Waxaa xidhiidhi toos ahi ka dhexeeya nolosha dhaqan dhaqaale ee bulshada iyo guurka.

Guurku micno ahaan waa midowga nololeed ee u dhexeeya nin iyo gabadh, kuwaas oo isku waafaqey iney nolosha ku midoobaan, wada qeybsadaan dhib iyo dheef ba, isla jeerkaasna, uu daarran yahay in taran ifka keenaan.

Fahamka guurku wuu ka aragti fog yahay wada nolaansho keliya, hase ahaate, waa wada-tashi dhinac kastaba ah oo marwada iyo ninkeeduba ahmiyad u leh. Dhinaca kale, Soomaali ahaan hab is-guursigu waa mid u jeedkiisu aanu caddeyn, una fahamsan yihiin inuu yahay is-af garasho ruuxiya oo ruuxba ruuxa kale u yahay muraayad iyo dhaaya iyo degganaan nafsiyayeed oo salkiisu yahay iney meertada nolosha duruufteeda si lammaane ah uga jid-baxaan.

Inta badanna dhaqanka Soomaaliyeed, labo qoddob baa u jeedkiisa micno ridey: Meherka iyo la-guursiga gabadha.

Qoddobka koowaad: Meherku waa mid diiniyan waajiba, laakin qiimo go’an inuu lahaado waajib ma ah. Yaradka, oo ah xoolaha gabadha laga bixiyo, isna qiimo go’an ma uu laheyn, wuxuu ku qotomey hab-nololeed iyo xeerka deeggaanka bulshadaas. Taas oo ay tahay, inuu yahay dabar xooggan oo wadaajinaya qoyska is-calmadey.

Halka waayadan dambe uu noqdey wax yeeshey muuqaal ah: inaad ibsatey gabadha, ama gabadhii mustaqbalkeedi kala weynaadey xoolaha laga bixinayo, iyadoo asaageed baratan kula jira – taasina waxey qiimo ridey hadafkii Guurka.

Caaddadan gurracan waxeynu kala simanahey umadaha kale ee dunida kunool. Tusaale ahaan, South Sudan waxaa ka xeer ah inuu ninku bixiyo 100 Sac si uu gabadha u doono. Guurdoon ka aan xoolo heysan wuxuu isku dayaa inuu sameeyo dhac, si uu hamigiisa guur u rumeeyo, taas oo keentey iska hor imaad qabiil oo xoolo-dhicis la xidhiidha.

Sicirka korodhka qiimaha inanta lagu doonayo haddii geyiga Soomaaliyeed sidan sii ahaado waxaa iman karta in dhac iyo jihowareer bulsho yimaado; ama habluhu guurseegaan.

Qoddobka Labaad: Guurka dumarka badan [=Marriage in Polygamy] haddii labo dhinac laga eego: Psychological ahaan, iyo mid diineed. Inaad haweeney labaad ama mid saddex ama mid afaraad guursato, dhowr qododobba sabab u noqon karaa: in xaaskaagi hore da’a ahaan weynaatey; in aaney ubad kuu dhalin; in khilaaf joogta ahi jiro; in qof ahaan ubad badan jeceshahey.

Dhaqanka fog ee casri jaahiligi wuxuu sheegaya, in gabadhuba laheyd dhowr sey ama nin [=Multiple husband]. Halka ninkuna lahaa 10 xaas. Dhawaan waxa dhacdey in 2008-kii gabadh kujirtey Parliament-ga Kazakhistan, ay soo bandhigtey xeer ah in ‘gabadhu lahaan kartaa rag badan’. wallow ay dadyowga reer Kazakhistan kala badh ay raalli ka ahaayeen, balse xeerkaasi ma noqon mid dhaqan galey, dawladuna ay joojisey.

Dhinaca kale, Tusaale, Nebi Maxamed { Shacni iyo naxariisi korkiisa ahaate) inuu qabey 11 xaas. Sababta ugu weyn ee la sheegaana aheyd: arrimo siyaaddeed la xidhiidha [= Political Reasons] oo ah: dadkii isku deegaanka ahaayeen. Intaas dabadeed bey diintu jiddeysey in aanu ninku 4 xaas wax aan ka badneyn guursan kareyn. Psychological ahaan, wuxuu sababi karaa guurka dumarka badan ahi xanuuno nafsiyan ah oo gabadha lasoo dersan; kala fogaan ubadka ah; furriin degdeg ah;iyo caddaal-darro iyo dulmi uu ninku sameeyo.

Guud ahaanna, Guurka Soomaaliyeed, labadaas cawaaqib ayaa boqnaha goysay, waana sababta bulshadeennu u qeexi kareyn, labada su’aalood ee ah: Maxaad u guursaneysaa? Inaad xaas labaad sameysato maxaad uga baahan tahay? Iyo gabadhyahey, Guurkaaga ma in hanti badan lagu gu meheriyo ayuu qiimaha guurku ku xidhan yahay?

Fikirkaada Waa Muhiim