NGO

“.. Peter Hallward wuxuu dhacdadii Hayti ugu magac daray NGO-yado inay yihiin “Humanitarian face of imperialism” waji-samafaleed oo la isku gumeysto.

Wali ma aragtay qof dhalinyaro ah oo ku leh mashruucaan waxaan wax kaga cunayaa haayadaha gargaarka ama ma aragtay wali oday Soomaaliyeed oo baadiyaha degan oo leh ‘International community-ga ha naga soo gaaraan?

“Qof gaajeysan gob ma ahan” – Maxamed Siyaad Barre, Illaahay ha u naxariisto.

“Qof gaajeysan gob ma ahan” – Maxamed Siyaad Barre

NGO “aragtida NGO-yada waxay ku salaysan tahay inta badan qof dhibbane ah in laga saaro dhibkaas, si kumeel gaar ama joogta ah. Intooda badana waa lagu guulaysan jiray.

Haddii ay noqoto hawsha gargaarka joogto waxay dowladihii Islaamka hindiseen awqaaf sida ceel la qodo oo dadku si joogta ah ugu cabbaan ama jaamacado la dhiso oo lacag la’aan lagu dhigto, markaasna waxaa meesha ka bixi jiray dadka danaha gaarka leh. Sidaas awgeed nolosha bani’aadamka wey isdabooli jirtay, wayna horumari jirtay oo dadkii jaamacadaas kasoo baxay ayaa dadka wax usii qaban jiray.

Dagaaladii soo maray dunida qarnigii tagay iyo wakhtigii la dhisay Qaramada Midoobay (United Nations) ayaa sanadkii 1945 waxaa soo caan baxay magaca NGO oo macno ahaan u taagan (Non-government Organizatioin). Inkastoo ay taariikh sheegayso magaca NGO-yada ay soo baxeen qarnigii 17aad -18aad. Kuwaasoo loo aas-aasay dhaqdhaaqyadii addoonsi kaxoroobidda iyo dhaqdhaaqyadii looga soo horjeeday cadaadisyadii lagu haayey dumarka inay helaan xaquuqdooda insaanimo iyo kuwii shaqaalaha ku doonayeen xaquuqahooda. Markii ay dhaqdhaaqyadaasi ka dhasheen natiijooyin ayaa waxaa ii balaartay NGO-yadii. Iyadoo la xuso in sanadkii 1914 dunida waxaa kajiray 1083 haayado gargaar (NGO).

Dagaaladii ka dhacay wadamada Galbeedka iyo xoreyntii wadamada Afrikaanka ee la gumaysan jiray iyo loolankii dagaalkii qaboobaa waxay sii xoojiyeen in awoodihii is-haystay ay mid walbo samaysato haay’ad gargaar ah oo ay ku kasbanayso dowladaha kale.

Laga soo bilaabo hano qaadka ilbaxnimada aadamaha, siyaasada dunida waxay ahayd mid isa saameysa mar walbana waxa jirayay xoogag saameyn toos ah ku yeelan kara hab maamulka siyaasaded ee dhulal kale, arrintaas waxaa sababayay kororka aqoonta oo horumarinaysay dhaqaalaha isla markaasna keeneysay danaynta dhulal & Baddo ka baxsan waddamada horumarayay. Sidoo kale dowladihii wax gumaysan jiray inay caawimaad u fidiyaan dowldihii ay gumaysan jireen iyadoo kadhex arkayay masaalixooda ama dad kale u arkayeen magdhow iyo saaxiibtinimo. Markii ay sanadihii danbe sii kordheen tirada haayadaha NGO-yada ka jira wadamada dhiban isku qiyaasna noqon waayeen tirada haayadaha iyo natiijada horumarineed ayaa la isweydiiyay,

‘NGO-yada ma dhaqaale kobcin ayay sameeyaan mise dib udhac iyo ujeedooyin kale?

Waxaa la isbarbar dhigay wadamada ay ku badan yihiin haayadaha NGO-yada sida Soomaaliya, Nayjeeriya, Suudaan, Tanzania, Yugaandha, Hayti, Hindiya iyo Bangladesh. Waxaana muuqatay inaysan wadamadaan wax horumar ah aysan ka sameynin haayadaha gargaarka (NGO) u fidiyeen ama aysan wali ka bixin baahidii faqri ee dadkaas la yiri ‘waa laga saarayaa, balse wadamadaas aad loogu dhaliilo musuqmaasuq iyo maamul xumo.

Waxaa la isweydiiyey dowr miyey ku leeyihiin NGO-yada dib u dhaca wadamadaasi?

Sanadkaan 2020 waxaa dalkaas ka diiwaan gashan 20,000 NGO-yo ah. Waa sida laga heli karo macluumaadka Answers.com.

Su’aashaas jawaabteeda qaabkee u qiimeyn kartaa. Inta aadan gelin qiimeyn dheer oo aadan soo bandhigin aragtidaada bal ila soco oo si gaar ah u fiiri qodobkaan soo socda. – wadanka Bangladesh waxaa la xusaa inuu yahay dalka ugu NGO-yada badan dunida. Sanadkaan 2020 waxaa dalkaas ka diiwaan gashan 20,000 NGO-yo ah, waana wadanka ugu faqrisan dunida.

Shamima Axmed oo macalimad ka ah Northern Kentucky University isla markaana qortay buugga layiraahdo (NGOs in International Politics) waxay xustay in dalkaas siyaasiyan iyo dhaqaale ahaanba u dib-dhacsan yahay, iyadoo ay ka hawl galaan NGO-yo badan oo ku dooda horumarinta iyo wanaajinta xaaladda dadka fuqarada ah.

Dalka Nayjeeriya, haweenayda Ogechi Njoku ka ah madax urur la yiraahdo (Secretary of Women In Nigeria -WIN) waxay ku xustay qoraal cilmi baaris ay ku sameysay in NGO-yada caalamiga ah adeeg walbo oo ay ka dhisaan Nayjeeriya uusan sii jirin markii ay hawshaas ka baxaan, iskuul, caafimaad, xaquuq u dirirka iwm. Sababtuba waxay ku sheegtay ‘dadka meesha degan oo aan xirfad ahaan loo maalgalineyn si kal iyo laabi ay ku jirto si’ay ula wareegaan masuuliyada adeegyadaas. Iyadoo raacisay siyaasada siyaasadda NGO-yada caalamiga ah inay tahay inaan la dhisin dad iyaga ka madax banaan kara, si joogitaankooda u noqdo mid loo baahan yahay.

Markii loo fiirsado, way kooban yihiin NGO-yada caalamiga ah ee kunool tabarucaadka dadweynaha caadiga ah ama awqaaf ay iyagu sameysteen.

Dib markii loo sii raacraacay NGO-yada caalamka ugu waaweyn badankood, waxay salka ku hayaan dowlado xoog leh oo ay u adeegaan masaalixdooda, islamar ahaantaana difaaca. Waxaana inta badan isku xeran safaaradaha jooga wadankaas la taageeraayo iyo NGO-yada ay taageerto dowladda iska leh safaaradaas, si looga warqabo hawlgalka NGO-gaas.

Haddii aysan maslaxad u arkin safaaradda dalkaas joogta, kobcinta dhaqaalaha ee dadka wadankaas kunool macquul ma ahan in NGO-ga kuxiran safaaradaas ay kobciso dhaqaalaha wadankaas.

Marar badan waxaa soo shaac baxa arrimo ay NGO-yada u ololeeyaan inay kujirto masaalixdooda gaarka ah. Tusaale ahaan Oxfam waxay u ololleysaa ‘ganacsiga cadaaladda ku dhisan ee kafeyga (fair trade coffee), iyadoo hadana Oxfam ay 25% saami ah ku leedahay ururka loo yaqaano ‘Cafedirect ee la yiraahdo ganacsiga xaq ah ayuu horumarinayaa.

Joornaalka ‘The Economist oo u kuuragalay hawlgalada NGO-yada ka sameeyaan wadamada soo koraya, ayaa ku tilmaamay inay tahay ‘imperalism’ ‘gumeysi oo nooc kale loo dhigay.

Arrimaha sii kiciyay dhaliisha ujeedooyinka NGO-yada caalamiga ah, ayaa ah in dadkii fuqarada ahaa ee aan haysan aas-aasiyaadkii nolosha bani’aadamka sida hooy, hunguri, iyo dhar lagu hawl geliyo arrimo la xariira siyaasad oo si dadban loogu kiciyo maamulkooda dowladeed. Ujeedada ayaa loo fasiran karaa inaysan xasilooni ka dhicin wadankaas iyadoo laga faa’idaysanaayo hoggaamiyayaal leh aragti aanan hooskooda ka dheereen.

Waxyaabaha kale ee aadka u muuqday tobankii sano ee dambe waxaa kamid ah dhaqaalaha ay NGO-yada u isticmaalaan maamul iyo mushahaar ahaan.

James Pfeffier oo kamid ah dadka u kuura galay NGO-yada caalamiga ah ee ka hawl galay dalka Mosambiik wuxuu xusaa NGO-yada inay ka dhigeen kuwa beylahan xarumaha caafimaadka ee dalkaas. Sababtuna wuxuu ku sheegay inay isbitaalada dowladda ay ka soo gurteen dadkii xirfada lahaa iyagoo mushaar badan u balan qaadayo. Arrintaan ayaa dhaawac u gaysatay adeegii shaqo ee dowladda ay u haysay dadkeeda iyo isbitaalada caamka ahaa oo noqda kuwa aanan daaweyn karin dadkooda.

Sidaasna ay ku luntay isku kalsoonidii ay dadka shacabka ah ku qabeen naftooda iyo adeegyada goloyaashooda caafimaad. Markaana meesha waxaa ka dhashay dowlad ku hoos jirta dowlad kale, kana xoog badan dhaqaale ahaan iyo taageero dibadeed. Maalintii ay NGO-yadaas ka baxaan dalkaas waxaa la burburaya adeegyadaas ay ku carqaladeeyeen kuwii dowladda. Natiijaduna waxay noqon dalkaasi inuusan horumar ka sameyn dhinacaas, kuna xirnaado NGO caalami ah.

Faylasuufka Peter Hallward ee udhashay dalka Kanada, wuxuu xusaa NGO-yada Action Aid iyo Christian Aid inay ka danbeeyeen afgambigii loo geystay dowladdii dadkeedu doorteen ee dalka Hayti, asigoo markaas ugu magac daray NGO-yada inay yihiin “Humanitarian face of imperialism”.

Androw S. Natsios oo mudo kusoo dhex jiray NGO-yada wuxuu xusaa in xornimada balaaran ee la siiyay ay mushkilad ku ah dalka ay taageerayaan. Ma dhacdo ayuu yiri ‘inay dhexdhexaad noqdaan, sawirkaas wey u muujiyaan dadka ay lacagta kasoo qaataan ‘deeq bixiyaasha’.

NGO-yada waxay arruuriyaan macluumaad aad u badan, kuwaan oo khalkhal gelin kara xasiloonida iyo aminiga dal leeyahay.

Arrimahaas kore waxay sababeen wadamo badan inay sharciyo gooni ah kasoo saaraan NGO-yada caalamiga ah ee dalalkooda ka hawl galaya. Tusaale ahaan Ruushka sharciyadiisa wuxuu gaarsiiyay NGO-ga ka diiwaan gashan dalka gudihiisa haddii uu doonayo inuu ka hawl galao arrimo la xariira siyaasadda, kana helo dhaqaale wadan kale waa inay isku diiwan geliyaan inay yihiin urur wakiil u ah dowlad shisheeye.

Dowladda Kanada waxay sidoo kale u aragtay xornimada dalka inay ka hor imaanayso ururada u ololleeya arrimaha bii’ada ee maalgelinta ka hela wadanka dibadiisa.

Wadamada ka qaatay go’aanka cadcad ee hawlgal NGO-yada caalamiga, waxaa kamid ah Itoobiya iyo Hindiya oo aad u kala saara ujeedooyinka horumarineed iyo la falgelid kuwa siyaasadeed NGO-da wata. Islamarkaana kula xisaabtama hawlaha ay dalka gudihiisa ka qabtaan. Go’aamadaan oo keenay inay dalalkaan aad ugu faa’iidaan NGO-gii ka hawl gala dalkooda.

Hadaba waa siddee, xaalka Soomaaliya iyo NGO-yada?

Dalka Soomaaliya oo lawada ogsoon yahay inay u tahay dalal iyo dadyow kale goob maslaxadeed ayaa kamid ah wadamada ay NGO-yada caalamiga ah aan ugu hawl galeen. Isla markaana saameyn weyn ku yeesheen go’aamada, hab fikirka bulshadeeda iyo dib udhaca kobaca dhaqaale iyo siyaasadeed ee tusaalayaasha loo soo qaato. Waxay xuseen Soomaali badan oo u shaqeysay iyo xubno kamid ahaan jiray maamulada dowladda iyo dowlad gobaleedyada in NGO-yada caalamiga ah ee laga leeyahay wadamada awooda leh ee ka hawl gala Soomaaliya u dirsadaan macluumaadyo aanan shaqo ku lahayn hawlaha gargaarka bani’aadamnimo ee qofkaas lagu shaqaaleysiiyay.

Arrimahaan oo ugu yaraan keenaya inay sii burburto kalsoonida dadka Soomaaliyeed ku qabi karaan maamuladooda ama masaalix dadyow kale. Laakiin lama dhihi karo qof walbo oo Soomaaliyeed ee u shaqeeya NGO caalami ah, shaqooyinkaas ayuu u qabtaa, laakiin waxyaabo badan wuu ka markhaati furi karaa qofkii la shaqeeya.

Waxaa dhacda NGO-yada caalamiga ah inay ku eedeeyaan kuwa gudaha Soomaaliya jooga ee iyagu tababareen musuq-maasuq, gobaleysi, qabyaaladeysi, xisaab-xumo, xirfad yari, ammaano xumo iyo dalaalnimo eedaymahaan oo lagu soo daabacay bogga “Insight on Conflict”.

Iyadoo ay Soomaalida istaqaan, isna difaaci karin, hadana marka qofku wax ka eego meel ka fog Soomaaliya iyo sawirka guud ee yaala Soomaaliya, wuxuu iswaydiinayaa dhawr arrimood. Haddii ardayga macalinkiisa u barin xisaabta si fiican, kuna abaal mariyo isdhib maryeen walba oo uu sameeyo, indhahana ka laabto khalad walbo oo uu fasalka ka dhex sameeyo, inta ardaygaas fulinayo maslaxadda macalinka. Isla markaana ardayga u fahmo sida saxda ah ee iskuulada looga dhaqmo inay sidaa tahay, ma macalinkaa eedda iskaleh mise ardayga mise labadooda? Haddii ardaygaaas lagu ganaaxo doqonimo, fahan iyo feker yari, muxuu noqonayaa ganaaxa macalinka aad doqonka ahayd, fekerkiisuna xumeyn?

Si aan su’aalahaas ugu jawaabno waxaa wanaagsan inaan marka hore ka jawaabno Soomaali ma iyadoo isqowracday mise waa la qowracay?

Shaki kuma jiro in NGO-yada caalamiga ee ka hawlaga Soomaaliya ay yihiin kuwa sababay amni-xumada iyo kala qeybsanaanta bulshada iyo dowladeeda.

Qoraa iyo aqoonyahaan Cabdiweli Maxamed Cali, wuxuu buuggiisa ku sheegay dhacdo shaqsi ahaan soo martay wakhtigii dowladdii KMG uu ahaa Ra’isal wasaaraha Soomaaliya. Waxaa jira buug uu qoray aqoonyahankaan, buuggaas waxa loogu magac daray ‘A challenging transition in Somalia. Waxaa buuggaas ku jira qoraalo xasaasi ah, haddii aan ka soo qaadano qodobka ku saabsan haayadaha gargaarka. Wuxuu yiri,

Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, PhD

“Waxaan xafiiskeyga marar badan ugu yeeray Haayada UN-ka iyo Haayadaha Gargaarka Caalamiga ee ka hawlgala Soomaaliya aan uga sheegay dhibaatada aan wajahayno. Waxay ii wada jeediyeen garbaha, ayagoo oo aan ka naxaynin nolosha dad badan oo Soomaali ah oo gaajo u geeriyoonayo.” – Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, PhD

Adiga ayaan kuu dhiibay su’aasha,….Haddii haayadaha gargaarka sidaas yihiin maxay Soomaaliya ka qabtaan?

Xalka waa naxay?

Caalam ahaan NGO-yada, waa kuwa laga warhaayo, Soomaali badana way ku baraarugsan tahay laakiin inta badan waxa laga raaco masaalixda gaarka ah ama inaan waxba laga qaban karin, madamaa uusan jirin qaran xoog leh. Guud ahaan cambaareynta dunida iyo isla fahmidda arrimahaan markii ay sii xoogeysteen oo loo arkay inaan indahah laga laaban karin, ayaa lasoo jeediyey mashruuc la magac baxay UN Programme for Africa’s Economic Recovery and Development (UNPAAERD) walise natiijo la taaban karo kama aysan dhalan.

Wadamada arrimahaan NGO-yada ka badbaada inta badan waxaa farogelin ku sameeyay dowladda. Iyagoo u tilmaamaayo adeegyada ay ugu baahan yihiin, kadibna kala wareega xilka hawshaas, loona dhiibo masuuliyiin lagu kalsoon yahay waxqabadkooda.

Sidoo kale Hindiya iyo Itoobiya, waxay dowladahooda xoojiyeen NGO-yada gudaha dalka laga leeyahay oo laga dhigay kuwa loo carbiyay ka shaqeynta masaalixda dalka. Kadibna waxa lagu khasbaa NGO-yada caalamiga ah inay la shaqeeyaan kuwaas gudaha.

Wadamo kale sida Ruwaandha, gargaarka iyo NGO-yada waxay ka doorbidaan maalgashiga iyo ganacsiga, iyadoo arinkaan aad usii fududeeyay. Sababtoo ah dadka u dhashay dalka markii ay helaan dhaqaale abuur iyagaa dhisanaya iskuulada iyo isbitaalada ay u baan yihiin oo marba la jaanqaadaya inta ay le’eg tahay tayadooda dhaqaale. NGO-yo badan way qabtaan wax wanaagsan, laakiin wanaagga wuxuu miro dhali karaa marka ay dadkii lahaa katashadan karaan aayihiisa, faa’idadiisana u harayso iyaga.

Ra’isul wasaarihii hore Ingiriiska Winston Churcil wuxuu yiri “The Empires of the future are the empires of the minds” ‘Boqortooyada mustaqbalka waa boqortooyooyinka maskaxda’.

Adduunka maanta wuxuu iska noqday mid la iska haysto xagga maskaxda iyo dhaqaalaha, dadkii aan labadaas ka xaroobin, iyagoo isku haysta inay xor yihiin, ayaa la gumeysanayaa. Gumaysiga dunida maantana ma ahan siddii kii waayihii hore jir ahaan la israran jiray balse waxa la iska rartaa caqliga iyo maskax ahaan iyo kheyraad ahaan.

Taas macnaheedana ma aha, qofku inuu khalad u fahmo la shaqeynta dowladaha caalamka ee ay masaalixdu dhexmari karto ama qolo walba oo ay ka dhaxeyn karto masaalix ay dan ugu jirto. Sababtoo ah bani’aadamka makala maarmo weyna isku baahan yihiin ayagoo kala dhaqan iyo diin ah. Isku baahnaantaas ayaa keenayso in aadanaha dhex marto wada xaajood iyo wax wadaagid.

Sidoo kale waxaa cabir iyo aqoon duruqsan u baahan masaalixda nooca ay tahay, sidoo kale waa in ay jirtaa dad matala aqoona u leh wada xaajoodka iyo wax wadaagida. Sidoo kale waa in wax laga ogaado masaalixda dhibka ay u keeni karto qiyamka qaranka, qofka qiyamkiisa, akhlaaqdiisa, dadkiisa iyo dalkiisa iyo faa’idooyinka ay u keeni karto.

Waxaas oo dhana waxaa cabbiri karo dad awood, karti iyo khibrad uleh fahmida masaalixda la isku darsanaayo, khasaaraha ku jiri kara iyo haggardaamooyinka ku hoos qarsoon. Dadkaas oo isla markaana doonaya dhawrista jiritaanka mustaqbalka jiilashooda jooga iyo kuwa soo socda.

 

Xigasho: Aljazeera America http://america.aljazeera.com/opinions/2014/3/making-fun-of-westernaid.html

Buugga ‘A challenging transition in Somalia

Kafaalo Magazine

Fikirkaada Waa Muhiim