Tan iyo markii dawladnimadii Soomaalidu burburtey, waxa soo shaac baxayay xurguftan, legdan, iyo kacaa kuf, dhankasta kaga habsaday Soomaalida, siiba –waayaha nolosha. Waxa hubaal ah in marka degennaanshaha iyo kala danbeynta ummaddu ay meesha ka baxdo, ay adkaato sidii loo heli lahaa nolol si habsami leh u hanaqaada, taas oo keeneysa iyaduna in Soomaalidu badhkiis u gaashaamanto waddamo shisheeye; Hayaan-waddareed, iyagoo quudarraynaya inay helaan nolol wannaagsan oo aayatiin leh.

Waxay Soomaalidu ku maahmaahdaa ‘‘Wixii aan caano iyo nabad ahaynba waa lakala qaadaa’’. Sidaa daraddeed, Firxadkii ay Soomaalidu ku galeen dhulweynaha caalamka, bari iyo galbeed ba waxay dhashay; ‘‘Waxtar’’ iyo ‘‘Waxtir’’ isa sudhan.

Haddii aynnu eegno dheefta laga dhaxlay ummuurtan; waxa ugu muhiimsani waxa weeye, inay jiraan aqoonyahanno tiro badan oo isugu jira dhallinyaro waxbarashado dibaddeed soo dhammaystay, iyo waayeel khibrado nolosha ah xambaarsan, kuwaas oo kasoo diga-rogtay qurbaha, door- biddayna inay usoo kicitimaan dhulkoodi hooyo, cilmigoodina la waddaagaan bulshada, isla jeerkaas Cilmiga iyo horumarka ay kooxdaasi usoo waarideen dadkoodi, ayaa haddana waxa ku lammaan dhib welwelkeeda wadata [Middaas oo ah inuu qof kastaa soo guuriyo; dhaqankii, hannaankii, hab-nololeedkii, hab-fekerii, iyo sidoo kale manhajkii waxbarasho ee ay lahaayeen dadyowgii ay la noolaayeen]. Kaddib halkaas waxa ka aloosmay iska-hor-imaad ku sallaysan mabaadi’da diinta, dhaqanka, iyo siyaasadda ee waddanka gudihiisa taalley, iyo tii ay dadkaasi keenen. Jirto se ay dadkaasi kala huf iyo kala haadin ku sameyn waxyaabaha ay qurbaha kasoo waarideen.

Haddaba wayddiimaha u baahan in laga warceliyaa waxay yihiin: ‘‘ Waa kuwee dadkani? Ama maxey yihiin dadka ka masuulka ah falalkan’’. ‘‘Maxay tahay sirta ka dambaysa habowga iyo indho-sarcaadka ku habsaday duulkan?’’.

Sidee baa looga samatabixi karaa, ama looga hortagi karaa aafadan ibtillada leh?!’’

Waa qoddobadan sare barta ay ka duuli doonto qormaddani. Ilbaxnimooyinka is-hirdiyey [Crash of Civilizations]

Beryahan danbe waxa isa soo tarayay arrimo ugub ku ah soomaalida iyo weliba caalamka islaamka. Tan iyo markii waddamada reer galbeedka loo baqoolay, dad badan oo soomaali ah ayaa u hayaamay arligaas. Dadka iyo dawladaha reer galbeedku waxay horumar baaxad weyn leh ka gaadheen dhammaan qeybaha kala duwan ee nolosh, hadday noqoto; aqoonta casriga ah, horumarka dhaqan-dhaqaale, taabo-gelinta dawladnimada suubban iyo sidoo kale hirgelinta wax-soo-saarka iyo wershadaha.

Ilbaxnimadaas reer galbeedku tiigsadeen waxay indho- sarcaad iyo asqaw ku beertay dadyowgii u soo kacaamay waddamada yurub. Taasi oo abuurtay in qofku weyddiimo ka keeno sababaha ka masuul ka ah ‘ilbxanimada’ tisqaaday ee galbeedka gaadhey; iyo sababta keentay in iyagu gaadhi waayaan nimcaddaas facoodu ku tallaabsadey..?!

Middaas oo aynnu ku tilmaami karno [Cultural Shock]

Ayaan Xirsi waxay kamid tahay dadyowga Soomaaliyeed oo ka baxay diinta Islaamka.

Eegga weyddiimaha qofkani maankiisa ku gannayo iyo warcelinta uu isa siinayo waxa la odhan karaa in qofkani ay asiibtay arrinta loo yaqaano: [Crash Of Civilizations] oo ka dhigan: “Ilbaxnimooyinka is hirdiyey”.

Bilmatal, Ayaan Hirsi Mohamed, waxay kamid tahay hablaha dhallinyarta ah ee soomaaliyeed ee qaatay diinta masiixiyada [Christian Faith] ayaan waxa haleelay qoddobka kor ku xusan ee ah; Aafada laga dhaxlo (ilbaxnimooyinka iska horyimaada).

Markii ay gashay dhulweynaha yurub , waxay la darraandartay dhaldhalaalka yurub biyo dhigay ,[=Cultural shock] kadib na waxay isku qancisay in sirta ka danbeysa quruxda iyo qaayaha dhulka reer galbeed ka muuqata ay tahay : diinta ay haystaan ee ah masiixiyada [ Christianity] . Waxay salluugtay diintii islaamka ee ay ku soo ababtay , waxayna bilowday inay cay iyo aflagaaddo ka oogto fagaarayaasha reer yurub, kuwaas oo ay soo buux-dhaafiyaan dad cunsur ku ah diimaha qaar iyo sawraca.

Bililiqada Maanka

Sidoo kale waxa jira kutub iyo dhigaalo ciiddaa iyo cammaarkaas ka badan oo ay qoraayo iyo aftahanno reer galbeed ahi ku farayaraysteen, kuwaas oo loo carbiyay inay maanka ka hallaabiyaan dadka garashadoodu hoosayso.

Buuggaagtan iyo muuqaaladan seetaysan ee isdaba jooga ah ee reer galbeedku kusoo hurgufeen dunida islaamka, iyo dadka gibilka madow ee Soomaaliduna dhibannaayaasha [=Victims] u yihiin, waxay salka ku hayaan faafinta mabadi’da ku saabsan diin la’aanta [Atheism] , Iyo insaaniyadda [Humanism].

Waxa jira culimo iyo aqoonyahan farabadan oo sida fiinta uga qayliyay weerarka sumaysan ee ay reer galbeedku kusoo qaadeen diinta islaamka iyo dadka rummaysan. Waxa kamid ah dadkaas: abwaanka la yidhaahdo Mohamed Al-Bar oo ah aqoonyahan wax ku soo bartay waddamada reer galbeedka, isagoo ka soo qaatay shaaadooyinka kala duwan ee Degree, Masters, iyo Ph.D

Aqoonyahankani wuxuu tix iyo tiraabba ku sheegay in aqoonta reer galbeedku tahay sida—Aashito oo kale [Acid], oo haddii buuraha lagu shubo ay dhallaalinayso.

Taasina waa midda sababtay inaad aragto dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed oo ilduuf ku dhacay kuna haddaaqaya in nolosha iyo diinta lakala saaro, amaba ku andoocanaya in diinta islaamku ay la ildaran tahay goddaloolooyin aan la jaan qaadi karin nolosha casriga ah ee dunidan ka ooggan.

‘‘Waa iney dadku aqoonta bartaan si ay u adkeystaan una fahmaan waxa ay rumeysan yihiin’’ – Dr. Martin Lutherking

Waxaan mutuhiyay markii aan u kuur-galay mas’aladan inay salka ku hayso gorfayn la’aan iyo xeeldheeri yari aqooneed oo haysata dhalinyaradan ku dhacay dabinka kooxdan. Ma ogtahay in aqoonta oo la bartaa ama la fahmaa ay ka mid tahay farriimaha ugu mugga iyo miisaanka weyn ee hadalka Eebbe u gudbinayo addoomihiisa, sida ku cad (Quran 96:1-4) .

Waxa jira haldooro badan oo shisheeye oo iyana dhiirrigeliyay fahanka aqoonta, sida, Dr. Martin Lutherking wuxuu yidhi,

‘‘Waa iney dadku aqoonta bartaan si ay u adkeystaan una fahmaan waxa ay rumeysan yihiin’’

Dhinaca kale, Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa, ‘‘Geela duqdiisu durdurriso, bal aarrankiisana maxaad u malayn!’. Marka laga yimaaddo dhallinta aan cirraysan ee weli gu’ga dhexe tirsanaysa ee ku curyaamay xasaradda iyo shakiga caqiidadda ee reer galbeedku.

falkiyaan, ayaa haddana waxa jira fac kale oo da’dii waayeel taagan oo u beer-nuglaaday haddimooyinka iyo khuraafaadka ay soo afuufaan kooxaha had iyo jeer u heelan dhaleecaynta diimaha samaawiga ah.

Waxa soo shaac baxay waayadan danbe in indhaha laga qaado dad Soomaaliyeed oo waayeel ah ama la odhan karo waxay marayaan xilligii caqliga iyo xiskuba shaqeyn lahaa , oo haddana toosh bilaa xanjaaro ah la daba taagan caqiidaddii iyo tiirarkii ay ku dhisnayd diinta islaamku oo malaayiin qof oo soomaali ahi rummaysnaayeen. Taas oo ah wax laga yaxyaxo.

Dhibaatada dadkan haysata ayaa ah laba arrimood: In ay falkiyaan gorfayn mala’awaal ah iyo dhaleecayn mayal adag, taas oo aan ku dhisnayn xaqiijin cilmiyaysan iyo ‘‘tixraac’’ la hubo, ama iyaga oo soo minguuriya dhigaalo ay xariiqeen shakhsiyaad caadaystay wax-ka-sheega caqiidadda diinta Islaamka.

“ Inkastoo kooxdan la magac baxday;”Waayeelka khafiifay” aan badhkood loo aaneyn Karin aqoon yari ka haysata dhanka maadiga iyo diinigaba , maadama ay ku talax- tageen labada laamood ba, ayaa haddana waxa jira qoddobo kale oo ku kalifay buufiskan oo xagga hoose ee qormada aynnu kaga hadli doono faahfaahintooda.

Waardiyaha Diinta

Eebbe sarreeye isaga ayaa diinta soo dejiyay , isaga ayaa ilaashanaya oo ka warhaya. Sida Raxmaanku hadalkiisa inoogu sheegay ; wuxuu yidhi: (Waxyiga annaga ayaa soo dejinay , annaga ayaana ilaashanayna)

U gargaaridda diinta iyo waxyigu waa mid dul hoganaysa qof kasta oo raacsan diinta islaamka iyo tubtii Nebi Muxamed (Shacni iyo naxariis korkiisa ahaatee). Haddaba waxa mudan in si qotodheer looga baarandego tabtii iyo tubtii loo waardiyayn lahaa diinta. Middaasi oo ah arrin dad badan khalad fahmeen. Waxaan sheeko iyo shaahid ba ku hayaa, in dad badan oo u heelan markasta inay diinta difaacaan ay haddana iyagu ka arradan yihiin diinta laftirkeeda , maadaama aanay u sugnaanin xeel-dheeri aqooneed oo ay ku hantaan usuusha diinta iyo farriimaha ay xambarsaantahay.

Marka dadka noocan ahi hadlayaan , waxaad ku garanaysaa— Seeflaboodnimo degdeg ah, warcelino aan aqoon iyo caddaymo ku dhisnayn , jawaabo cunfi iyo xaggaayo dhallin kara , hadalo xujo , cagojugleyn iyo xigsiisan laga dhadhansan karo , iyo sidoo kale in duulkani is-moodaan malaa’ig loo soo waxyooday oo aan gefin, had iyo jeerna iyagu isla qumman.!

Dadkan oo loo yaqaan: (Laba juzle iyo Allif ku Jiimle) . Waxay u badan yihiin shakhsiyaad isku magacaabay wadaaddo iyo addoomo alle, kuwaas oo aan cilmi badan iyo khibrad toona u sugnaannin, waxay ku boorriyaan in dadka kala badhkood ay caddaabta ku waari doonaan, middaas oo hurisa dhibaatooyin hadooddilan oo ay kamid tahay; sii fogaynta dad markii horeba sas iyo khaayiraad ka qabay diinta, iyo inay xadhiga usii jaraan shakhsiyaad markii horeba hummaag iyo ciiryaamo ka saarnayd caqiidadda.

Shakhsiyaadka caadaystay cayaayirka iyo ceebaynta caqiidadda Islaamku waxay isugu jiraan laba kooxood: koox shaki, khalkhal iyo faham darro ku habsatay, taas oo ay sababtey akhrinta kutub iyo dhigaalo aan lala kaashan jiritaanka iyo mabaadi’da diinta, balse ku qotonta falsafadda dabiiciyadda iyo caqli-galka[ Natural philosophy and Rationality] . Dadkan ayaa waxa la doodda kara keliyaata indheer-garadka iyo aqoonyahanka ku xididdaystay gorfeynta cilmiga maadiga iyo diinigaba.!

Kooxdan kale waxay yihiin- duul ay muxibadda reer galbeedku qaadday – oo gar iyo gardarroba iyagu isla qumman , balse ka warhaya xaqiiqadda dhabta ah ee diinta islaamka iyo jidka hannuunku ku jiro, laakiin iska indho tiraya sababo u-dahsoon awgeed!

Waxba yaan hadal kugu daalin e’, akhriste dhammaan hadimooyinkaas talan-taaliga ah ee aynnu soo taxnay waa jaran-jarro ay soo maraan bulsho kasta oo adduunka ku dhaqan , cidhib-danbeedkeedunna wuxuu noqdaa laba mid uun: in laga sal- guuro jiritaanka diinta iyo dhammaan tiirarka iyo soohdimaha ay ina amrayso , iyo in beegaalka iyo halbeegga nolosha oo idil lagu saleeyo caqliga – oo xitaa haddii caqiidadda aynnu rumaysanahay ay ku jiraan waxyaabo aan caqliga iyo maanka saliimka ah qaadan Karin la iska tuuro.

Guud ahaan aragtidani waxay tibaaxaysaa in caqliga la kaashado markasta oo su’aalo la iska wayddiiyo wacdaraha uunka iyo sameyska koonka, iyo in la iska indho-tiro awoodaha iyo xeeladaha gaarka ah ee Eebbe dunidan markii uu abuurayay ku sargooyay.!

Xilligii ay soo if-baxday ilbaxnimada reer galbeedku waxa madaxa lasoo kacay aqoonyahanno badan oo isku dayay in ay dadka reer yurub jar-dheer ka lalliyaan iyaga oo yoolkoodu ahaa in dadka laga xoreeyo mabaadida diinta ay aaminsinyihiin, taas beddelkeedana loo isticmaalo caqliga iyo maanka dhammaan qeybaha kala geddisan ee nolosha bini’aadamka. Humanism/ (Insaaniyad), waa xeer ku qotoma in la adeegsado caqliga markasta iyadoo laga talaabsanayo waxkasta oo is-hortaaga.

Rene Descartes, waa faylasuuf , xisaabyahan iyo xeeldheere ku talax-tagay cilmiga falsafadda, wuxuu kamid yahay dadka u ololeeya in caqliga lagu saleeyo waxkasta. Waxa jirta odhaah caan ah oo faylasuufkan laga guntay oo ahayd: ‘‘I think , therefore I am or I exist’’ oo ka dhigan ; ‘‘shakhsigu markuu fekero ayuu jiraa’’ waa halbeeg ilaa iyo haatan faro-baas ku haya ilbaxnimada reer galbeedka.

Dadkii dhidibada u taagay fikradan waxa ugu tun waynaa waddaadkii iyo baadarigii masiixiyiinta jarmalka ee la odhan jiray ‘‘Emmanuel Kant’’  is-beddelo farobadan ayaa ku yimid waddaadkan kadib markii uu shaki iyo tuhun weyn geliyay diintii uu aaminsanaa ee masiixiyadda. Wuxuu joojiyay gubaabaddii iyo khudbadihii uu ka fasiri jiray quduuska [Bible], wuxuuna bilaabay in dadka uu u sheego inay caqliga iyo isku-filnaansho gaadhaan – oo ay ka marmaan kaalinta Eebbe.

Rene Descartes, waa faylasuuf , xisaabyahan iyo xeeldheere ku talax-tagay cilmiga falsafadda, wuxuu kamid yahay dadka u ololeeya in caqliga lagu saleeyo waxkasta. Waxa jirta odhaah caan ah oo faylasuufkan laga guntay oo ahayd: ‘‘I think , therefore I am or I exist’’ oo ka dhigan ; ‘‘shakhsigu markuu fekero ayuu jiraa’’ waa halbeeg ilaa iyo haatan faro-baas ku haya ilbaxnimada reer galbeedka.

Aragtidan uu ‘Rena Descartes’ dhaliyay waxay ku fadhidaa in shaki la galiyo oo la qaadaco waxkasta oo adduunka guudkeeda yaal, ilaa heer aad adigu jiritaankaaga shaki gelisid, waxaana loo yaqaan: ‘‘Cartesian Doubt’’ mabda’n oo ah in shakigu yahay hormuudka cilmiga. Wuxuu ku doodday, haddii aan ahay qof fekeraya anigu waan jiraa. Maadaama aan fekerayo caqliga ayaa ii saamaxay inaan fekero, sidaa darraadeed anigu waxaan ahay qof jira.

Dadka sidoo kale mabda’n hormariyay waxa kamid ah faylasuufkii reer skootlaan ee la odhan jiray ‘‘David Hume’’ Wuxuu ahaa shakhsi b’aasaysta fikradaha ku dhisan caqiidadda iyo diimaha. Waxay aragtidiisani raad ku reebtay ragga kala ah ‘‘Charles Darwin’’ iyo ‘‘Emmanuel Kant’’ wuxuu hirgeliyay dugsiga shakiga iyo caqliga [School of doubt and thought]

Sidoo kale waxa jira shakhsiyaad aaminsan jiritaanka eebbe, balse diiddan doorka diintu ku leedahay maaraynta nolosha una arkayay diintu inay tahay xabsi iyo inay caqabad ku tahay koritaanka maanka, waxaana loo yaqaan arrintan; [Deism] Dadkan waxaa kamid qoraagii reer Maraykan ee la odhan jiray ‘‘Thomas Paine’’.

Aragtidani waa mid ay rumeeyeen dadwayne badan gaal iyo muslimba leh,. waxayna ku adkaystaan in diintu arbush ku tahay dhadhanka iyo dheeha nolosha. Haddii aynnu kusii socono, waxa sidoo kale jiira shakhsiyaad badan oo boorka ka jafay aragtidan lagu khatalmay, waxa ka mid ah faylasuufkii ingiriis ee la odhan jiray ‘‘ John Locke’’ (1632-1704), waa ninkii aasaasaay aragtida falsafadda cusub ee reer galbeedka, [Modern Western Philosophy].

Wuxuu dhidibada u taagay madarasaddii uu ugu magac daray madarasadda caqliga [School of thought ]. Waa shaksigii hindisay aragtida odhanaysa: in diinta iyo dawladda lakala fogeeyo (Separation of religion and government). Sidoo kale wuxuu ikhtiraacay aragtida ridadda fog ee nidaamka dimuqraadiyadda iyo hannaanka dawladnimada reer galbeedkuba kasoo maaxatay. Aragtidani waxay odhanaysaa in bini’aadamku la dhasho saddex xuquuq oo lama taabtaan ah , waxayna kala yihiin: Nolosha , Xoriyadda iyo Farxadda . Aragtidani waxay sababtay in waddamo badan oo dunida ah ay ku daraan qodobadda dastuuraddooda.

Intaas kadib markii ay halkaas maraysay xadaaraddii cilladaysnayd ee reer galbeedku, geesta kale aragtidii insaaniyaddu waxay isu beddeshay qaab gurracan oo kasii liita Middii hore oo la magac baxday (Anti-Humanism) , aragtidani waxay ku dooddaysa in caqliga iyo fekerku uusan ahayn mid ku kooban keliyaata bini’aadamka, balse ay jiraan wax aan ahayn bini’aadam oo leh awoodda garashada iyo caqliga.

Dadka sida xooggan u tafatiray aragtidan waxa ugu magac waynaa qoraagii reer ingiriis ee la odhan jiray ‘H.G Wells’, wuxuu kaga warramay buuggiisi la magac baxay [ The Island of Doctor Moreau ] buuggan ayuu kusoo bandhigayaa inay jiraan bahalo sida bini’aadamka oo kale u fekeraya caqligana weheshanaya.

Waalidda iyo indho-beelka reer galbeedku waxay sii socotaba waxay ku biyo shubatay in ugu dambayn la unko mashiino iyo aallado is-ticmaalaya caqli aan dabiici ahayn [Artificial intelligence] waxa kamid ahaa dadka aaminsan aragtidan qoraagii reer maraykan ee la odhan jiray ‘John Kassel’ wuxuu kaga warramay dhiganaha la magac baxay , [Imagining the Human Future] oo uu ku sheegay In tiknooloyidda casriga ah ay dunida la wareegi doonto raq iyo ruux ahaanba iyo sidoo kale in mashiinada loo yaqaan ‘‘Robots’’ ay qaban doonaan nolol maalmeedkii caadiga ahaa ee dadku qaban jireen.

Guntii iyo gebogabadii , in caqliga iyo naqdiga fekerka la qaddariyaa waa arrin ay diinta islaamku kor iyo hoos ba u boorisay , iyo in sidoo kale dhaqannada wannaagsan iyo xaddaaradaha diimaha kale lasoo dheegan karo. laakiin waxaa natiijo madhalays ah kusoo baxaysaa marka caqligaagu shaki kaa galiyo jiritaanka Raxmaanka , iyo marka aad u suxul-duubatid inaad khaladdaad iyo ceebayn u raadiso diinta. Dadka had iyo jeer dhaliila caqiidooyinka iyo diimaha waxay ku hadaaqaan in caqliga iyo garashada la weheshado , waxay na aaminsanyihiin in diintu go’doon iyo garbo-duub ku tahay xorriyadda aragtida iyo dhismaha nolosha.

 

Tixraac:

Johanna, M. Smith. Reference. Edition of Mary ShelleyFrankenstein: Case Studies in ContemporaryDiscourse on the Method, Rene Descartes recalls.

Fikirkaada Waa Muhiim