Kansarka Lafaha ku dhaco waxa uu ku billowdaa wax qaab ahaan u ag buro, laakin aan aheyn bura,kaasoo ku faafo dhammaan lafta qeybaheeda kale. Mararka qaarna waxa uu faafitaankiisa gaari karaa xubnaha jirka qeybahiisa kale.

 Kansarka lafaha ku dhaco waxa uu kamid yahay kansarka dhif-dhifka ah ee lagu arko dadka ku nool caalamka. Waxa uu leeyahay nooco kale duwan,waxa aana kamid noocyada kansarka lafaha asiiba:

  • Nooc koobaad waa kansar billowgiisa uu aad u badan yahay afka qalaad waxaa lagu dhahaa ( Multiple Myeloma) waa nooca ugu caansan kansarka ku dhaco lafaha. Badanaa waxaa lagu arkaa dadka da’ahaan ka weyn 60 sanno, noocaan waa mid rajo weyn laga qabo in uu ka boksoodo qofka.
  • Nooc labbaad waa nooc lafaha ku keeno burburin waxa aana afka qalaad lagu dhahaa( Osteosarcoma) badaanaa noocaan waxaa lagu arkaa caruurta yar-yar iyo kuwa ku jira marxalada qaangaarka. Kansarkaa waxa uu ka billowda lafaha miskaha,garabaha gacmaha iyo lugaha. Nocaan waxa uu saameyn balaaran u geystaa nuudayaasha lafaha ku hareereysan.

Intaan oo kali ah ma aha noocyadda lafaha kansarka ku dhaco, laakiin waa kuwa ugu caansan oo inta badan lagu arko dadka uu asiibay kansarkaan.

 Waa Maxay Calaamadaha  Lagu Garto Kansarka Lafaha Ku Dhaco ?

  • Xanuun iyo barar lagu arko lafaha.

  • Shanshada qofka lagu arka wax soo kuusan.

  • Qofka oo mar waliba daalan.

  • Lafaha qofka oo dhaqso jabaan.

  • Culeyska qofka oo lumo.

Maxaa Sababo Kansarka Lafaha Ku Dhaco?

Sababta saxda illaa hadda lama garanaayo, laakin waxaa jiro sababo lagu tiriyo in ay sababaan waxaana kamid;

  • Koritaanka lafaha ood u bato
  • Isticmaalka badan ee Aaladaha shucaaca bixiyo sida; Raajada, iskaanka iyo wixii lamidka ah.

Kansarka Lafaha Ku Dhaco Waxa Uu Leeyahay Marxaladdo Kale Duwan Waxa Ayna Kale Yihiin;

  • Marxaldda koobaad waa marka la xaqiijiyo in uu jiro kansar lafaha oo uusan ku faafin meel ka baxsan lafta
  • Marxladda labbaad waa marka uu kansarka uu gaaro nuudayaasha lafaha iyo carjowda.
  • Marxladda saddaxaad waa marka uu aad u faafo kansarka waxa uuna gaaraa xubanaha muhiimka u ah nolosha sida: Maskaxda, Beerka iyo sanbabada.

Sidee Ayaa Lagu Daaweyn Karaa Kansarka Lafaha Ku Dhaco?

Daawada kansarka waxa ay ku xirantahay:

  • Da’da uu qofka jiro.
  • Marxaladda uu maraayo.
  • Burada miisaan ahaan inta ay la eg tahay. Iyo
  • Dhinaca uu lafta kaga yaallo.
Facebook Comments