Gabadh aad buuran ayaa soo fuushay gaadhi bas ah, kaddibna mid ka mid dadkii rakaabka ahaa ayaa yidhi: Maan ogayn in gaadhigan loogu talo galay maroodiyayaasha.

(Isaga oo ula jeeda gabadha buuran). Wax yar kaddibna, gabadhii waxay ku tidhi ninkii: Soo fuul gaadhiga; waa doontii nebi Nuux oo kale e’ kollay waa loogu talo galay maroodiga iyo dameerahaba. (Iyada oo dameerka isaga ula jeeda).

Qoraagii caanka ahaa ee Bernard Shaw ayaa ay kaftameen nin kale oo qoraa ahaa, kaddibna qoraagii ayaa ku yidhi Bernard: Adiga waan kaa fiicanahay, sababta oo ah; adigu waxa aad wax u qortaa si aad u heshid lacag, anna waxa aan wax u qoraa si aan sharaf u yeesho. Kaddib, Bernard Shaw, ninkii waxa uu ku yidhi: Mid walba waxa uu raadinayaa waxa ka maqan.

Ninkii la odhan jiray Juxa ee majaajilaystaha ahaa ayaa ay kulmeen nin, deedna ninkii ayaa ku yidhi: Juxa-oow, illaa aan dameerkaaga arkay kumaan garan. Kaddibna Juxa waxa uu ku yidhi ninkii: dameeradu iyaga uun baa is garta.

Abu at-Tayyib Ahmad ibn Al-Husayn Al-Mutanabbi. Wuxuu ahaa gabyaa carbeed oo isku darsaday murti iyo aftahannimo xeeldheer. Maalin maalmaha kamid ah ayaa nin isku dayay

inuu liido ama ka yaxyaxiyo Mutanabbi, kaddibna ninkii ayaa ku yidhi:

“Abwaan Mutanabbi-yoow, maanta meel fog ayaan ka arkayay markii aad soo socotay, dabaddeedna “gabadh” ayaan ku moodayayba.!”

Mutanabbi, ayaa isna waxa uu ugu warceliyay ninkii: “Adigana bidhaantaada ayaan arkayay markii aad soo socotay, kaddibna, “nin” ayaan ku moodayay!”

Fikirkaada Waa Muhiim