Inkasta oo aanan ahayn khabiir ka faallooda arrimaha ganacsiga iyo dhaqaalaha, hasa ahaatee waxa aan ka odhan doonaa in yar oo kor-ka-xaadis ah. Sida aynu ka warqabno ganacsiga Soomaaliya ka jiraa, waa ganacsiyo yar-yar [=Small business entrepreneurship] sidaa daraaddeed way yartahay shirkado waaweyn oo kala wada arrimaha ganacsiga Soomaaliya.

Ganacsiyada yar yari waa kuwa gacanta ku haya hannaankan cusub ee caalamka imika ka jira ee la yidhaahdo (Capitalism), waa qaar shaqo abuur sameeya, waana kuwa dhaqaajiya dhaqaalaha dal leeyahay.

Bilmatal, qaaradda Yurub iyo Ustaraaliya waxa ay isku raaceen in ganacsiyada yar-yari ay yihiin kuwo shaqo la’anta hoos u dhiga dhammaantood way isku raaceen. Ganacsiyada yar-yar marka aynu leenahay waxa aan u jeednaa meel ay ka shaqeynayaan shan shaqaale wax ka yar.

Sannaddihii 1980-dii ganacsiyadan yar-yari waxa ay ka soo dhex baxeen dhammaan ganacsiyadii kale, waana ay guulaysteen. Bilmatal, dalka Maraykanka, madaxweynihii dalka Maraykanka ee Jimmy Carter waxa uu ahaa madaxweynihii u horreeyay ee lahaa ganacsi yar oo uu ka ganacsan jiray alaabooyin kala duwan. Illaa laga soo gaadhayay Harry Truman, oo isna ahaa ganacsade yar. Madaxweyne Carter waxa uu aad u dhiirigelin jiray ganacsatada yar-yar.

Dunida koobaad iyo labaad, waxa ay muhiimad gaar ah siiyeen isku taxallujinta iyo kor-u-qaaddida ganacsiyada yar-yar. Tusaale, urur weynihii la sameeyay 1940- dii oo ay ku midoobeen waddamada yurub iyo Aasiya ku yaala. Ururkaas oo la odhan jiray (National federation of independent business) NFIB. Waxa uu ahaa urur weyne u doodda xaqa iyo xuquuqda ganacsiyada yar-yar.

Mar kale, 1980-dii waxa dhacday in tobankii shaqo ee cusub ee soo baxaba, siddeed ka mid ahi ay noqdeen ganacsi yar oo la abuuray. Dadka leh ganacsiyada yar-yari waa dad dhaqan wannaagsan, isku filan oo haddana madax bannaan.

Ganacsiyada yar-yari waa kuwo keena ikhtiraac cusub iyo ilbaxnimo hor leh. Bilmatal, Henry Ford iyo Alexander Graham Bell, oo ahaa ganacsato yar yar kaddibna wax ikhtiraacay. Dhammaan madaxweynayaashii iyo ganacsatadii soo martay dalwaynaha Maraykanku waxa ay ahaayeen kuwo taageera abuurista ganacsiyada yar yar, iyaga oo rumeysnaa in laf-dhabar u yihiin dhaqaalaha dalka.

Bal haddaba innaga madaxdeennu ma dhiirigelisaa ganacsatadeena yar-yar?

Haddaba intaas kaddib, ganacsiyada yar-yar iyo dhaqaalaha soo koraya ee Soomaaliya maaha mid muhiimad u sameeya dadka iyo dalka.

Ma jirto shuruuc iyo qawaaniin u dejisan dawladda oo ay kula dhaqanto ganacsatada. Qormadeennani waxa ay ku saabsan tahay awoodda iyo muhiimadda ay leedahay in la abuuro ganacsi yar. Heerka uu ka marayo Soomaaliya, ganacsiga yari waa mid aad u liita, sababta oo ah dawladda iyo shacabkuba dagaal toos ah oo dadban ayay kula jiraan ganacsatada yar-yar. Tusaale, dawladdu waxa ay kusoo rogtaa cashuuro aad u badan oo aanay qaadi karayn ganacsatadu. Halka dawladdu aanay wax cashuur ah oo muuqda ka qaadin ganacsatada waaweyn.

Sidoo kale, dawladdu waxa ay burburisaa boosaska iyo meelaha ay ku ganacsadaan dadkani iyada oo ku dooddaya in goobahani waddooyinkii soo galeen, isla jeerkaasna ku andacooda in goobahani plan-ka iyo bilicda magaalada qarribayaan. Sidaa daraaddeedna waddada laga saarayo.

Waa ayaan darro weyn in dawladdu hagardaamiso ganacsatada soo koraysa. Waxa ay ahayd in cashuurta faraha badan laga khafiifiyo, sababta oo ah waa xeer caalami ah oo dunida oo dhan isla garatay in la barbaariyo oo la koriyo hannaanka ganacsiyada yar-yar.

Soomaaliya gudaheeda waxa ka jira ganacsiyo yar-yar oo aad u badan oo ay ka mid yihiin: Dukaano, goobaha dharka lagu gado, goobaha qalabka dhismaha lagu gado. Iyo weliba kuwa waddooyinka hareerahooda la taagan alaabooyin kala duwan ee ganacsi.

Dhammaantood waxa ay qeyb ka yihiin hannaanka ganacsi ee Soomaaliya ka jira. Waxa ay ka qeyb qaataan oo horumariyaan, waxna ka taraan shaqo abuurka. Haddii la dhiirigelin lahaa, waxa hubaal ah in qof kastaa isku dayi lahaa abuurista ganacsi u gaar ah oo hirgala.

Ganacsiga yari waxa uu dhalaa ganacsi weyn oo tayo leh. Bilmatal, haddii aad u fiirsatid ganacsatada Soomaaliyeed ee la odhan karo way aflaxeen, dhammaantood waxa ay kasoo bilaabeen ganacsi yar (From the scratch). Dahabshiil waxa uu markii hore lahaa ganacsi aad u yar oo ahaa dukaan, kaddibna muddo kaddib ayuu ganacsigiisi hirgelay oo guulaystay. Dadka qaar ayaa ku doodda in ganacsatada Soomaaliyeed xor yihiin oo aanay jirin dawlad iyo shuruuc cadaaddisa, isla jeerkaasna ay haystaan fursado ay dhaqaalahooda iyo ganacsigoodaba ku hormarin karaan.

Laakiin anigu taas ma aaminsani, dawlad goboleedyada Soomaalidu waa qaar u daran ganacsatada yar-yar. Sannadkasta waxa la burburiyaa oo dhulku la la simaa intaas oo meherado ganacsi. Sidoo kale, waxa lagu soo rogaa cashuuro xad dhaaf ah oo aanay iska bixin karin.

Maanta war farxad iyo rayn rayn leh ayaa kasoo yeedhay wasaaradda ganacsiga dalxiiska iyo wershadaha Somaliland, waxa ay qoraal iyo warbixin ay soo saareen ku bayaamiyeen in ay laalleen lacago iyo kharashaad laga qaadi jiray ganacsatada yar yar ee wax kala soo degta magaalada Berbera.

Boqol iyo konton dollar ayaa laga qaadi jiray halkii koonteedhar ee ka soo dega dekedda. Tani waxa ay faa’ido iyo guul u tahay ganacsatada yar-yar iyo kuwo waaweynba, siiba ganacsatada yar-yar ayaaba aad u faai’daysa. Haddii cashuuraha xad-dhaaf ka ah ee laga qaado laga dayn lahaa, waxa biyo-kama-dhibcaan ah in ganacsiyada yar yari heer gaadhi lahaayeen.

Facebook Comments