Aanadii Negeeye – Qeybtii 28aad

Raxmo waxay ugu dambaysay gabdho badan oo adeegto ka soo noqday Filla Adduun, kuwaas oo ay mid waliba maalmo yar gudahood shaqada ka carartay. Dhammaan waxay ka argaggaxeen xayodarrada meesha ka socota, iyo isla markaas ragga aan xishoodka aqoon ee Negeeye ugu horreeyo, kuwaas oo inta ay kijada ugu galaan kor iyo hoos meesha ay gacantoodu gaadhi kartaba gaadhsiiya, wax aanay u soo shaqo teginna ka qalqaashada.

La ma tirin karo inta gabdhood ee sababtaas shaqada kaga tagtay. Laakiin Raxmo waa ay ugu miskiinsanayd ama ugu dulqaad badnayd. Da’deedu waxay ahayd toddoba iyo toban jir, laakiin ka ma ay dheerayn mitir iyo afartan, culayskeeduna afartan wuu ka hooseeyay. Waxay ku dhalatay Afgooye, iyada oo sagaal jir ah markii ay hooyadeed dhimatay ayuu aabbaheed Xamar ku guursaday naag kale oo Raxmo aad ugu darrayd.

Nolol silic leh oo guriga aabbaheed aan laga jeclayn iyo ka habaryarteed ee faqiirka ah u dhaxaysa ayay ku soo kortay. Weligeed dugsi ma ay dhigan, iyada oo kow iyo toban jir ah ayayna markii ugu horreysay adeegto noqotay taas oo ay habaryarteed u soo heshay. Markaa ka dib dad ka la duwan ayay xirfaddaa ugu soo adeegtay, kuwaas oo ay qaarkood ka soo martay waayo’aragnimo xun.

Qurux lagu ammaano ma leh, laakiin dadkeeda waa ay iskaga dhex jirtaa. Gaabnaanta iyo lafo yaraanta dartood jeer wejigeeda la arko waxay u eg tahay ilmo yar. Waxay nolosha kaga riyootaa oo keliya nin jeclaada oo guursada kana saara adeegtonimada. Laakiin nin gol qabateeya mooyee mid guur ka la hadla waxaa ka jiray oday lixdan jir ah, kaas oo ay qoyskiisa beri adeegto u ahayd. Isagana shaqadiiba waa ay uga carartay iyada oo leh: “Duqaan quxuubka ah fiiri! Aniga qof oo isnacday maas ii malaynaa?”

Guriga Negeeye waxa ka dhaca iyo dadka isku roorsada iyadu ma jecla laakiin dan ka ma gasho. Iyada oo heeso hindi ah iyo kuwo banaadiri ah marba mid qaadaysa ayay shaqadeeda si daacad ah u gudataa, taas oo ka kooban cunto kariska, nadaafadda iyo u adeegga dadka halkaa ku laacdama. Habeenka ay shaqada ku daahdo ama aad u daallan tahay waxay isaga hoyataa qolkaa kijada ku xiga oo ay kuwii iyada ka horreeyayna seexan jireen.

Hawsha gurigu ha iska dhib badnaato, jawigana ha ku diiqadooto, laakiin dhaqaale ahaan raalli ayay ka tahay oo mushaharkeedu adeegto ku ma xuma, dadka guriga ku tuntana dhacdhac ayay ka heshaa. Iyaguna Raxmo-Yarey ayay u la baxeen oo waxay ku jecel yihiin daacadnimada iyo dhego nugaylka.

Maanta martidu waa ay badnayd, hawshuna waa ay cuslayd. Saqdhexe ayay Raxmo iyada oo aan daal isqaadi karin furaashkii qolkeeda dhulka yaallay isku tuurtay. Iyada oo aan dhinaceedu gogosha gaadhin ayay gama’day. Laakiin dadkii iyagu weli waa ay bulaamayaan oo cawayskooda fari ka ma qodna. Goor dambe iyada hurdo mayd uga dhow, ilayskuna u dansan yahay, ayay ku toostay gacmo waaweyn oo jidhkeedii yaraa dhan walba u xulaya, timo qodxo la moodo oo dhabanka ka mudmudaya iyo neef ay sigaar iyo khamri ka buuxaan.

“Yaa waaye?… Yaa waaye?…” ayay ku qaylisay iyada oo argaggaxsan.

“Usuus! Raxmo, waa Negeeye ee aamus!”

“Adiga ma waalatay, Negeeye? I dhaaf, i dhaaf, iga kac aniga gurigaaga haddaan kaaga baxaaye…”

“Ramxo, miskiinnimada iska daa, kaniba waa gurigaagii ee xaggee baad ka aadaysaa”, ayuu ku yidhi, isaga oo isla markaa yartii sidii libaax sagaaro qabtay laabta gashaday dharkii yaraana midba dhan uga tuuray.

“I dhaaf aniga, i sii daa aan ku dhahay. Iga kac! Waa i xoogee miyaa? Alla aaboow!…”

Iyada oo sidaas u cataabaysa ayuu ka dan dhammaystay. Kuwii kale markaas waa ay wada hurdeen, haddii se ay qaylada iyo baroorta Raxmo ku toosi lahaayeen sakhrad iyo qaaddiro ayay la daateen oo dadka xabaalaha ku jira ka ma duwana.

Markaa ka dib wuxuu bilaabay in uu maslaxo oo ku yidhaahdo:

“Raxmo, maxaad la ooyaysaa, wax naag lagu sameeyo wax ka badan miyaan kugu sameeyay? Waan ku jecel ahay, haddii aad rabtidna waan ku aroosaa, gurigan aad ka shaqaysana adiga ayaa yeelanaya.”

“Arooskaagana ma rabee i dhaaf aniga”, ayay tidhi oo sii ooyday. Raxmo-Yarey caawa ayaandarro u dhimani ma jirto. Nolosheeda wax qiimo u leh oo ay ilaashato waxaa ka jiray gabadhnimadeeda oo ay aad ugu soo faro adaygtay, cadaw badanna ka soo badbaadisay, tiina waa taa caawa balaayo hurdada ku miratay. Habaryarteed iyo aabbaheed haddii ay u dacwooto maxay u qaban karaan? Muraayada yar ee ka burburtay miyaa ay u soo kabkabi karaan?

Dawlad loo dacwoodaa ma jirtaa? Oo dawlad aan Negeeye ahaynba ma iyadaa taqaan. Ilaahayoow aniga sidee yeelaa? ayay ku calaacalaysaa. In ay mustaqbal la’aan tahay, cid wax dambe ku falaysaana jirin, ayay hubtaa. Qalanjadii hindiga ahayd ee webiga isku ridday ayay soo xasuusatay. Anigana in webi isku rida waaye, nolol maa ii hartay? ayay ku fekeraysaa.

Aroortii xigtay dadkii qolka cuntada u soo quraac doontay waa ay ku hungoobeen. Raxmo-Yarey sidii xalay ayay sariirta uga ooyaysaa. Negeeye ayaa iyada oo halkii duuban u soo galay, oo inta uu sariirta dacal kaga fadhiistay mar kale sabaalin u galay.

“Raxmo, sidaas ayaad ii neceb tahay miyaa? Qoftaadii jacaylkeedu iga batay, ee aan rabay in aan arooso, ee aan iyada darteed naagihii kale oo dhan u la hadli waayay, miyaa sidaas ii neceb?”

“Jeceelkaagana ma aqaane ammaan lee aan kaa helo. Jeceel ku lahaa! Xoog maa jeceel eh?”

“Raalli ahow, Raxmo. Ii sheeg abbaayo wax aan kuu qabto. Maxaan kuu soo gadaa? Waxaad rabto maanta afkaaga ka sheego.”

“Waxaan kaa rabo ma leh ee mar leh ammaan i sii.”

“Bes waaye, anigaa haddaba wax fiican kuu soo gadaya oo kaaga farxinaya, naag aan adiga ahayna ma guursanayo. Okeey?”

Maalintaas gelinkii dambe markii uu Negeeye guriga ku soo noqday Raxmo-Yarey geed beerta ku yaal ayay hooskiisa fadhiday oo dhabanka iyo gacanta isku haysay. Taa wuu ku farxay, waayo awal wuxuu ka baqayay in ay aabbaheed iyo habaryarteed u cararto oo fadeexadayso. Maxay carartaa in ay nooshahayba ma iyadaa isu haysata. Wuxuu mar kale bilaabay in uu maslaxo, wuxuuna siiyay iskujoog uu u soo iibiyay oo ka kooban garbosaar, guntiino iyo kabo.

Cabbaar kale ayuuna sii maslaxay.

“Wax ma ku warsan karaa?” ayay goor dambe u tidhi si lamafilaan ah.

“Haa, waad i warsan kartaa.”

“Waa ku aroosaa ma dhihinoo?”

“Haa, i ma rumaysnid miyaa?”

“Shimee hee?”

“Marka aan hawlo iga ka la daadsan isku hagaajisto.” “Habaryartay Iisho ma u sheegi karaa?”

“Raxmo, adiga maxaad dabbaal isaga dhegee? Dadka aan gabadhooda guursanayo in aan anigu u tago oo lacag u geeyo oo wayddiisto ma ahoo? Marka aan diyaar noqdo aniga ayaa si sharaf leh ugu tegaya ee adigu cidna ha la soo qaadin, yaa?”

“Gabarnimadeeydii adaa ku dheeshay, nin kale oo sidan igu rabana ma leh, ee waa ku aamminaa, yaa?”

“Bes waaye, i aammin, boqolkiiba boqol.”

Weli beerta ayay joogeene inta uu laabta ku qaatay ayuu sariirta qolkiisa la tegay, oo isaga oo in uu ninkeedii yahay ku sasabaya ka haqab beelay. Maalintaas ka dib sidii ay xaas u tahay ayuu marka uu doono ku jimicsan jiray. Iyaduna far ma dhaqaajiso oo haddii ay diidi lahayd waxay ka baqday guurkii uu u ballan qaaday in uu kaga baxo. Ma ku rabee bax haddii i dhaho intee aadaa? Qof oon gabar eheen yaa rabo? Maya, ma ku dhahaayo. Ilaahoow ha i ceebeen! ayay mar kasta ku fekertaa. Sidaas ayay rajo ku nool u ahayd, markaa ka dibna shaqada guriga adeegto ahaan u ma gudato ee gurigeedii ayay ka dhigtay.

Qaybta ay jimanku ku xeroodaan in ay shaqo u tagto mooyee wax kale ku ma darsato, marka ay wax geynaysana albaabka ayay garaacdaa oo ka dhiibtaa. Wax walba se waa ay la socotaa oo marar badan ayay indhaheedu la kulmeen rag iyo dumar candhooyin qaawan isla dhex fadhiya oo Negeeye ka mid yahay, dabadeed yaxyax dib u la carartay. Waa ay ka masayrtaa naagaha uu Negeeye wadwado, marka ay isaga ka la hadashana sidii qof dhaandhaamad ah ayuu ugu sheegaa in ay wada qayilaan keliya ee aan wax kale ka dhexayn. Iyadu runta waa ay og tahay ee in ay ku qayliso ama canaanato ayaanay ku dhicin. In uu ku xanaaqo dabadeed guriga ka eryo guurkana kaga baxo ayaa wax walba kaga daran.

Waa ay la yaabban tahay dadkan aan isqabin ee habeen iyo maalin sidaas isu dhex fadhiya. Dadkaan yaab waaye! Noloshooda dhan saan miyaa? Dad oo waaweyn waayee ma isku sheexaanoo? Jaad leh cunoowyiin, beesadooda wax kale ma ku gataanoo? Heesahooda dhanna af baadiye waaye oo wax ma laga fahmooyo. Kan oo Diiriye la dhahaayo aaba iigu daran. Faras aa tahay ku ma lahoo! Faras Alle kaa dhig, ree baadiye waaxid! Qof dhan oo bani aadan eh aas faras ku sheegaa!

Waxay ujeeddaa Diiriye oo isaga oo doonaya in uu ammaano maalin ku yidhi: “Waxaad tahay faras.”

Negeeye marmar ayuu Raxmo isku maaweeliyaa ama marka aanu wax dhaamo haysan ayuu naf ka dhigtaa ee macne kale uguma fadhido. Laakiin iyadu waa ay isu dhiibtay oo marka uu waqtigu sii durkaba rajada guurka ayaa u soo durkaysa. Maalin iyada oo qado karinaysa ayay madax wareer iska dareentay, haddana yalaalugo, ka dib hunqaaco ka wareegtay. Waxay yeelatay uur. Iyada oo welwel iyo baqdin la kurbanaysa, dhanka kalena rajaynaysa xaaladda cusubi in ay guurka u soo dedejiso, ayay arrinta Negeeye u sheegtay. Isaguna shiddaba isma uu gelin ee wuxuu bishaaro uga dhigay:

“Waxba ma aha, berri ayaan dhakhtar kuu geynayaa oo lagaa soo tuurayaa.”

“Lagaa soo tuuraa? Maxaa jira, ilmaheennii maa hinoo maxaan isaga tuureeynaa? Hore lee maan iska aroosno?”

“Maya, Raxmo, hadhow labaatan ilmood haddii aad rabtid dhal, laakiin hadda inaga dhaaf. In aan diyaar garoobo oo aroos fiican oo la isu sheego inoo dhigo ayaan rabaa.” “Bes waaye, waa ku aamminaa.”

***

Beryahaas oo dhan labadii sarkaal ee isaammini karaaba fursadda ay helaan iyo fadhiga ay ku kulmaan waxay kaga doodi jireen sida uu ugu suurto geli karo afgembi ay talada dalka ku qabsadaan. Mid waliba wuxuu rumaysnaa isaga oo habeenkaa muufo ku casheeyay maalinta xigta in uu dhaylo ku qadayn karo, isaga oo ay shaqo la’aan cadceeddu ugu dhacdayna wasiirnimo iyo xataa madaxweynenimo ugu soo bixi karto. Meeshu waa Afrika, waa Soomaaliya, wax kastaa waa suurtogal sida aanay waxba suurtogal u ahayn.

Sarkaal waliba wuu ogaa in ay habeen walba jiraan boqol qorshe iyo shirqool loo diyaarinayo ka takhalluska taliska iyo qabsashada maamulka dalka. Sidaas awgeed waa in uu u digtoonaadaa ilaalinta fursaddaa iyo ka mid noqoshada hoggaanka cusub, haddiiba aanu noqon hoggaamiyaha cusub. Ninkii seexda ayuu sacii dibi dhalay. Laakiin doodda iyo riyada nimankaasi waxay u badnaayeen kuwo quus ah oo ay waqtiga adag iyo dulmiga ay badankoodu tirsanayeen kaga madaddaalan jireen.

Saraakiishaas oo badankoodu lahaa caado bulshada soomaalida ku cusub taas oo ah khamri cabnimo, had iyo jeer goobaha khamriga lagu cabbo iyaga ayaa u badnaan jiray, waxayna badankoodu gaadheen heerka sakhraan. Taa darteed qorshayaashaa joogtada ah afgembigu waxay badanaa ka bilaaban jireen kuna dhammaan jireen miiska ay quraaradda cawaysku saaran tahay dushiisa. Laakiin mar kasta waxaa jiray meelahaa badan ee lagu riyoodo meelo ka mid ah iyo raggaa badan ee riyooda qaar ka mid ah oo ay arrintu dhab ka ahayd, Maxammed Siyaadna taas wuu ogaa, Negeeye isaguna wuu ogaa.

Laakiin dhalanteedkaas sakhraansani ma ahayn rajada keliya ee uu Negeeye mustaqbalka ka qabay. Barqo kasta marka uu hurdada ka kaco ugu horrayn wuxuu Xiddigta Oktoobar ka indho indhayn jiray bal wax isbeddel ah oo intii uu hurday siyaasadii dalka ku dhacay. Laakiin isbeddelka keli ah ee joogtada ahi wuxuu ahaa dad shaqada laga eryay iyo dad kale oo shaqo la siiyay, iyo isku shaandhayn wasiirrada iyo guddoomiyayaasha gobollada lagu sameeyay.

Wasiirro shaandhayntaa iyo dallacaadahaa joogtada noqday, in kasta oo ay qiimo beeleen ka dib markii macno cusub laga waayay, waxaa qunyar qunyar u bilawday xiise ay dad badani arrinta u hayaan. Qof walba waxay rajo ka gashay in maalin uun isaga oo meelahaas iska lugaynaya uu raadiyowga ka maqlo mid ka mid ah jagooyinkii xaraashka ahaa in loo magacaabay.

Dad aan weligoodba la maqal ayaa wasiirro noqday. Nin isaga oo Xabsiga Dhex fadhiya ama dil ku xukuman wasiirnimo loogu bishaareeyay, mid isaga oo qurbaha daroogo ku gadaya dalkii uu joogay danjire looga dhigay, nin isaga oo tagsi wada agaasime loo magacaabay, iyo xataa nin isaga oo geel shubaya gobolkii uu joogay guddoomiye looga dhigay, intaba waa la arkay. Markaas yaa looga nasiib badan yahay? Qof waliba in uu hawada ka sharraxnaado sow xaq u ma leh? Negeeye wuxuu rumaysnaa in aan taa cidina kaga xaq lahayn, mar haddii uu magaciisu xafiiska madaxweynaha yaalna inta aan toogasho loo taagin uu dallacaad u taagan yahay.

Taas oo jirta haddana wuu ogaa qofka jago cusub lagu maamuusayo in looga baahan yahay laba shardi: in uu dabaysha xilliga la haysto oo danayste yahay, iyo in uu tolkii taageero ka keeni karo. Shardiga hore waa mid qof kasta oo bililiqada diyaar u ahi ka soo bixi karo, laakiin waa qodobka labaad ka ay tahay in uu Negeeye dib uga fekero. In kasta oo aanu isagu deeq iyo dood midna tolkii ka la masuugin, haddana sidii uu yaraantii uga caasiyoobay xushmad badani ka ma dhaxayso. Maanta lacagta iyo derajada yar ee uu haysto ayay ugu hamranayaan, oo xafiisyada la isugu qolo sheegtay ayay kaga danaysanayaan ee wuu og yahay maalinta ay intaa ka waayaan in ay salaanta la dhaafayaan, sidii ay u la dhaafi jireen markii uu agoonka ahaa.

Si kasta ha ahaatee wuxuu ku tashaday in uu xoojiyo xidhiidhka reerka la lee yahay, wuxuuna bilaabay in aanu sina uga baaqan kulammada ay isugu yimaaddaan, mararka qaarkoodna uu qudhiisu taa abaabulo. Awal isaga oo gurigiisa iska jooga ayaa qaadhaanka loo la iman jiray, laakiin markaa ka dib wuxuu bilaabay in uu qudhiisu hawshaa hormuud ka noqdo. Negeeye iyo intii la nooca ahayd iyaga oo xaaladdaa doqonta ah iyo majaajilladaa liidata ku jira ayuu waqtigii dhammaaday, laftii la xaganayayna xabaal ku dhacday.

Barqo uu hurdadii uu ku daahay ka toosay, weli se aanu sariirta ka kicin, ayuu telefoon soo dhacay. Guriga keligii ayaa joogay, wasiirnimadii uu sugayayna wax xalay ka suurto galay weli warkeedii ma hayo. Wuu ogaa madaxweynuhu in uu dalka debedda kaga maqnaa, sidaas oo ay tahay haddana markii uu telefoonka maqlay si firfircoon ayuu ugu soo booday. Waa janaraalkii Abbaanduulka.

”Xaalad dagaal! Soo lebbiso oo soddon daqiiqo gudahood Rugta Saraakiisha ha lagaa helo!” ayaa la amray.

Xaalad dagaal! Fekerkiisii ugu horreeyay wuxuu ahaa in afgembi dalka ka dhacay, taas oo ay ku xoojisay maqnaanshihii madaxweynuhu. Baqdin aan weligii hore u soo marin ayaa dabooshay. Wuxuu maskaxdiisa ka daydayay sabab kale oo xaalad dagaal abuuri karta, laakiin ka ma helin. Ma Itoobbiya ayaa soo duuli karta? Waa maya. Ma mucaaradkii baaba’a ka ma dambaysta ah qarka u saarnaa, ee idaacaddii xumayd dhowaan laga qufulay xeryahoodiina oodda loo jiiday, ayaa Xamar soo geli kara? Iyaduna waa maya. Maxaa haddaa jira? Cabbaar ayuu kursigii ku sii fekeray oo dhidid labada dhaban ka masaxay.

In afgembi dhacay shaki ku ma jiro, yaa se ka dambeeya? ayuu iswayddiiyay. Saddexdii qabiil ee madaxnimada iimaanka lagaga qaaday iyo saraakiishii ugu firfircoonayd ayuu maskaxda ku soo ururiyay, oo mid mid waraysi u la yeeshay, laakiin wuxuu helay jawaabo isku dardarsan oo aan dhan loo raaco lahayn. Sida ay doonto ha ahaatee wuxuu rajeeyay in ay noqdaan koox wax u oggol, ugu yaraan nolol u oggol.

Sidii uu amarku ahaa in uu degdeg isu xaadiriyo wuu goostay, wuxuu se ka fekeray in uu arrinka si kale uga xog doono. Cabbaar ayuu dhakada salsalaaxay dhafoorkana xoqxoqay, ilaa uu helay fikrad uu u riyaaqay. Saaxiibbadii muu waco? Haa, oo horta habaarqabayaashii maad ka war doontid? Kii ugu horreeyay wuxuu kaga war helay: “Telefoon degdeg ah ayaa ku soo dhacay oo Rugta Saraakiisha ayuu u cararay.” Kii labaadna: “Xalayba guriga u ma soo hoyan.” Awalba kaasi wuxuu ahaa sakhraan dibjir ah, ayuu ku hiifay.

Raggaas uu telefoonka ku waayay in ay seeftii hore la tagtay ama ay kuraastii ugu sarraysay ku fadhiisteen ayuu u maleeyay. Intii aad hurudday ayaa noloshii dhib iyo dheefba la qaybsaday, ayuu ku fekeray. Degdeg ayuu dirayska u boobay, fatuuraddii oo maalmahan cillad tuumbada qiiqa ah u fadhiday ayuu furaha ku rogay shokaantana boobay. Guuxeedii xumaa ayaa madax xanuun ku sii kiciyay. Weligaaba cabaad ee aniga Shiirkole uun i gee, ayuu niyadda kagala hadlay. Maanta ayaaba isugu keen dambaysa, adiga ayaa dhimanaya ama aniga. Sidii haash sigaar ayaan ku tuuri, oo TOYOTA XL ah ama Laankuruusar la soo bixi, ama adiga ayaa sidii fulay ay fallaadhi faraskii ka xoortay i tuuri, ayuu baabuurkii sidii wax garaad leh ugu la hadlay. Naftiisa welwelku ka buuxay ayuu ku madaddaalinayay.

Intii uu sii xiimayay wuxuu arkay dhaqdhaqaaqii magaaladu in caadi u eg yahay, waxa ay se indhihiisu ku dhaceen dhawr jiib oo aad u dheeraynaya. Saaraakiishii baabuurtaa saarnayd haddii uu wax wayddiin lahaa la isuma hakan hadalna la isla ma haleelin. Waxay ahayd maalin aad u kulul, hoglihii guga ee maalmo yar hortood Xamar ku daatayna waxaa ka dambeeyay hanfi iyo habaas.

Markii uu soo gaadhay Rugta Saraakiisha, saacaddu waxay dul saarnayd sagaalkii iyo labaatan daqiiqo, waxaana markiiba welwel hor leh ku abuuray, in wax weyni jiraanna dareensiiyay, saraakiil badan oo irridka isku garbinaysay. Mucaaradkii hubaysnaa baa Burco qabsaday. Jimcihii dagaalku Burco ka dhacay sabtidii xigtay Xamar waxay u ekaatay xero millateri. Waxaa waddooyinka is’hor iyo dabo marayay saraakiil lebbisan oo jiibab iyo baabuur kaleba saaran. Mar keliya ayay Xamar u ekaatay Hargeysa, taas oo reer banaadir ku cusbayd kuna xasuusteen siddeed iyo toban sano ka hor maalintii ay askartu talada qabsatay.

Maalintii dambe ee uu madaxweynuhu soo degayayna sagaalkii barqannimo ayaa Xamar meel walba ciidammo hubkoodu u dhan yahay la dhigay. Waddooyinka intooda badan waa la xidhay. Gaar ahaan waxaa ciidammo lagu taxay inta u dhaxaysa Garoonka Dayuuradaha iyo Madaxtooyada. Saddexdii ayuu madaxweynuhu soo degay, laakiin ilaa afartii waddooyinku waa ay sii xidhnaayeen. Shaqaalihii, ardaydii iyo dadweynihii damcay in ay xaafadahoodii ku noqdaan waxaa u suurtoobi wayday in ay wadada dhanka ay ka joogeen mooyee dhinaca kale uga gudbaan. Qorraxdu waxay u egayd in ay gubista soomaalida ka qayb qaadanayso, cirkana daruur lagu ma oga.

Dabadeed sidii xoolo ay qorraxi lamadegaan ka heshay ayaa haraaryo la isla tubay. Ma aha markii koowaad ee ay dadku go’doon iyo dhibaato noocan ah la kulmaan. Muddadiiba mar waxaa dalka yimaadda mid ka mid ah kelitalisyada kale ee ay kan saaxiibka yihiin. Markaas ayaa dadka inta ubaxyo iyo caleemo loo dhiibo khasab waddooyinka lagu tubaa, loona egaysiiyaa in ay dad la jecel yahay soo dhoweynayaan. Taas ayaa la yaqaannay, waxaa se cusub in imaatinka ama dhoofka madaxweynaha nolosha magaalada loo xayiro.

Ugu yaraan toban daqiiqo waxaa socotay baabuur aad u dheeraynaysa oo ay madaxi saarnayd iyo jiibab hubaysan. Baabuurtaas waxaa laga dhex halacsaday Mersedes-Benz madow oo calanka Jamhuuriyaddu ka babbanayo, kaas oo la isu sheegay in uu Maxammed Siyaad Barre saarraa. Laakiin habeennimadii magaalada waxaa soo galay war lagu kalsoon yahay oo sheegaya kaasi in aanu isagii ahayn ee uu xaajiyad khamsiin xaabo sidda waddada 21 Oktoobar ku maray, halkaasna Afsiyooni ka galay. Dad badan ayaa isku raacay in ay indhahooda ku arkeen oo uu gashanaa dharka kuuliga.

***

Dagaalka sokeeye sidii uu uga soo daray nabadgelyada maamulku, siiba ta madaxweynuhu, waxay ahayd xasaasi. Digtooni badan iyo dadaal hub iyo hanti labadaba leh ayaana taa lagu bixin jiray. Saraakiil badan ayaa xabsiyada lagu guray, kuwo kale oo badanna waxaa loo sheegay in aanay guryaha ka soo bixin. Laakiin Negeeye wuxuu ka mid ahaa intii la aamminay. Sannadkaa markii la soo gaadhay bishii oktoobar ee Kacaanku u dabbaal degi jiray isaga oo gaashaan cas labada garab ku sita ayuu horjooge ka ahaa mid ka mid ah xoogaggii madaxweynaha gaardiga ku hor maray. Cutub xashiish ah oo soomajeeste laga metelay laakiin ardaydii gurmadka ah ayuu ahaa cutubkaasi.

Mar haddii uu ciidan soomajeeste ku magacaaban watay isaga ayaa cid fagaaraha soo marta ugu dambeeyay. Markaa waxay ahayd goor dambe oo aad u kulul, waddada gaardigana waxaa daboolay dhaandabaggaalle oo dhidid badan ayaa dhulka u daadanayay. Laakiin Negeeye ma uu damqan ee wuuba qiiraysnaa. Wuxuu xasuusnaa in ay tahay munaasabaddii dadka ka dhigtay, ee dhawr iyo toban sano hortood ku dhalisay in uu askari noqdo. Taa miyaad ku qaldanayd? Maanta cid ku nolol dhaanta dalka miyaa ay ku badan tahay? Waxaa labadaada garab ka casi sow gaashaan ma aha? ayuu ku fekeray.

Isaga oo cagaha oo durbaanka la socda xoog dhulka u la dhacaya, codka soomajeestaha ku cabaadaya, ayuu si abaalgud u eg madaxweynaha salaan sharaf kulul u siiyay. Salaan sharaf magaca ayuun baa isaga baxay ee ma ay ahayn meel sharaf leh iyo maalin sharaf leh toonna.

Habeenkii xigay Negeeye waxaa lagu casumay xaflad lagu qabtay Rugta Saraakiisha oo ay madaxweynaha, madax kale oo badan iyo boqollaal saraakiil ahi ka soo qaybgaleen. Magaca ayuun bay xaflad ka ahayd ee xafladna ma ay ahayn. Khudbado dhaadheer oo been, ammaan iyo fulaynimo ka dibbirsan markii cabbaar la daldalay ayaa billado geesi iyo dallacaado la qaybsaday. Madaxweynaha ayaa gacantiisa ku qaybinaya isagana qaar baa la siinayaa. Negeeye habeenkaa wuxuu dallacay xiddig kale, wuxuuna noqday gaashaanle dhexe.

Kulanka madaxweynaha ee habeenkaa Negeeye waxaa u xigay koodii u horreeyay ee ahaa berigii uu dhibbooga ka baxay. Berigaa waxaa ka muuqday xoog iyo caafimaad, iyo weliba niyadsami. Laakiin caawa waa oday isku daatay oo la moodo in welwelkii iyo baqdintii dunida oo dhan keligii dusha laga saaray, caafimaadkiisuna wuu liitaa. Markii uu gacanqaaday wuu ka naxay qabowga iyo jileeca la moodo qof mayd ah. Haybaddii iyo buruudkii ma leh. La mid ma aha kii berigii Negeeye saamaynta yaabka leh ku yeeshay. Saamaynta keliya ee uu maanta cid ku yeelan karaa waa qabyaalad, dil iyo dumin.

Markii billadihii iyo dallacaadihii macnodarrada ahaa la qaybsaday ayaa casho hilib geel u badan loo jeestay, dabadeed markii la dhergay la ka la yaacay. Iyada oo findhicil waaweyn bidix iyo midig loo tuurayo ayaa mar kale sida ayaxa dalka lagu figaasay.

Negeeye beryahan tumasho ayuu iskaga jiray oo adduun wuu illaawey. Kulankan uu caawa madaxweynaha iyo saraakiisha kale ku la kulmay wuu ku baraarugay. Araajidii shaqo ee uu madaxweynaha u dirtay jawaab ka ma hayo. Xamarta jaan sow adigan ku habsamay, ayuu ku fekeraa. Caawa laga bilaabo waa gaashaanle dhexe, yaa se maanta waxaa qiimeeya. Dadkuba waa wada gaashaanle dhexe iyo janaraal. Derajo awalba xaaraan ahayd haddii aan lagugu naasnuujinayn maxay taraysaa? Waxay taraysaa oo keliya in aad shacabka ku baaddo? Lacagtii badnayd ee uu Waqooyi ka la yimid, ee uu moodayay in aan jinnina dhammayn karin, durba ku leef. Laba sano ayaanu tumasho birta u ka la maydhin, muddadaana shilin ka baxa mooyee jeebkiisa shilin ma soo gelin marka laga reebo mushaharada yar ee aan cidina ku xisaabtamin. Afkiina wuu ka weynaaday oo waxba deeqi maayaan. Markii uu Waqooyi ka soo cararay ma uu moodayn xaalku in uu sidan noqonayo. Wuxuu islahaa naasweyn baa dihin oo waxaa laguu dhiibi meel ay tuumbada lagu nuugaa wax ka soo qaadayso. Laakiin dadka madaxtooyada ka raadinayay in loo dhiibo meel ay tuumbadu wax ka soo qaadaysaa berigaa aad ayay u badnaayeen. Dabadeed waa in uu si kale lacag ku sameeyaa, sida Diiriye. Wuxuu bilaabay in uu siyaabo kale wax u farsameeyo. Kuwo noociisa ah ayay isku xero iyo xeer yihiin oo ay xoog iyo xatooyo maalinba waxa ay helaan qaybsadaan. Xerta Fillo Adduun awal isaga ayaa kabiir u ahaa, maxaa yeelay isaga ayaa ugu jeeb roonaa waana aqalkiisii, laakiin beryahan macallinka weyni waa Diiriye. Lacagtii soomaalidu Xamar-Caddey ayay ku soo wada xerootay, cidina Diiriye ugama aqoon badna sida Xamar-Caddey loo maalo.

Iyada oo derajada Negeeye iyo indhogaradka xad dhaafka ah ee Diiriye xafiisyada ku lee yahay la adeegsanayo, ayaa maalinba meel weerar lagu qaadaa. Meelaha dhadhanka ugu badan lagu qabaa waa dad masaakiin ah oo dhul laga qaado dabadeed dib loo iibiyo. Ganacsato aan madax dusha ka ilaalisa lahayn ayaa meelahaas laga eegtaa dabadeed afka dhulka loogu dhuftaa. Kuwo reer waqooyi ah oo noloshii cadaab ku noqotay ayaa lagu eedeeyaa in ay xidhiidh la leh yihiin ururka mucaaradka ah ee loo yaqaan SNM (Somali National Movement), oo godka jilicow ama godka Nabadsugidda amaba godka Hangashta lagu ritaa, dabadeed madaxfurasho lagu soo daayaa. Bangiga lacag la ma dhigto oo waa laga aammin baxay, guryaha iyo meel kasta oo lagu qarin karo ayaa lagu qarsadaa, taasna Negeeye iyo Diiriye waa ay og yihiin kana faa’iidaystaan. Waxaas iyo wax ka daran ayay ku nool yihiin.

Sidaas ayay u noqdeen maafiyo aan biyo ismarin. Negeeye caawa markii uu xafladda Rugta Saraakiisha lagu qabtay ka soo baxay isaga oo keli ah ayuu baabuurkii waddada 26-ka Juun ku soo daayay. Fulay xantii ma mooga, wuu og yahay isaga iyo inta la shaqada ah sida loo neceb yahay. Caawana khudbadihii macno la’aanta ahaa iyo boqollaalkii iimaanlaawe ee uu meesha ku la xeraysnaa maskaxdiisa waa ay baraarujiyeen. Khuraafaadka la isu sheegayo iyo xaqiiqada dalku sida ay u ka la fog yihiin ayuu lafajacay. Waxaa maskaxdiisa isku duqeeyay su’aalo markii hore madaxweynaha ku wajahnaa dabadeed qunyar qunyar isaga qudhiisa isugu soo rogay. Xaaladdiisu in aanay ta Maxammed Siyaad ka duwanayn ayuu ka fekeray, isbeddelka akhlaaqeed ee uu ninka hore ku xamanayaa isagaba in uu ku yuururo ayuuna qirtay.

Adigaba maxaa ku beddelay? ayuu iswayddiiyay. Waddani miyaad tahay? Daacad miyaad tahay? Xalaalcun miyaad tahay? Jeebkaaga miyuu caawa shilin xalaal ahi ku jiraa, gurigaaga se shay xalaal ahi u soo hoydaa? Sidaas u feker. Haa, haddii aadan xaqiiqada ka baqayn sidaas u feker. Maxammed Siyaad isaguba waa nin ku la mid ah ee adiga oo aan tiisa ku mashquulin, bal adigu xisaabtan. Ha waalnaan uun, oo sidii ay dabayl jin ku martay ha u ordin, qoyaan iyo qallayl waxii aad aragtana sida xanfalayda carrabka ha marin, ee bal makhaayaddaa yara fadhiiso oo feker.

Isaga oo dirayskii ciidanka ku taagan, dadkii waddada qulqulayayna baabuurka ku dhex jibaaxaya, ayuu sidii qof waalli soo wata isu la hadlay. Wuxuu ku leexday makhaayad uu marar hore fadhiistay oo waddada ka yar baxsan. Waa meel ilays deggan iyo beer qurux badan leh oo wax laga cuno waxna laga cabbo. Isagu caawa casho ma tawana oo xafladda ayuu kaga soo haqab beelay, wuxuu se doonayaa in uu koob kulul oo kobbashiino ah afka ku dhufto cabbaarna keligii ahaado. Malaha wuxuu doonayay in uu miisaamo inta madaxiisa maskax ku hadhay iyo inta damiirkiisa dadnimo ku sii dambaysa, waayo wuu isdareensiiyay labadaasiba in ay gabaabsi ku yihiin.

Maalintii aad ciidanka ku biirtay waad ogayd niyaddaada iyo fekerkaagu sida ay ahaayeen, bal haddaba caawa xaalkaaga ka warran? Indhaha soomaaliweyn ee Ina Siyaad Barre arkayaa, waxa samaynayana xukumayaa, adiga iyo falalka aad geysatay haddii ay arki lahaayeen miyaad isaga ka duwanaan lahayd? Inta ku taqaan sow adiga kaa ma necba? Reer togdheer iyo reer mudug bal dareenkooda malee? Nasiibkaagu sow dadkan aad caawa dhex lugaynaysaa in aanay ku aqoon ma aha? Gabadh foodley ah oo dhulka aad og tahay caawa fursad ay nafta kaaga qaaddo heshaa miyaa ay ku bixin lahayd? Nacaybka intaa la’egi wax aad galabsatay sow ma aha? Maxaad markaa isugu mashquulinaysaa aayo xumada cid kale loo tirinayo?

Isaga oo sidaas isu la hadlaya ayay gabadh da yar oo qurux badani kobbashiinadii u keentay. Indhahoodu isku ma cusba oo habeenkii isugu horreeyay ayuu weerar hungoobay ku qaaday, intii ka dambaysayna adeegto iyo loo-adeege ka la ceeb la ayay ahaayeen. Caawa se indhaheeda cadho ayaa ka muuqata, wejigeeduna ma faraxsana. Hadal kale iska daaye salaantii sharciga ahayd waa ay ka la aamustay. Sababta wuxuu ku maleeyay dirayska uu gashan yahay, oktoobarta kacaanku u dabbaaldegayana waa ay noqon kartaa. Soomaalidu waa dad yaab leh oo bilaha Ilaahay mid gooni u neceb, ayuu naftiisa ku la kaftamay. Laakiin dan ha u gelin, maxaad dan uga gelaysaa? Weligeedba yartu oktoobar iyo millateriga ha necbaato, maxaa kaa galay?

Kobbashiinadii ayuu xoorka ka xaydxayday iyada oo kululna afka la tiigsaday, oo inta uu dhigay xabbad sigaar ah shitay, garnaqsigiina sii watay. Nin keligii garramay iyo nin dhul gamay midkoodna ma gefo, inta badan isaga ayaa isla gar leh. Noloshiisa caawa ayuu dhinac dhigay berigii uu arrad daraaddii inta badan dirayska ciidanka ku socon jiray, ee uu xalaal cunka ahaa, Amran iyo carruurtana dhididkiisa ku quudin jiray. Hooggii iyo gaajadii Damalweyn ayuu xasuustay. Wuxuu mooday in uu riyoonayo oo ay labadiisa nololood midi been tahay. Wuxuu nacdalay faqrigii uu soo maray oo ahaa mid xanuun leh, haddana wuxuu nacdalay noloshiisa cusub ee fasaadka badan.

Waxaa uu la yaabay sida uu cibaadada uga fogaaday, iyo sida uu xaaraanta ugu hamuumayo. Awalba diinta ku ma uu wanaagsanayn, laakiin marmar wuu tukan jiray gaar ahaan jimcayaasha qaarkood iyo ciidaha, maanta intaana wuu isku kari la yahay. Goorma ayaa masaajid uu foodda geliyo ugu dambaysay? Goorma ayaa xaaraan iyo xalaal uu ka la sooco ugu dambaysay? Ilaahayow iimaanka ha naga qaadin! ayuu ku talogal la’aan ugu ducaystay. Laakiin wuu ogaa in beri hore Ilaahay imaankii ka qaaday, waa haddii uu iimaanku yahay ka la saarista xumaha iyo samaha, xaqa iyo baaddilka. Waqtigaa dadkii siyaasadda ku jiray waxay u qaybsanaayeen saddex kooxood: mid mucaarad ah oo sidii dhurwaa raq laga kiciyay duleedka ka ciyaysa, koox dulmi tirsanaysa oo sidii rah jiilaal dhoobada ku dhegtay qaddarkana ka wardhawraysa, iyo koox maamulka ku jirta oo sida yeeyda hadba laftii dux leh ku xoomaysa. Isagu in kasta oo uu ka tirsanaa kooxda ugu dambaysa ee dalka ku bahalowday, haddana marka uu xaaladdiisa barbar dhigo ta rag badan oo kale ma uu garawsanayn in uu waqtigii sii dhammaanayay la dhammaanayo oo cadceeddii sii ciiraysay la carraabayo. Ha iska carrab dheeraado, ha iska cir weynaado, hantidii qarankana qaybtiisa ha cuno, miyuu se iska la mid dhigi karaa nimanka dalka liqay waxii dhuunta u mari waayayna debedaha dhigtay? Marka uu sidaas u fekero wuxuu istusaa ku noolaanta dalka in uu weli xaq u lee yahay. Waxaa se maalinba ta ka dambaysa ku soo kordhaysay baqdin xoog leh, siiba marka uu ka fekero maamulkan oo dhaca mid kalena yimaaddo.

Wuxuu ka fekeray haddii maxkamad la saaro dacwada lagu oogi karo iyo denbiyada lagu heli karo. Sawirradii xilliga ayuu sida albumka xasuusta ku rogrogay, maalmihii Mudug iyo Togdheer ayuu dib u milicsaday, foolxumo wax aan ahayn ayuu ka soo waayay. Askari baad ahayd oo waa lagu amrayay ayuu sida carruurta isku sasabay. Maxkamad ayuu isa saaray, denbi la’aan ayuu isku xukumay. Balaayo aan muuqan ayaa haddana cod xabeeb leh ku la xanshaashaqday oo mid cusub ku oogtay. Xasuuq dadweyne iyo bililiqo markhaati leh ayaa lagu helay. Baqdin ayuu la dhididay, dabadeed inta uu dacwaddii baas iska laabay kursigii degdeg uga booday oo Baar Afrika khamri isaga doontay, si uu waxaas oo dhan u illaawo.

***

Caways ka mid ah cawaysyadii Fillo Adduun, oo ay saacaddu sagaalkii tiigsaynayso, ayay mid ka mid ah gabdhihii golaha fadhiyay cajaladdii baxaysay damisay oo Raadiyow Muqdisho shidday. Waxaa ka soo baxay sacab iyo sawaxan badan.

“Naa waxa naga bakhtii oo cajaladda noo daa”, ayay kuwii kale isku mar ku la haliileen iyaga oo mooday khudbad madaxweyne iyo wax la nooc ah.

“Abboo, hirgelintii heesaha waayee noo dhaafa.”

Sacabkii iyo sawaxankii waa ay yar go’een, waxaana soo galay luuq iyo hees macaan oo dunida ku cusub. Dadkii golaha joogay ee Negeeye ka midka ahaa isku mar ayay aamuseen dhegahana raariciyeen. Waa cod gabadh da yar oo lagu laqanyoonayo. Tuducii hore ee heestu markii uu dhammaaday dhextaal waxaa u ahaa muusig si yaab leh looga daryaaminayo. Quraarad kuusan oo litirqaad ah ayuu Negeeye miis hortiisa yaal ka tiigsaday, waxii ku jiray oo shaah bigays ah u ekaana bakeeri yar ku shubtay. Ma uu cabbbin ee labada calaacalood oo dhiibsan ayuu bakeerigii labada dhaban kaga qabtay oo sidii uu cajiimayo hore iyo gadaal ugu wareejiyay. Raadiyowga ayuu labada indhood si ba’an ugu hayaa sidii uu codka ka soo baxaya arkayo. Waa cod ugub oo laga dhadhansanayo hilaw xanuun leh. Waxaad mooddaa farriin cabasho oo ka imanaysa duni aad u fog.

Heestii markii ay dhammaatay, muusiggiina go’ay, ee ay qayladii jibbaysnayd ee dadweynuhu mar kale cirka isku shareertay, ayuu Negeeye bakeerigii sidii uu liqayo af ka la waaxan ku la booday oo waxii ku jiray mar keliya isku shubay dabadeed isaga oo faaruq ah miiska gunta ugu dhuftay. Kuwa kale heesta ayaa dareenkooda kicisay una sharxeen in ay tartanka caawa ku guulaysato. Laakiin isaga fekerkiisu kaas ma ahayn, codka heesaya ayuu gartay, waa gabadhiisii lix iyo toban jirka ahayd, Idil.

Shalay galab ayay aabbeheed guriga ugu timid si ay ugu wargeliso tartanka ay ka qaybgelayso ee caawa ka dhacaya Golaha Murtida iyo Madaddaalada. Waxa ay se u timid isaga iyo asxaabtiisa oo inta ay isku sakhraameen isdilaya, iyada oo ooyaysa ayayna dib u carartay. Firxadkii gurigoodii waa ay dhaaftay oo waxay u gashay Leyla iyo Deeqa. Labadooda ayaa habeenkaa Tiyaatarka u raacay, oo kumanyaalkii qalaadaa ee ay u heesaysay wehel uga noqday.

Dadkii Fillo Adduun mar kale ayay cawayskoodii xiisaha lahaa sii wateen, laakiin Negeeye waxaa ku furantay duni kale, duni aan ku cusbayn haddana ku cusub. Ma ilmihii yarayd baa qofka caawa raadiyowga ka heesaysaa? Goorma ayay intaas la’ekaatay? Waqtigu dheereeyee ma jin baa eryaya?! Yaa Idil fikradda ku dhaliyay? Yaa heesta u dhiibay? Kaliil mee, curadkii reerku? Muxuu Dunida ka og yahay? Taariikhda ma yaqaan? Damalweyn ma yaqaan, iyo ilmo Goodir?

Negeeye arrin uu dhowaanahan ka fekeri jiray laakiin haleeliwaa kaga gudbanaa ayaa caawa isu ballaqday. Meel uu joogo iyo xaalad ku jiraba wax kale ha illaawo mase illaawin nimankii ay dhagartu ka dhexaysay ee ilmo Goodir. Wuxuu og yahay kii ugu weynaa, CaliDheere, ee waah hore xerownimada Xamar ku soo galay, isaga oo ganacsade ah in uu xaas iyo carruur ku lee yahay Degmada Kaaraan, laba isaga ka yaryar oo walaalihii ahina halkaa ku weheliyaan. Labada yaryar Negeeye waxaa ugu dambaysay iyaga oo carruur ah, dadkana ka ma uu aqoon haddii ay ka soo hor baxaan. Sidaas darteed mar hore ayuu dadaal u galay in uu wejiyadooda si qarsoodi ah ku barto si uu isaga ilaaliyo.

Taasina waa ay u suurto gashay. Sida uu u la socdo si la mid ah ayay iyaguna u la socdaan isaga iyo wiilkiisuba in ay Xamar joogaan, ha ahaato ee isma arkaan. Sidii uu magaalada u soo degay mar keliya ayuu Cali-Dheere arkay oo ka gabbaday. Sababta ugu weyn ee ay isu arki waayeen waa noloshooda iyo dhaqankooda oo aad u ka la duwan. Meelaha uu badanaa Negeeye tago ama maro, waqtigana inta badan ku qaato, ilmo Goodir maba oga in ay jiraan. Wuu se malaynayaa haddii ay raadinayaan muddadaa in aanay fursad u waayeen. Sidaas oo ay tahay weligii isma uu dhigan ee intaa wuu digtoon yahay. Laakiin caawa baqdinta uu naftiisa uga qabo waxaa ka weyn ka uu Kaliil oo gaashaanqaad noqday uga qabo. Horeba taa wuu uga fekeray caawa ayay se ku xoogaysatay.

Habeenkii ay Idil tartanka hirgelinta heesaha ku adkaatay galabtii xigtay, kooxdii ay wada fadhiyeen inta uu ka fasax qaatay, ayuu isaga oo baabuur wata gurigii ay carruurta iyo Amran degganaayeen afka saaray. Gurigu aad ayuu uga duwan yahay markii ay reer Rooble ku noolaayeen. Waxa dad buuqaya ee galaabaxaya, waxa uunsi, cadar iyo sigaar ka la duwan ka soo kakamaya, derbiyada sidii ay habar jin iyo boorane qabtaa u cuskanaysay waxa dufan madoobeeyay la ma malayn karo.

Gurigu ha iska foolxumaado, laakiin reer Rooble laga raysay. Weli waxaa loo arkaa in ay ahaayeen qoys derisnimo xun oo dhaqan xun. Odaygii afka taagi jiray iyo duqdiisii buurnayd ee sidii laba gaal gacmaha isqabsan jiray, iyo gabadhoodii aan weligeed bir xalaalaysa gudaheeda la taabsiin, iyo geeljirkii yaraa ee ay sidooda ka dhigeen, midkoodna loo ma darsan. Sidii ay Amran u soo degtay gurigu waa goob khayr leh iyo xarun xaawalaydu ku kulanto. Waxa cudur ay dhakhaatiirtu cilinkiisa saari waayeen lagaga dawoobay, waxa manfac iyo madaddaalo wadajir ah laga helay, iyo waxa waagii beryaba miskiin hor taagan ee aan cunto ka waayin la ma tirin karo.

Negeeye mar haddii ay booqashadiisa reerku yar tahay, maanta se u yimid, wuu jeclaa in uu fadhiisto oo cabbaar la joogo. Markii se uu arkay habraha meel walba daadsan wuu ku diiqadooday, wuxuuna ka baqay in uu qaar ku joogsado. Taas awgeed intii ay dhallinyarada uu magaalada u qaadi lahaa diyaar garoobayeen isagu Amran ayuu daaradda la taagnaa.

Amran in kasta oo aanay maanta ahayn qalanjadii reer damalweyn, oo ay raadadkii waqtigu korkeeda ka wada muuqdaan, misana marka ay dufanka iyo qiiqa ka qubaysato, ee dhar bilic leh gashato, eegmadu waa ay ku raagaysaa. Wejigii bashaashka ahaa ee goor walba dhididka khafiifka ahi saarraan jiray weli waa tabtii. Indhihii galgalacsanaa ee la moodi jiray in ay hunguroonayaan weli waa tabtii. Waxoogaa shilays ah mooyee xaalkeedu waa caaddaa. Negeeye oo ay ka da weyn tahay in ay ka yar tahay ayaa la moodaa. Jin baa uga xoog sheegtaye naag kale ku ma uu doorsadeen. Imikadan qudheeda marka ay iyada oo dirac khafiif ah gashan hortiisa taagan tahay, ee uu gaaddada ilaa caloosha arkayo, iyo dibnihii buurbuurraa, neecaw hilaw ah ayaa qalbigiisa maraysa. Waxaas oo qurux ah jin baa calfaday, ayuu niyadda iska yidhi.

Amran mooyee afartii kale inta ay baabuurkii isku gureen ayay jidka cabbeen. Labada gabdhood ayaa gadaal fadhiya intaana hoosta wax ka xamanaya oo ka qoslaya. Negeeye iyo Kaliil iyagu sidii laba sanam ayay iyaga oo shib ah xagga hore isdhinac qotomaan.

“Maxaad la aamusan tihiin?” Idil ayaa labadii nin wayddiisay, iyada iyo Ubax ayaana qosol ku wada dhuftay.

Negeeye dib ayuu u soo yar jalleecay.

“Malaha waxaad rabtaa in aan sidaada Raadiyow Muqdisho ka qayliyo?”

“Aabbe, miyaadan guushii xalay iigu hambalyaynayn?” “Hambalyo? Wax aadan ab iyo isir, dhaqan iyo dhalasho, u lahayn

baad gashay markaasaad weliba hambalyo iga filaysaa?” “Aabbe, haddaa yaa isir iyo dhaqan u leh?”

“Cidda u leh waxba kaa ma gelin ee yaanan waxaa dib kuugu arkin. Ma i maqlaysaa?”

“Laakiin fanka maxaa xumaan ah ee ku jira?”

“Xumaan oo dhan baa ku jirta ee anshax xumadaa dib ha ugu noqon. Sow maqli maysid? Maalin dambe yaanan kugu arkin.”

Halkaa wuxuu ka bilaabay hadal dheer oo waano iyo talo ah, wuxuuna ugu celceliyay in aanay reerkoodu fan iyo fannaannimo dhaqan u lahayn ee ay ka fogaato. Iyadu juuq ma ay celin, intii dambe oo dhan xaggiisaba ma ay eegayn ee daaqadda ayay wejiga ku haysay oo duni kale ka daawanaysay. Waxay u egayd qof riyoonaysa, dhegaheeda waxaa ka sii baxayay sawaxankii iyo sacabkii xalay, qalbigeedana waxaa ka sii diirranaa farxaddii ay taasi ku abuurtay.

Ubax mooyee qof qoyska ah oo guushaa ku ammaanay ma jiro. Amran waa ay canaanatay, Kaliil wuxuu ugu dhaartay haddii uu dib ugu arko in uu garaaci doono, odaygiina waa kan sidan u hadlaya. Yaa qaldan, ma adiga mise iyaga? ayay iswayddiinaysay. Ma bulshada sacabka kulul guusha kugu siisay mise qoyskan jaanjaanka ah? Fanka aad jeclaatay maxaa dhaama oo ay iyagu hayaan? Ma jinka iyo jaanka ay Amran habeen iyo dharaar u adeegayso? Mise sakhradda iyo tumashada silloon ee Negeeye?

Mise shakhsiyadda isku duuban iyo dookh la’aanta Kaaliil ee aanu xataa qayrkii kubbadda la cayaari karin? Adduun ka la war la! Maxay ka og yihiin riyadaada ah in aad sida Maryan Mursal u caan baxdid? Maxay ka yaqaannaan gacaliye Farxaan ay dhunkashadiisa keli ahi dunida oo dhan kaaga qaalisan tahay? Maxay ka og yihiin liibaanta aad ka heshid marka ay farihiisa iyo dibnihiisu ku taabtaan? Maxay ka og yihiin waxa wadnahaaga ka buuxa? Waxaas oo dhan waxba ka ma oga ee qiiqa iyo qaadka ha iskaga dhex jireen. Negeeye maalintaa carruurta wuxuu geeyay dukaamo Xamarweyne ku yaal oo aanay markaa ka hor tegin, si aad ah ayuuna u soo arrad tiray, taas oo ahayd arrin uu ku liitay. Wuxuu kale oo casho aad u wanaagsan ka siiyay baar qurux badan oo aanay weligood meel la mid ah hore u gelin.

Fiidkii markii ay soo noqdeen hablihii inta uu guriga dhigay ayuu Kaliil baabuurka ku qaatay oo magaalada ku la noqday. Makhaayad yar oo aan laga aqoon ayay kuraas debedda taal, meel dhegaha dadka ka yar fog, fadhiisteen shaahna dalbadeen. Kaliil wuxuu noqday caato dheer, wuxuuna dhigtaa sannadkii dugsiga sare u dambeeyay. Waa nin urursan oo haddii da’diisa loo eego aad u qaladdaad yar. Dhar xidhashada iyo nadaafadda guud waxaa ka muuqda xilkasnimo iyo dishibbiliin wanaag. Hadal yaridii uu la yaraa ayuu la weynaa-day, waana ay adag tahay in uu cid wax wayddiiyo, haddii isaga wax la wayddiiyana jawaab waafi ah ma bixiyo. Waxaas oo dhami se waa dabaciga guud ee shakhsiyaddiisa dhabta ah weli wax badan laga ma saadaalin karo; nin yari waa nin ban soo ordaya. Isaga qudhiisa nolo-shu waxay u tahay wax ban soo ordaya, kolayga ay soo siddana far-xad iyo fajiciso wax ku jira la ma oga. Negeeye denbi wuu ka dareemaa aabbennimada Kaliil ee uu dayacay, laakiin wuxuu ku laab fayoobaadaa marka uu isagu carruurnimadiisa dib u jalleeco. In aan Kaliil habeen keliya gaajo ku seexan, dunidana lagu ciilin, halka uu isagu gaajo iyo silic ku soo koray, ayuu ku fekeraa. Aad isuma arkaan, arrinta ilmo Goodir ayaa se ah sababta kulankan caawa. Inantii shaaha u keentay markii ay ka tagtay ayuu inankii ku yidhi:

“Damalweyn baan ku dhashay kuna kacaamay, maxaan markaa uga imid ayay ku la tahay?”

“Xor baad ahayd.”

“Laakiin waxa xorriyad loo sameeyaaba sabab ayay lee dahay.” Kaliil ma hadlin, Negeeye ayaa dabadeed raaciyay: “Habeenkii aan dhashay ayay aabbahay dileen, ka dibna ku heshiiyeen in ay dhiiggayga duudsiyaan. Haddii aan yeeli waayayna soo dhacsigii aanadayda cidna garawsho kagama aan helin.”

“Waa ayo cidda ku duudsiday ee aad garawshaha ka wayday?” “Umad dhan, shisheeye iyo sokeeyeba.”

“Waxaa igu maqaalo ah magtii aabbahaa in la bixiyay, arrintana laga heshiiyay, adiguna aad dhaaratay”, ayuu Kaliil yidhi isaga oo indhaha aabbihii ee nalka makhaayadu hayo toos u eegaya.

Hadalkaasi Negeeye kagama farxin. Wuu malaynayay in uu Kaliil warkaa cid kale ka maqlay, waayo dad badan oo ay isxigaan ayaa intaa Damalweyn ka yimaadda, guriga Amran ee uu goor walba raashinka rooxaanta loo kariyaa ka bisil yahayna waa bartilmaameed ay dadkaas gaajaysani soo wada beegsadaan. Laakiin ma war sidaas u tifotiran? Waxa uu caawa Kaliil ku hadlayaa waa dhaliishii weligii loo soo jeedin jiray ee uu ku daalay. Garawshaha uu curadkiisa ka waayay waa ayo cidda uu ka sugayaa?

Kaliil isagu arrinta ilaa yaraantii xan ayuu ku maqli jiray, laba sano hortood ayuu se oday reer damalweyn ah oo Xamar soo booqday sidii ay wax u ahaayeen oo dhan uga sheekeeyay. Intii maalintaa ka dambaysay dabeecadda labadiisa waalid indho dheer ayuu u lahaa, wuuna ka xumaa in ay arrin sidaas u weyn ka qarinayaan. Sidaas oo ay tahay haddana isma dareensiiyo tariikhda aabbihii in ay isaga wax badani ka khuseeyaan. Noloshiisa yar ku ma xidhiidhin karo dhacdooyin iyo xilli sidaas uga fog. Negeeye isaga oo fekerka yarka fahmay kana xanaaqay ayuusan haddana doonayn in uu u muujiyo. Caawa in ay si cad u wada hadlaan ayaa muhiim u ahayd.

“Fikraddaadu ha dambayso, waxaa se muuqata arrinta in aad ka dheregsan tahay”, ayuu yidhi Negeeye.

“Bartire meel ma wada joogo warna isku ma seeggana.”

“Ciddii doontaa ha heshiiso, magtii la doonana ha la ka la qaato, ee aniga oo keliya ayay i khusaysay.”

“Miyaad ku khasbanayd in aad dhaaratid?” ayuu Kaliil aabbihii wayddiiyay isaga oo xiganaya faallo uu odaygii u warramay ka maqlay oo ah Negeeye in uu Ilaah iyo aadami labadaba ku wacad furay.

“Haa, waan ku khasbanaa. Adigana waxaa ku la gudboon in aad garatid cidda maanta ciil qabtaa in aanay adiga ahayn ee ay tahay iyaga, waayo ciilqab waa inan gumeed. Waxaan kaaga digayaa nimankaasi in aanay weligood sabrayn, sidaas darteed aad meel kasta oo idin kulansiin karta ka fogaatid.”

“Nimanka aad sheegaysaa in ay halkan innala joogaan sow ma ogid?” waxaa wayddiiyay Kaliil.

“Haa, waan og ahay.”

“Markaa haddii ay doonaan waa ay ina heli karaan, sow ma aha?” “Wax waliba waqti ayay leh yihiin. Waxaa laga yaabaa aniga in ay igu dhici waayeen, waayo waa ay og yihiin in aan hubaysan ahay, adiguna imika ka hor nin yar baad ahayd. Si ay tahayba waxa ay samayn waayeen inama khusayso ee waxa ay samayn karaan ayaa ina khusaysa.”

Wuxuu ku talo jiray in uu yarka u warramo una digo, wuxuu se imika hor fadhiyaa nin weyn oo isaga qaladaad ku eedaynaya. Malaha waa ka la maqnaanta badan ee haddii aad koritaankiisa joogto u la socon lahayd waad aqbali lahayd ninka sidan kuu dhaliilayaa in uu yahay dhallaankii shalay. Kaliil digniinta habeenkaa waxba ku ma qaadan waxbana ka ma soo qaadin. Markaa ka hor iyo ka dib toonna baqdinta ilmo Goodir ku ma seexan ku mana soo toosin. Isaga oo og aanada aabbihii in ay tiisa tahay ayaanay haddana marnaba naftiisu ku qancin in sababtaa loo malgi doono.

Kulankaas isaga iyo aabbihii laba bilood muddo aan ka badnayn markii laga joogay ayuu Kaliil goor caways ah gurigooda Kaasa Boballaare ku yaal u soo lugeeyay. Wuxuu ka soo baxay shineemo Hodan, wuxuuna soo dhex maray Suuqa Siigaale oo laga ka la carraabay, oo malaha ah suuqa dunida ugu foolxun uguna nadaafad daran. Waa cooshado mugdi ah oo jawaanno duugoobay, jiingado daxalaystay iyo qoryo gaboobay ka dhisan. Waxaa daadsan qudaartii iyo waxyaalihii kale ee maanta halkaa lagu iibinayay oo aan la xaaqin. Ur ka la duwan oo xoog leh ayaa cooshadaha cidlada ah ka soo baxaysa, waxaana marba dhan isu baacsanaya eey, bisado, jiirar iyo baranbaro.

Wuu tallaabo dheereeyay si uu meesha foolxumadeeda dhakhso u dhaafo. Markii uu suuqa ka sii baxayay wuxuu arkay laba qof oo si miiggan u soo daba socda. Dhiillo isma gelin ee socodkii ayuu sii watay. Wax yar ka dib, intii aanu weli xaafadaha ilayska leh gaadhin, ayay labadii nin soo gaadheen, iyaga oo aad ugu dhow ayay dhinacyada ka ka la mareen, midkood ayaana ku tiraabay:

“Kaliil!”

“Waa kuma?” ayuu u celiyay oo tallaabada yar dhimay.

Halkii uu jawaab ka sugayay ayuu kii dhanka kale ka marayay toorray xiiraysa calosha ka mariyay. Isaga oo dooxan ayuu hubkii iyo ninkii ku dhuftay degdeg isugu duubay. Laakiin kii kale ayaa toorray kale degdeg kelyaha uga darandoorriyay, ilaa uu isaga oo calal dhiig leh u eg maydnimo dhulka u dhacay. Waxay ahaayeen ilmo Goodir, labadii Cali-Dheere ka yaryaraa. Miskiinkaa aan waxba galabsan waa taa god loo qoday ee iil lagu gufeeyay ciidna lagu daboolay. Maryihiisii dhiigga lahaana waa taa god kale lagu aasay. Waxaa ka soo hadhay oo keliya timihii maydkiisa laga xiiray, iyagiina markii ay Idil damacday in ay aasto waa taas dabayshu ka ka la filiqday.

Kaliil nolosha miyuu ka hadhay mise iyada ayaa ka hadhay? Miyay ka la leexdeen mise waa ay ka la ambadeen? Xaqiiqadiisa yari ma waxay qayb ka tahay xaqiiqo weyn, mise waxay u taagan tahay iskeed? Horta xaqiiqo yar iyo mid weyni ma ka la jiraan? Xabbad caleen ah oo geed ku taal xidhiidh ma la lee dahay caleemaha kale? Marka ay go’do geedku ma tabaa, iyadu se geedka ma tawdaa? Miyay ka raysataa mise waa ay u darsataa, mise waa ay macno beeshaa oo luntaa? Hore macno ma u lahayd?

Haddii aad indho beeshid arag la’aantu miyaa ay tahay in ay dunidu mugdi noqotay? Haddii se aad dhego beeshid aamusku miyuu yahay in ay sanqadhu go’day? Dhegoole onkod ma yaqaan, indhoole se hillaac? Labadaas xaaladood ee ay mid waliba ka kale xaqiiqadiisa ka baxsan tahay ka indhaha iyo dhegaha qaba sow xaqiiqadiisa ku ma wada jiraan? Sidaas sow garashu ku noqon mayso hirar ka la shisheeya oo marba hirka muuqdaa yahay waxa sugan, wixii kale oo dhamina male male iyo hummaag?

Ma jirtaa xaqiiqo ka baxsan aragga, maqalka, dhadhanka, urinta iyo taabashadu? Riyada, mala’awaalka, farshaxanka iyo afshaxanku, tusaale ahaan, xaqiiqada ma ku lid baa mise waa hirarkeeda fogfog dirqi ku muuqda?

Negeeye wax badan ayuu qof dhintay arkay, qaar badan ayuuna gacantiisa ku malgay, waa se markii labaad ee uu aas ka qaybgalo. Markii hore waxay ahayd ayeydii Dahabo. Maanta ayuu dareemay xanuunka ay lee dahay qof dhan oo soo taagan in ay dadkiisu waayaan. Waa inankiisii keli ahaa ninka ciidda hoos maray, rag ilmo Goodir ugu horreeyaanna waa ay isu dhaarsan yihiin. Wuxuu xasuustay maahmaahdii reer miyiga: “Haddii uu Ilaahay wiil ku siin waayo cadawgaaga ayuu kaaga hiiliyay, haddii aad adigu dhali waydana cadawgaaga ayaad isaga hiilisay, haddii aad madi dhashana cadawgiisa ayaad uga hiilisay (cadawga ayaad u hiilisay).”

Amran iyo hablihii oo baroori ka dhammaatay meel dhinac ah ayay dumar kale ku hayaan, laakiin Negeeye Kaliil ayuu bud’dhigayaa. Markii ciidda lagu rogay ayuu wadaad kitaab yar oo duug ah kilkisha ka la soo baxay, dadkiina wayddiiyay magaca ninka la xabaalay iyo ka hooyadii. Markii loo sheegayna sidii qof nool ayuu ku la taliyay: “Kaliil Amranow, waxaa kuu imanaya laba malag, waxay ku wayddiinayaan Ilaahaaga, diintaada iyo ergaygii laguu soo diray. Waxaad u sheegtaa: Ilaahaygu waa Alle, diintaydu waa Islaam, rasuulka la ii soo dirayna waa Maxamed…”

Negeeye wuu garanayay afkaasi in uu yahay af diineed aanu wax badan ka aqoon, wuu se la yaabay wadaadka oo aad mooddid in uu qof hor taagan wax u sheegayo. Runtii Kaliil ma maqlayaa waxa loo sheegayo? Ma waxaa lala hadlayaa raqdan qabow ee godka dhex taal, mise naftii oo aan muuqan? Waxaa kale oo uu Negeeye la sii yaabay sababta inankiisa loogu magacaabay ina Amran. Markii aaska laga dareeray ayuu se taa Diiriye ka shaafiyay: “Qofna aabbihii la ma hubo hooyadii se waa la hubaa.” Dabadeed Negeeye wuxuu xasuustay maalintii ay Amran iyada oo Kaliil xambaarsan u la timid.

Geeridu   waa  xaq,   tan   se   masaalkeed   la   ma   arag.   Amran uurkutaallada ay qabtaa curadka ay wayday oo keliya ma aha ee sida ay ku wayday baa laba geeriyood ku ah. Waxay hubtaa dhimashadiisa in ay iyadu sabab buuxda u tahay. Waa taas iyada oo qaylinaysa daaradda guriga hawaarta, ee labada gacmood mar dhulka la dhacaysa mar madaxa marna bawdyaha. Quruumaheedii dhami waa kuwaa ku soo xoomay, waxba se u ma qaban karaan. Buraanbur ay muruga-du u hal abuurtay ayaa oomato u ah oo ay habeen iyo maalin afka ku haysaa:

Danabkaan dhaloow hooyo anigaa ku dilay

Anigaa kugu dooxay ableydii darrayd

Daabka anigaa hayoo degdeg kuu la dhacay

Dakano kaa fog anigaa debed kuugu xidhay

Dacar qooshan anigaa dawo kaaga dhigay

Taas waxa ay ka waddo cidina ma fahamsana. Sir buuraha ka culus baddana ka baaxad weyn ayay weligeed caloosha ku sidday oo ay maagganayd in ay Kaliil ku wareejiso. Maalinta uu dugsiga dhammeeyo ee noqdo nin culayska intaa la’eg qaadi kara ayay la sugaysay. Laakiin waxay ahayd meel Alle wax ka wado. Inta ay nafteeda hiifayso in la’eg ayay Negeeye hiifaysaa; in la’eg ayay macangegnimada iyo hubsasho la’aanta ilmo Goodir hiifaysaa; in la’eg ayay odaygii inkaarta qabay ee reer Damalweyn hiifaysaa; in la’eg ayay qaddarka hiifaysaa.

Negeeye markiiba wuu ogaaday ilmo Goodir habeenkii ay dilka geysteen in ay magaalada ka baxeen, taas oo ahayd tallaabada keliya uu hubay in ay qaadayaan. Dabadeed toddobaad dhan ayuu keligii ahaa oo khamri iyo sigaar isku daldalayay in ay cidi u soo gashana diiday. Mar haddii aanu maanta gacantiisa ku aarsan karin, dacwad dalluun ka qoddo dheer oo aan gunteeda cidina ka gayoonayn in uu daboolka ka rogo wuxuu ka door biday in uu ilmo Goodir waqtiga la sugo. Sidaas ayaan dilka Kaliil cid loo qabto iska daaye cidna loo dacweyn.

Saddex toddobaad ka dib, Negeeye oo sidiisii koox rag iyo dumarba leh Fillo Adduun si habsami leh u la bulshaynaya, ayay Amran oo aan weligeed halkaas ku soo booqani kediso ugu timid. Raxmo-Yarey oo albaabka ka furtay ayay in uu u soo baxo u fartay, iyaduna geed beerta ku yaal hooskiisa ku sugtay. Isaga oo feedho qaawan, cankana qaad uga buuxo, oo dhidid ka qubanayo, ayuu u soo baxay. Intii uu ku soo socday waxay ka fekertay in ay yihiin labada qof ee dunida ugu ayaandaran.

“Berri ayaan Damalweyn u socdaalayaa ee hablaha ka sii war hay”, ayay ku tidhi.

“Maxaa Damalweyn kaa jira?”

“Nimankii wiilkayga qashay ayaan raadsanayaa.”

“Oo maxaad ka qaban kartaa? Miyaad dagaal tegaysaa?” “Dagaal iyo dood mid ay noqotaba waa in aan tagaa.” “Amran, arrinta ha iga dhabqin ee aniga ii daa.”

“Dhegeyso Negeeye, waxay i la tahay in la joogo goortii aynu sidii dad waaweyn u wada hadli lahayn.”

“Haye?”

Waa ay aamustay. Sidii ay wax ugu sheegi lahayd waa ay soo diyaarsatay, erayada ay ku dhihi lahaydna soo xulatay, laakiin hadalba wuu ka soo bixi waayay. In ay qof qalbi adag tahay ayay weligeed isu haysatay, laakiin maanta ma qalbi adka. Oohin ayay ka wareegtay, illin iyo dhidid isku milan ayaana wejiga qooyay, orod ayayna ganjeelada kaga baxday. Negeeye waxaa ku dhacay yaab iyo fajac, wuxuuna aad isu wayddiiyay waxa ay doonaysay in ay ka la hadasho ee ay awoodi wayday. “Sidii dad waaweyn” maxay ka wadday? Awal ma sida carruurta ayay kuu la hadli jirtay? In kasta oo ay Amran feker yaab leh ku ridday, haddana galabtaas ka ma uu daba tegin. Xaalad tumasho oo aan la quudhi karin ayuu ku jiray, sidaas darteed wuxuu ku tashaday in uu hawshiisa iska sii wato oo berri gurigeeda kaga war doono. Maalintii xigtay qaaddiro darteed ayuu hurdada aad ugu daahay, kowdii duhurnimo ayuuna kacay. Saddexdii galabnimo ayay ahayd markii uu gurigeeda yimid, laakiin Amran ma ay joogin oo saaka ayay baabuurkii u horreeyay ku dhacday. Markii uu gabdhaha xaalka hooyadood ka waraystay ku ma ay kordhin wax aan ahayn in ay nimankii Kaliil dilay Damalweyn ka doonatay.

Intii aanay Amran Xamar ku soo noqon Negeeye wuxuu ogaaday in ay Damalweyn ka dhacday gar jilibcarro ahi. Gartaasi waxay dhex martay ilmo Goodir oo dhinac ah iyo Amran iyo Xaaji Haybe oo isku dhinac ah, waxaana gawaanta dhexe taallay naftii mindiyaha lagu gooyay ee Kaliil. Gun iyo gunaanad xaajadaasi waxay noqotay sidan: Kaliil ma uu ahayn ina Negeeye. Wuxuu ahaa ina Xaaji Haybe. Gole ay ilyartu isqabatay ayay Amran iyo Xaajigu taa isla qirteen.

Sidaas ayay ahayd. Siddeed iyo toban sano ka hor markii ay Amran uurka Kaliil isku ogaatay Xaajiga ka la ma ay gabban in ay u sheegto xaqiiqada uu isagu sababteeda lahaa. Isaguna wuxuu talo waayeel uga dhigay: “Amran, dantaada ma ahi adiguna dantayda ma tihid ee ina wada astur. Lacagtaas nooli iyo nolol ka sii dhigo oo Negeeye meel uu jiraba kaga daba tag.” Amran waa ay yeeli kari lahayd in ay Xaaji Haybe faraqa ku dhegto, laakiin sidii uu isaguba sheegay iyada oo soddon jir ka yar danteedu lixdan jir ku ma jirto. Sababtaas ayay taladiisa u qaadatay. Negeeye u soo raadsatay. Dharaartii ay Baydhabo ugu timid waxii illin ka dhacaysay ka dhab ma ay ahayn, waxa ay se ku heshay naxariista Negeeye kaas oo aan aad u naxariis badnayn.

Aanadii Negeeye – Qeybtii 30aad

Fikirkaada Waa Muhiim