Aanadii Negeeye – Qeybtii 29aad

Waa shantii galabnimo, qorraxduna waa ay qabowday oo dharkii caddaa ee maanta mid ka qurux badan oo dahab u eg ayay gashatay. dayrka dhagaxa ah ee dhinac ka qabyada ah, ee ganjeelada buluugga iyo caddaanka ah leh, waxaa ku dhex yaal laba qol oo keliya oo isu furan albaabkooduna yahay loox cagaaran.

Dhulka deryka iyo labada qol u dhexeeyaa waa ciid, waxaana ka baxay doog khafiif ah oo gogol la moodo. Doogga waxaa ka sii qoyan hogol duhurkii magaalada martay, waxaana dhan ka mayracanaya laba qoolley, dhanka kalena waxaa dermo ku fadhida gabadh ilmo nuujinaysa. Iyada oo baraad la, ilmaha dhabta u saaranna daawasho ugu maqan, ayay xasuusatay beri ay yarayd oo ay caruusad ay ku cayaaraysay ka dhigtay ilmo ay dhashay oo naas aan weli u soo bixin nuujisay. Iyada oo xasuustaa ku maqan oo yar dhoollo caddaynaysa ayaa ganjeeladii la garaacay. Inta ay dharka urursatay fadhigana hagaajisatay ayay tidhi:

“Soo dhaaf!” Qofkii wuu soo galay, mise waa Raage. Deeqi iyada oo farxad ka la badatay ayay ku qaylisay: “Alla waa Raage! Alla waa

Raage! Alla hooyaday waa waliyad, habeen hore ayay soo dayntaada ku riyootay!” Iyada oo aan ilmihii dhigin ayay Raage albaabka kaga hor tagtay oo isku duubtay.

Waa keligeed, qoyskooda oo badanaa u yimaaddana cidi ka la ma joogto, Leyli iyaduna waxay jirtaa shaqadii dugsiga. Raage gabadha u dhalatay ee lixda bilood jirta, oo Hoodo loo bixiyay, hore ayaa xabsiga loogu soo tusay. Markii ay isaga iyo Deeqi cabbaar isku duubnaayeen, ee dhunkasho isku la daaleen, ayuu Hoodo la wareegay, wuxuuna dareemay farxad uu wax badan kaga illaawey darxumadii xabsiga. Daaraddii iyo gurigii uu muddada dheer ka maqnaa, had iyo goorna ku fekeri jiray, ayuu doc walba ka eegay oo dhinac dhigay sawirradii uu jeclaa ee uu maskaxda ku haystay ee uu had iyo jeer isku maaweelin jiray. Wax walba wuxuu u jeclaystay si xad dhaaf ah oo aad uga badan intii aan la afduubin. Gaar ahaan Deeqa iyo Hoodo waxay u la mid ahaayeen duni uu ka dhintay oo u soo noolaaday.

Markii xabsiga loo beddelay waxaa laga joogaa sannad, muddadaana ugu yaraan toddobaadkiiba mar Deeqa iyo Leyli waa ay soo booqan jireen. Beryahan dalku fowdadii ayuu ku sii fogaaday; mucaaradkii hubaysnaa gudaha ayay ka soo buuxsameen, maamulkuna waa sakaraad. Si fudud ayaa dadka loo dilaa, si fudud ayaa xabsiga lagu galaa, si fudud ayaa haddana looga bixi karaa. Qof kasta oo maamulka awood ku lahaa wuxuu bilaabay sahay urursi, wuxuuna ku dadaalay mar haddii uu dalka ka cararayo in uu boorsada ku sii qaato lacagta ugu badan ee uu heli karo. Sidaas ajligeed Xabsiga Dhexe wuxuu ka mid ahaa meelaha uu ka ganacsiga dadku sida firfircoon uga socday.

Dad u xidhnaa denbiyo waaweyn, oo uu dilku ka mid yahay, ayaa inta lacag laga qaaday iyaga oo laafyoonaya duhur albaabka ka baxay, kuwo kale oo dulmi ku xidhan laakiin aan lacag haysan ayaana halkaa ku abaaday. Mar haddii se ay duufaanta taliska ridaysay xoog lahayd, oo si waalli ah wax walba jirridda ugu bixinaysay, kuwa dadka ka ganacsadaa iyaguna degdeg la mid ah ayay ku shaqaynayeen, si xawli leh ayuuna sicirku hoos ugu dhacayay. Maxaabbiista raashin loo ma hayo, askarta ilaalinaysa mushahar la ma siiyo, cidina ma ka la haybaysato, qof waliba nafta ayuu nacay oo dhimashada dan ka ma leh. Qof waliba meesha uu furaheeda hayo isaga ayaa iska leh. Waxaa la marayaa in baakidh sigaar ah iyo marduuf qaad ah maxbuuska lagu sii daayo. Kuwii intaasna laga waayo bilaash ayaa oodda looga qaadaa.

Waxaa bilaabatay xaalad aan denbiile iyo denbilaawe ka la lahayn. Qof waliba waa denbiile haddii wax laga helayo, denbi kasta oo uu galana loo ma qabto haddii uu wax bixiyo. Saddex bilood iyo labaatan cisho oo uu godka ku jiray, iyo sannad iyo bil uu Xabsiga Dhexe ku jiray, markii uu xidhnaa ayaa Raage loo sheegay in uu albaabka ka baxo. Dulmi badan ayuu tirsanayay, wuxuu se ka nasiib badnaa kuwo tobannaan sano iyada oo aan xataa maxkamad la geyn halkaas ku dabranaa. Fiidkii ayay Leyli si lamafilaan ah Raage guriga ugu timid, waxayna u faraxday si aan xad lahayn.

“Alla walaal, ducadii waa la iga aqbalay. Dhawrkii cisho ee ugu dambeeyay ugu yaraan malyuun goor Ilaahay waan ka baryay in dhakhso laguu soo daayo. Laba arrimood oo i la soo gudboonaaday midna ma aan doonayn adiga oo xidhan in aan sameeyo…”

“Kow, midi waa in aad guursanaysid”, ayuu Raage Leyla hadalka kaga boobay

“Haa, taasi waa sida aad u garatay. Ta kalena waa aabbe iyo hooyo oo fiise ii soo diray doonayana in aan Ingiriiska ugu tago. Hooyo bukaan ayay noqotay oo waa ay ii baahan tahay.”

“Leyla, ma run baa? Miyaad guursanaysaa?”

“Walaal, waan kaala xishooday adiga oo xabsi ku jira in aan waxyaalahaas ku la soo qaado. Nin aannu meel ka wada shaqayno oo aanu muddo wada soconnay ayaanu isguursanaynaa, haddii Alle idmo. Hore waxaannu ugu heshiinnay in aannu dib u yar dhigno, laakiin mar haddii aan dhoofayo waa in aanu isa sii guursannaa. ”

“Waa talo fiican. Markaa ma adigaa soo noqonaya mise isaga ayaa Yurub imanaya?”

“Dalkii waakan sii xumaaday, hooyana igama maaranto, markaas waxaan ku talo jiraa in aan xaggaa fiise uga soo qalqaaliyo. Idinka qudhiinna waan isku dayi doonaa in aan dalka meel uun idiinka saaro.”

Sidaas ayaa qofka aad jeceshahay Soomaaliya maanta loo la hadlaa. In dalka la iska saaraa waxay la macne tahay in dhimasho la hubo la iska badbaadinayo. Galabtii Raage la soo daayay tii ku xigtay Leyli waxay guriga keentay Axmed oo ahaa ninkii ay isjeclaayeen. Hore ayay isaga iyo Deeqa isu barteen, laakiin galabta wuxuu u yimid in ay Raage isbartaan. Axmed, oo loo yaqaannay Dhabarey, Leyla guyaal aan badnayn ayuu ka weyn yahay, laakiin waa nin shilis oo la moodo in uu intiisa ka weyn yahay. Hore u ma uu guursan, waana nin aad u furfuran oo kaftan iyo qosol badan. Markii hore ee ay Leyli Caymiska Qaranka ka shaqayn jirtay, intii aanay jaamacadda bilaabin, ayay Dhabarey oo isaguna berigaas shaqada ku cusbaa isbarteen. Berigaa intan wuu ka dhuubnaa, sidan ayuuna u kaftan badnaa. Berigaas wax xidhiidh ah ma ay yeelan, imika ayuu se u qirtay markaaba in uu ka helay laakiin u arki jiray naag kibir badan.

“Markaas miyaad iga baqday?” ayay wayddiisay.

“Maya, weligaaba kibir badnow waan ku laylyi lahaaye, waa adigii si lamafilaan ah shaqada uga tagay, meel aan kuu raaco ayaanan garan waayay.”

“Waa iska nasiib, waxii aan soo maray ayaa ii qorraa.”

“Waxba ha qoomamoon, waxii farxad inaga tagtay waa aynu qallayn karraa. Dhunkasho walba shan jeer ayaynu ka dhigaynaa.”

Runtii barashada Dhabarey waa ay u ayday. Kaftanka iyo qosolkiisa badan ee la moodo ilmo yar oo aan hawl adduun qabin waxay ku illawday xanuunkii ay guurka Negeeye ka qaadday. Iyada oo aan nin ahaan u jeclaan ayay dadnimadiisa jeclaatay. Iyaga oo aan wada shaqaynta wax ka badan wadaagin ayayna agtiisa iyo sheekadiisa u hilawday. Iyada oo aan dareenka ay wehelnimadiisa ka heshay wax u la mid ahi jirin ayay markii ugu horreysay ruwaayad ku casuntay. Qunyar qunyar ayay dabadeed isaragtay iyada oo jacayl besteed la ah.

Habeen ay shineemo ka soo wada baxeen, markii ay isa sagootiyi lahaayeen, ayuu isla yar taagay una sheegay in uu jecel yahay. Inta ay farxad la waalan gaadhay, dhunkashana ku boobtay, ayay ku qaylisay:

“Alla gacaliye Axmed, aniguba in aan ku jecel ahay waad og tahay! Waan hubay in aad i jeceshahay!”

Dhabarey sigaarkana ku dheh oo wax balwad ah ma leh, nolol iska qabow oo waxiisu ku filan yihiin ayuuna ku nool yahay. Reerkoodu dhaqaale ahaan waa ay iska ladan yihiin oo dukaan iyo dhawr guri ayay magaalada ku leh yihiin, beer weyna duleedka Afgooye. Laakiin isagu shaqadiisa ayuu ku qanacsan yahay. Wuxuu qol kaga jiraa guri aabbihii lee yahay oo ku yaal Boondheere. Waqtiga uu fasaxa yahay makhaayadda ayuu asxaab ku la kaftamaa, ama shineemo ruwaayad iyo kubbad mid uun galaa. Ma aha, sida Raage, qof siyaasad lagu falay, isboortiga iyo filimada ayaana ugu badan waxa uu ka sheekeeyo. Reer miyiga iyo reer gobolka uu had iyo goor xifaaleeyo waxaa u sabab ah isaga oo in uu Xamar ku dhashay wax weyn u haysta. Taasi waxay iska hor taagtay in uu nolosha Xamar ka baxsan haba yaraato ee wax ka barto. Xataa af soomaaliga wuxuu ka yaqaan kana qiimeeyaa inta Banaadir lagaga hadlo. Dhabarey maalintii la isbaray tii xigtay seeddigii Raage si uu noloshii xabsiga uga fogeeyo wuxuu u dalxiis geeyay beertooda Afgooye iyo Xeebta Jasiira.

Labadooda iyo labada gabdhood ayaa wada qaatay baabuurka Dhabarey, Hoodona waxay kaga tageen reer abtigeed. Barqo kulul markii ay Afgooye wax yar ka baxeen ayay waddadii laamiga ahayd mid ciid ah uga leexdeen. Dabadeed inta ay baabuurkii meel dhigteen ayay wadiiqo dhulka ka yar sarraysa oo gacan beeraha waraabiyaa dhinac qulqulayo ku lugeeyeen. Caleenta muuska ee wadiiqada labada dhan kaga soo foororta, ee ay dabayshu ruxayso, laga ma garto xer xadraynaysa ama hablo dhaantaynaya. Kulaylka qorraxda waxaa debcinaya hawo bari ka soo dhacaysa oo webiga soo dul maraysa iyo rays udgoon oo dhulku soo daacayo. Caleenta muuska waxaa saaran sayax. Webiga iyo damasha waxaa isaga gooshaya shimbiro aan tiro iyo xaddi lahayn. Magacyada shimbirahaas oo ay badankooda garan waayeen ayay intii ay tamashlaha ku jireen isku xujeeyeen. “Beertaas ma u jeeddaan?” ayuu yidhi Dhabarey isaga oo tilmaamaya beer aad u weyn oo midig ka xigta. “Inta ay isu ka la jirto ma malayn kartaan, sida aan maqlay waa beerta labaad ee Soomaaliya ugu weyn. Berigii sixirka hantiwadaagga lala wareegayay ayaa shirkad talyaani ah laga qarameeyay, haddana beri dhexdaas ah ayaa nin agaasime ah hadiyad loo siiyay. Muuska ka soo go’aa miisaaniyadda dalka qayb weyn ayuu ka noqon lahaa.” Raage iyo dumarkii beertii ayay wada eegeen.

“Laakiin qaybta dalagga la idinka qaado isagana sow laga ma qaado?” ayuu Raage wayddiiyay.

“Maxaa looga qaadayaa iyada oo dhan baaba bilaash loo siiyaye!” Markii ay wax yar socdeen ayuu haddana beer kale tilmaamay. ”Taas kalena ma u jeeddaan? Qoys weligii beeroley ahaa ayaa laga qaaday, haddana waxaa leh nin ay madaxweynaha qaraabo yihiin. Weligii ka ma shaqayn ka mana faa’iidaysan, waa taa kayn noqotay. Bal kuwii dheefsan lahaa muxuu ugu qoonsaday?”

“Axmed, yaa khii siyaasadda waa la idinku wada falaye naga dhaaf. Sow tii aad lahayd ma xiiseeyo?” waxaa tidhi Deeqa oo sidii Raage loo xidhay siyaasadda ka waalatay.

Beertii ay u socdeen markii ay soo galeen waxaa ka hor yimid hugunka dabaysha iyo muuska cayaaraya oo u eg dabbaaldeg iyaga lagu soo dhoweynayo. Waxay isu ka la jirtaa ili ka aragtay. Geedo aan badnayn oo cambe ah mooyee inta kale waa muus. Sidaas oo ay u weyn tahay haddana hawsha ay reerku geliyaan iyo manfaca uga soo noqdaa isma leh. Maamulkan la isku ibtileeyay ayaa beeralayda dalagga u go’a intiisa badan ka faro maroojiya. Xabbado muus ah oo bisil ayay goosteen cabbaarna beerta dhex mushaaxeen. Ma jirto naf aadami oo aan daawashada dabeecadda ku raaxaysani, laakiin naf waliba meel ayay ka la falgashaa. Dhul biyo yarood iyo jiilaal dheer u badan ma jirto dadkiisu wax ay ka jecel yihiin aragga biyo iyo doog. Muuqaalka dahabka u eg ee biyaha Webi Shabeelle iyo jannada ay hoobaantu raaracdo ee labada daamood kaga goglan ma jirto dawo ka waxtarsan oo uu Raage kaga bogsan lahaa abaartii qalbigiisa gubtay iyo xeradii dhagaxa ahayd ee uu waqtiga dheer ku oodnaa.

Markii ay qorraxdu sii kululaatay baabuurkii ayay dib ugu noqdeen oo Xeebta Jasiira afka u saareen. Markii ay cabbaar dabbaasheen ayay dermo dhigteen bacaad nadiif ah oo biyaha buluugga ah ee badda ka yar sarreeya, waxayna furteen cunto bisil iyo cabbitaan ay siteen. Barwaaqada la haysto qiimaheeda la ma dareemo jeer la waayo. Dalxiiska la wada yahay, hawada nadiifta ah ee la qaadanayo, nicmada indhaha iyo naftaba u roon ee la daawanayo, wadajir ha loogu faraxsanaado laakiin afarta qof mid walba macne dareenkiisa u gaar ah ayay u lahayd. Leyla in ay uskaggii Negeeye ugu dambayn ka qubaysatay, nolosheeduna mar kale caadi ku soo noqotay, oo ay dhowaan aroos gelayso, oo ay waalidkeed Ingiriiska ugu tegayso, waxay u ahayd liibaan aan xad lahayn. Dhabarey isaguna ma da yara, muddo ayuu guurdoon ahaa, qof naftiisa ku habboon oo uu isku aammini karo in uu helo ayaa ahayd farxadda keliya ee ka dhinnayd, tiina in uu maanta hayo ayuu rumaysan yahay. Deeqi fekerka maskaxdeeda iyo rajada nolosheeda oo dhan waxay ku xidhay mar labaad oo ay iyada iyo Raage nolosha wadaagaan, maantana in ay geed hadhac ah hoostii dhabta kaga jiifto dhab iyo dhalanteed ayay u ka la garan la dahay.

Marba si aan caadi ahayn ayay u eegaysaa ama isugu duubaysaa, si ay u hubsato in aanay riyo ku jirin ee ay run tahay. Raage isagu arrin ayuu la yaabbanaa ka fekerkeedana ku mashquulay, taas oo ah qiimaha xorriyadda, iyo sida ay u ka la duwan yihiin xaaladdii uu dorraad ku jiray iyo tan maantu. Neecawda xambaarsan rayska iyo diirrimaadka qorraxda ee dhabannada ka maraysa, ma ay jirin wax uu ku meteli karo oo aan ahayn timaha Deeqi marka ay sidaas oo kale wejiga uga maraan. Waa uu rumaysan kari la’aa in aan araggiisa iyo cirka buluugga ah waxba u dhaxayn; in aan maqalkiisa iyo codadka ka la nooca ah ee shimbiraha wax u dhaxayn; in aan isaga iyo Deeqa wax u dhaxayn; in aan isaga iyo doonistiisa cidi u dhaxayn. Ma jiro wax qof aadami ah xornimo uga qiimo badani, mana jiro wax ka hooseeya in qof xornimada laga qaado.

Xornimada iyo la’aanteedu waxay isu yihiin nacdal iyo barakada Ilaahay. Wuxuu isu eegay waxyeelladii loo geystay iyo falkii lagu maagay, wuuna la yaabay sida ay u ka la cuslaayeen. Haddii uu moodayo in uu waxaas oo dhibaato ah ka la kulmayo wuxuu samayn lahaa wax intaa ka natiijo roon. In kasta oo uu dulmiga iyo dullaynta dadka lagu hayo aad uga niyad xumaa, waxii isaga la yeelayna marka uu ka fekero aad uga damqanayay, haddana maalmahaas oo dhan wuxuu ku dadaalayay taa in uu illaawo. Guntin nacayb ah haddii aad wadnaha ku haysatid ka duwanaan maysid kuwa aad maanta la yaabban tahay, ayuu islahaa. Wuxuu ka fekeray inta nin maanta meel xabbad iyo xasad la yuurura, dabadeed isaga oo aan isogayn ku qayliyay: “Ilaahow waa mahaddaa mar haddii aan gacantayda iyo damiirkayga midkoodna dhagar qabin!”

“Iyaa?” waxaa wayddiiyay Dhabaray oo mooday in uu hadal soo wado. Raage su’aasha wuu ku hambaberay, sidii qof selelay ayuuna saddexdii qof marba mid eegay. Wuxuu ku sii fekeray: laakiin ma habboon tahay qofku dalkiisa iyo dadkiisa in aanu dhagar ka gelin oo keliya in uu ku farxo? In uu dhagarta laga gelayo ka difaacaa sow waajib ku ma aha? Maxaad ka difaacday? Marxaladdan uu xanuunka la taahayo maxaad u qabatay? Tacliinta aad maanta lee dahay sow ku ma aad baran canshuur hooyo ganacsi liita qorrax la fadhida ama adhi miyi ku raacda laga qaaday? Waxaa lagugu xantaa in aad Rooble u dhaqan eg tahay, taasi dhab ma tahay?

Dhiidhi la’aanta lagugu sheegayaa ma jirtaa? Oo ma qabiil baad u dhiidhiyi lahayd? Laakiin ma qabiil keliya ayaa loo dhiidhiyaa? Dalkaaga maad u dhiidhidid? Runtii taa isaga waad ka la mid tahay; sidii qof duumo qaba sidii uu u foororay ee dulmi u tirsanayay ayuu ku gaboobay. Laakiin maantaba sow ku ma dhaamo oo mucaarad ma aha? Mucaarad? Haa. Oo mee? Adigu ku mee? Ka marba xabsiga la dhigayaa sow adiga ma aha?

Wuxuu ku sii fekeray: aroorta marka waagu beryo in aad xabbad qaadataa ma ku la gudboon tahay? Maxay kuu la gudboonaan wayday sow ma tihid qof nool oo dhiig iyo uus leh? Laakiin taasi xalkii ma tahay? Xalkee? Horta xalka la raadinayaa waa maxay? Haa, halkaas arrinta ka eeg. Horta yaa is haya, maxaa se la isku hayaa? Waxaa is haya reerihii dalka wada lahaa, waxayna isku hayaan taladiisa. Haa, wada lahaanshaha la isku ma haysto ee wada talinta ayaa la isku haystaa. Oo maxaa la isugu haystaa, sida loo wada lee yahay maa loogu wada taliyo? Intaas ayaa la garan la yahay, halkaas ayay cilladdu ku jirtaa. Taladu waa mar la garan waayo iyo mar la gaadhi waayo, laakiin tan la ma garan waayin la mana gaadhi waayin ee ogaan ayaa loo dhaafdhaafayaa. Sababta loo dhaafdhaafayo la ma yaqaan. Shisheeye ayaa la eersadaa, laakiin ruqa ninkii lahaa dabada hayaa ma kacdo. Nimanka dagaalka hoggaaminayaa, labada dhinacba, waxay ka siman yihiin danayn la’aanta dalkooda. Waxay ka siman yihiin haddii ay Soomaaliya ka dhigaan meel aan lagu noolaan karin in ay u qoondaysan tahay meel kale oo ay ku noolaan doonaan. Waxay wada sitaan baasaboor qalaad ama degganaansho, waxayna lacag dhigteen dhulal shisheeye.

Waxay wada qabaan garasho liidata oo ah haddii aanay iyagu wax noqon Soomaaliya in aanay waxba noqon. Jiritaankooda waxba ka ma gelin jiritaan la’aanta dadkooda. Sideedaba Soomaaliya waxay eedday maangaab aan lahayn riyo fog, han sare iyo ilaalinta jiritaanka isirkiisa. Waxay eedday nin ay aqoontiisa ka maqan tahay siyaasaddu in aanay ahayn hadaf la gaadho ee ay tahay qalab loo adeegsado in hadaf lagu gaadho; in bulshada lagu hoggaamiyo waddo loo arko in ay tahay tii khayrka, loona hayaamiyo dooxo cagaaran oo loo sahamiyay. In siyaasadda lafteeda laga dhigto hadaf loo halgamo waa sifada ugu xun ee siyaasiga, waana ta ay ka siman yihiin. Waxay u wada ordayaan in ay yeeshaan ama ilaashadaan awood ay wax ku xasuuqaan waxna ku bililiqaystaan. Waaba intaas oo keliya. Weli la ma hayo mid aragti dadnimo leh meel marinteeda u guntan.

Ka aan arrin iyo aqoon aayatiin leh meesha ku hayn, ee aan magac iyo maamuus taariikhda ugu hadha raadinayn, muxuu rabaa? Ma habaarka dadka iyo nacdasha xabaasha ayuu u dhimanayaa? Waxa wadaa haddii ay yihiin hunguri uun siyaalo madaxnimada ka dhow oo hanti lagu tacbadaa sow ma badna? Gelin dambeed ayay ahayd markii ay afartii qof iyaga oo baraad la dareemeen isbeddel lamafilaan ah oo jawiga ku dhacay. Waxaa soo dhacday dabayl wax walba gilgilaysa, baddana waxaa ka soo kacay fad culus oo biyo cantuugsan weli se aan iyaga soo gaadhin, kaas oo jahada bari ilaa waqooyi isku dadbay. Waaxda koonfureed iyo ta galbeed ee cirka waxaa isku goglay caad qunyar qunyar u naaxaya isuna rogaya daruur kaas oo sameeyay hoosiis kulaylkii iyo ilayskii qorraxda dhimay. Shimbiruhu waxay bilaabeen baaq ay isu dirayaan iyo dadaal ay ku diyaarinayaan halkii ay roobka ka jirsan lahaayeen. Dabadeed dalxiiskii waxay u qalab qaateen guryo noqosho. Maalintaas la dalxiis tegay laba toddobaad ka dib ayay gurigii uu Dhabarey degganaa, ee aabbihii lahaa, isaga iyo Leyli ku aqalgaleen. Bil ka dibna Ingiriiska ayay u dhooftay.

***

Barqo ay bisha jenaweri bilaw tahay, oo xaalka Xamar meel xun marayo, ayuu Raage ka war doonay qaraabo reer Wardhiigley ah. Degmadaasi waxay ka mid ahayd meelaha dagaalka ugu ba’ani ka dhacay ee lagu le’day, wuxuuna ku arkay waalli aanay weligii maskaxdiisu ka fekerin. Waxaa darandoorri isu dhaafayay hub nooc walba leh, hawadana waxaa ka buuxday siifadda baaruudda. Waxaa dhacaysay dabaysha habaaska badan ee Istaaqfurullow oo qashinka iyo foolxumada sii badisay. Dhirta oo ahayd bilicda koowaad ee magaalada waxaa dabooshay siigo, waxaana badankeeda sida guryaha dhaawacay hub, caleenta iyo midhuhuna iyaga oo curdan ah ayay dhulka qubnaayeen. Maalintaas ma jirin haba yaraato ee wax nadiif ah iyo wax sharaf lihi toonna. Intii uu soconayay wuxuu isillawsiiyay maydadkii waddada dhinacyadeeda ka muuqday. Waxaa ka hor timid mowjad waraaqo ah oo ay dabayshu sidato, qaar ka mid ah markii uu eegayna wuxuu ogaaday in laga lahaa hay’ado iyo xafiisyo ka la duwan, oo ay isugu jiraan lacag qiimo beeshay, shahaadooyin, faylal, buugaag iyo wax la mid ah. Haddii juqraafi ahaan la eego ciidanka mucaaradka iyo ka xukuumaddu ma ka la soocna, waayo shacbigii ayaa hubka wada qaatay.

Suxufiyiin caddaan ah ayaa meelahaas ka muuqmuuqda. Warfidiyeenka reer galbeedku waxay u eg yihiin haad bakhticun ah: meesha khayr ka jiro lagu ma arko, meesha balaayo ku godlatana laga ma waayo. Nin cad oo sawirqaade sita, oo mayd dhulka daadsan marba xagal ka sawiraya, ayuu Raage meel aan ka durugsanayn ka arkay. Waa uu gartay, waa Oscar Peterson, ninkii shan sano ka hor isaga oo xayiraad shaqada laga saaray ka cabanaya subax baabuurka ku qaaday. Aad ayuu u mashquulsan yahay, si degdeg ah oo xamaasad leh ayuuna maydka u sawiranayaa. Hubka agtiisa ka dhacaya ama ku dhacaya dan ka ma leh oo waxaad mooddaa dadka dagaallamaya in uu la soo heshiiyay.

Koofiyadda qorraxda, surwaal gaaban iyo jaakad garbaha ka go’an oo ah nooca ay badanaa suxufiyiintu qaataan, intaas oo wada kaaki ah ayuu gashan yahay, iyo kabo isboorti. Raage wuu ka la sii quwad weyn yahay maalintii uu baabuurka ku dhex arkay, jidhkiisana inta muuqata caddaankii dambaska ahaa waxaa beddelay casaan dhiig ah. Haddii uu dhaqaaqa joojiyo haaddu hilib ayay moodi lahayd oo cuni lahayd. Raage wuu ku soo leexday si uu u bariidiyo, laakiin intii aanu soo gaadhin ayuu Peterson, oo aan isagu arkayni, orod isa sii daayay. Meel aan fogayn ayuu haddana ku la kulmay qof dumar ah oo aad u darxumaysan bukaan iyo macaluul dartoodna dirqi ku tallaabsanaysa. Calal idlaaday oo aan wax badan u asturayn ayay garaysan tahay. Xamaasad tii maydka la mid ah ayuu qoftii dayacnayd ku sawirtay. Isaga oo dhaqaaq joogsanaya, oo filin ka buuxsamay beddelaya, ayuu meel dhow ka arkay ninka ku soo abbaaran. Garay in uu isaga ku soo socdo wuuna hakaday.

“Iska warran?” “Nabad.”

“Malaha i garan maysid?”
“Maya, ku garan maayo. Isu kay sheeg.”

“Waxaan ahay Raage Xirsi, waa adigii maalin meelahan iga qaaday ee aynu sii sheekaysannay.”

“Haa, haa, ku xasuustay. Mar kale iska warran?”

“Waa nabad. Ma halkan baad deggan tahay mise weli Nayroobi baad ka soo shaqo tagtaa?”

“Nayroobi ayaan ka soo shaqo tagaa. Adigu weli ma macallin baad tahay?”

“Haa, laakiin waad aragtaa in ay talo faro ka baxday.”
“Haa, waan arkaa. Weli ma waxaad rumaysan tahay in aanu annagu isku kiin dilayno?”

“Taasi muhiim ma aha, waxaa se muhiim ah in aannu weli isdilayno.”

“Weli ma waxa aad rumaysan tahay kamaradda in aan foolxumadiinna u sito?”

“Iyaduna muhiim ma aha, waxaa se muhiim ah maanta in aad foolxumo ka haqab la dahay.”

“Raage, weligaa ha isku dayin, kaana yeeli maayo, in aad shaqadayda denbi iiga dhigtid.”

“Kaaga dhigi maayo ee hambalyo xorriyadda aad u heshay!” “Mahadsanid!”

“Dagaalkii waqooyi ma tagtay?” Raage ayaa wayddiiyay.
“Maya, waan haleeli waayay.”
“Wax badan baa kugu seegay.”

“Haa, foolxumo badan”, ayuu u celiyay oo ay qosolgariir gaaban ku wada dhufteen.

Burburkii iyo xasuuqii waqooyiga ka dhacay, ee boqollaalka kun rayidka ah iyo hantidoodii galaaftay, laba ka mid ah magaalooyinkii Soomaaliya ugu waaweynaana dhulka ku galeen, Peterson iyo inta la shaqada ah maalin keliya lagu ma arag. Falkaa waxaa la geystay intii ay iyagu taliska ku taageerayeen hubka, hantida iyo hadalka. Taas darteed fadeexaddaa waa ay iska astureen. Laakiin maanta waxii ka dambeeya xaaladda waxay u sawirayaan si kale, soomaalidana waxay ku tilmaami wuxuush dadnimada debedda ka ah. Waxyaalo aan muhiim ahayn ayay cabbaar ka sii wada hadleen, ay ka mid ahayd Peterson oo sheegay in ay daruuri tahay dunida hodanka ahi in ay Soomaaliya gargaar la soo gaadho. Dabadeed orod ayuu isku xaabiyay si uu u helo ayaandarro kale oo dunida dheregtay uga gadmi karta. Hoogga dalka ka socda Raage isaga oo xabsiga ku jira ayuu ogaa.

Hargeysa iyo Burco beri hore ayay gelgelin noqdeen, dadkii gobollada waqooyi ku noolaana waxii aan la duban dalal shisheeye iyo degel xabashiyeed ayay magangaleen. Maantana waxaa dabka saaran intii kale. Cadaw shisheeye u ma iman ee waxa iscunayaa waa uun iyadii oo isku bahalowday. Waa la ka la baxay. Saf iyo saf. Sidii foodley adhijir ah ayaa la isu abtirsaday. Tol la’ay oo tol beelay! ayaa meel walba ka baxaysa. Geelii ayuun baa xukun noqday ee xaalku waa sidii uu weligii ahaan jiray. “Inan gumeed yahow inan gumeedku dhalay, ma aniga ayaad i xukumi kartaa? Goorma ayaad hal aan lee yahay habeen nabad ku maashay?” “Inan gumeed yahow inan gumeedku dhalay, nafta iyo adduunku waxay igaga xaaraansan yihiin haddii aan maanta nolol kaaga tago!” Oo awal miyaan la reer magaaloobin? Hanka miyaan kor loo qaadin hawada noloshana hore loo durkin? Magaalooyinkii la cammiray miyaa la iska dhex tubnaa miyaan dhaqankooda la yeelan? Dugsiyadii aroor walba loo dareeri jiray miyaan waxbaba laga baran? Calankii hawada la ruxi jiray iyo heestii ”Qolaba calankeedu waa cayn” ma riyo macaan oo hurdo gaaban lagu arkay ayay iska ahaayeen?

In dalku dumo dadkuna xasuuqmo xal aan ahayn haddii la garan waayay wax baa qaldan. Garasho la’aan ayay ahaan kartaa jahli sababay, danayn la’aan ayay ahaan kartaa ay gaajo sababtay, waalli ayay ahaan kartaa uu dulmi sababay. Si ay tahayba, magaalooyin madaafiic lagu hoggaamiyay, oo dad iyo duunyo waxii ku jiray halaag loo qoondeeyay, waa hawl sheyddaan qandaraas lagu la galay. “Dhalanteed aan jirin ha ku dan seegin ee qoriga qaado oo tolkaa dhinac ka raac”, waa farriintii ugu dambaysay ee uu Raage aabbihii ka helay. Xirsi-Micilibaax maanta waa cad, laakiin arrinka iyo abaabulka beeshiisa weli waa u lafdhabar. Mar haddii ay siyaasaddii iyo dhaqankii geelu isku darsameen reerku miyi iyo magaalo waa isku talo. Wuu maqlay wiilkiisu in uu tolkii dagaalka kaga baxay, hub qaadashana gacmaha ka taagtay, sidaas darteed wuxuu dareemayaa maalmihii cimrigiisa ugu dambeeyay in ay magacxumo u soo hoyatay. Odayga oo keliya ma aha ee Raage tolkiis oo dhan baa la yaabban. Maxaa u diiday in uu sida qayrkii noqdo nin ay ilmo adeerradii ku faanaan oo ka dhex muuqda? Maxaa ficilkii iyo qiiradii ka qaaday? Maxaa soomaalinnimo iyo culays aanu lahayn ku raray?

Dhiigga tuumbo lagaaga nuug! Waa wax aan dad ahayn oo Rooble dhaandhaamay. Fulay xantii ma mooga, waxaas oo dhan si wanaagsan ayuu u la socdaa. Laakiin wax uu isaga oo intan ka yar ka xoroobay miyuu maanta dib ugu noqon karaa? Maxaa ku khasbaya? Wuxuu yaqaannay rag sheegan jiray waddani jawharad ka samaysan oo qabyaaladda meel iska dhigay, haddana markii ay runtu hoortay dhibicdii ugu horreysay ku milmay oo sida biyaha reerkooda dhan u la qulqulay. Ma jawharad baa milanta oo marba dhan u qulqusha? Nacdal baan idinku taal! Dhacdo walba dad gaar ah baad ku xasuusataa. Raage marxaladdan milanka wuxuu ku xasuustay Rooble. Isaga ayaa baray in uu caqligu ka sarreeyo caadada. Rooble nin qabiil ku milmi kara ma aha, laakiin waa kii siyaasi noqday, siyaasaddiina waa tii qabiil noqotay. Beri dhexdaas ah ayuu warqad qarsoodi ah qof aammin ah ugu dhiibay.

“Adeer, Waxaan arkaa halgan majare habaabay iyo talo hilinka seegtay. Hadafku sow ma ahayn in wax xumaaday la hagaajiyo? Waan hubaa in aad og tahay guushu in aanay ahayn ka la adkaan ee ay tahay ka la roonaan. Haddii kale laba bahal oo ku wada cunaya hadba ka ku qaniinsan ayaad u mahad niqi lahayd. Dabcan waad iswayddiinaysaa in aan dagaalka ku jiro iyo in kale. Maya, ku ma jiro. In aan xabbad iska farraqo mooyee dagaal aan galaa meesha iigama muuqdo. Waxqabad ha joogee dadaal wuxuu igaga idlaaday in aanan milmin. Bal adigu iska warran?

Nabad gelyo.

F.G! Ninkii aad abtiga u ahayd ee ina Geeddi Buraale raq iyo ruux meel uu jaan iyo cidhib dhigay la ma hayo. Amran iyo hablihii se Kiiniya ayay galeen.”

Jawaab soo raagtay ayuu ka helay.

“Raage,

In aad dagaallantid iyo in kale go’aankeeda adiga ayaa leh, in aadan milminna waan kugu ammaanayaa. Halganka aad dhaliishay waxaan kaa idhi: Matag meesha aad doonaysid kuguma simo. Cadawgu hub iyo hantiba wuu na dheer yahay, gorgortanna ma oggola. Hal iyada oo irmaan haaneedkeeda lagu heshiin waayay, ma hawl yara iyada oo qalan hilibkeeda in lagu heshiiyo. Macangegnimada intaa la’eg waxa sababay marxaladdan cidina jawaab u ma hayso. Waxa dhacaya waxba ha ka argagixin, waa geeddisocod ay khasab tahay in la maro. Mustaqbalka ka ma niyad xumi, waxaa se welwel badan igu haya farogelinta shisheeyaha. Anigu qabiil dan kama lihi, ha ahaato ee nin dameero dabadood ka degay meel u dhaanta ayuu waayay.

Nooli kulantee!”

Markii uu soo noqday muuqaalka magaaladu wuxuu lahaa argaggax xasuusiyay sheeko uu ka maqlay nin goobjoog ahaa maalmihii Hargeysi dumaysay. Isaga oo aan meel uu joogo isgaranayn ayuu gurigii uu Deeqa iyo Hoodo kaga tegay orod ku soo galay, cidla ayuu se ahaa. Xaggee bay aadeen? Gurigii soddoggii ayuu isku sii daayay. “Waddadan aad ku socotid dad badan baa lagu laayay ee iskaga leexo”, ayuu nin aan hubaysnayn oo dhanka kale u ordayaa Raage ugu digay, kuna sii hiiftamay: “Goorma ayaa la arki jiray dumar iyo caydi birta lagala caago!” Isaga oo aad u naxsan ayuu gurigii reer Warsame soo galay. Deeqi hooyadeed ayay gosha kaga jirtaa iyaduna Hoodo gosha ku sii haysaa, oo marka ay xabbadi dhacdaba sidii lagala cararayo wadnaha ku cadaadinaysaa. Odayga mooyee qoysku waa ay wada ooyayaan. Raage seeddigii Cawil ayaa la dilay.

Wiil reer jekiya ah, oo aan malaha sarraynta isirkiisa shaki kaga jirin, ayaa nolol awalba macno darrayd oo haddana soo noqnoqota ka la mid dhigay dagaal ay laba qabiilo oo madmadoobi qarnigii saddex iyo tobnaad isku qaadeen, kaas oo soo noqnoqda mar walbana saddex boqol oo kun oo madmadow si silic leh qudha loogaga jaray. “Miyuu dagaalkaasi taariikhda dunida wax ka beddelayaa, xataa haddii uu marar aan tiro lahayn soo noqnoqdo oo maydkoodu buuro noqdo?” ayuu iswayddiiyay. Milan Kundera inoo ma sheegin dagaal ay laba qabiilo oo cadcadi isla qarnigaa isku qaadeen waxa uu taariikhda dunida ka beddeli lahaa. Runtii dooddiisu halkaa ku ma ay wajahnayn ee waa ay la martay, waxaa se jira hadal xaq ah oo baaddil looga jeedo, sababtaas ayaynu tusaalaha ugu hakannay. Caddaan iyo madow cidda uu doonaba ha ka dhex dhaco waxaa se jira dagaal lagu hoobto oo haddana dhicistiisa iyo dhicis la’aantiisu ay xaaladda taagan isku natiijo uun u yihiin. Xabbad laabta loo dhigto ama qof kale lagaga dhuftaa sideeda macno u ma leh, waa se natiijada ka dhalata waxa macnaha ka qaada ama u yeelaa. Waa haddii sideedaba raq aadami macno laga raadiyo. Nin dhintayba wax buu damacsanaa, sida ay maahmaah soomaaliyeed tidhaahdo.

Qof dhimashada jeceli ma jiro, haddana waxaad arkaysaa iyada oo wadka saf dheer loogu jiro. Haddii aan doorasho kale furnayn, oo dhaqanku albaab walba oo aan kaas ahayn xidhay, isaga in la maro waa lagu khasban yahay. Nin dantiisa u dhintaana ma jiro, waayo nin walba dantiisu isaga ayay la dhimataa. Kuwa dirirta kuu hubeeya, ee marka aad duullanka u baxdid sacabka kugu sagootiyaa, waa isla kuwa marka lagu dilo axankaaga cuna, ee inta ay naagtaada dumaalaan yidhaahda: “Naa nin dhintay kabihiisa ayaa dhaama ee sariirta ii gogol.” Kow iyo toban qulhuwalle iyo faataxo aan orgi weyd ah joogin baa lagugu illaawaa.

Cawil ma uu lahayn sifada dagaalyahan, mana ahayn dadka dabciga qallafsan. Wuxuu ahaa nin sida hablaha u xishooda oo u naxariis badan. Hooyadii waxay ku xifaalayn jirtay in uu lee yahay dabeecaddii ay Deeqa la jeclaan lahayd, halka ay iyadu lee dahay tii isaga ku habboonayd. Ma ahayn nin dagaal jecel, qabyaaladdii lala waashayna isagu aragtiba ka ma haysan, ee dabayshii xoogga lahayd ayaa la tagtay. Markii ay dhawr barbaar oo ilmo adeerradii ah oo duullan ahi guriga ku soo mareen haddii uu diidi lahaa waxaa ku dhici lahayd shaabbad fulaynimo oo aan weligii ka fuqin. Warsame inankiisa dagaalka la ma uu jeclayn, haddana wuu ku dhici waayay in uu ilmo adeerradii ka reebo.

Taas in uu sameeyo ha joogto ee markii ay yarka hooyadii ku barooratay wuxuu ku canaantay: “Naa ninka intaa la’eg haddii aad dagaal u diiddid ma cuntada ayuu kuu karinayaa?” Sabab kastaa dagaalka ha geliso, laakiin Cawil miyuu baqayay? Dareenkii jaan ee wadnihiisa ruxayay dhiiggana dhex raacayay ma wax uu raggii la socday kaga duwan yahay ayay ahaayeen? Marka cadawgu u muuqdo miyuu sidii hal libaax dareentay kaadi isku sii dayn lahaa? Marka foodda la isdaro, ee qiiqa baaruuddu hoosiis yeesho, miyuu dhabarka jeedin lahaa? Xabbad ay ahayd in uu ninka ku beegan shafka kaga dalooliyo miyuu inta uu wejiga ciidda gashado cirka u ridi lahaa?

Dhaawaca ina adeerkii miyuu ka carari lahaa? Run ahaantii yarku baqdinta uu baqdinta lafteeda ka qabay ayaa aad uga weynayd ta uu dagaalka ka qabay. Fal fulaynimo loogu aanayn karo in laga arko ayaa dhimashada ka la cuslayd. Marba mar-ka ka dambeeya wuu sii dhiirranayay, xamaasad ayaana sii gelaysay. Ha ahaato ee markii ay xabbaddu ku dhacday xaalku wuxuu ahaa si kale. Isaga oo “Biyooy! Alla biyooy! Alla biyooy!” ku cataabaya ayay naftu ka aguugtay. Geeridu qaddarka loo afduuban yahay ayay qayb ka tahay ee wuxuu ahaa kuray dugsi dhigta oo xaq u leh in uu riyadiisa xaqiijiyo. Sharku waa qayb nolosha ka mid ah oo aan sinaba looga lug bixi karin, mana yara inta jeer ee sharkaasi aadami iska soo dhigaa.

Tacsidaas oo jirta haddana Warsame reerka wuxuu u diyaariyay qaxid. Iskarogada in waxii alaab ah ee loo baahan yahay lagu rarto, labada qoysna fuulaan, ayuu qorsheeyay. Laakiin Raage ma doonayn in uu qaxo. Waa ay muuqatay talisku in uu sii ciirayo, sidaas darteed wuxuu doonayay in uu dabbaaldegga maamulka cusub lagu dhisayo ka qaybgalo. Tuurista taliska fashilmay iyo doorashada maamul cusub wuxuu u arkayay munaasabad taariikhi ah oo aan qof nasiib lihi ka maqnaan, oo aan ka yarayn tii calansaarka. Sidaas ayaa la isku sagootiyay. Nabad gelyo iyo nooli kulantee! Eebbe jidka ha idinku nabad yeelo annagana ha na ilaaliyo!

Markii sidaas la isla gartay ayay Hoodo qosol iyo hadaaq ku dhufatay. Waxaa la moodaa in ay fikradda aabbeheed u riyaaqday. Qosolkeedu wuxuu maskaxda Raage ku baraarujiyay bal in uu eego mustaqbalkeeda aan cidina eegi karin. Sannad iyo shan bilood ayay jirtaa, hubka hareeraheeda ka dhacayana iyadu ma oga waxbana ka ma qaban karto. Dad axmaqyo ah ayay dunidan aan imaatinkeeda cidna lagala tashan ee la isku soo jujuubay la wadaagtaa. Wuxuu maleeyay labaatan sano marka ay jirto xaalkeedu sida uu ahaan karo.

Mar kale ayay ku soo mirkacday su’aashii qaddarka iyo waxa uu macnihiisu yahay. Waa sababo isbiirsaday. Hoodo burburka maanta ku xeeran haddii ay ka badbaaddo wuxuu noqon karaa sabab waddada mustaqbalkeeda oo dhan xagaafta, oo raalli ha ka ahaato ama yaanay ka ahaane halka ay doonto afka u saarta. Ficil qaldan oo uu qof qaldani sameeyay ayaa qof kale mustaqbalkiisa oo dhan saamaynaya. Xabbad doqon riday ayaa qof kale dili karta, naafayn karta, ama qaxooti, jaahil iyo sabool intaba ka dhigi karta. Markii ay reer Warsame iskarogadii rarteen, ee ay dadkii sida daadka Xamar uga qulqulayay baasha ka raaceen, reer Raage waxay u soo wareegeen gurigii laga qaxay.

***

Raage markii la soo daayay dugsigii gaarka ahaa oo ay Leyla iyo gabadh kale cammireen ayuu ku biiray fasallo cusubna ku daray. Markii ay Leyli dhooftayna isaga iyo gabadhii kale ayaa halkii ka sii waday. Tii hore tan ayaa u sharaf iyo nolol dhaanta. Fiid isaga oo Masjidka Sheekh Cali-Suufi hor maraya ayuu la kulmay arrin uu qacdii hore rumaysan waayay. Waa nin uu garanayo laakiin beddelan oo surwaal qoobabka jooga iyo shaadh cad oo surwaalka dusha ka marsan gashan, cimaamad sacuudina madaxa ku duuban, oo masjidka ka soo baxaya. Isaga oo aan weli xaqiiqsan ayuu kii kale ku soo dhaqaaqay.

“Asalaamu calaykum!”
“Wa calaykuma salaam!”

“Raage, waan maqlay in lagu soo daayay, in aan ku soo booqdana waan jeclaa, laakiin mooyi wax i xannibay. Nabad uun sow ma aha?”

“Waa nabad, Diiriye. Bal adigu iska warran?”

“Alxamdu Lillaah! Aad baa loo fiican yahay. Maqlay in ay gabadhi idiin dhalatay.”
“Haa, mar hore.”

Wadaadnimada Diiriye ayuu awal la yaabbanaa laakiin imika waxaa kaga daran wuu af dulaaqan yahay, labada fool ee sare ayaa maqan. Raage markii xabsiga laga soo daayay waxaa lagu soo amray in aanu shaqadii ku noqon karin. Laakiin wax shaqo lagu sheegi karaa maanta ma jiraan. Dugsigii in aanu tegin ka ma ay ahayn amar qaadasho keliya, ee wuxuu ogaa in ay ahayd meel aad isaga dayacan oo aan cidina wax ku baran, foolxumadeeda ayuuna ka indho qarsanayay. Beryahan wax aan dagaal ahayn la ma barto. Barayaashii ay wada shaqayn jireen badankooda meelo kale iyo siyaabo kale ayuu u la kulmay, laakiin Diiriye caawa ayaa ugu horraysa.

“Shaqada in aad ku soo noqonaysid ayaan moodayay, ma shaqo kale ayaad heshay?” Diiriye ayaa wayddiiyay.

“Dugsigii gaarka ahaa ayaa shaqo ii ah.”

“Qudhaydu dhowaan ayaan shaqadii ka tegay. Denbi intaa ka badan taag u ma hayo.”

Denbi ka cararka wuu iskaga afgobaadsanayaa ee waa maxay shaqada maanta jirta ee uu ka tegay?
“Koow, maxaad markaa qabataa?”

“Bal horta in aan diinta barto ayaan u soo jeestay. Wax badan baan adduun eryay, adduunna orod lagu ma gaadho.”

“Haa, orod lagu ma gaadho haddii la eryado, waa uun lagu dabo daalayaa.”

Nabadgelyo xumada dalka ka jirta ayay ka wada hadleen, siyaasadda oo ay weligood ku ka la fogaayeenna ka leexleexdeen. Laakiin Raage wuu yar xiisaynayay dadkii maamulka ku noolaa ee maanta cidlada ku soo dhacay, sida Diiriye, bal sida ay u fekerayaan iyo dareenkooda. Waddadii dheerayd ee ay xinjirtu ku daadsanayd ma ka qoomamoonayaan, mise waaba ay u hiloobayaan? Malaha waaba ay ku faanayaan? Diiriye jin baa derderay ama dareenka ayaa ka dhintay. Caawa wuxuuba ku andacoonayaa in uu weligii mucaarad ahaa oo soo galay halgan uu ku ilko iyo ciddiyo beelay. Taasi waxay ahayd dabeecad ay beryahaa dad badani la soo baxeen, laakiin tiisu caadi ma ay ahayn. Isaga oo cirridka qaawan carrabka la dhacaya calyaduna ka duulduulayso ayuu si xamaasad leh u yidhi:

“Waad na hiifayseen oo na haaraamayseen ee maxaad ka ogayd waxii aanu naftayada khatar gelinnay? Taliskaa sii liicaya annaga ayaa ridnay. Annaga ayaa inta annu daacad isaga dhignay xadhigga uu xidhaba furray. Kuwa qoriga qaatay ee taliska ka takhullusay waa ardaydii aad wada taqaannay, ee marka aanu kicinayno aad moodi jirtay in aanu xumaynayno.”

“Kicin?!”
“Haa, dulmiga dalka ka jira ayaanu taabsiin jirray.”
“Laakiin in dulmi la sameeyaa la mid ma aha in dulmi jira la muujiyo.”

“Waxii dalka kor iyo kal xumo ku dhammuuqnaa intaydu waxba ka ma ay ahayn haddii la eego faa’iidada ku jirtay oo ahayd in aanu dhallinyarada kicinnay.” Raage oo afkalaqaad ku dhacay ayuu Diiriye sii raaciyay: ”Rajadii aannu ka qabnay sogootiga gudcurka dheer iyo soo dhoweynta waaga cusubi waxay u eg tahay mid lagu hungoobay. Kud ka guur oo qanjo u guur!”

Waa gartii Diiriye in uu sidaas wax u sheego. Xaalku sida uu noqday iyo sida uu ku socdaa isaga iyo inta la midka ah waa u dan. Nin ka xun ayuu iska dhigayaa wuu se ku faraxsan yahay. Kii labaatanka sano mujrimka ahaa iyo ka shalay xabbadda xanaaqsan la booday in ay isku denbi noqdaan ka hore ayay dantiisa tahay. In kasta oo ay cabbaar sii wada hadleen haddana Raage markii dambe wax badan ka ma xasuusan waxii ay ka wada hadleen, erayadii ugu horreeyay ayuuba ku wareeray. Wuxuu u ekaa hadal qof waalan. Laakiin isaguba xaqiiqada ayuu indhaha ka warwareejinayaa ee guul loo dabbaaldegaa meesha in aanay ool wuu ogaa. Haddana hadalkii Diiriye naftiisa wuu damqay.

Nacdali kortay ma halgankii dad iyo duunyaba lagu waayay ayuu hungo ku sheegayaa? Hooyooyinka goblamay iyo hodanka caydhoobay bal waxaas ha u la tago in ay maydkiisa ka tallaabsan waayaan. Wax aadan isaga u hiifin meesha waxaa taal aqoondarro xadka ka baxday. Waxa la doonayo iyo waxa la diidayo ayaan la ka la garanayn. Sidii jiiqjiiqle habeen ayaa dabka loogu roorayaa. Hub sheyddaan ayaa macnodarro loo la wada haliilayaa. Dhimashada ayaa sidii wax la dhalay dhabta lagu haystaa oo marba dhaban laga dhunkanayaa.

“Wadaadkii sheekh Xasan waad xasuusan tahay, sow maha?” waxaa yidhi Diiriye.

“Haa.”

“Khayr Alle ha siiyee wadaadkaas baa dhowaan kutub noo bilaabaye aynu diinta wada barannee qudhaadu nagu soo biir.” Hadda waa Diiriye ninka diinta ku baaqayaa! Waa Ilaaha aan doorsoomin ka wax dooriyaa! Isbeddel yaab iyo xawli leh ayaa dalka ka socda. Wax waliba si degdeg ah ayay jirjircadka isaga rogayaan: maamulka, mucaaradka, shakhsiyaadka, ascaarta, lacagta… Wax walba waxaa ku dhacaya isbeddel iyo qiimojab waalan. Kuwo shalay mucaarad ahaa ayaad arkaysaa iyaga oo muxaafid ah, kuwo saaka muxaafid ahaana iyaga oo galabta mucaarad ah. Mid shalay wasiir ahaa ayaad arkaysaa oo dadka shaxaadaya, iyo mid qaaqle ahaa oo wasiir noqday. Mid wadaad ahaa oo jirri ah ayaad arkaysaa, haddana mid jirri ahaa oo dadka diinta baraya. Waxaas oo dhami waxay isu beddelayaan maalin maalin.

Sheekh Xasanka uu Diiriye sheegayo dhowaan ayuu dhawr jeer Raage arkay oo kiiba ma uu ahayn. Sida loo dabo yaacayo waxaad moodaysay madaxweyne. Markii ay xukuumaddu tabar dhigtay, khayr jabhadaha ka soo naaso cadna la arki waayay, dagaal iyo gaajana lagu asqoobay, ayaa wadajir loo qaaday: “Aakhirooy xaggee baad naga xigtaa?” Wax alla waxii dalka ka dhacay waxaa sabab looga dhigay oo keliya in aakhiro la illaawey, xal keliya ayaana loo helay oo ah in aakhiro loo jeesto. Maalintaas ayaa meel kasta oo ay dhimashada iyo aakhiro ka dhow yihiin loo dareeray. Maalintaas ayay wahaabiyadu baarka fidhatay oo xarumaheeda lagu xerooday. Sidaas ayay iyada oo aan xabbad ridin jabhad xoog leh ku noqotay.

“Sheekh Xasan, xaggee jaan ee aad idinkuna ku yaacaysaan?”
Raage ayaa maalintii isugu dambaysay wayddiiyay.

“Yaa akhii, meesha lagu wada yaacayo, talada dalka.” “Oo xilka sidaas u culus miyaad gudan karaysaan?” ”Haa, diinta, yaa akhii, diinta.”

“Oo sidee baad wax u maamulaysaan?” “Diinta, yaa akhii, diinta.”

“Dhaqaalaha, nabadgelyada, bulshada… intuba waxay u baahan yihiin wax ka qabasho iyo wax u qabasho cilmiyaysan, ee ma lee dihiin aqoonteeda iyo qorsheheeda?”

“Diinta, yaa akhii, diinta. Waxaas oo dhami diinta ayay ku dhan yihiin, u mana baahna in laga wada hadlo.”

“Laakiin taa qudheedu sow u ma baahna baadhitaan, diyaarin iyo waafajin waaqica iyo duruufaha jira?”

“Diintu baadhitaan iyo waafajin toonna u ma baahna ee iyada ayaa waaqic ah oo ay tahay in la waafaqo. Adigu se ma diinta Ilaahay baad lid ku tahay?”

“Diinta Ilaahay lid ku ma ahi ee waxaan lid ku ahay in ujeeddo aan xalaal ahayn loo adeegsado.”

In kasta oo baaqaaga lagu soo qamaamo, oo sidii igadh maqaar loo sido lagu daba rableeyo, asaadan lahayn qorshe xaqiiqada waafiqi kara, waxaaga oo dhamina yihiin xamaasad, xanaaq iyo qiiro keliya, marka ay runtu timaaddo ayuun baad sidii jinac indho go’an iska dabo wareegi. Marar badan ayay dhacday taariikhda ayaana ka marag ah. Wahaabiyiintu haddii ay talada qabtaan shaki la’aan intii ay maamulka iyo jabhaduhu halaageen in la’eg ayuun bay iyaguna gacmaha, lugaha iyo kurka ka gurayaan. Sheekh Xasan haddii uu kursiga kaadida loo soo cabbay isku hawaysto, wallee in aan meel Sacuudiga ka sokaysa lagaga soo hadhayn, isaga oo weliba kabo la.

***

Gariirka iyo hillaaca madaafiicdu caawa waxay shiiqiyeen wax kasta oo kale. Raage wuu ogaa in daqiiqad kasta albaabka lagu soo jebin karo, ama gurigaba madfac ku habsan karo. Sidaas darteed habeenkaas oo dhan wuxuu ahaa soojeedehurda. Sida shabeelka ayuu il ku hurday midna isku ilaalinayay. Laakiin isaga iyo qoyskiisu waxay noqdeen baadi bariday, xabbad maseggo ah oo tib iyo mooye dhexdood ku badbaadday. Aroortii waxaa lagu waaberiistay hubkii oo aamusay iyo daruur culus oo ay dabaysha jiilaal marba dhan u didinayso. Caleenta dhirta sidii ayuu midabkii doogada ahaa uga maqan yahay, hawadana sanka ilaa sambabka waxaa laga dareemayaa habaas iyo baaruud.

Nolosha qofka daqiiqado iyo sekenno ayaa dhisa ama dumiya. Dareen wanaagsan ama xun oo maskaxda ku soo dhaca ayaa wax badan tara ama yeela. Raage iyo Deeqa subaxdaas markii ay nabadqab iyo hubkii oo aamusay ku tooseen, waxaa gashay rajo cusub. Fiiseyaal iyo tikidho ay reer Rooble ka heleen ayaa laba toddobaadba guriga u yaallay oo ay damacsanaayeen in ay dalalka deriska ah kaga dhoofaan. Subaxdaas ayuu se Raage soo jeediyay in ay iibiyaan lacagta uga soo baxdana wax kale gashadaan. Deeqi fikradda xilkasnima darro ayay u aragtay. Waxay jeclayd dhibaatada Soomaaliya ee qofba meel kaga dhuumanayo iyaguna in ay qurbaha kaga dhuuntaan.

“Miyaad waalatay? Waa kee qofka fursaddan heli kara ee habeen keliya halkan u hoyan lahaa?”

“Sababtaas qudheeda ayaa fikradda igu dhalisay. Ka yaacista dalku waa qayb ka mid ah dumintiisa”, ayuu ugu jawaabay.

“Qaxistaydu dal dumin mayso, ee anigu waxaan u baahnahay meel nabad ah oo aan ilmahayga ku korsado.”

“Haddii ay Xamar ka soo rayn weydo meel kale oo aynu ku noolaanno dalka ka waayi mayno.”

Wax uu wadaba wuxuu ku qanciyay negaansho, wax kasta oo dhaca iyo dalka meel ay ka ahaataba. Kursigii dhabar jiifsiga lahaa ee beerta Fillo Adduun ayuu Negeeye weli ku dhacadiidaa sigaarna iska daba shidayaa. Caawa goor hore ayuu qaadka ka kacay, qorshaha ayaa sidaas ahaa. Hawlo badan ayuu berri lee yahay. Toddobadii fiidnimo markii ay saaxiibbadii oo ay Diiriye iyo Raxmo-Yarey ugu dambeeyeen ka dareereen ayuu halkan yar fadhiistay si u ugu neecawsado, laakiin wuu ku raagay. Feker aanu ku talo gelin ayaa isu dhiibdhiibay. Noloshiisa oo dhan ayuu caawa dib ugu nakhtiimay. Afartanka gu ee uu jiro xasuusta maskaxdiisu wax badan ma ay dhaafin, kor iyo hoosba wuu ka eegay, quruxdeeda waxaa aad uga badan foolxumadeeda, wuxuu se maqli jiray “Rag iyo rafaad waa mataano”. Dhacdooyin gaar ah ayay xasuustiisu ku hakatay: dilkii aabbihii, dilkii Goodir, Mudug iyo Togdheer, Leyla iyo siliskii habaarka qabay, Amran iyo Kaliil…

Weligii maanta ka hor qalbigiisa Amran qaddarin iyo jacayl uga ma waayin, marba in uu ku la’ekaadaba, xataa markii ay ka la tageen ee ay iyadu jinka guursatay isaguna Leyla. Laakiin sidii ay fadeexadda Kaliil u soo shaac baxday dadka dunida ku abuuran iyada ayuu ugu neceb yahay. Wuxuu dareemayaa in ay ka caqli badisay oo ku danaysatay, hoos u eegtay oo sharaftiisa ka tallaabsatay. Siddeed iyo toban sano ayay been daajinaysay. Siddeed iyo toban sano ayuu dhal qalaad korsanayay. Markii uu arrinta ogaaday in uu iyada wax ka sii wayddiiyo iska daaye araggeedaba wuu ka indho qarsaday. Maalin keliya isma uu hor taagin. Iyaduna halkaas u ma ay soo dhaafin. Markii ay Damalweyn ka soo noqotay muddo yar ka dib ayay gabdhihii Kiiniya u la guurtay, waayo nabadgelyadii Xamar waa ay xumaatay. Isaguna mar haddii uu keligii ahaa bixista welwel badan ka ma uu qabin.

Daqiiqadda u dambaysa ayaad laba farood dhexdood ka bixi, ayuu islahaa. Maalmahan diyaarad keliya ayaa dalka timaadda kana tagta, soomaalida oo dhamina waa dhoof. Taasi waxay khasab ka dhigtay inta diyaaradda raacdaa in ay noqdaan madaxda naf la cararka ah iyo dadka hantida leh, iyo in yar oo ay labadaas qolo gacanta hayaan. Laakiin isaga iyo Diiriye waxay ku tashadeen in ay berriga maraan, oo Kiiniya ama Itoobbiya beegsadaan. Gaar ahaan Negeeye taladaas waxaa ku sii dhiirriyay hunguri ka galay Laankuruusar cusub oo dawladdu lee dahay in uu la baxsado, kaas oo in ay ku socdaalaan ka sokow xaggaa qiimo wanaagsan uga goyn doona. Imika waa goor dambe, laba iyo tobankii ayay saacaddu weydaaratay, berrina siddeedda aroornimo ayuu ballan lee yahay. Gurigii Hodan ku yaallay markii ay Amran bannaysay ayuu xaraashay, kanna berri ayuu niman la ballansan ka iibinayaa.

Adduun la ka la war la! Ninka sidaas u barakacsan ayay RaxmoYarey cillaan u marsanaysaa oo bisha soo socota aroos ka filaysaa. Fiidkii caawa iyada oo adeeg keentay ayay isaga oo keli beerta fadhiya u soo gashay, sida kalena gurigu aad ayuu cidla u ahaa oo qayladii iyo muusiggii dheeraa ma ay jirin. Inta ay alaabtii xeraysay ayay Negeeye ku soo noqotay oo wayddiisay:
“Cawada sidaan maxaa waaye? Intee la ka la aaday?”

“Aniga ayaa ka la diray waayo dad madax ah ayaa ii imanaya, adiguna caawa iska tag oo habaryartaa Iisho la soo seexo.”

Xoogaa lacag ah oo isaga sagooti ka ah iyadana sooryo u ah ayuu siiyay. Sidaas ayay ku tagtay. Xabbaddii sigaarka ahayd inta uu aad u nuugay ayuu maguujiyay dabadeed kacay oo sariirta isku tuuray. Subaxdii xigtay isaga oo cabbaar sugay ayay kuwii guriga ka iibsanayay u yimaadeen. Guriga oo ay horeba u arkeen ayay sii indho indheeyeen, dabadeed warqadihii lahaanshaha iyo furayaashii ayuu guddoonsiiyay, lacagtii oo doollar ahna ka guddoomay. Heshiiska ay wax ku ka la iibsadeen ayaa ahaa in ay lacagta doollar ku bixiyaan, waayo waa kan qurbaha u socda shilinkiina wuxuu noqday xashiish. Magaalada waxaa ka bilaabatay fowdo iyo nabadgelyo xumo aad u weyn. Sidaas darteed qiimaha guriga laga siistay aad ayuu uga yaraa intii uu awal joogay. Yaa se dan ka leh, ma awal baa xoolo loo dhididay laga dhisay?

Lacagtii uu guriga ku gaday iyo waxoogaa uu hore u haystay waxay isku noqdeen lacag badan, waxba se ka ma aha waxii uu soo burbursaday. Intaa, baasaboor iyo warqadihii aqoonsiga ayuu isugu geeyay boorso samsanayd ah, bastooladna guntiga gashaday, dabadeed Laankuruusarkii dhankii guriga Diiriye afka u saaray. Waxay ku noqotay naxdin iyo filanwaa markii uu u soo galay saaxiibkii oo dhaawac ah oo sariirta galgalanaya.

***

Diiriye xalay markii uu isaga oo marqaansan Negeeye ka tegay ayay meel mugdi ah oo gurigiisa wax yar u jirta dad aad mooddo waraabayaal dad cun ahi kaga soo baxeen.
“Duqa, istaag adiga!” Wuu istaagay balaayadii mugdiga kaga soo socotayna waxa ay tahay wayddiiyay. Intii aan loo jawaabin ayuu arkay qori afkiisu dhuunta kaga soo jiro. Waa laba inan oo socodku dhibayo oo caato la ciirciiraya.

“Haye Diiriye, adigii mahoo?” Codkii ayuu maleeyay, muuqii isa soo hortaagayna meesha uu ku arkay maskaxda ka doondoonay. Rajaa gashay, balaayo aan ku aqoon mid ku taqaan baa kaaga roon, ayuu ku fekeray.

“Waa kuwama?” Laakiin su’aashuba afkiisa ka ma ay soo dhammaan markii uu kii soo horreeyay gartay. “Carraale miyaa? Balaayaa ka dhacday! Oo ka kalena waa kuma?” Laakiin isagana garay, waa Gurey. “Waar maxaa saacaddan meeshan idin dhigay?”

“Gacmaha kor u taag, Diiriye”, Carraale oo qorigii madaxa kaga liishaamaya ayaa amar ku siiyay.

“Carraale, maxaa jira? Ma idinkii tobanka sano wax baranayay ayaa sidan u dhaqmaya? Waar isla yaaba oo meel walba xabbad baa ka dhacaysa ee ka xerooda.”

“War ma adigii tobanka sano wax boobayay ayaa caawa halkan maraya oo miskiin iska dhigaya?” ayuu Carraale Diiriye ku canjilay. ”Waad og tahay cidda caawa guri gelaysaa in ay tahay cid wax uga horreeyaane kaaga ayaa qoyane na gee. Na wad.” Intii uu Carraale la hadlayay ayuu Gurey xagga dambe kaga soo wareegay oo baadhitaan ku bilaabay. Si gaar ah waxay uga welwel qabeen Diiriye in uu bastoolad ku hubaysan yahay, laakiin waxba ka ma ay helin aan ahayn qaddar lacag ah.

“Carraale, dhegeysta, maxaa jira? Maxaa idiin daran?”

“In aad gurigaaga na geysid ayaa noo daran. Waxa aad haysatid ayaynu qaybsanaynaa.”

“Waar guriga waxba ii ma yaallaane, haddii aan wax haysto waqtigan halkan ma aan lugeeyeene, intaas aad jeebka ka hesheen baa ii lacag ah ee meelahaa kaga casheeya, xabbadda meel walba ka dhacaysana ka dhuunta.” Carraale hanjabaaddii ayuu dardar cusub geliyay.

“Diiriye, macangeg ha noqon, gurigaaga waannu naqaan, waanan tegi karraa, laakiin intii aannu jebin lahayn adiga iyo annagaba waxaa inoo hawl yar in aad na raacdid.”

“Carraale, sow adigii wadaadka ahaa? Waa maxay waxa aad ku dhaqmaysaa?”

“Adeer aniga ha isaga kay dhigin nin wadaadnimada wanaag u haya ee ina dhaqaaji. Wadaadnimadu sow ma aha waxii aan kaaga ammaan waayay ee aad waxbarashadaydii igaga eriday?”

Diiriye muxuu isu yeelyeelayaa ee isaga dhigayaa ilmo xalay dhashay? Xaalka dalka sow la ma socdo? Sow ma oga in saacaddii aargudashada la joogo? Muxuu Carraale u beerlaxawsanayaa sow isaga oo fasalka afraad dhigta dugsiga ka ma uu eryin? Ma denbi aan wadaadnimo ahayn ayuu galay? Nolosha ma wuxuu moodayay toobiye aan leexleexad lahayn iyo baabuur uu isagu shokaanta u hayo? Waxii uu dulmi dhex dabbaalanayay malaha in mar uun lagala xisaabtamayo maba uu ogayn? Talo ayaa ku caddaatay, wuxuu ka fursan waayay in uu wiilasha sidii ay rabeen u yeelo oo xaggii guriga u hor kaco.

“Meesha waxba ii ma yaallaan, fadeexad ayayna igu tahay in la maqlo ardaydaydii oo guriga iigu soo dhacdaye, qunyar u gala ugana soo baxa.” loo ma juuqin. Diiriye isla markii uu aqalka furay ayuu xasuustay in uu mugdi yahay oo aanay koranto jirin. “Waar niman yahow meesha ilays ma jiro ee goor iftin ah ii kaalaya. Berri igu soo noqda”, ayuu isku dayay in uu qiil ka dhigto. Gurey ayaa kabriid shiday oo gudaha u gudbay, markii uu qolkii iftiin noqdayna Carraale oo debedda taagnaa ayaa Diiriye si xoog leh gudaha ugu soo riixay. Tarraq labaad ayuu Gurey shiday oo miis aan halkii uu taagnaa ka fogayn shumac saarnaa ku dhejiyay. Markii uu qolkii iftiin noqday ayuu Carraale albaabkii xidhay, Diiriyana kursi ku fadhiisiyay, isaguna mid ka soo hor jeeda qorigii oo Diiriye ku soo jeeda la soo fadhiistay.

“Haye Diiriye, in aan ku dilo kuuguma aan iman, laakiin tuhun dhaqaale ayaa ku soo galay. In aad dhoofaysid waan og ahay, adiga iyo sarkaalka saaxiibkaa ahina maalmahan in aad doollar urursi ku jirtaan waan og ahay. Yaad dalkan aad xaalufiseen kaga tegaysaan? Calaa kulli xaal, waxaad haysid inoo qaybi.”

“Waar miyaad kaftamaysaa? Xaggee baan u dhoofayaa? Xaggee baan lacagta aan ku dhoofayo ka keenay? Waad ogayde dugsiga ma lacag baa taallay?”

“Diiriye, waqtiga ha inaga lumin, dalkii in aad hore u cuntay iyo in aad jeebka ku qaadanaysid baad ka dhigtaye, hadalka macnadarrada ah inaga daa oo waxa aad haysid inoo qaybi.”

“Haddii aadan waxba iga rumaysanayn maxaan sameeyaa? Waxii aan hayay waa idinkii igala baxay, welina waxaad lee dahay ’waxa aad haysid inoo qaybi’. Sariirta iyo kuraasta gurta haddaba dee aan anigu dhulka seexdee.”

“Okay”, ayuu yidhi Carraale oo Gurey u sheegay in uu guriga baadho. ”Laba shay oo isa saarani yaanay jirin. Fitir iyo faatir u qaad.
Aniga axmaqani igama dhaadhicin karo in aan qolkan caawa doollar ka buuxine.” Intii hore oo dhan Diiriye wuxuu isku dayayay in uu wiilasha oggolaysiiyo in uu weli yahay maamulahoodii si uu awoodda ay ka xayuubiyeen uga dhacsado, laakiin imika xaalku waa quus. Waa uu la socday qalabarogadka dalka wada simay, waa se markii koowaad ee uu si dhab ah u dareemay in aan wax sidii hore ahi jirin. Awooddii uu toban sano ku dhowaadka kumanyaalka arday iyo waalidkood ku haystay in uu caawa ka faro madhan yahay ayaa u caddaatay. Waxaa uu xasuustay madaxweynaha oo berigii hore si buuxda u dafiri jiray in ay jirto awood aan tiisa ahayn oo dalka ka jirta amaba ka jiri kartaa oo qudhiisu bilaabay calaacal iyo in uu ku baryootamo: ”Waar magaalada waan idiinka baxayaa ee dagaalka joojiya!”

Diiriye waxay talo kaga ururtay in uu sidii wax miskiin ah kursiga iska yaxoobo, indhahana ka bilig bilig siiyo, oo alaabtiisa la ka la qubayo iyo karaamadiisa lagu joogjoogsanayo daawado. Waa macnaha tabardarrada. Malaha waa nabsiga la sheego. Labadii nin waxii guriga dhex yaallay wax aanay toban jeer rogin, toban jeer tuurin, toban jeer oo kalena tuujini ma jiro, doollarna faro ku ma hayaan. Carraale oo ay guushu intaas ka la dhoweyd ayay mar keliya jinniyo ku dikadeen, isaga oo xanaaqsan ayuuna Diiriye isku soo rogay, oo qorigii oo ay xabbadi dhuunta jiifto mar kale xaggiisa u soo godlay.

“Diiriye, waan og ahay in aad lacag doollar ah haysatid, haddii aad iga sii qarisidna nolosha ayaan kaa qarinayaa. Wallaahi in aanan naf kaaga tegayn! Soo saar haddaba lacagta qaybtaada waan kuu reebayaaye.” “Carraale, warbixin qaldan baad haysataa. Ma jiraan wax doollar ah oo aan haystaa.” Dhirbaaxo kulul ayuu Carraale labada indhood Diiriye oo soo kuududa kaga soo gooyay, markii uu sarejoog isku dayayna qoriga afkiisii ayuu dhuunta ka geliyay oo fadhigii ku celiyay.

“Wallaahi haddii aad far dambe dhaqaajisid soddonka ku jira in aanan xabbad kaaga reebayn!”

Mar kale ayay xaaladdu degtay oo sidii hore ku soo noqotay. Isaga oo aan dhaqaaq lahayn sida uu kursiga uga dhakoolo Diiriye wax nool la ma moodo. Indho nacayb leh ayaa la isku eegayaa, wax la sameeyana la garan maayo. Markii cabbaar sidaas la ahaa ayuu Carraale arkay Gurey oo qoriga afkiisa saqafka guriga ku gugujinaya iyo Diiriye oo eegmada hoosta kaga xadaya. “Gurey, qaado kursigan oo safiitada soo fuji.” “Iyaa?”
“Saqafka madaxaaga ku beegan soo fuji.”

Isla markaas ayuu Carraale sii xoojiyay digtoonidii uu Diiriye ku ilaalinayay. Gurey safiito uu xoog u soo fujiyay ayuu dhulka ku soo tuuray, oo halkii bannaanaatay gacanta geliyay, oo marba dhan u la raacay. “Aa!” ayuu ku qayliyay isaga oo gacanta musbaar ka muday. Xanuunkii iyo dhiiggii ka da’ayay dan ka ma gelin ee kursigii inta uu ka soo degay ayuu dhan kale u yar durkistay. Safiito kale inta uu si xoog leh u soo fujiyay ayuuna sidii hore meeshii dalooshantay gacantii u bed qabtay xuluuliyay. Dabadeed si lamafilaan ah ayuu u soo dhuftay boorso cad oo maas ah oo ah nooca dalka lagu sameeyo.

“Maxaan kuu sheegayay! Maxaan ku lahaa, Gurayow! Boorsadaas xun ayay xoolihii dunida oo dhami ku jiraan”, waxaa ku qayliyay Carraale oo markii uu shandadda arkay farxad ka la batay.

Diiriye si ku talogal la’aan ah ayuu naxdintii hanqalka u la kacay, dabadeed Carraale ayaa intii uu xoog lahaa qoriga dabadiisa afka kaga dhuftay. Diiriye miiska ayuu ku dul dhacay, isaga oo si foolxun u taahaya ayuuna xinjiro ay labadii fool ee sare dhex dabbaalanayaan soo tufay. Boorsadii ayuu Gurey furay, waxaana caddaatay in ay xidhmooyin doollar ahi dhex jiifaan. Isaga oo sidii miiska u saaran oo taahaya ayay albaabka ka baxeen. Subaxdaas Diiriye isaga oo markaas dhakhtar ka soo noqday oo sariirta galgalanaya ayuu Negeeye u soo galay. Madax ayuu kor u soo qaaday, markii uu gartayna isaga oo aan salaanta ka qaadin madaxa barkimada ku celiyay.

Aad ayuu u niyad xumaa, sidaas darteed in kasta oo uu sida ay wax u dhaceen u dul maray hadal badan ma uu awoodin. Negeeye isaga oo ka xun dhaca iyo dhaawaca saaxiibkii loo geystay ayuu soo jeediyay in ay sidan ku wada socdaalaan. Laakiin Diiriye niyadxumada ka sokow wuu xanuunsanayay, socodna ku ma jirin. Inta uu laba kun oo doollar dusha kaga tuuray ayuu isaga oo sii baxaya maqashiiyay:

“Diiriye, anigu waan tegayaa, adiguna meesha iska qaad. Nin weyn baad tahaye meesha iska qaad.”

Markii uu Negeeye wax yar ka sii maqnaa Diiriye waxaa u soo gashay Raxmo-Yarey. Fillo Adduun oo ay ku horreysay markii ay ganjeelada garaacday waxaa ka furay laba nin oo aanay weligeed hore u arag. Waxay malaysay in ay yihiin madaxdii uu Negeeye xalay sheegayay ama waardiyahoodii.

“Haye, yaad rabtay?” ayay wayddiiyeen.

“Guriganaan degganahee, Negeeye weli madaxdii maas la joogto?”
“Madax maxay ah?”

“Negeeye ma joogoo?”

“Negeeye ma joogo, gurigana waa laga gataye, adigu tumaad tahay?”
“Waa laga gatay? Yaa ka gatayna? Isagii aaway?”

“Annaga ayaa ka gadannay, isaguna meel uu jiro ma naqaane, adigu tumaad tahay?”

Raxmo in kasta oo xaaladda loo sharxay haddana waa ay fahmi wayday. Habeenkii ay gabadhnimadeeda wayday si aan ka yarayn ayay u naxday. Markaas ayay isku soo daysay gurigan Diiriye oo ay taqaannay. Isaga oo sidii sariirta u daadsan ayay wayddiisay:

“Diiriye, abboo Negeeye ma aragtay?” “Negeeye ma arage, waan jirranahaye iga bax.” “Gurigii waas gadaa la dhehee run miyaa?” “War u ma hayo.”

“Afkana maxaa kaaga dhacay? As maa isdagaasheen?”

“Isaga ayaanu isdagaallay, haddii aad aragtidna xabbad baan ku dhufanayaa ee u sheeg.”

Hadalkaas wuxuu uga dan lahaa in aanay Raxmo mar dambe ku soo noqon oo Negeeye wayddiin, iyadu se waa ay rumaysatay oo iskaga tagtay. Dhawr cisho ayay ku qaadatay in ay fahamto xiriirkii iyada iyo Negeeye in uu ahaa ruwaayad ay iyada qudheedu qalanjo ayaandaran ka ahayd. Waxay ka fekertay in ay Afgooye aaddo oo Webi Shabeelle isku riddo, sidii ay hindiyaddii filinka ka aragtay.

***

Negeeye saaka markii uu Diiriye ka soo baxay magaalada ku ma leexleexan ee waddada dheer ee koonfurgalbeed Xamar uga baxda ayuu ku toosay. Waa uu baqayay. Kontorollada meel walba la dhigay iyo askarta dadka ku bahalowday isagu baqdin badan ka ma qabin, waayo gaashaanle dhexe ayuu lebbisnaa, haddii uu askar macangeg ah la kulmana toban doollar ayuu u laabi. Mucaaradkana wuu ka baqayay, haddii ay qabtaanna wuxuu u sheegi doonaa in uu iyaga ku soo biiray. Laakiin baqdinta ugu weyni waxaa ay ahayd xabbad seeraar ah oo haleesha. Taa ka sokow Negeeye oo mayd ah in ay arkaan dadka jeceli ma yara. Mustaqbalka mugdiga ahi sinaba u ma cabsi yara.

Waddada Afgooye ayuu baabuurkii cagta u saaray, Afgooye iyo Xamar dhexdoodana wax dhibaato ah la ma uu kulmin. Markii uu Afgooye ka baxay ayaa dhawr jeer meelo waddada ka durugsan tacshiirad lagaga soo furay, laakiin waxyeello ka ma ay soo gaadhin. Markii uu toban kiiloomitir Daafeed dhaafay ayuu waddada midig uga leexday, si aanu mucaaradka u la kulmin, wuxuuna qabsaday wadiiqo ay baabuurta xaabada iyo dhuxusha Xamar geysaa shaagga ku la baxday. Cabbaar ayuu beelo mutullayaal ah marba mid ka gudbay.

Markii uu muddo saacad ah qardojeex ku socday, ee uu magaalooyinkii iyo waddadii laamiga ahayd ka fogaaday, baqdintii waa ay ka yaraatay. Wuxuu dareemay degganaan, wuxuuna shitay cajalad hees ah oo ka mid ah kuwii uu ku geerashayn jiray. Heesta wuxuu ku xusuustay waayo waayo iyo habeennadii marqaanka, habeennadii Filla Adduun, Seybeeriya iyo gurigii aan magaca lahayn ee Burco. Saxansaxo qaad oo dhalanteed ah ayaa saaqday, sidii mas gaajaysan ayuu u millikhsaday.

Boorso doollar jiifo oo dhinac taal ayuu jalleecay, markii u horreysay ayuu dareemay lahaansho buuxa iyo in ay mulkigiisa tahay. Isaga oo feker ku maqan ayuu si lamafilaan ah muraayad haadda uga arkay baabuur soo dabo xammaysan. Inta uu muraayadda rumaysan waayay ayuu daaqadda qoorta ka ritay oo dib u eegay. Waa xaaji khamsiin ay dusheeda rag dabley ahi ka muuqdaan oo laba boqol oo mitir u soo jirta. Shaki ka ma gelin in ay yihiin qawlaysato isaga ugaadhsanaysa, qardajeexii ayuuna baabuurka intii ay awooddiisu ahayd hawada cabsiiyay. Daqiiqado yar ka dib baabuurkii eryanayay wuu ka soo fogaaday, siigadii oo keliya ayuu arkaa, laakiin xawaaraha ma uu dhimin.

Waa kowdii duhurnimo, qorrax aan kululayn ayaa galbeed u badatay wejigana ka haysa. Imika wuu ka soo baxay degaankii Shabeelle iyo ciiddii dhoobada iyo habaaska badnayd, wuxuuna marayaa dhul didib ah oo ay ciiddu nadiif tahay oo ku beegan waqooyiga Buurhakaba. Baabuurkii ugaadhsanayay nuse saacihii u dambeeyay war iyo wacaal ka ma hayo, wuxuu se rajaynayaa in ay quusteen oo ka hadheen. Waa uu garanayay in ay yihiin shuftada hubaysan ee beryahan meel walba hubka la tuban, ee waxii ay quud iyo qiimo ku tuhmaanba qoondaysanaya. Isagana dheef kale ku ma oga ee waxay u daba ordayaan in ay Laand Kuruusarka ka furtaan.

Laakiin dhac uu ninkii lahaa nool yahay beryahan dhac lagu ma tiriyo, waa in ay horta isaga nafta ka xayuubiyaan si ay baabuurka u xalaashadaan, waa xeer dhaqameedka cusub ee wax lagu ka la dhaco. Iimaan la’aanta iyaga haysa ayaa isagaba haysa ee muxuu baabuur xun naftiisa ugu biimaynayaa muu si kale u dhoofo? Wax uu wadiiqooyin dhuubdhuuban shaagga ku ilaaliyo oo midba mid uga leexdaba, mar uun ayay waddadii uu hayay soo oo dantay. Wuxuu isarkay isaga oo geed weyn oo waddadii uu hayay ka dhex baxay hor taagan. Baabuurkii inta uu ka degay ayuu xaaladda kormeeray, wuxuuna ogaaday in ay ahayd waddo duug ah oo aan sannado badan la marin, suurto galna aanay ahayn in uu hore ugu sii socdo. Waxay ku kelliftay in uu dib u ka la fireeyo si uu waddo kale u helo. In kasta oo uu malihiisu u badnaa nimankii eryanayay in ay ka hadheen haddana wuu feejignaa, waxa ay se ahayd meel dhir badan oo aan meel dheer wax laga arki karin. In aan daqiiqad ka badnayn markii uu dib u soo socday ayuu si lamafilaan ah hortiisa uga arkay baabuurkii eryanayay oo in boqol mitir ka yar u soo jira. Ma uu haleelin wax aan ahayn in uu baabuurka degdeg u joojiyo oo bastooladdii iyo boorsadii gacanta ku boobo, oo albaabka iska furo si uu kaynta ugu dhuunto. Qolada kale qudhooda arrintu kediso ayay ku noqotay, isaga oo daaqadda iska furaya markii ay arkeenna inta ay baabuurkii joojiyeen ayay tacshiirad ugu yaraan laba qori ka soo dhacaysa oodda kaga qaadeen. Isaguna dhawr xabbadood ayuu degdeg ugu riday. Markii ay ogaadeen in uu hubaysan yahay waa ay gabbadeen, laakiin toogashadii ka ma ay joojin. Tobannaan xabbadood ayaa Negeeye sida roobka ugu hooray: mid baabuurka ku dhacda oo iyada oo seeraar ah dhegaha ka marta, mid dharkiisa dacal ka daloolisa, mid iyada oo xiimaysa wejiga u marta, iyo mid hortiisa ciidda xuluulataba. Dabadeed xabbad ayaa bawdada bidix ka muquurtay. Isaga oo aan nabarka eegin ayuu markiiba degdeg u gurguurtay, baabuurkana dhanka kale uga wareegay si uu gabbaad uga dhigto. Naftu orod bay kugu ammintaa, rasaastii cadawga oo sidii ugu yuururta ayuu galgashay oo geed aan ka fogayn jirridda u galay, haddana sii galgashay, isaga oo lug uu hubo in aanay jabnayn laakiin dhaawac xun qabta jiidaya.

Nimankii la dagaallamayay markii uu cararay xabbadda ka ma ay joojin, isaguna orod waxaan ahayn waqti iskagama lumin. Markii uu shan geed, haddana toban geed, dabadeed in ka badan weydaartay, rasaastii lagu soo ridayayna ay ku soo durki wayday, yididiilo nololeed ayaa gashay, orodkii oo aanu imika tabar badan u hayn ayuuna ku sii adkaystay. Marba dib ayuu eegayaa, marka uu waxoogaa ordaba sida weeraha ayuu jahada socodka beddelayaa, haddii uu meel ciid ah ku soo beegmo wuu ka leexanayaa oo dhagaxa iyo cawska ku raadgadanayaa. Daqiiqadba ta ka dambaysa ayuu sii dareemayaa tabardarro iyo xanuun lugta oo aad u dhiigbaxaysa kaga soo kordhaya. Durba surwaalka iyo kabtu waa ay ku dhegeen.

Xas jiq ah ayuu yar fadhiistay aadna u dhegeystay wax uu cod aadami ku malayn karo, waxba se ma maqal. Wuxuu aad u maleeyay qawlaysatadii in uu baabuurkii ku fillaaday oo ay kaxaysteen. Abaal badan ayuu ugu hayaa in ay intaas kaga tagaan. Aad ayuu nabarku u xanuunayaa, sidii neef la gawracay ayuuna u dhiig baxayaa. Harraad aad u daran ayuu dareemay. Lugtii dhaawacnayd, oo weli si aad ah dhiiggu uga burqanayo, ayuu surwaalka ka jeexay, dabadeed ku duubay si uu dhiigbaxa u joojiyo. Bilawgii ma uu moodayn dhaawacu in uu sidan u xun yahay, imika se wuxuu arkay xabbaddu in ay kaga soo dhacday bawdada sare, iyada oo aan lafta jebinna hoos u raacday oo seedda muruqa iyo xagasha isu haysa la baxday. Qorraxdu casargaaban ayay u hoobatay, meeshuna sida muuqata waa cidla ciirsila. Haddii uu nimankii eryanayay ka badbaado sida uu nolol kale ku gaadhi lahaa ayuu ka fekeray, in uu socodka sii wato ayuuna ku tashaday. Markii uu damcay in uu kaco xanuun badan iyo awood la’aan ayuu iska dareemay, laakiin socod ayuu bilaabay.

Lugta awal dhulka wuu dhigayay imika se wuu jiidayaa. Waxaad mooddaa xubin culus oo jidhkiisa dheeraad ku ah. Boorsadii sheyddaan ee lacagta iyo waraaaquhu ugu jireen culays aanay awal lahayn ayay la soo baxday, bastooladda qudheedu waa la mid. Wuxuu ku fekeray waxaba in uu daadiyo, wuu se sii adkaystay. Xanuunka lugta ka haya iyo harraadka waxaaba kaga daran qanjabarar labada sarcamood kaga bilawday, qawlalladana sida baarqab ayuu abur ka daadinayaa. Cabbaar markii uu jiitamay ayuu isarkay isaga oo dhulka daadsan, wuxuuna ka la garan waayay in uu dhacay iyo in uu fadhiistay. Cabbaar kale ayuu isaga oo taahaya dhabarka u jiifay. Goor dambe ayuu maqlay ciyow ciyaya, madaxa ayuu kor u soo qaaday oo hareeraha eegay, mise waa fiid cilcillaw. Waa habeen! Meel xun Alle ku dhig ee Negeeyow waa maxay meesha aad taal?

ayuu isku hiifay qadaadkana dhulka ku dhuftay. Xilligu waa diraac. Jawiga guud, gaar ahaanna dhirta soogsoogan iyo dhiigga, waxaa uu ku xusuustay dhalashadiisii iyo dhimashadii aabbihii ee uu sheekada ku maqlay isku waqtigana ahaa. Qabow ayaa ku soo kordhay haddana dab ayaa fekerkiisa ku soo dhacay, laakiin kabriidkii baabuurka ayuu kaga soo cararay. Isaga oo sidii u daadsan ayuu bastooladdii dhinac taallay gacanta midig ku haabhaabtay, oo waa ay cabbaysnayd ammaankuna ka rognaa ee keebka farta la doontay, oo inta uu kor u soo qaaday saddex xabbadood oo ka la dambeeya cirka u riday. Dhawr shimbirood ayaa agtiisa ka duulay dhawr kalena ci dhiillo leh ayay isugu jiibiyeen, laakiin cod aadami ma uu maqal. Meeshu waa gabaahiir col iyo abaar looga haajiray. Hurdo hadalkeed ma jiro cabbaar ayuu se suuray. Intii uu suursanaa wuxuu ku riyooday waraabe isaga oo nool raqaya. Sababta riyadu malaha waxay ahayd waraabayaal ilaa markii ay qorraxdu dhacday hareerihiisa ka qawdhamayay. Wadka ayuu meel dhow ka arkay, wuxuuna ka fekeray dabeecadda iyo dhadhanka dhimashada, haddana aakhiro iyo xaalkeeda ayuu u booday. Irridkii jannada iyo kii naarta oo isdhinac ballaqan ayuu marba mid jalleecay, dabadeed waxqabadkii noloshiisa dib u eegay.

Waxaa saf dheer u soo galay dad badan oo uu dhawr ka weji garanayo meelihii uu xabbadda kaga dhuftayna dhiig ka da’ayo. Waa ay aamusan yihiin oo isaga uun soo wada eegayaan, taagnaanta mooyee si kale nolol looguma malayn karo. “Maxaad ii dul tuban tihiin, ducafo yahay ducafadu dhashay?

Awal aniga ayaa idin laayay imikana waan idin laynayaa”, ayuu ku qayliyay, oo bastooladdii kor u soo qaatay. Isla markaas ayuu miiraabay. Ma jirto jariimad ka weyn naf aadami oo xaqdarro loo gooyaa, denbidhaafna ma leh, ayuu maqli jiray, laakiin si dhab ah caawa ka hor ugama fekerin. Degganaan iyo aamus argaggax leh ayaa jawiga ku xeeran. Goortan Negeeye dunida wuxuu ugu jecel yahay in uu maqlo cod dad, ci xoolaad ama guux mishiin. Laakiin waxa keliya ee uu maqlayaa waa ci guumays iyo qawdhan waraabe. Imika in kasta oo aanu isdhaqaajin karin maskaxdiisu si wanaagsan ayay wax u ka la garanaysaa. Waa mugdi, laakiin saqdhexe iyo waasoodhowaad mid ay tahay ma garan karo.

In uu saacadda eego ayuu damcayaa haddana illaawayaa ama awoodi waayayaa. Bastooladdii oo garabkiisa midig taal ayuu ilqoodha ka jalleecay, gacan aan mayd waxba dhaamin ayuu kor ugu soo qaaday, wuxuuna goostay talo bilawgii kaga argagixisay. Isla markaas uu go’aanka quusta ah gaadhay ayuu arkay wejigii Amran oo ku soo foorora, waxayna ugu soo celisay hadalkii ay beri hore ku tidhi: ”Negeeye, dhoofkaaga mooyee sow adigan dhintay! Sow tan ay ku dishay xabbad ka soo dhacday gacan aad kuugu dhowi!” Wax badan ayuu ku fekeray in uu gacan ku bixi doono, goor ay ahaataba, gaar ahaan gacanta ilmo Goodir. Laakiin in uu sidan u dhinto, oo ay xabbad aan magaciisa aqooni cidla ku tuurto, waxay la ahayd karaamodarro aan mid ka weyni jirin. Laakiin ma xabbad keliya oo lug kaaga dhacday ayaad u dhimanaysaa? ayuu iswayddiiyay. Maya, maya, waad ka adkayd nin ay xabbad doqon ah oo lugta kaga dhacday aakhiro u dirto. Silican waxaa dhaanta dhimashada. Bastooladda afkeeda ayuu dhafoorka ku muday murdisadana keebka ku tuujiyay. Markii ay xabbaddu dhacdayna sidii markii hore wax shimbiro ahi ma ay duulin mana ay ciyin, waxaa ka dambeeyay uun gudcur aamusan.

Fikirkaada Waa Muhiim