kaadi mareenka waa tuubo kaadida kasoo qaaddo killiyaha ayadoo waliba keeneyso kaadi heysta. Tuubadaan mararka qaar waxaa ku sameysma dhagax, kasoo kaadiida dib ugu celiya killiyaha, waxa ay sababtaa in ay yaraato shaqa ay killida qabanaysay.

Maxaa Sababo Dhagax Ku Samaysmo Kaadi Mareenka?

Bulshadeenna Soomaaliyeed inta badan marka la dhaho hebel waxaa lagu sheegay dhagax ku sameysa kaadi mareenka, waxa ay ku leeyihiin waa biyaha wasaqda oo uu cabbay!

Laakin Sababta Taasi Way Ka fogtahay Wax-Yaallaha Sababo Waxaa Kamid:

  • Jugta kaadi mareenka ku dhacdo.
  • Infekshanka ku dhaca kaadi mareenka iyo dhammaan xubanaha ka-ag dhow.
  • Cabbis yarida biyaha.

Calaamadaha Lagu Garto Dhagaxa Kaadi Mareenka Ku Sameysmo Waxaa Kamid:

  • Matag iyo lalabo.
  • Xanuunka aad u daran oo qof ka qabanayo dhinaca killida.
  • Kalarka kaadidda oo is badasho.
  • Qofka oo cuna xumo ku dhacdo.

SideeLagu Ogaan Karaa Dhagaxa Kaadi Mareenka Ku Sameysmo?

  • In qof loo sameeyo baaritaano dhiigag iyo kaadiba leh.
  • In la saaro qofka.Kombuutarka caloosha
  • Qof in la saaro iskaan ( Scan)si loo oggaado halka uu ku jiro dhagaxa.

Sidee Lagu Daaweyaa Dhagaxa Ku Sameysa Kaadi Mareenka?

  • In la siiyo qofka Daawoyin dhagax bur-buriyo haddii uu cabirka dhagaxiisa ka yaryahay 5.4mm.
  • Qalniin in lagu soo saaro.

Haddii uu qofka iska daaweyn waayo waxa ay ku keeni karaata  Shaqo gab inay ku imaado killiyaha

Mar waliba ka feker caafimaadka killiyahaaga sababtoo killiyuhu waxa jirka u qabtaan  shaqooyin muhiim ah oo ay mid tahay sifeynta dhiigga.

 

 

 

 

 

Facebook Comments