’ oo kujirtey ruwaayaddii ‘Gobbonimo’ – ayaa kamid aheyd heesihii caan-baxey ee Jebiye hal-abuurey. Sidoo kale, heeska ah

“ Ubax la moodyow
Iliilo roob helay adaa u guuree
Anna abaartiyo agab la’aantaa
Igu ogoowe”.

Ayaa kamid noqotey toban ka heesood ee kaalinta ugu sarreeya kaga jirey/jira heesaha Magool , ee Jebiye lahaa. Heestani waxey la curatey xilligii Soomaalidu ka qaangaadhey reynreyntii xornimada iyo khuraafaad kii xornimada horteed. Soomaalidu badankeedu waxey ahaayeen dadyow caamo ah oo isku haleyn jirey warka warbaahinta iyo noocyada kala duwan ee madaddaalada ah, waxey na isku laab qaboojin jireen suugaanta iyo heesaha.

Waxey na bilaabeen in heeso maldahan u adeegsadaan arrimaha siyaasaadda. “ Ubax la moodyow’ ayaa aheyd heeskii ugu horreeyey ee Soomaalidu u fahamtey iney siyaasad tahay. Heestuna waxey odhaneysaa: “ Markaad ‘Udbaale’ iyo Hir doogle aadaad”, waxa ay Magool is-barbardhigeyso nolosha raaxadda iyo barwaaqada ah ee uu u gaadhsiiyey ninkey ku sameysey khiyaamo jeceyl, iyo nolosha qoomamada ah ee ay ku nooshahey!

Sidoo kale, heeskan ayaa soo baxdey xilligu uu Aaden Cabdullaahi Cusmaan uu ahaa madaxweynaha Jamhuuriyaddii Soomaaliya, jilibka qabiil ee aadenna waxa lagu magacaaba ‘Ubbaale’ – sidaas darted dadku waxey u qiyaas qaateen in heestu ka hadleyso madaxweynaha.

Markaad udbaaliyo
Hir doogle aaddaad
Ani asaagay
Uub dheer ku tuurtee
Ubax la moodyoo ana abaartiyo
Agab la’aantaa igu ogowee

Heeskii kale ee Magool ay wada qaadeen Axmed Maxamed Good (Axmad Maxamad Good—Shimbir): ayaa shaac baxey waqtiyadaas: “ Ammaan badanow, asluub badanow” uuna sameeyey Jabiye.

Waxey tidhi Hibo-Nuura: “ Waxaan joogey bandhig ay Magool ku qabatey hoolka ciiddan ka askarta ee Hargeysa 1966-kii; waxaan aad ula cajabey sawaxan ka iyo sacab ka aan joogsi laheyn ee Is-qabsadey”. “ Waxey tidhi, waxaan ku riyoon jireyn in maalin maalmaha kamid ah gaadhi doonto meeqaamka ay Magool gaadhey”. Sannad kadib ayay Hibo-Nuura riyadaas ka rumeysey!

Hibo-Nuura, imtixaankii codka waxey ku martey labo heesood oo ay Magool laheyd. “ Daahir aramidaadii” iyo “ Asalkaba hurdada anigoon ku arag”. Magool, waqtigaas waxey safar ugu maqneyd waddanka Suudaan, markey soo laabatey ayaa loo sheegey in fanaanad kale soo baxdey, weliba halis gelin karto iyada. Sidey Hibo-Nuura sheegtey, Magool waxey dalbatey iny maqasho codkeyga. Markey maqashey Hibo-Nuura oo ku heeseysa “ Naf jacayl haleelay”—
Ayay intey neef tuurtey ayay tidhi: “ Ma tan baa anniga khatar I gelineysa.. Annigu waxaan ahey Xiddigta Geeska Afrika”. Naaneysta ay Magool isku tilmaantey waxaa u baxshey Suudaaniyiin u qushuucey qaab-u-heeskeeda iyo muuqaalkeeda la yaabka lahaa.

Hibo-Nuura iyo Magool waxey ka tageen Hargeysa una guureen Muqdisho October 1967. Hibo, weli waa barbarad fanka ah, halka Magool ay tahay “ Xiddigta aan la waabin kareyn ee fanka Soomaalida, laga soo bilaabo bandhigeedi 1962″.

Magool waxey meteshey toddobo ruwaayaddood oo uu Sugulle lahaa:

Ma Huraan ( Destiny): ruwaayaddan oo ay ku jireen heesihii caan baxey sida: “ Af qalaad aqoontu miyaa, Boqorkii Quruxda”. Waxey ahaayeen heeso dhaadheer, Magool se waxey aheyd qofka keliya ee ku heesi karayey jiiditaanka dheer. Danjirayaashii ku sugnaa Soomaaliya, gaar ahaan Danjiraha Masar, wuxuu sameeyey muddaharaad uu kuga soo horjeedo dhigista ruwaayaddan, sababo la xidhiidha ‘in ruwaayaddani liiddeyso Carabta. Halka danjiraha Laatiin –ku uu doonayey ba in farta Soomaaliga lagu qoro xarfaha Roomaan kaa; ilaa Carabtu doontey in sidoo kale farta Soomaaliga lagu qoro Higgaada Carabiga’

Sheeg iyo Shareer ( Exposure and Concealment): Heesihii ku jirey waxaa kamid ahaa “ I madadaali daali, I maaweeli weeli.” Iyo “ Ma hadhin hadal la is yidhaahdaaye, Hubsiimo hal baa la siistaa”.

Midnimadeenii mugday gashay (Our Unity slipped into darkness”: heesaha ku jirey ruwaayaddan waxaa kamid ahaa “ Waa baa beryey.”

Gobbanimo ( Loona yaqaan ‘Dhagax iyo Dab’ [= Fire and Stone]: Waxaa ku jirey heest ka ah “ Gobbanimooy waxaad gashiyo waxaad gudaba garanaye, oo guurnaye, gobbanimo”. Xasan SH. Muumin Gorod Xasan, ahaa xeeldheeri qora riwaayaddaha, ahaana qofkii qorey ruwaayaddii ‘Shabeel Nagood’, ruwaayaddan oo markii dambe noqotey ruwaayaddii ugu horreysey ee keliya ee lagu tarjumey Afka Ingiriisiga.

Si jees-jees ah ayuu Xasan Sheek Muumin u weyddiiyey Magool iney noqoto hoggamiyaha kooxda ruwaayaddii uu sameeyey ee ShabeeL Naagood, balse Magool wey diiddey labo sababood awgood. Ta hore, mey dooneyn iney la matasho dad aaney garaneyn, iyo ta labaad oo ah, in aaney dooneyn in ay Sugulle ka cadheysiiso – maxaa yeeley Sugulle waxaa ka dhexeeyey xidhiidh midow adag ah.

Cajiibku wuxuu ahaa, in Shabel Naagood noqotey ruwaayad la la ashqaraarey guulna gaadhey. Hibo-Nuura iyo Maryan Mursal ayaa dadaheeyey ruwaayaddii Shabeel Naagood kadib markey Magool diidey, ruwaayaddan oo labadooduba kusoo caan baxeey.

 

Facebook Comments