Qof waliba waa uu qarwaa inta badan, laakin waxaa jiro qarow lagu dhex socodo. Waligaa ma aragta qof qarow soconaayo? Adiga waligaa intaan soo kacday subixii malaguu sheegay in aad xallay soconeysey adigoo waliba wax war ah kaheyn?

 Haddaba Waa Maxay Qarow Socod?

 Qorow socodka waxa uu kamid yahay cudurada ugu caansaan ee lagu arko qofka marka uu seexdo kadib.Waxa uu caan ku yahay caruurta marka loo eego dadka waaweyn.

 Calaamadaha qarow socodka waxaa kamid ah:

  • Badanaa waxaa lagu arkaa qofka 1-2 saac kadib xilliga hurdada.
  • Uma jawaabo dadka kale marka ay la hadlaan inta uu ku guda jiro qarow socodka.
  • Qofkii oo aanan garaneyn meesha uu u socdo.
  • Qofkaa oo anan subixii xasuusan karin socodka xallay uu sameyey.
  • Dadka qaar waxaa lagu arkaa ayagoo hurdada ku jirey in ay wadaan gaari. Ama ay cunna kariyaan.
  • Dadka qaarna guriga oo dhan ayeyba ka tagaan ayagoon ogeyn!

Maxaa Sababo Qarow socodka xilliga hurdada?

  • Qof oo walwal ku furan yahay kahor inta uu seexan,waxa ay ku sababi kartaa qarow socod (sleep walking).
  • Dhaxal ahaan in ay qofka ku soo gaarto sida in uu waalidka qarow socon jirey.
  • Qandhada waxa ay sababtaa qarow socod.
  • Qof oo ay hurdada inbadan laga qaso, ama aanan seexan waqti isku mid ah, sida in uu qofka habeena seexdo 8:00pm, habeena kalena uu seexdo 10:00pm, habeena ku xigana uu seexdo 12:00pm waxa ay sababi kartaa qorow socod.
  • Daawoyinka qaar ee lagu daaweya cudurada maskaxda ku dhaco waxa ay sababaan qarow socod.

Maxaa Lagu Daaweyaa Qarow Socodka Xilliga Huradad?

  • Qofka in uu laasimt mar waliba dhagaysiga iyo aqrinta qur’aanka
  • Qofka oo ka fogaado walaac iyo walalka xilliga hurdada ka hor.
  • Qofka in iska illaaliyo kafeega xilliga hurdada ka hor.
  • Goobtaada seexashada ka dhigg meel dagan oo buuqeeda yar yahay.
  • Lahow waqti qorsheed seexasho sida in aad qorshaada hurdada aad ka dhigato 10:00pm oo kale.

Fikirkaada Waa Muhiim